Sunday, August 16, 2009

Ha Ku Digan Ha Ku Dagan Ka Digtoonow

DALJIRE
(Ha Ku Digan Ha Ku Dagan Ka Digtoonow)
isku duubnidaada iyo danahaaga ku ekow


By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Doolaal: waar ka daa. ka daa. Saw caloosha maaha? ha cunin taase waxaad yeeshaa; biyaha ku rid labdan midh ee lubaan ah....waar halkaan dhigay? sug hadda..waar bal ka yara kac halkan.. haa waa kuwan.waa kuwii Ceergaabo eh, waar ku rid labadan mid biyaha oo u yara daa. markay milmaan cab. dib isugu arki maysid. haddaad bririx noqon weydo aniga i tuur tuur.

Dubbe: Waar ka daa ha ku dilin ninka meeshee. iminkaad dhakhtar iska dhigiye. fooxa ma mardabaan baa ninku?


Doolaal:
Waar iska aamu shuqulkani kaad garanayso ma aha eh. adigu hadalkaad ka adagtay ee iska wado hadalkaagii aad shubi jirtay. ka sheekii Maxkamadihii jabay ee mar qudha uun la waayay meel ay mareen. waar ma dhado cadceedi ku soo baxdaa? oo waxii oo hanjabaad ahaana maxay ahaayeen? wallaahi marbay na didsan gaadheen. anna waa yaabaayay wadaad baa dagaal geli. horta goormuu wadaadku shaqaddii waran laha soo doontay? waxa la sheegay inay ALAMTARA ku waasheen oo sidii Abrahe is yidhaahdeen bal in "Dayran abaabiilan" timaaddo.

Dubbbe: Dee mayee inaadeer, dawladdii oo dhan baanu idinku ogeyn raggiinii aanu is lahayn horumar bay keenayaan oo cusbataallo ayay idiin furayaan ayaa iminka foox dadka u qoraya oo leh caloosha u cuna. Oday Saleebaan oo sidii islaamaha ka habaartamayaa garoonkii salaadda Ciiddana waaban maqlayay oo le "Ilaahow Ina cumar Geelle naga qabo dawlado ayuu nala kaashanayaaye." Waa maxay waxaasi? siyaasad keen baa la yidhi ee ma habaar miciinso ayaanu uga fadhinay odayga. Teeda kale, nimankaa jabay Ha ku digan. nimanka gaalaa jebisay. kuwa kalena waa cadaw ee ethiopian ka la socdaa. markaa inkasta oo Maxkamduhuba waxay inagu hayeen aad ogeyd, waxaynu inagu ku badbaadaynaa inaynaan cidna xumaan la jeclaan sidooda. sidaadabana diinta ha ka fogaan. nimanku waa Soomaali waryaa. Midhkaa Ogow.

Dolaal: Dee waa runtaaye, maxaa haddaa inagu saliday nimanka? bal iyagoon waxooda hagaajisan ayuunbay somaliland kaga dhegeysaa.

Dubbe: "Ninba wax is leh" waar ninyow anigu adigaagan iyo xukuumaddiinan baan dalka uga baqaa. maxaanu reer Somalia isku soo gaadhiba haddaad sidan ku sii waddaan tani iyadaaba kala dareeraysee.

Doolaal: Oo waayo maxaad sidaa u leeday? maxaa horta idiinku wacan hanjabaadda? yaa ka adkaan jirteen? bal waxaad haysan soo daaya? Wallaahi inaanu itaalkiina idin tusi.

Dubbe: 'aar iminkaydin hanjabaad ka hadliye, hadhkood ka cararyow miidhane. dagaal ma hadal haynee. dalkan sidaa u kharaabiseen ee iminkana dadcunimo ku darsateen iyo xadhig maxay idinla tahay? ma lagu wada joogayaa sidan? suldan xidh, dadweyne xidh, dumar xidh, wadaad xidh, carruur,suxufiyiin xidh si distoorka ka wada baxsan. raggan aad iska xidhaysaan 10 sanadood bay dhufays ugu jireen inay intaa yar yidhaahdaan iyagoon baqanayn. idinkuna qunyar baa iska xidhaysaan. horta yaa idiinka f.... xun haddii sharciga lagu dhaqmi waayo?

Doolaal: Waar bal soo dhawow. (xanshashaq) wallaahi runta ma doonaysaa? anigaaba beryahan yaaban. ninkii sidaanu u lahayn yaan lagu tun jilaycsan, Ina Cigaalba waxan loolama iman jirin, ee aanu dabada u ga riixaynnay arrintiiba meel kulul bay maraysaa.Maalin dhexdaasa waxaan maqlayay isagoo leh “agoonta mudaharaadaysaa waa maxay?” may markii Ina Cigaal mudaaharaadaan?’ wuxuu yidhi dhallin Ileeye "waar Alla uma naxariistaanka anagaabay nagu dari". waar bal iska aamus ninyow. weger!


Dubbee:
shaahaa bal iigu shub. maxaad u malaynaysaa arrintii Geeddi? mise sidiinni baydun odhan Meles wuxuu yidhi. waar ma Abu Hureeyraa?

Doolaal: Innaga nimankaasi shaqo inaguma leh. kaa aad sheegeysaana..magaciisa ma karo aniguye, ee aad Geeddi iyo wax leedahay neef ciyay iigama duwana.

Dubbe: Wax ma kuu sheegaa anigu? Ha ku dagan. Arrimahan iyo dawladahan is xambaarsan ciyaar ha moodin.miyaanad ka baqayn in layna afduubo oo layna yidhaa halkan soo mara? waxaanse garan waayay kollay wax iibise ee maxaa iibiseen? ma waxaa is leediin doorashada dambe booba oo dabadeed Xabashi u yeedha? Mise Zeylac baa iibiseen? ma sagal li'dine, raggiinni iskaraabka iibin jiray iyo baloodhada iminkana la leeyahy basas guuxaya ayaabay is weydaariyeen. ahaaa ! wallee in laga sheekeyn?


Doolaal: Idinkuna shuqulkii Qaaxo iyo shaki iyo bac baa laydinku daw galay. waa niman jabhaddii ku waashay. geed walba mu'aamarad bay ka dhex arkayaan. waar waxaasi ma jiraan. Yaa odhanaya halkan soo mara ee ku dhaca?

Dubbe: Waar hanjabaad weynaa ma Maxkamdahiibaa? ma nimankiina meyd cusbataalka Hargeysa yaala 4 beebee u soo kaxaystay ee xabaddii qaar Ina faarax Joome maraya la dhacay baa wax iska celinaya? waar hayna lug goynina eh anigu waxaan idin leeyahay ka digtoonaaada waxa socda oo isku duubnideenna iyo daneeheenna ku ekaada.



Waa inoo toddobaadka dambe haddii alla yidhaa

a. Geeljire

1 comment:

  1. Ninkeyga iyo anigana waxaan leenahay dhibco aad u xun markii aan qadarinay joornaaliyeyaasha dhaqaalaha illaa xadkeenna aan ku codsanay biilashada, waxaan leenahay wax yar ama lacag la'aan ah in aan u dirno gabadahayaga si aan u galno jaamacad aan awoodi karno. Waxaan xakameyn karnaa amaahda deynta ah (shirkadaha amaahda), kuwaas oo ka caawiyay dadka naga mid ah, in aan isbeddelno deynta. Shirkad kasta oo aan la xiriirnay waxay dooneysay lacag ka badan $ 1,000 ilaa $ 2,000 oo aanan awoodin. Sababtoo ah waxaan u maleynay inaanaan rajeyneynin inaan doorano inaan iibino ama lumino gurigaaga adoo xiraya. Kadibna waxaan soo gaadhay majaladda maxaliga ah iyo daboolka wuxuu ahaa Shirkadda Loan Bonding Corporation. Saddexda talaabo ee ugu muhiimsan; 1. Waxaad soo gudbineysaa codsi elektaroonig ah. E-mail: albakerloanfirm@gmail.com 2. Waxaad siisaa habka saxda ah ee aqoonsiga sida haddii muwaadinkaagu haysto kaar aqoonsi ama liisan darawalnimo iyo macluumaadka akoonka bangiga. 3. Deymaha waa la baaraandegay, la ansixiyay, loona gudbiyey. Sheekada dheer ayaa la soo gaabiyey, waxay ka caawiyeen inay helaan deyn dhan 4% oo go'an oo wax ka beddelay lacagaha dib loo eegay. Waxay sidoo kale gabdhahoodii siinayeen deyn waxbarasho si ay u dhamaystiraan jeegga jaamacadeed ee buuxa. Waxaan la shaqeynay Lasson's amaahda, kuwaas oo naga digay horumarka adduunka oo dhan. wuxuu sameeyey dhammaan waraaqaha, wicitaanka telefoonka, iwm. Waxay sameeyeen dhammaantood waxaana helnay deyn aan aqbalno. Markii aan ogolaaday shuruudahoodii amaahda waxaan soo gudbiyay faahfaahinta bangigayga, waxaan ku bixiyey qiimo macquul ah adeegyadan. Anagu ma awoodi karno inaan helno sida fudud oo la awoodi karo maaddaama ay ahayd iyada oo loo marayo geeddi-socodka isbeddelka iyadoo la adeegsanayo aqoontayada. Ma aanan helin wakhti aan kuugu mahad celiyo, haddaba mahadsanid! Anigu ma weydiin koox ka wanaagsan. Anigu waxaan joogaa waqtigii dib u maalgelinta. Adiga ugu fiican, adigoo raqiis ah Haddii aad dhibaato naga haysato, la xiriir shirkad dejinta amaahda. Waxay shaqeyn karaan. Si daacadnimo leh, Timothy iyo Maria oo aqbalay Oktoobar 15, 2018 ee Columbus, GA

    ReplyDelete