Tuesday, August 25, 2009

Daaqaddaa ka Dhaqaaq Intaa aanad ku Diidin

DALJIRE
(Daaqaddaa ka Dhaqaaq Intaa aanad ku Diidin)
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Hoyaalay hooyaalay hooyaalay hooyee…… Ba’da gabayga anigoo yar baan……

Doolaal: Waar waxba maad yarayne adigoo yarba lama sheegine, Ma inagoon qaniinin baad inagu qaylisay durba? Ahaaa! Wallee waan loo tag helin. Adeerow iska qayil oo gunuuska naga daa gabayna garan mayside.

Dubbe: “Nimankaan bursiimada Libaax badh iyo waax siiye. Booskii yimaaddaba kuwii aan ugu bushaareeye. Hadduunbay Budhkiyo ii sitaan baalcaddow Warane.” Ayuu yidhi Gacmadheere. Nimankiinii aan lahaa dalka ha hoggaamiyaan ayuumbaabay taladoodi noqotay xintan, xadghig, xoogsasho iyo xagxagasho xeer. Hadduumbaabay hanjabaad iyo tolla’ayay ka bixi waayeen. Anigaa Ilbixi waayay ee yaanan cidna eersan.

Doolaal: Waar maxaad la calaacalaysa? Yaa se budhka kuu sita ee aad sheegaysaa?

Dubbe:Waa runtaaye nin weyni inuu waxii la gudboon yeelo mooyee calaacal looga wanaagsane. Ma kor baan u qaaday? Isma lahayne.

Doolaal: Oo haddaa ma hoos baad u dhigtay? Inaad dhaqaaqayso oo faraha iskula hadlayso waan garanayay.

Dubbe: Dhaqaaqaa? Muxuu iska hadlay. Waar dadkaba anaa u dambeeyey ninyow. Mar haddii aad maqasho siyaaradii Sheekh Isaxaaq ayaa halkan lagu dhigay iyo deegaan hebel iyo beel heblaayo ayaa siyaaro dhigtay oo ay soo dhaafto siyaarada Sheekhu KU-Xigeenka iyo Aar Guruxeed, arrintu waa “Awoowow shar naga hay.” Waxaan ka yaabayaa in xisbiyadiiba laysla jiidho.

Doolaal: Ma haddaad qabyaaladna u boodday? Intaad dimiquraadiyad iyo wax ku meeraysanaysana waad dhaantay sidane.

Dubbe: “Nin cunaha la qabtay ama x….r ama dh…..s” baa la yidhi. Oo maanaa qabyaalad ku booday mise Madaxweynaha yidhi Sool iyo Sanaagna way maqan yihiin Awdalna waan la fuqayaa haddii aniga layla hadlo. Ma anigaa keenay mise Madaxweynaha yidhi haddii aad wax iga sheegtaan waa qabyaalad reerkayaga loo jeedo. Ma anaa keenay mise Madaxweynaha ku yidhi, sida la sheegay, Xildhibaanada Awdal qabyaalad iigu codeeya. Ma anigaa keenay mise Madaxweynaha yidhi “ha karaama seegina habaar laygu kari waaye.” (Ina X. Dahir halkaa wuxuu odhan lahaa. “ Heey, Habaarku waxba iga qaadimaayee, inniguumbaa is daaliyay uune.” Gabay xume.) maanigaa keenay mise Madaxweynaha yidhi dekaddiina waxaad doonaysaan kama soo dejin kartaan oo shirkad ajnebi ah bay u xidhantay . Ma anigaa keenay mise Madaxweynaha lagu eedaynayo inuu sidii maxaysatada qolal yar ka iibsado bacadlaha oo dukaano ka dhigo. Ma anigaa keenay mise Madaxweynaha mawaadiniinta shaqada aqoontooda ku hela iska hor taaga qaar ay is xigaanna UNDP Nairobi ka wasdeeya.
Waar wadada cab waryaa. Anigu inaan xisbiyada ahay waad ogtay oo aan leeyahay dimuquraadiyadda ha la dhawro oo ha la raaco. Dadka walaalnimadooda yaan la xumayn oo ha la wada tashado sidii caadada inoo ahayd.

Doolaal: Waar talana garan maysid ee ma Madaxweynaha ayaad maxaysato ku sheegaysaa?

Dubbe: Oo maanaa ku sheegay sawkii Abshir (darawalkii Xaafaddu) warbaahinta ka sheegay. Anigu lagu eedeeyay baan idhi dee. Haddaanay jirin ma jidho uun ha yidhaahdo dee.

Doolaal: Waar dadkan yaa madax u noqon jiray? Waxaan ceeb iyo aflagaaddo ahayn laga faa’iidi maayo.

Dubbe: Oo yaa la soo khasbay? Idinkaaba ka dhiishaa dhaansaday oo weliba kibir la dhibi shaxanayee. Horta la yaab ma lihidin. Umaddani wax lagu kibro way tahay.

Doolaal: Xaasha anagu maanaan kibrin ee waataa albaabadaydu cid walba u furan yihiin ee waxa la doono nalagu samaynayo ee aanaan juuq u odhanayn. Samir weyninaa ma dhul baannu nahay?

Dubbe: Waar meeshan aad tidhaahdo waan galaa ee Madaxtooyada sow nin maanta iigama sheekayn. Adna ma waxaasaad ku qabtaa? “waar raggu go.” buu yidhi ninkii jiray

Doolaal: Maxaa lagugu yidhi ee aan been ahayn? Maxaa lagu qabaa? Waaba xundhurta dalka, waa xabagta is keen haysa eh.

Dubbe: Waar anagu xayraan aan iska ahaannee, gumaysi baabaanaan qabin iyo nin hurdadiisa uun la sugayo. Oo khuurada hoosta ma ka maqashaan?

Nin meesha kabahu kaga madheen sidaada ayaa iiga sheekeeyay. Meeshaa labada inan ee xoghaynta Odayga ayuumbuu ammaanay. Nimankaasi waa madax buu yidhi.
Wuxuu yidhi maalin qudha ayaan daaqadda yare ee lays tubo sawirkeeda ku siinayaa wax ka badan ka bixi mayside. Wuxuu yidhi:

“nin baan raacay. Markaannu galnay daartii ee gaadhigii dhigannay ayuu yidhi “waar maanta Madaxweynihii la heli maayo.” Maxaad ku garatay, miyaad faallisay? baan idhi. “ mayee,gaadhigii Cali Xoor-Xoor, Maareeyaha Dekedda ayaa jooga. ayuu yidhi.”
Haaaaa. Waan gartay.Waar haaye haaye. Yacnii fii fuluus fii xisaab baad leeday? baan idhi. Maxaynu yeelnaa shaydaan wax la yeelye? baan raaciyay.

“Yeelkadeedee aan ku soo quusannee inna wad.” Ayuu yidhi. Daaqadii xoghaynta oo sideedii laga buuxo ayaanu is taagnay. “odaygii ma la hayaa?” Baanu nidhi. “Weli.” Baa sangaabta naloo taabtay. “iska yar suga laakiin.” Ayaa naloogu wafeeyey.

Bullaale,Xoghaya Guud UDUB oo ka tuuraya oo yar xiiqsan oo aad garanayso in wax ku si yihiin ayaa isa soo taagay. “ Waa xisbigiiye,Odaygii ma la hayaa?” ayuu yidhi. “mayee maanta soo degi mayo.” Ayaa loogu jawaabay. “Waar inaadeerow qoladii saxaafadda ayaa iga laalaaddee. U sheeg dee.” Ayuu si hiinraag ku jiro u yidhi. “ Maxaa jiray?” baa la weydiiyay. Intaanu jawaabin ayuu Xuseen Cali Xirsi Afhayeenkii UDUB oo la socday ka boobay oo Yidhi. “Shir saxaafadeed baannu qabannay oo Kulmiye ayaannu maraqooda cabnay. Waxay yihiin baanu u sheegnay. Caawa daawo caawa.” Ayuu yidhi isagoo dhoollo caddaynaya oo in lala qoslo rajaynaya.

“Illaa gabay baan u raaciyay ee gabaygana dhegeysa caawa.” Ayuu Bullaale yidhi. “yar suga haddaa. Haddii kale Cawil sii mara ama Cabdiraxman Ducale(Guddoomiyaha Bangiga Dhexe)” ayuu ka daba keenay.

“waar labadaa nin heli maynee,oo dabadoodaba lama gaadho eh, Digaaleba(xisaabiyaha Madaxtooyada) noogu sheega ama Daahirow adiguba na khaaraji.” Ayuu si walaac ku jiro u yidhi. “Bal yar fadhiista qolkaa shishe.” Ayaa lagu dejiyay.

Dhawr suldaan oo cimaamado cas cas oo bakooradahii laga guray oo haybaddii ka kala yara dhimantay ayaa isa soo taagay. “Daahirow waanakan.” Buu mid ka mid ahi yidhi.
“waan idin arkaa suldaan laakiin waxba idiinma hayo.” Ayuu si ixtiraam ku jiro u yidhi.

“dee meesha waannu ku jactadnay oo iminka wiig baanu soo noqnoqnaynay baylah badanna waanu lahayn ee bal u sheeg dee. Xataa idin qaabili mayo ha na yidhaahdo. Iyaba waa sed eh.” Ayay ku cawdeen. (waannu ka naxnay. Waar nimanku miyaany reero dhan madax u ahayn waa maxay gunnimadani baanu nidhi)
“anigu maxaan sameeyaa. Gaadhsiiyay farriintiiye. Iskaga taga dee markalaydin soo noqone.” Ayuu ku soo celiyay.

“Dee iminka waqtigii oo dhan haatan naga lunye bal halkaasaanu ku yar sugi ee u sheeg adeer.”ayay yidhaahdeen. “Waar Hudheelkiibaa naloo haystaa dheh.” Ayuu mid kale u raaciayay.

“wasaalaamu calaykum Xaaji. Ilaahay mahaddi Xaaji Cabdi” Xaji Cabdi Waraabe oo isa soo taagay Ayaa salaam lagu boobay. U dhaqaaq dhanka daaqadda. “Daahir. Uxxxmm. Haa adeer.” Ayuu u yidhi Xaajigu si kooban. “Xaaji waa nabade. Adigu fiidka marka cagtu go’do kaalay buu ku yidhi. Kollayba hawl buu kuu lahaa adiga.” Ayuu Daahir ugu jawaabay Xaajiga. “Gaadhi ma kuu soo dirnaa Caawa?” ayuu u raaciyay. “maya ee inankaa is soo qaadi ee dan uga baxa adeer. Markaan cishaha iska soo rido ayuumbaan iman adeer. Haa” Ayuu yidhi isagoo sii tukubaya.

“Waar Daahir. Shirkii berri ee Golaha Wasiirada ma u haysaa ajandahii?” ayuu nin Wasiir ahi weydiiyay xoghaynta.

“Maya.Illaa iminka ma hayno wax ajande ah. Baag (W.Ku-xigeenka Beeraha) ayaa lahaa waxbaan keenayaa eh haddaanu keenin. Bal halkaa ka sii eeg.” Ayuu ugu jawaabay.
“Dee iminka saddex wiigba ajande ma jirin. Malaa kanna waa la mid.” Ayuu iskula sii hadlay intuu dhaqaaqay. (waar ma dalkan baa bilaa ajande noqon kara. Ayaannu is weydiinay. Subxaan Allaah)“Waar Daahir. Inaadeer Burco ayaan u bixi lahaa oo shidaal yar baanu ka doonayay eh. Waxaanu ahayn qoladii wasiirrada ahaa ee uu yidhi xaggaa u baxa iyo arrintii yarayd ee dhulkii Airportka Burco ee laysku haystay. Ma arki karnaa iminka?” ayuu yidhi wasiir kale oo rabay inuu “hawl qaran” soo qabto.

“Waxba iiguma kiin ballamin aniga. Berrito u kaalaya maanta lama helayo eh” ayuu isagoo waraaqo ku foorara ku yidhi wasiirkii. “Dee inaadeer saddex casho ayaannu dib u dhacnay meeshana arrintu wallaahi aad bay u cakirantay baa la yidhi. Waa gurmad xaalkayagu.” Ayuu dhawaaq dheer ku yidhi. (Hadday sidaasi gurmadkiinna tahay caadigiinuna waa sidey tolow) Intaanu jawaabin ayuu wasiir kale oo ka tuurayaa isa soo taagay. Cod kii ka dheer buu ka dul laliayay oo yidhi. “Waar Daahir. Agaasimihii dhintay maalintii dhawayd ayuu yidhi odaygu waxoogaa yar baan xaaskiisii siinayaaye, runtii marxuumku isagaaba nagu lahaa oo Habeen-Dhax( Travel allowance) is gaadhay buu lahaaye. Ma kuu dhiibay?” “maya waxba aniga iima sheegin. Laakiin waan kuugu sheegi berri.” Ayuu ugu jawaabay.(waar ninku ma dukaan buu meesha ku haysta? Kii waliba ma kuu dhiibay ayuumbuu leeyahay e.)

“Waar waa odayaashii. Waar bal warrama.” Waxa nagu yidhi nin ka mid aha dhawr xildhibaan oo UDUB ah oo isa soo taagay. Salaantii baanu u celinay. Daaqaddii sida Xajar AL Aswadka Xaramka sanka la wada saari jiray bay sanka saareen. Su’aashii caadiga ahayd bay ku bilaabeen “Daahirow. Odaygii ma lahayaa?” bay yidhaadeen. “Maya maanta.” Ayuu deggenaan ku yidhi. “Waar bal soo dhowow.” Ayuu mid yidhi. “dee ninkii Cawil ma hayno. Waxaanu ahayn qoladii gurigan Odaygu ku jiri jiray markuu KU-Xigeenka ahaa fadhiista. Dhawr mooshinna way socdaan. Ballankii horena Cawil ma fulin oo maalintii la codeeyay baa noogu dambaysay. Addis Ababa ayuu qabtay baa naalagu yidhi. Xeerkii hore markii la gudbiyay ee aanu codaynanyna sidaasaanu ku weynay Cawil. Dee bal markaa wax badan baa isku murugsane. Odayga u sheeg. Oo farriin nooga soo qaad dee.” Ayuu si xidhiidh ah isu daba dhigay. “Xildhibaanadii way ku sugayaan dhe dee.” Ayuu mid kale raaciyay. “Waar u sheeg in qaad badan laynagu leeyahay dee.” Ayuu mid saddexaad yidhi.

“Arrinkiinna wuu og yahay. Salaasada ayaynu halkan ku kulmaynaa fadhi ayuu idin yidhi.” Ayuu laabta ugu qaboojiyay. “ Dee haaye tii horena wuu nagaga baxay oo qolo caddaan ah oo weftiya baa ii joogta buu yidhi. Dee waqti ma jiro dheh. Hawshuna waa badantay.”

“Rag baa lays hayaa dhe dee.” Ayuu mid afraad ku tiraabay intuu gacanta oo farahu is haystaan kala baxsanyihii inankii ku fiiqay sidii gujo.
“Waar inna wadiya warku waa dhan yahay eh, hadalka laguma tunto eh.” Ayuu mid kale yidhi intuu hor dhaqaaqay kooxdii.

(waar waxba haw hanjabina maxkamaddaba wuu tegiye. Sawkan Oomane u jooga. Wallahi inuu idinka maarmi. Baanu hoosta ka nidhi)

Laba dhinac isu waraysanaya ayuu hadalkodii nagu soo duulay. “waar lix bilood waraaq yar oo C/raxman Ducale uu iigu qoray baan weli ka laalaadaa oo la sii socdaa oo aan la soo socdaa uun.” Ayuu ka kale ku leeyahay. “waa maxay waraaqdu?” ayuu su’aalay. “Gaadhiga ayaa iga taayirro beelay ee afar taayir ii iibi baan ku dihi. Warqadaasuu iigu qoray Bangiga. Eeg. Waa Octobertii hore. Iminka March baa dhamaatay. Weligaa waxaasoo kale miyaad aragtay?” ayuu si yaab ku dheehanyay u weydiiyay….

“Waar waa “ilaa daaradda” ee iska aamu ninyow. Ma keligaa baad moodaysaa” Waar Laandta(Somaliland) oo dhan baa waraaq yar oo miidhan guntiga ku sidata.” Ayuu sii hiifa u yidhi. “qaar baa siday u sideen iminka wax ku qoranba al arkayn.” Ayuu raaciyay

Doolaal: Waar naga jooji haddaba sheeko dhanaanta. Bes. Shuushshshshs.

Dubbe: waar shush ha na odhane ilayn carrur ma nihin oo namaad dhaline. Waxaan la yaabay meesha miyaan sidan moodayay. Salaadiinta jabtay ee is gumaysay, odayaasha indhuhu gudheen, ragga madaxda ah ee yaayul xumada la taagan. Meeshuna meel biyo laga cabbana ma leh, maqaaxina ma leh. Oon baa kugu dilaya ayaa lagu leeyay.

Dee sideeduu ninkani u kibray oo wax kale isu qaatay. markay ummadda oo dhammi baryo uun la hoos taagan tahay. Oo haddaa ninyow waxan Faysal Cali Waraabe yidhaado uun “waa layga aqbalay oo arji baanu u dhiibnay oo nalaga aqbalay, oo ciidanka dhis baanu nidhi oo nalaga aqbalay oo….” muxuu dadkan meesha ku madhay ugu sheegi waayay halkuu wax mariyay? Ninbaa berigii Ingriisku joogay sigaar koontarabaan ah oo uu awr ku siday oo Hargeysa ku soo waday lagu qabtay halkaa Masallaha. Markii askartii joojisay ayuu kor isula hadaly oo yidhi “Waar aabahood w……ooyinkii Ciidagale halkay soo marin jireen?” iminka waar Faysal; waydiiya halkuu wax mariyo isagaa buugga aqbalaadda loo furay oo wax laga aqbalaaye.

Waa innoo Toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment