Sunday, August 16, 2009

Aniga iyo Ugbaad

DALJIRE
(Aniga iyo Ugbaad)

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe: Waar heedhee, dunida loo dudayo ma maantuu Ina Dhoolla yare ku sheegay Axmed Siilaanyo "nin aan waa u beryin." waar maxaynu wax walba u soo joognay. Ta kale waxan umaddii dulleeyey ee ay Madaxtooyada uun la tuban yihiin ee xataa qabaa'ilkii aanay ergo isu diri karayn illaa ay soo baryaan Ina Rayaale waa maxay? Dadkii mee? Aar malaa inteenan mafrishka fadhida ayuumbaa ka joogta dadkii ee waynaan is ogeyn. ahaaa! Quduro.


Doolaal:
Waar haddaba ninyow waxaan siyaasad ahayn miyaanad ka hadli aqoon? mar uun bal wax kale ka hadal.

Dubbe: Oo adeer haddaanaan siyaasad ka hadal ma Gudniinka Fircooniga ah ayaanu ka hadalnaa? Waa ku sidee sawnagan ragga waaweyn ee siyaasiingta ah maaha. Nolosha oo dhanbaaba siyaasad ah. bal waxaan siyaasad ahayn ii sheeg.

Doolaal: Fircoonigaa aad sheegaysaba ka hadal. miyaanu ahayn arrin muhiim ah oo inna khuseysa.

Dubbe: Waar bal iska aamu ninyow. maxaad ku hadlaysaa?

Doolaal: Wallaahi waa runtay. waa in arrintaa laga hadlaa...

Dubbe: Waar bal nin gabadh naqa qaba ayaa fadhiya meeshee aamus ninyow. halkaana qolo kale oo isu soddog ah baa isku dhow eh. Ma iminkaynu waxa tala adduun hawl inoo taal hablaha ka sheekaynaa?

Doolaal: Oo saw hablahu ummadda badhkeed kama badna? ma dan aanay ku jirin baa hir gelaysa?

Dubbe: Waar haddaa dan ka leedihiin wax kalaa u qaban lahaydeene waa kuwan meel walba ku dayacane. Danta ma meel kaloo aan halkaa ahayn oo ka bilowdaan baa garan weydeen? Bal waa yahaye dib inoogu dhig arrintaa inagoo isku gooniya iyo wax aan taataabanne. Mise si kale oo aad iiga aargoosato ayaad garan weyday? Waar ma Cigaal shiidaadbaa?

Doolaal: Oo maxaan Cigaal ku ahay?

Dubbe: Waxa la yidhi cigaal baa habeenkii markuu kaadi tegeyo islaanta sii raaci jiray. Dumarku way inaga abuur duwan yihiin oo degdeg bay u kacdaa isaga oon dhamaysan markaasuu ka soo daba cararaa ilayn waa Cigaal eh. habeenkii dambe ayuu islaantii oo aan weli fadhiisan intuu ku qayliyay yidhi "soo kac dee. Maxaad qabaynaysaa ee aad la hawaartaa?" markaasay yaabtay. waxay tidhi oo caawa degdeg badnaydee Cigaal siday wax yihiin? " Dee dhiil baan ku soo qaaday oo waan saydhiyay uun. Imisaad saydhisaysay anigoon dhammaysan?" ayuu ugu jawaabay. Iminka imisaad arrin aanaan doonayn wadnaha nagu caddaysay baad i leedahay miyaa? Waxaa iska daayoo "warqaddan dheer" ee uu Ina Dhoolla Yare yidhi Faysal Cali Waraabe ayaa ii dhiibay anagoo wada qadaynayna shalay maxay ahayd, ma arji baa mise waa na bacaynaysaan?

Doolaal: Dee saw sidii Sanyare Qorshaynta loogu dhiibayba saaxiib maanaan noqon Faysal.

Dubbe: Ma shuqulkiinii xumaa ee basaasidda ayaad is leedahay aniga ku day. Waar mucaaradka kala qaybin kari maysaan ee sheeko kale keen oo waraaqda nooga jawaab. Guddoomiyahana dacaayadda ka daa.

Doolaal: Waar anigu waraaqda war uma hayo laakiin sawkan maalin walba Ina Rayaale la jooga muxuu Ina Ducaale sheegayaa kii weynaa baabu la fadhiyaa.

Dubbe: Oo haddu la fadhiyo ma waxbaa ka soo kordha meeshu waa iska nooc min gidaarka Calaacalka ee afka Ingriiska lagu yidhaa Wailing Wall. (gidaarkaasu halkuu ku yaal ha I weydiin)

Doolaal: Waar meeshu waa meesha qaranka isu haysa sida xabagta e; waakan ninkii xididka ahaa kacay e arrintii aan gallo haddaba.

Dubbe: 'Aar haddaba Ilaahaaga ka yaab ninyow oo arrintaa u kaadi. Maxaad isla carruraynaysa? Anaa maanta sheeko kuu haya. Weliba mid aan siyaasad ahayn.

Doolaal: Waa maxay? weligaaba mid khayr leh lagaama dhegeysane.

Dubbe: Waar carrurtan iminka joogta waa Aakhir Saman. waxa la yidhi "carruur ma aha ee waa dad gaagaaban."

Doolaal: Maxaad aragtay?

Dubbe: Saw tu yar oo qoladan jaarka carrurtooda u yar oo Ugbaad la yidhaa oo malaha haddaan dembiga iska dhawro aan laba jir u buuxsamini anigoo TVga daawanaya iimay soo gelin. Ina Rayaale ayaa sawirkii soo galay markaasay tidhi:

Ugbaad: Abtiyo anidu taa ma secli (jecli)

Aniga: Oo miyaad taqaan abti nikaa?

Ugbaad: Dee waa Rayaale. Waa Madaxweyne

Aniga: Oo maxaad ku nacday abti?

Ugbaad: Aabahay buu sacadii (shaqadii) u diiday. dadtoo dan ayuu sacadii u diiday.

Aiga: Oo markuu Amina weris u diiday miyaad maqashay?
Ugbaad: Ma daranayo.

Aniga: Haddaa Amina-Sahra iyo Cambaro oo markabkii Dekadda uu u diiday ka xanaaqsan ma aragtay?
Ugbaad: Ma daranayo.

Aniga: Dee abti “ma Daranayo” ayuumbaad leeday ee haddii aanad dadka aanad kala barnayn siyaasadda iskaga bax.
Ugbaad: Haye

Aniga: kkkkk. Haye dhegeyso. Carruray carruur. Oo abti muxuu qabtaa? waa maxay shaqadiisu isaga?
Ugbaad: Dadtuu xidhaa

Aniga:Oo abti ma askari baa ninku siduu dadka u xidhaa?
Ugbaad: maya

Aniga: Hee hadda Abti?
Ugbaad:Astartuu(askarta) dhalay.

Aniga: Yaa innoo keenay ninka abti?
Ugbaad: ma daranyo. isadaa ista yimi

Aniga: Oo abti adiga miyuu marna ku xidhay?
Ugbaad: mayee waa ta duuntaa anidu (Dhuuntaa). martaan arto ayaan saliilta (sariirta) hoosta ta dalaa.

Aniga:Abti waxaasi waa fulaynimo eh. Distoorkaa dhigaya inaan lagu xidhi Karin. … Bi’I waa… ma distoor bay ii garanaysaa?
Ugbaad:Dee sawtii Haatuf xidhay ee nimanyaal badan badan badan xidhay.

Aniga: kkkk oo Haatuf miyaad taqaan abti? Ilayn adigaaba suxufiyad ah.
Ugbaad:Aabahaybaa axrista (akhrista)

Aniga:Markaa ma waraaqdii buu xidhay?
Ugbaad: Dee mayee nintii lahaa ee wax tu coray (qoray)

Aniga:Maxay kale ayaad ku nacday abti ninkaa?
Ugbaad:Dee lacatii (lacagtii) ayuu ida caatay (qaatay)

Aniga:Lacagtee abti? adigu ma lacag baad haysatay?
Ugbaad: Dee hooyuu ta caaday (qaaday)

Aniga: oo muxuu siistay lacagtii abti?
Ugbaad: Nacnac iyo saraab (Sharaab) fiinto

Aniga:(wallaahi carrurtina ogaatay) Oo abti imisay ahayd lacagtu?
Ugbaad: shan Bocol (500)

Aniga:Iska daa abti waatuu aqalka ka dhistay eh waxba ma ogide.
Ugbaad: Aqaltii muu caadan dee. sawnadan joodna.(joogna)

Aniga: Markaa maxaad samynaysaa abti? sideed lacagtaadii uga soo qaadanaysaa ninkaa?
Ugbaad: Dee martaan weynaado ayaan ta caadanayaa. martaasan xidhayaa isadana.

Aniga:Oo abti haddaad iska saamaxdo maxaa dhacaya? mida kale inamo ayuu leeyahay ee billoo ku dile inamadiisu?

Ugbaad: Anidaa ta adage. Dee isadu muxuu lacatayada u caadanayaa? haddaa ma baalamaanta (baarlamaanka) ayaan u seedaa (sheegaa)?

Aniga: waar bal calaamadan kaalaya.Tolow kii Doolaal ahaa mee maanta? oo yartuba malaa xisbiyaday ku jirtaa. Oo abti miyaad taqaan Baarlamaanka?

Ugbaad:Awoowo Axmed baa tu sira.(ku jira)
Aniga: Waata hooyo kuu yeedhaysa ee orod abti. waynow. fariid.



Waa innoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment