Sunday, August 16, 2009

Af kala Qaad

DALJIRE
(Af kala Qaad)
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Dubbe: Intii khayriyadda laysu diidayayna dan bay ahayd. Haddaa rag beerahoodii ku shiray la xidh xidhay. Maxaa ku xiga tolow?


Doolaal:
Waar waakii Cabdi Xuseen Dheere, Badhasaabka Togdheer, sheegay oo ninna loo habran maayo markay timaaddo nabadgelyada qaranka. Walaa suldaan baanu naqaan walaa “Baho-Libaax” jeelkaa laysku gurayaa.

Dubbe: Beryahan dambe mushkiladdii dhacdaba maxaa ku soo daray mid ah qoladii Saleebaan Gaal ee la yidhi “no father no mother also from Caynaba”


Doolaal: Oo maxay ahayd “no father” tu?


Dubbe:
Ninbaa Saleebaan ugu maahmaahay oo yidhi “Beribaa Caynaba iyo nawaaxideeda abaar xumi ka dhacday. Markaasaa Ingriiskii oo raashin sida ayaa yimi. Nin turjubaan ah oo la socday Ingriiska ayaa qolo kale oo Ceel Afweyn ka timi markay laynka soo galaanba ka celiya meesha. Nin oday ahaa oo dadkii reer Ceel Afweyn ka mid ahaa ayaa yaabay oo yidhi “waar bal ninkani wuxuu Ingriiska ku leeyahay ee qoladan reer caynabo raashinka lagu siinayo ayaan eegayaaye i suga” markaasuu taanbuuggii daba fadhiistay oo dhegadhegeeyay. Wuxuu maqlay turjubaankii oo leh. “this man, no father no mather, also from Caynabo”. Turjubaankii oo yara kaadi tegey buu daf u soo yidhi gaalkii isagoo reer Ceel Afweyn wada. Intii uu maqlay buu ku yidhi “this man, no father no mother also from Caynabo” halkii baa raawshin lagu siiyay. Markaa wuxuu yidhi oday Saleebaan waxaynu is lahayn Ina Rayaale ayuu idinkaga toosayaa markuu sharciga jiidho ama wax is weydaariyo ama dadka madaxa isu geliyo ayuu idinka qabane. Saqaal nin oo reer caynabo ah ayuumbuu isagii u geeyay oo yidhi wasiiro iyo Badhasaabbo iigaq dhig. “this man, no father no mother also from Caynabo”
Nimanka wax alla waxaynu ka faa’idnay lama arag. Iminkana mid dekedda loo adeegsado marka maraakiibta la celinayo iyo mid Salaadiinta loo adeegsado iyo qaar la mida ayuunbaabay noqdeen miyaa?


Doolaal: Waar Cabdi Xuseen waa Mujaahid adag warayaa.

Dubbe: Mujaahidnimaduba waa taan kula yaabanay ee aan lee yahay siduu isagoo halgankaad ogayd soo maray oo dilna lagu xukumay eedyar uun salaadiin isaga xidhaa oo yidhaa shir aanaan ogeyn bay meel beer ah ku qabsadeen? Miyuu illaabay wuxuu cabudhisku ahaa? Hadday Khayriyadda ku qabtaanna muxuu samayn lahaa? Ma rasaas buu ku furi lahaa? Haddaba Mujaahidiintii ma ka dhintay baan u ooyaa? Ma ka nool ee darxumaysan baan u ooyaa? Mise ka meel haya ee guulwadaynaya ee waxii uu ka dagaalamay isagii samaynaya? Ahaaaa!

Doolaal: Oo kuwa dhintay waayo? Geeridu xaq weeye eh. Ta kale maxaa helay dadkoodii iyo dalkoodii dhexdooda ayay ku dhinteen oo mid walba aas wanaagsan baa u dhacaye? U ducee dee maxaynu kale ee u qaban karaynaa?

Dubbe: Aas baad ka hadlaysaa ninyow. Waxaan ka xumay raggaa iyo kuwii ka horreeyay iyo kuwa nooliba dhibta ay dhulkan u soo mareen ee ay ta maanta ku qabaan ka darantay. Iyo nin waliba xaaladda uu agoontiisii kaga tegey. Alla dadkeenu abaal daranaa.

Bal iminka afar nin oo waaweyn, Ilaahay baa weyne, ayaa is raacay. Iyaga waynu ka warhaynay dhibtooda. Bal iminka markay shuhadadii kale u tagaan maxay u sheegi doonaan? Bal maxay ugu warrami? Af kala qaad!
1. miyay ku odhan karayaan dalkii aydin u dhimateen ee xorayseen badh baa dib loo goostay oo weli maqan?

2. miyay odhan karayaan dalkii weli ictiraaf ma helin

3. miyay odhan karayaan agoomihiinnii weli way dayacan yihiin? “way sii tacbaameen intii calunku taagnaa”

4. miyay odhan karyaan mujaahindiintaq idinka hadhay iyo naafadadoobiiba waa dambaska cad.

5. miyay odhan karayaan dalkii nin Daahir la yidhaa iyo shirkaddii Faransiiska ee Total la odhan jiray, ee bil amaara baatroolka, ayaa kala goostay?

6. miyay odhan karayaan, iyaba waa quduro eh, ganacsatadii dalka u dhalatay dekeddii looga dhaaray? (ka hulleelle)

7. miyay odhan karayaan bal wax kale iska daayoo caruurtayadii waxba ugamaanaan iman?

8. miyay odhan karayaan waxaanuu u soo taagnayn ninkii Mujaahid Siilaanyo oo xaaskiisii inay dalka ka shaqayso looga dhaartay oo sawaaxili laga faddilay?

9. miyay odhan karayaan waxaannu ka nimi dalkii oo aan laga hadal hayn Mujahid Axmed Mire, Muj. Maxamed Xaashina looga yaqaan qaran-dumis?

10. miyay odhan karayaan waxaannu ka nimi dalkii oo ay haysato xukuumad aan Ina Sheekh Cali Jawhar xurmaynayn ama kuba gardaroota?

11. miyay odhan karayaan waxaannu ka nimi dalkii oo la yidhi baddiisa waxa ka kaluumaysta oo loo xidhay ........?

12. miyay odhan karayaan waxaanu ka nimi dalkii oo guurti iyo wakiil madaxa layskula jiro?

13. miyay odhan karyaaan waxaannu ka nimi dalkii oo Gole Guurti oo iyagu is doortay joogaan?

14. miyay odhan karyaan ayaamahaannu soo baxaynnay birihii daxalaystay ee kaarayaashi Aakhiro idiin soo diray ee mujaahidiintu gubtay ayaa xukuumaddu isku xaysatay sidii ay u dhoofinj lahaayeen shicibkuna budh la hor taagnaa?

15. marka la weydiiyo ee la yidhaa waar bal ka warrama:
• Ina Bureeqa (Siilaanyo)
• Ina Aw Cali
• Ina Mire
• Ina Kaahin
• Ina Biixi
• Ina Baaruud
• Ina Guure
• Ina Askar
• Ina Xaashi
• Ina Ciise Jamac
• Xaji Maxamud
• Ina Dhool Dahable
• Ina Reygal
Miyay odhan karyaan war uma haynee na weyddiiya?
1 Ina Rayaale
2 Ina Cawl (ku-xigeenka)
3 Ina Xaaji Daahir
4 Ina Buuni
5 Ina dhoolla yare (isaga waabay garan)
6 Ina Cali Ducaale
7 Ina Sulub
8 Ina Warancadde
9 Ina Qasim
10 Ina Waqaf
11 Ina Bullaale
12 Ina Kooreeye
13 Ina Cabdi Khayrre




Doolaal: Waar ninyow horta maxaa ina hebel uun la gurtaan? Ma cid baan ina hebel ahayn oo geed ka soo dhacday? Mise aabayaashiin baa kuwa ragga kale ka fiicnaa? Ina hebel ina hebel?

Dubbe: Oo idinku maxaa horta la kululaataan sidii gaadhi xun oo foodh (ford) ah markaannu afar mujaahid is daba dhigno magacyadooda? Wallaahi inaan sii wadi. Ina Cabdi Gaboobe, ina Abees, Ina Cali Sheekh, Ina Ciyaale....

Dolaal: Bes bes bes. Adeerow halkaa ku jooji haddaba oo wax kale ka sheekee.

Dubbe: Waar dhegeyso waryaa ama xanaaq ama sanka ka dhidhidoo. Jabhaddu iyo mujaahidiinteedu waa kuwii kuraasidan aad ku fadhidaan keenay. Annagu halganka iyo jabhadda gaar u sheegan mayno dadkana kala sooci mayno laakiin ninkii naftiisa noo huray ma hasoo hadal qaadin baad na leeday? Mise xaqiisa ha siin baad na leeday? Taa cidna ka yeeli mayno. Wallaahi ku nool daaye kuwii dhintay baa xabaalaha soo gujinaya oo sidaad wax u waddaan ka yaabban.

Doolaal: Waar aniga mujaahidiinta hayga hor keenine. Waxaan u jeedaa dalkan waynu wada leenay ee naga daaya inaad kolba sanka mar marisaan. Iminkaad tidhaahdeen illaa kuwii aakhiro ayaa wax waraysanaya? Wallaahi in wax walba laydunku maqli.

Dubbe: Waar ma wada lihin ee kan idinkaa yeeshay eh. Intay waraysteen baa markay u sheegeen dalkii inuu haysto nin Dahir Rayaale la yidhaa ayay yidhaahdeen “in kasta oo aanaan Daahirkaa garanayn, haddana waa hadal wanaagsan oo waa wax lagu faanu dadkii aanu u soo dhimmanay inay wax wada leeyihiin eh bal isaga aanu wax idinka weyddiinne su’aalahan nooga jawaaba.

MADAXWEYNE WAA KEE?

MAANDHOW SU'AAL
NINKA MADAX-U-WEYNE AH
HAWSHA LOOGA MAGAN YAHAY
MAAMUUSKA LAGA RABO
MIISAANKA SAAROO
MACNAHOODA II SHEEG

NIN MALEEGTAY OO HAWL
MARADII U GAABSADAY
MIYUU YAHAY MA DAALAHA
MAJARAHA U JEEXEE
MEEL MARIYA GEEDIGA?

MISE WAA MAQAAR SAAR
MAAHMAAHDU KAY TIDHI
MEESHA KAMA TAGAW DARAN
MISNA AAN WAX TARINOO
SIDA MAANLA YUURURA?

MADAXEYNE WAA KEE?

GEESI CADAW KA MAAGOO
MAYALKAW QABTOO NACAB
MASKAC WADATA MURUQEED
KU MUQUUNIN KARA XOOG
MIIGANE MIYUU YAHAY?

MISE MEYTI WEYAAN
IYO MIDHIHII SHIIDAAD
AAN QAADIN MIDIGTOO
DHULKA LAGA MAROORSADO
JAB LA MAAGGAN WELIGII?

MADAXWEYNE WAA KEE?

MAXAS DHAWR MIYUU YAHAY
MAATADA DAR YEELOO
CUDURRADA MALGAAYIYO
MACALUUL KA JIRO OO
MAHAD AY U CELIYAAN?

MISE WAA KA MOOGEE
MAALKOODA CUNA EE
MICIIN AAN LAHAYNE IYO
MAALOOTI AAN NIXIN OO
MURUGUDA KU DAAWADA?
MADAXWEYNE WAA KEE?

DALKA HORUMARKIISIYO
MAAMULKIYO DHISMAHA GUUD
MALLUUGAHA MA DEYAYAA
MAW MUHINDISOODAA
QORSHE MAW MALEEGAA?
MISE WAABA MAAN GAAB
MEEL DHOW ARKAAYOO
KOLBA HAWSHA MAALMEED
XAAJO MIISKA TAALBUU
IRBAD MIIQ KU DEYAYAA?

MADAXWEYNE WAA KEE?

MA HURAAN DHAQAALAHA
MARADHAARINTIISIYO
MESELOOYIN KORIYIYO
MADHXINTOODA XOOLAHA
MA DHIGAA HANTIDA MEEL?

MISE GACAN MISKIINIYO
QALAD IYOMARJUUC IYO
MUSUQMAASUQ WADA YAAL
QALIN BUU KU MUUDSADAY?

MADAXWEYNE WAA KEE?

MIYUU YAHAY MILGAHA GUUD
DADKA ODAY MASEEYOO
QOFKA MARA DHANKIISIYO
KA MUCAARAD SHEEGTABA
MARTI QAAD U FIDIN KARA?

MISE MACANGAG WEEYAAN
KALA MIIDHA SHICIBKOO
UGU YEEDHA MAGACYOO
MADAXAYSU GELIYOO
MURANSIIYA WELIGII?

MADAXWEYNE WAA KEE?
GOLAYAASHA MUDAN EE
SHARCI LAGU MAQOORADO
MAQAAWIIRTA JOOGTANA
MAAMUUS MA SIIYAA
MA LA LEEYAY MIDIGSAAR?

MISE WAABU MAAGAA
MIJO XAABINTOODUU
KU MASHQUULSAN YAHAY OO
KOLLA INAY MIDOOBAAN
DHAAR BUU KA MARAY TAA?

MADAXWEYNE WAAKEE?

MA DHAAFAAN DISTOORKA AH
MABA' IISU DIIN YAHAY
XEER MEEL INNOO YAAL
MARJAC MAW YIHIINOO
DAWGOOD MA MARAYAA?

MISE WUU MAXLALAYAA
MACNAHOODA LUMIYAA
MACDUUR BUU U DOONTAA
SIDUU MURAN U GELINLAA
MARNA WAABU JEBIYAA?

MADAXWEYNE WAA KEE?

MADASHIYO FAGAARAHA
MIMBER HADALKA LOO KORO
MIYUU MAHADHO REEBAA
MURTI WEYN KA SHEEGAA
MAAHMAAH KA TEGEYAA?

MISE WUU MERGENAYAA
MAAWEELO BEENOO
MAALIN NOOLBA JOOGTUU
ISLA SOO MUTUXAYAA
UU MOODAYAA GABAY?
MADAXWEYNE WAA KEE?

Waa inoo toddobaadka dambe haddii Alla idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment