Saturday, August 29, 2009

“Haddaan Dhergo maba tago”

Daljire - DALJIRE

“Haddaan Dhergo maba tago”

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Horta nimanyoo waanigii Ramadaanta qaadka iska deyn jiray ee mafrishkana fasixi jiray laakiin markaan arkay cid kale iska daayoo Guurtidii oo fasax tegi weyday ayaan anna idhi mafrishkii xidhi mayo oo kalfadhi aan caadi ahayn baynu gelaynaa, codna loo qaadi maayo. Bal horta aan daaqadda inaga xidho.

Doolaal:waar sidaad leeday? Ha nagu xidhin daaqadaha waa kulayle. Taraawixiidii baanu ku soo yar kululaany eh. Halkuuse qiiqa sigaarku ka baxayaa haddaad nagu arjunto meesha?

Dubbe:waar u kaadi waxba ma ogide meeshu waa waddo eh.

Dollaal:oo waayo hadday tahay? Sawtii weligeedba ahayd ee daaqadahu noo furraayeen.

Dubbe:waar dumar baa meesha mara nninyow.

Doolaal:Muxuu ku hadlayaa? Oo hadday maraan waayo.

Dubbe:Sawtan la yidhi dumar askar wata oo Madaxtooyada ay saaxiib yihiin ayuumbaa daf ku soo odhanaya oo kan ii xidha ayuumbay odhanayaan Daahir buu sawirkiisa ka sii jeestay ama wax ku yidhi dabadeedna meel aad martay lagu arki mayo. Ta kale waxaan garan waayay marka la leeyahay “dumar mataxtooyada la saaxiib ah” waa maxay? Side madaxtooyada dumarku ula saaxiibaan? Wallaahi inaynu UDUB wax walba ka maqli.

Doolaal:Waar waxaad sheegayso garan maynee daaqadaha naga fur.

Dubbe:Horta laba arrimoodba way iga qosliyeen doorkan. Dhallinyaradaa saxafadda ee bixisay ereyga “dumar Madaxtooyda la saaxiib ah.” Iyo maahmaahdii Abiib Timacadde ugu maahmaahay Ina Rayaale ee Haatufna sawir gacmeedka ka samaysay.

Doolaal:Oo maxay ahayd?

Dubbe:Wuxuu yidhi. “ninbaa maqaaxi (hudheel) awlal hilib ah ka dalbaday. Markuu kii liqay ayuu mid kalena dalbaday oo liqay. Lacagtii keen baa la yidhi. “ma hayo, waanan gaajaysnaa” ayuu yidhi. Haddaad mid cuntay oo gaajo kuu geysay lacagna aanad isku ogeyn maxaad ka labaad kuu geeyay baa la yidhi. Orodoo iska tag oo hadaba na dhaaf. Intuu dharkii la baxay ayuu yidhi. “haddaan dhergo maba tago illaa aan .......................”

Doolaal:Ma halkaasaa maraysaan oo waxasaa ku hadlaysaan?

Dubbe:Waxaan ku weydiiyay nimanka odayaasha ah ee xildhibaanada maxaa helay? Anigu rag waaweyn oo sharaf leh ayaan ku iqiine sidee wax noqdeen?

Doolaal:maxay sameeyeen? Haddii meesha laysu joojin waayo saw inuu raggu wax iska celiyo maaha?

Dubbe:Waxa la yidhi wax allaale wixii qaad lagu raro haddu gaadhi yahay, hadduu dameer yahay iyo hadduu dad yahayba wuu ka dheereeyaa kuwa kale ee la midka ah. Iminka bal amarka Ilaahay qof alla qofkii Ina Rayaale arrin la wadaagaa maryahuunbuu dhiganayaa oo odhanayaa “maba tago haddaan dhergo” Bal raggan wada qandaraaska iyo kirada iyo hantida umadda wada jaqaya ee ay ahayd inay iyagu nabadda ilaaliyaan ee iyagii dagaalka abuurya day? Miyaanay Aakhiru samaan ahayn?
Waxa kale oo aan la hadlayaa saddex xildhibaan oo aan aad u jeclahay laakiin beryahan aan waxba ka garan la’ahay oo buuqan uu ku dhex jira. Waxaa idhi:

Caligaa(gabiley) dhako xiir iyo
Dable xoolo-cir-doon iyo
Dar kaloo ka xunoo
Xuunsho soor la wadaag ah
Qalbigaan ka xidhoo
Xanaaq iima hayee
Xildhibaanada qaar
Siduu xaal ka noqday?
Geesigii Axmed Xoor (Weysacadde)
Een xorayntii ogaa
Xaq siduu ugu hiishee
Xabadii ku dhacaayay
Xagluu ay go’an yiin
Xisbi waa la galaayoo
Xor baa loo yahay taase
Kuwii xaabshay boqnaa
Sawkan xeelad ku raacay
Ee fulinaaya xumaanta
Siduu xaal ka noqday?

Huruuf way ku xantaane
Wejiguu yar xabuuso
Qofaan xaalad aqooni
Xanaaq buu u tirshaaye
Xuseen waa oday weyn(xuseen ismacil)
Waa xabiib dadwedeen ah
Anigoon xistiyaynin
Xubiguu waddinkiisa
Xabadkawgu hayaana
Xisaab wuu ka batee
Sawtan xaajo ka hoostay
Uu Sidii qaalin xumaaday
Oo xagaa dib ka qooqay
Xodhxodhuun guriyee
Xiisadaa kiciyee
Xaruntii burburshee
Golahii xannibay
Siduu xaal ka noqday?

Xildhibaan Sanqalaawe
Nin xurmeeya dadkoo
Xanaanshoo wax taro
Xariir oo gob ahoo
Xishoodaan ku iqiine
Sawkan xaytay maryaayee
Xayadii ka tegee
Xunbaduun qubayee Xadhkihii jarayee
Xeerarkii ka gudbay
Siduu xaal ka noqday?


Doolaal:iska dhaafoo waxaasoo waataa afka gacanta geliseen ee dunidaay na soo gaadh lahaydeene horta ma laydin yidhi Rayaale la bedeli maayo ee sheeko kale keena. Maxaydin yeelaysaa iminka?

Dubbe:’aar anaga taa cidi nama odhan kartee. Maxaad u malaynaysaa dhexdhexaadinta Guurtida iyo Salaadiinta?

Doolaal:Oo maxaad qoladii kale ee saxaafaddu abaabushay uga tagtay?

Dubbe:qolada saxaafaddu iyagu waxay la kulmaanba waa dhexdhexaad eh bal adigu maw malaynaysaa Xaaji Cabdi,Gacan,Muxumed Aw Axmed iyo Dheeg baa dhex noqonaya? dee waa haddii dameero geel dhalay la arko. Ta kale markaanu Ina Suldaan Cabulqaadir,Buro-madow iyo Dakharre ergo dhex ah u qaadanayno maanu Cawil,Cirro iyo Jaamac Biin ergo u qaadano. Ma waxbaa noo dhiman.

Doolaal:Oo maxaad u deedafeynaysaa haddaa ma ku macaaradka ah ayaa dhex noqonaya?

Dubbe:waar horta anigoon adayaasha xumaanba oga jeedin haddana nin aan maalin qudha sidii Ilaahay u abuuray dhex noqoni siduu dhex u noqonayaa waa yaabe? Miyaanay su’aal meesha ku jirta ahayn adeer.

Waar dee haysu kaaya dhegeysanina ee nook ala fura maragga.

Doolaal:Wax kale ma haysaa?

Dubbe:Haa oo waxaan hambalyo u dirayaa taageerayaasha labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid ee sida nabadgelyada ah u soo baxay iyo ciidanka Booliska oo doorka koray. Imisaanu lahayn waxba dhici maayaan haddii xukuumaddu xabbadda joojiso.

Waa inoo maka xiga haddii eebe idmo.
A. Geeljire

No comments:

Post a Comment