Saturday, August 29, 2009

Shimbirta Qaranka

DALJIRE
Shimbirta Qaranka

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Doolaal: Horta weydinkii lahaa Maraykan waxba kamaydaan keenine iyagoo socda halkan maydinku keennay?

Dubbe: Waar ama keena ama hayska timaaddee horta iskuma diidanin inay gabdhaasi inoo hiilasay. Idinkana hadday taasi wax idiin tarayso idiinma diidanin. Laakiin ma maqashay waxa ay Ina Ducaale ku tidhi markay gaadhiga wada fuushanaayeen?

Doolaal: Oo maxay tidhi ma maqale?

Dubbe: Waxay tidhi. “Waxaan aad uga helay shimbirihiinan midabada kala jaadka leh ee dhirta ka buuxa. Ma Shimbirta qarankaa?” Dabadeed Cali Warancadde oo yar holladay oo isle waar ceebi dhacday laakiin ragga waaweyni been ma sheego eh waxaad tidhaadaa “maya ee waxan aad shimbiraha moodaysaa waa bac.” Ayu Ina Ducaale soo booday oo yidhi. “yes. Yes. Madam Secretary. And it is not only that. They are so tamed and neat there are no droppings under the trees they roost.” Markaasay tidhi. “ is that right? Isn’t that cute? How does that happen? This little country is like no other in the world. It is amazing. ” markaasuu Ina waran Cadde yidhi. “ waar Alla ku dooriye in run ah ku badhax oo gabadha u sheeg inay shimbiruhu habeenkii duulaan oo inaga nixiyaan markaynuu soo murqaano ee aynu habeenkii meelahan lugaynayno. Waa intaasoo nimankan qoryaha waaweyn leh ee ay wadataa wax kale moodaan oo meeshaa mashaqo ka dhacdaaye. Wuxuun u sheeg dee illayn beentu ma fiicnee aan biyana lahayniye.”

Doolaal: Bal beenta aad noo samaynayso eeg. Ma iminkaad gaaladiina afka la gashay oo wax ka sheegtay? Waar sheeg waxaad idinku ku tidhaahdeen iyo sawirkii xumaa ee Cumar sheegay ee aydin ka bixiseen?

Dubbe: Heedhe Cumar waa kee? War ba’a! Heedhe ma Cuma Jamac? Waar ma falantay aad? kkkkkkkk

Doolaal: Maxaad ku qoslaysaa dee haa waa Cumar Jamac?

Dubbe: Bal ninyow mar Allah markaa Cumar la yidhaa ayumbaa afkaygaa qosol uga tag waayayaa. Belo ku degtay! Horta dadka markay madax marto guulwadanimadu si kale ayay noqdaan oo wax badan baa iula ekaada. Berigii Faqashtii ayaa nin aanu saaxiib nahay oo Qadar joogi jiray ay gabdhiisii oo Hargeysa joogtay damacday inay iska furto. Maxakamddii faqashta ayay tagtay. “ninkii mee?” baa la weydiiyay. “ ma joogo laakiin hooyadii baa joogta.” Ayay tidhi. Laba guulwade ayaa loo diray oo soo kaxeeya la yidhi. Qaadigii ku sheeggii ayaa markuu soo galay maxkamddii yeedhiyay magacii ninkii gabadhu ka soo ashkatootay. “ahmed hebel hebel.” Illayn ma joogo eh cidbaa jawaabi weyday. Gabadhi baa kacday oo tidehi. “hooyadii baa fadhida.” Qaadigii baa yidhi. “ee dee soo kac miyaanad magaca maqlayn?” intay kacday bay tidhi. “hooyo. Qof Axmed la yidhaa miyaan kuula ekehay?” iminka rag dalkooda sawir aan jirin oo xun ka sheega miyaanu kuula eg nahay. Ta kale saaxiibkay Cumar wax badan ma dhimine wixiin uumbaa isula ekaaday wuxuunbuuna sheegay inaanu annana runta sheegnay iyana been sheegeen? Ma wax kaluu yidhi? Inay xukuumaddu musuqmaasuq tahay waa run. Inay sharciga jebiso waa run. Inay xuquuda muwaadiniinta ku tomato waa run. Inay dulmi ku xidho waa run. Maxaad ka hadlaysaa ee kale?

Adigase waxaan ku weydiiyay. Ma idinkaa Boqor Buur Madaw iyo Suldaan Maxamed C/Qaadir nagu soo hagaajiya kolba?

Doolaal: Waar ma madax dhaqameedyada ayaad leeday waa la soo hagaajiyay? Dee mayee iyagaa caqligooda ku hadla. Ta kale ma waxaan ahayn “dhiig cusub keena” ayay idin yidhaahdeen?
Dubbe:Horta waad ogtay oo anigu madaxdhaqameedyada kuwooda asalka ah iyo kuwooda Taiwan-iga ahba waan qaddariyaa; laakiin labadan nin waa mar saddexaadkii ay hawadayada si qaldan u soo galeen iyagoo dhan u xaglinayaa oo aad mooddo gaadhi xun oo daabul ah oo santarboolku go’an yahay. Doorkan waanu iska celinaynaa. Horta markan hooto bagaf baanu ku yar haylhaylaynaa.

Doolaal: Oo maxaad odhanaysaa? Iyagu talo ayuumbay idin siiyeen ee ma qaata ama diida dee.

Dubbe: Waar dhegeyso waryaa. Horta nimankani iyagaa is tabcaynaya. Mar waxay odhanayaan “anagu madax dhaqameed baanu nahay oo siyaaysadda shaqo kuma lihin ama dadku waa noo dhex.” Marna iyagoo idiin hadlayaa ayay noo duur xulayaan. Horta haddii ay dhaqan ka hadlayaan; dhaqan maaha inaay iska furaan markhaati aan cidi weydiin. Dhaqan maaha inay iska naqaan gar aan loola iman ama aanay labada dhinac wada dhegeysan. Dhaqan maaha inaay hiil isaga badheedhaan. Dhaqan maaha inay nagu tilmaamaan dad aan waxba garanayn oo ay noo tilmaamaan waxa noo wanaagsan anagoon talo weydiinnin. Dhaqan maaha inay Daahir Rayaale ku amaanaan musuqmaasuq. Dhaqan maaha inay ku amaanan dulmi. Dhaqan maaha inay yidhaadaan “Daahir qoorta qabo oo bal qof kale ku soo dara.” Maaha dhaqan inay ku raacaan inuu iska xidhxidho muwaadiniin xuquudooda Distooriga ah raadsanaysa. Dhaqan maaha inay ku ayidaan inuu dadka doorasho weydiisto siyaasiyiinta aan Boorame u dhallanna uu ka soo saaro oo xataa qadada ka kiciyo. Dhaqan maaha inay ku raacaan inuu meel walba guryo ka dhistoisagoo umadiisiina ay bakhtiyayso. Dhaqan maaha inay ku ammaanaan inuu ganacsigii xoolaha gacanta u geliyo laba qof umadda intii kale laba dible u xidho. Dhaqan maaha inay ugu mashxaradaan marka uu xeerka roorsado ee uu guurtida si xaaraana ugu kordhiyo muddada. Dhaqan maaha inay ku istareexaan inuu ka saaro taariikhdii SNM manaahiijta dugsiyada. Dhaqan maaha inay ku raacaan inuu xisaabxidh keeni waayo. Maaha dhaqan inay lix sandood ku arki waayaan waxaas oo dhibaata oo uu geysanyo. Waxaanu sugaynaa markay xaqiiqda ogaanayaan sidii ninkii Maraykanka ahaa.

Doolaal: Waa maxay ninka maraykanka ah ee aad sheegaysaa?

Dubbe: Ninkaasi wuxuu ahaa ninkii ugu cajabta badnaa ee illaa hadda laga yaaban yahay arrinkiisa.

Doolaal: Dee haaye muxuu ahaa?

Dubbe: waa ninka subax ku soo kallahay maxkamdda ee yidhi. “waxaan rabaa in layga furo gabadhii aan qabay 25 sanadood ee intaaba guriga igula noolayd.” “oo waayo?” ayuu qaadigii weydiiyay. Wuxuu ku jawaabay. “xalay ayuumbaan ogaaday inay nin tahay.” Hadal dambeba laysma weydiin.
Waa inoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment