Sunday, August 16, 2009

Xaal Qaado?

DALJIRE
(Xaal Qaado?)
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Dubbe: Waar ninyow kan qaadina wuu ka sii darayaa mays tidhi?

Doolaal: Dee saw wakhtigiisii maaha. mar hadday dhaxani timaaddo waa iska noocaa.

Dubbe: waar kan waan iska feenfeenan eh, waxaan ku weydiiyay. Ma haddaa tidhaahdeen shaqaalahii dawladda ee madax iyo cuqaalba lahaa xaal soo siiya Ina Rayaale? Tolow halkan meesha ka hoosaysa ee aydin ku socotaan waa halkee? Madaxweynaha se maxaa u danah ma in maalin walba la hadal hayo mise inuu sheekadan iska soo afjaro oo sharciga ku dhaqmo?
Idaacadda dawladdu markay caayaysay Muj. Maxamed Xaashi iyo golahi Wakiilada ee hore miyay reer Awdal xaal bixiyeen mise way qabanaysey in la weydiiyo?

Doolaal: Adiga waxaan ku weydiiyay. Goormaad waxan oo mucaaradnimo ah iska deynaysaa? maalin qudhana maad muxaafid noqotid ama xataa isku yar daydid.

Dubbe: Waar nin Ilaahiisa ka yaabaya miyaanad ahayn? halkuu ka yahay? waar ma nin caqligiisa qaba oo Ilaahay garanaya oo idin arkaya ayaa maanta muxaafid noqon kara?

Doolaal: Waar miyaanad xishoonayn?

Dubbe: Dee ordoo aniga xaal iga bixiya. maxaan ka xishoodaa? dee waa runtay.

Doolaal: Oo maxaad ku keentay? sabab?

Dubbe: Horta aan kuu horraysiiyo eh muxaafad iyo mucaaradba waynu leenahay dad danystayaal ah oo bani Adam baynu nahay. Dad qaldami karana waynu leenahay labadeenumba. Laakiin anagu mucaarad ahaan waxaannu leenahay dad badan oo aad u badan oo odhan kara waar dalka ha la eego oo wuxuun xidhayaan dee. idinka miyaa? Weli lama hayo qof odhankara waar waxan dalka ha laga daayo. qof qudha oo xumaan diid ah weli laydinkama hayo. bal ii sheeg. hadduu jiro xataa bal meel qof idinka mid ahi ka hadlay ii sheeg?

Doolaal: Waar intaa waannu hadlaynaa waanad maqlayn. mucaaradadda ayaa ku madax martay. Quraanka haddaanu akhrino si kale ayaad u qaadanaysaa.

Dubbe: Horta dee anagu waxbaanu qiranaa sidii cuqdad liitinimo ma qabnee. waa runtaaye mucaaradku had iyo jeer way yar cadhaysan yihiin. Taa waxbaa ka jira. Ee qoodhaa iyo xeradaa ninka idinka idunku mucaarad ahi cadho ma waayayaa? ma dad aan wax qudha hagaajinayn oo dal u tudhayn oo aan dad u tudhayn oo aan distoor u tudhayn oo aan duunyo u tudhayn baa wax lala wadaagi karaa? maxaannu ku cadho beelnaa? wuxuu yidhi orgacii wanku yidhi maxaad la qaylisaa had iyo jeer "xilahaygii baa xilo baas laga dhigay ee maxaan ku aamusaa?"

Doolaal: Dee horta nin habari dhashay hal ma seegi waayo oo Ilaahay uumbaan qaldamin. Laakiin inta badan sax baanu nahay ee ictiraaf la'aanta ayumbaa na hakisay.

Dubbe: "Koore la qaadyaaba shalamdi raacday" baa la yidhi. meel walba ictriraaf baa soo gelinaysaan. Aan kuu warramaee maalintii dhoweyd ee rubucii Fujiska ahaa aad igu khasabtay baan murqaankii isla yara falanqeeyay arrinta. Bahalkana haddii aan mijintayda qori ku daro; qori dhegayso, dheg haddaan ku daro. cirkaasaan marayaa. dabadeed waxaan is idhi murqaankii bal maad muxaafid noqontid.

Doolaal: Hayee?

Dubbe: Dee ma haye bay leeday? Dee waan noqon kari waayay. waxaan is idhi bal shaqooyinkooda kolba mid isku day. a) Madaxweyne ku xigeen baan iska dhigay. Mise kolba wasiir yar oo nagnaglaynaya ayaaban isaga taagwaayay. b) Wasiir baan iska dhigay. shaqadaydiba reerkiina xaal ka doon iyo muxuu hebel meelahaa waxaa uga lahaa oo lay waydiiyo ayay ka dhamaan wayday.c) Sarkaal ciidan qaran baan iska dhigay. arrintaydiba xisaab caagle, foosto shidaal ah iyo jawaan bariisa bay ka dhamaan wayday. d) Sarkaal ciidan Boolis baan iska dhigay. xeerkii aan ilaalin lahaa oo aan jebiyo ayaan ka dhammaan waayay. e) Guddoomiye maxkamdeed baan iska dhigay. xeerkii oo aan sidii mergiga kolba dhan u jiiday baan isaga taag waayay f) sir doon baan iska dhigay. acuudu billaah. oo ma iminkaad kolba laba qof oo wada hadlaya dhegta u ballaadhin karaysaa baan is idhi. g) xisbigii baan iska dhigay oo Afhayeen baan iska dhigay. Meelaanu joognaba waan waayay. Ina Kaahin uun bay iga qabsatay caydiisa. h) Maareeyaha Dekedda ayaan iska dhigay. Lacag umaddu leeday oo meesheedii meel aan ahayn aan ku wado ayuumbaan isaga taagwaayay. i) Mayor baan iska dhigay. dhul dan guud ah ayuumbaan isaga taag waayay. j) sidaadoo kale ayaan iska dhigay Doolaalow. Been aan difaacayo oo aan hadana arkayo ayaan isaga taag waayay. Markii dambe ayaan is idhi oo maad meeshaba xukuntid oo adigu Madaxweyne noqotid. Bal waxay igu aragtay mooyaane Haatuf baan isaga taag waayay.

Markaa bal aan ku weydiiyee nin Ilaahay ka yaabayaa waxaa halkuu ka marayaa dembi la'aan? Muxaafid ma noqon karaa?

Doolaal: Waar raggaasi waa rag dalkooda iyo dadkooda ushaqaynayaa oo naftooda u huraya -oo aad afkaaga xun ku jaqayso. miyaad gaadhi kartaa?

Dubbe: Hahahahaha. hahahah.. quxu.quxuu..quxu. waar.. xxxxxxmmmm. xxxmmm.

Doolaal: Ku go'! 'aar cirka eeg. xiix dheh. waa wax xun hadduu ku rooro qaadkuye. Hadal uumbuu wadaa.

Dubbe: Waar biyaha ii dhiib. waanigaa saxday. Wuu I cawryay. Weli waa igu taagan yahay. xxxmm.. Wallaahi waad iga qoslisay. maxaad tidhi ? waa rag dalka iyo dadka naftooda u huraya. "Car yaan inankaa haybsan oon qoslin" buu yidhi ninkii jiray.

Aan kuu warramee, waa halkaagiiye Quraanka haddaanu akhrino waanu idinka dhex arkayna. Maalin dhawayd oo jimca ah oo aan masaajidka hore u tegey baan Jis Camma akhriyay. suurad walba idinkuumbaa iiga dhex muuday. ""Alam ya jidka" markaan akhriyo ayuunban xusuustaa waxaa liqayseen. "Alam najcal lahu alcayneyne wa lisaanan wal shafateyne" markaasaan idhaa waar kuwan wasiirra ah ee dhaartay miyaanay laba indhood,iyo carrab iyo dibnood oo ku hadlaan ilayhay siin. "ayaxsabu anna maaluhu akhladah" waar waxan la urursanayaa ma waarayaan. "Lan yaxuddu calaa dacaamil miskiini" tolow dadkan masaakiinta ah ee dalkoodii ku gaajaysan yaa ka masuula. Iyada "Tabbat yadaa abii Lahabin" waa ka booday oo waxaan is idhi qaar baa odhan xaal baanu ka bixinnay.


Waa inoo Toddobaadka dambe haddii Alla idmo

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment