Saturday, August 29, 2009

Doolar Dhiibsan i Siiya

DALJIRE

Doolar Dhiibsan i Siiya
More Money...More Money

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe: Waxaaan idin weydiiyay. Ma taqaanaan cid samaysa boodhadhka magacayada ganacsiga lagu qoro?

Doolaal: Oo ma gancsi baad furatay? Wax kale ma hayside ma hadal baad iibinaysaa?

Dubbe: Waar waxaanu iibinayno waxba kaama geline ama wax noo sheeg ama naga aamus aanu dadka wax kaa weydiinee. Waar yaa yaqaan cid qorta boodhadka?

Doolaal: Wallaahi inaan laguu sheegeyn illaa aad sheegto waxaa ka baayac mushtaraynayso. waaban dhaartaye.

Dubbe:
Khudrad baan iibinayaa. Haye? ma ku deeqday, faduuli?

Doolaal: kkkkk. goormaad beerta yeelatay? Wallaahi gob baad iibinaysaa sida islaamaha gob ku hor iibiya iskuulada.

Dubbe: Waar kuwaasi waa kuwa aydin cashuurtooda xaddaan ee daaraha ka dhisateene mabaad soo qaaddeen haddaad damiir leedahaye; waxaan iibinayaa khudrad beer nin kale leeyahay oo aan qandaraas ku qaatay.

Doolaal: Waar waxan aad u jeeddaa waa maxay iminka? ma sheeko kalaad weyday? beertu waatee?

Dubbe: horta nacas baad tahay ee kuwan Ina Rayaale adhiga u xidhay ma waxbay ku dheeryihiin adiga? UDUBna waa isku tihiin. xaaraantana sidooda ayaad u cuntaa. sidoodana munaafaq baad u tahay. Sidoodana xaasid waad tahay. Ina Rayaalena waad u galgalshaaye ma waxaad garan weyday inaad ku tidhaahdo waar anna aan khudradda beertaada iibiyo ee ii xidh.

Doolaal: Ma beer buu leeyahay?

Dubbe: Waa runtiiye. Waxba ma oga eh. Waa laga dhegeystaaye. Miyaanu riiggii uu dadka ku laayay toos beertiisii Camuud ku taallay aanu geyn oo aanu ceel uga qodin? Miyaanad cabashada reer Boorame maqal ay yidhaahdeen. "haddaan ceel naloo qodayn maxaa Ciidagalaha loo layaayay ee godobta naloogu soo jiiday?"

Doolaal: Waar waxaasi majiraan ee waa masiibooyinkaagii iyo fidmadaadiiye dadka ka fadhiiso.

Dubbe: Beertu waxa la yidhaahdaa "Dhiig Muwaadin." waxay ku taallaa Camuud,Awdal. Bil amaara waxa lagu waraabiyay dhiiggii muwaadiniintii reer Dumbuluq ee riigga lagu laayay. Markaa waxaan idhi waar bal haddaba dadkii laaye muu kan Doolaal ee meeshan uun fadhiya khudradda u dhiibo ha u iibiyee si uu lacagna uga helo illayn dhagar iyo lacag la'aan isku darsanmaayee. Boodhka waxii lagu qorayayna anaa kuu haya."Halakanay ka dhawdee tolkay way hagranayaaye." buu yidhi Cabdi Gahayr. Waar shaqaan kuu hayaa waa ninka.

Doolaal: Waar bal hoos u hadaloo, qaylaa lagugu sallidaye. Maxaad ku qoraysaa boodhka. Hunguri baabad iga soo ridday eh. Wallaahi waa macquul.

Dubbe: Waxaan ku qorayaa anigoon badin. "Khudrad aad dhadhankeeda iyo dhalaalkeedaba yaabto, oo dheecaan dad la laayay iyo Dhiig muwaadin ku hawrtay, oo ma dhergii dalka haystee, xoolaa dhoofka u diiday, halkan soo dhigtayoo, uu ka dhawrayo maal, dhismii ka qabyoobiyo, uu daarii ku dhammeeyo, Ee intii aanu Dharjaale dhegahaa dabadoodiyo dhafoorkaa igu goynin, ama waa dhakqankisee,isagoon u dhawaaqin, janankii dhakhtar Weerar een dhasiigta(dhego adayg)lahayn, far dhexaad ugu yeedhin, isna aanu Dhashiikee iyo soo dhaqaajinin Kaare, Hargeysaay dhakhsadoo,soo dhowaada walaaloo, dhag dhag iiga gatoo, faraqiina dhigtoo, Laandka(SL/sh) waan ka dhintaaye, doolar dhiibsan i siiyoo,

yalla ii dhiiba fuluusta. money, money, more money....more money.... Seytuunka, liinta, rummaanka iyo muuskaaaaa.....

Haddii aad ku dhabcaasho, ood dhufsan weydo khudaarta, barqabkii dhumuc weyne, ee dhashii hore laayay, oo dhexdu qooq la yaraatay, dhirtanuu ku jiraa, dhawaaqaa baxayaa, dhalawdii doobidiisiyo, dhoolluhuu lisanaayiyo, waa shaxdii dhibidiisa, oo mar hadduu afka dhuuboo, oo ku dhoweeyo camuudda, oo dibnaa dhac ka siiyoo dhareer xoor cad ah tuuro, oo kugu soo qudhub dhawdo, Alloo kaaga dhawaaqiyo, wax kaloo dhufta mooyee, dhanna kaagama baydho. taayir aad dhamac saartay, oon dhilmaanyo dilayn iyo, dhagax aad mar ku tuurtay, oon sooba dhaafin briishka, dhogortiisa ma gaadhoo, dhawaaq kaagama joogo, oo wuu ku sii dhirfayaaye, Hargeysaay dhaqso oo, dhiilihii jebiyoo, dhitadii ilmahaagiiyo, dhaxalkaagaba keenoo, laandka (SL/sh) waan ka dhintaaye, doollar dhiibsan i siiyoo, yalla, dhiiba fullusta. Money..money..more money, more money.... Saytuunka, Rumaanka,liin macaanta iyo muuska... Daray, daray.....

Doolaal: Oo boodhkaagu waynaa ma buug dhan baad ku qoraysaa? halkaad waxaasoo beena ku qoraysaa?

Dubbe: Dee inaadeer mid si wanaagsan farta u yaqaan oo far yaryar ku qora ii raadiya. miyaan la helayn? kuwan yar yar ee Intarnatka(internet) ka shaqeeyaa miyaanay boodh ii samayn karayn? Waar heedhee Intarnatkaas ayaaban ku xasuustay eh. ninkan Gabiley Badhasaabka looga dhigay sidee bay sawirkiisii inamadu yidhaahdeen?

Doolaal: Oo waayo? aniga caadi buu ila ahaaye.

Dubbe: Kee? Caadi buu yidhi. waar anigu waxaan is idhi bahalkan Intarnatka ayay wax ka qaldameen oo sawir nin reer Zimbabwe ayay ku bedeleen halkii Badhasaabka. Waxay ku leeyihiin wuxuun bay sidaa odhanayaan oo adigaagaa Doolaal Guulwade ah ee aanu qudh iyo maan u garanayno ayuumbay dhegaha dameerka kuu samaynayaan. Aniga markaaga horeba markaad qoslayso waxaan xusuustaa dameer uu lahaa oday ii adeer ah oo Iidaan la odhan jiray.
Doolaal: "Illayn nimaan xishoonayn dagaal xeeli kama hayso." ayaa la yidhi. ma halkaasaad maraysaa? Waar sawirku caadi buu ahaa. Ma wuu foolxun yahay baad u qarinaysaa dee?

Dubbe: Waar waanu kula kaftamaynaaye iska soco. Markaasuumbaad sida jinaca is qaniintaaye. Ta kale, aniga ninkaa afka hay geline. Horta Gabiley weligaa ma tagtay? dadkeeda,duunyadeed, ciideeda, hawadeeda mid qudha oo indhahaagu diidaan ama foolxun ku arki maysid. Maxaad markaa aniga iila yaabaysaa. Aw Xasan Sheekh Cismaan Nuur(AHN) ayaa beri lixdanandii gaadhi u raacay Xamar dabadeed isagoo gaadhigii ku dul seexday ayuumbuu gaadhigii joogsaday tuule. Aw Xasan baa soo kacay. dadkii buu garan waayay siday u ekaayeen. markaasuu yidhi. "Waar maxaa ii toosin weydeen intaanu gaadhigu xuduudda Kenya inala gelin miyaydaan Ilaahay ka yaabayn, nooli aan ku noqdaba ma hayee?" Iminka anigu cid ma caayine. xafladiina ma tegin. Sawirkan uun baan arkay dabadeed waxaan is idhi malaha sawirkaa qaldamay ama inanka Cismaanka dumarka la shaqeya ayaa abti u ah.

Doolaal: Waar waxaa iska daayoo waa maxay sheekadii maamuus-ka-xuyuubinta ayaa soo celiseen miyaa?

Dubbe: Maxaad maqashay?

Doolaal: Dee qoladadiinan Wakiilada ee leh Madaxweynaha maauska ha laga xayuubiyo.

Dubbe: Wallah! waar inaga daaya dhe ha kaxayuubina eh. Oo maxaa Ina Rayaale ka soo hadhaya haddii muumuuska laga xayuubiyo?

Doolaal: Maan fahmin. maxaad u jeeddaa?

Dubbe: Waxaan u jeedaa; nin ban sidaa maalin hore ku idhi. markaasuu yidhi."waar ka daaya." "waayo?" baan idhi. wuxuu yidhi. "Waar ninkan anigaa aad u aqaan. Maamuuskan haddii laga xayuubiyo waxa inagu soo hadhaya nin dheer oo qabow oo faro jilicsan oo salaan jilicsan oo bakhayl ah oo reer Boorame u yaqaanaan "kiniinka hurdada" oo aan sheeko fiican aqoon oo mar walba lagu odhanayo soomuu kicin oo markuu soo kacana rimoot (remote control) qolka hurdada yaala laga maamulo. markaa haynu taataabanina."

Waa inoo todobaadka dambe, haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment