Saturday, August 29, 2009

Ciddi buu Garab Mooday

(Ciddi buu Garab Mooday)

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Doolaal: Waataa in badan qaylinayseen ee lahaydeen wada tashi ha la sameeyo iyo guddi qaan ha la sameeyo. Waanaagaa ku dhawaaqnay ee bal haddaba soo daaya waxaa hayseen. “Fardo laysu hayo maxaa laysugu faani?” Haat burhaanak.

Dubbe: Horta waa hadal wanaagsan oo ha la wada tashado anagaaba lahayne. Laakiin...

Doolaal: Maxaa laakiinba keenay dee? Halkaa ku daa. Ha la wada tashado weeeye. Maxaad dabada kaga sii daraysaa?

Dubbe: Waar bal haygu soo boodine u kaadi. Maxaad ii afduubaysaa? Anigu waxaan leeyahay arrintu ma xuma laakiin Aw Rayaale-Gorod siday ku qurux badnayd muu yeelin.

Doolaal: Maxaanu yeelin ee aad sheegaysaa? Isagu hadduu guddidii ku dhawaaqay miyaanay ka dhammayn?

Dubbe: Waar heedhee, dad aan madanimada garanayn baa tihiine. Usuulku wuxuu ahaa inta aanu ku dhawaaqin qaabka guddida iyo qaybaheeda inuu madaxda qaranka ee uu tilmaamay u yeedho oo uu yidhaa guddidii qaran baan samaynayaa maxay idinla tahay? Sideebaynu u dhignaa? Maxaynu u xil saarnaa? Maxay noqnaysaa shuruuda laga qayb gelayaa? Ganacsatada iyo aqoonyahannada dalka ee aan xisbina ahayn wana kordhin kara ma lagu darayaa?Bal ama iminka ii sheega ama isku noqda oo waqti ma jiro eh toddobaad gudahii igu soo war celiya. Haddii kale anigaa soo qorshaynaya ee igu raaca.

Taas oo muujinaysa niyad wanaag iyo kalsooni.

Ama waxay ahayd inuu isagu hordhigo qorshahiisa oo ay la gorfeeyaan oo meel wax layla dhigo intaanu ku dhawaaqin.

Waa maxay sidii guddiyadii uu xukuumaddiisa ka magacaabi jiray ayuumbuu yidhi shan nin oo UDUB ah ku soo darsada laba nin iyo mid Wakiiladah.

Maxay ka duwan tahay kuwii markay wax yari dhacaanba uu odhan jiray Madaweyne ku xigeenka iyo shan Wasiir baan Guddi u saaray ee dabadeed la waayi jiray.

Muxuu xisbiga UDUBna ka daba wadaa xukuumadda oo dhan iyo Guurtida ayaaba UDUB ahe? Ma doorashooyin baa laga hadlayaa oo saddexda xisbi ka wada hadlayaan?

Mise wuxuu doonayaa inta aanu ka qayb qaadano haddana kula heshiin weyno habka iyo hawsha UDUBtan uu shanta ka soo magacaabay oo dabadeed la yidhaa khilaaf bay keeneen?
Waxase nuuqata cuqdaddii uu awalba qabay ee aanu ku kalsoonayn Madaxweynimadiisa ee uu odhan jiray “dalka anigaa lay doortay ayaan qabaa oo xakumaya. Layla xakumi maayo.” Muxuu xukumay kolba inan miskiinada oo hay’ad yar haysata ayuu nin waalan iyo askar ku soo dirayaa xafiiska ka xidhayaa. Alla ku doori. Mise siduu madaxdii Qaran Maxamed Xaashi, Dr. Gabboose iyo Jamal Caydiid godka ugu riday ee looga baqdayba wuxuu noqday “Awrkii wacays cunay.” Wuxuu Qaasin (AHN) “Mar haddaan suldaankii gembiyey oon weliba googooyey. Mar haddaan ina Cismaan (Basabaas AHN) goof ku riday gaadhna kaga meershay. Oo aan weliba gaalleef af badan idinla gaadaayo)

Doolaal: Waar iminkaad meel aan waxba ku jirin wax ka soo saari ee dadka ha waalin ninyow. Dee guddidu markay isu timaadaba waxaa aad dhurayso ha ka wada hadasho. Maxaa ku jaban?

Dubbe: Waar niyow wallaahi anigu garan maayo sida loolaba shaqayn karo ninkan cid walba askarta u soo kaxaysanaya ee dulmiga maalin walba sii kordhinaya? Anigu waxaan ku talin lahaa guddidaa yaan la gelin illaa arrimo badan debedda lagu sii dhameeyo. Anaguu doonayaa inuu na fashiliyo oo aanu eeddana la qaybsanno. Faysal na waxaan odhan lahaa. Guddoomiye doorkan ha horran. Meel wanaagsan baad ka waddaa yaanu “foore galabeed foodda kaa qaban.”

Doolaal: Waxan aad leeday askar baa loo soo kaxaystay waa maxay?

Dubbe: Haaye haaye. Warkaa intaad rabto ayuumbaad maqashaaye. Ma waxaanad ka war hayn inuu Ina Rayaale oo dabada laga wadaa, mooji cid ka wadda eh, Yusuf Tallaabo dababa ka soo kaxeeyay oo uu isna Ina Shiil dabada ka soo kaxeeyay oo Ina Shiilna askar dabada ka soo kaxeeyey oo iyana ay hay’adii SHURO-Net dabada ka sii kaxeeyeen oo xafiiskii ka xidheen.

“Hashu maankayga gadday ee ma masaar bay liqday?” buu yidhi ninkii jiray. Waxani waa yaabe ninkii mujaahidka ahaa ee xaq darrada ka soo dagaalamay ee dar xumaduu u soo maray masas dhogor lehna laga soo jiiday markay mataggii soo raaceen ee badhna debedda yimi badhna gudaha caloosha ku hadhay. Waxan uu waxii uu ka dagaalamy u samaynayaa waa maxay? Malaa waa la doorsaday? Heedhe ma falan yahay uu? Heedhe ninki ma geel-ka-cabaadistuu bartay? Ahaaaaaa?

Doolaal: waar weligaaba markaad askari hawl fuliyay aragtaa baad is waashaaye iska dhaafoo. Maxaa uga xanaaqdeen xafladdii aanu Cismaan Hindi u qabannay?

Dubbe: Maanagaa xanaaqnay? Kkkkk. Oo maxaanu ka xanaaqnay?kkkkk. intaa hadal aan Cismaan Hindi ku idhaa oo xun baad doonaysaa laakiin iga heli maysid? Hortaa jiraba waa. Anagu nin xisbigayaga ahaa waxba ka sii daba tuuri mayno laakiin waanu la talinaa hadduu dhegeysanayo. Midina way iska jirtaayoo kollay markuu qofku meel kale galo si aanad u arki jirin buu kuugu muuqanayaa. Waxa la yidhi nin odayaashii sharafta lahaa ee reer Somaliland ahaa ayaa xisbi ka baxay oo mid kale galay. Isagoo xisbigii cusbaa ka khudbadaynaya ayuu arkay nin taageeri jiray oo weli xisbigii hore ahi. Wuxuu yidhi. “waar yaadhaheen. Awal markuu xaajigu xisbigeena ahaa ma sidaasuu u ilko dhaadheeraa?” kollay iminka wax way noo yar muuqmuuqan laakiin waxba odhan mayno.

Doolaal: Maxaad kula talinaysaa waabuu kaa tegey eh? Weliba sawkan idin cawaray ee garabka dhan goostay.

Dubbe: Keebaa garab goostay?kkkkk. horta ninyow maxaad iiga qoslisaa? Horta isagu hadduu garab goostay u diidi maayo idinna waxaad ka heshaan cidna wax ha ka siinina. Idnka wixiinu waa “Ma dhulbaa.. wallee kama kaco.” Wax Kulmiye ah oo idiin soo gla ayuumbaa u bugtaane. Laakiin markaanu anagu is eegnay ee is baadhnay ee is taataabanay wax Alla wax garab ah noo naga maqan weynay. Haddii laga tegi waayo.Ciddi far yaro ku taallay oo marka horeba si xun noogu baxday baa na jabtay dabadeed waanu iska goynay. Dee hoosteedana malaa wax yari waa ku jireen kollay. Ee waxaa iska daayoo ninkaa aanu saaxiibka ahayn waxoogaa talooyin ah oo nin ii soo faray baan u hayaa u gee.

Teeda kale Ina Rayaale waa abaal laawe. Kuwii kursiga saaray ayuu cagta hoosteeda geliyay adna cad yar oo garab yar baa nin waraaq ku soo duubtay oo ula yimi baad sheegaysaa. Halkaad ka walaantay.

Doolaal: Maxay yihiin talooyinku? Kollay waa cantaro baqash eh.

Dubbe: Cismaan waxaad tidhaadaa. Nikaasi wuxuu ku yidhi.

“ Cismaanow horta maanta laga bilaabo magacaagu wuxuu noqonaya Cisman-Hindigii Kulmiye –ka- soo- galay oo magacii Kulmiye iska reebi karai maysid.

Cismaanow meeshaad ku biirtay UDUB baa la yidhaa. Xaaraan maaha oo waa xisbi qaran oo weliba xukunka haysta iminka “oo la doortay” xisbiyadana kama rag xuma laakiin waa meel Rayaale carro xun ka dhigay oo rag dil ah oo raggu ku daxalaysto sida birta xeebta taal. Bal libaaxii Saleebaan eeg. Mee? Sawkan Goollawaraabaha ka yar.

Garaadkii reer Dila mee ee libaaxa ahaa? Waaka isaga oo aan codayn karayn Guurtida fadhiya. Fu’aad Adan Cadde mee? Waata Laascaanood lagu shiidayo. Yaasiin Faratoon mee? Boos mee? Bal ragguu watay ee uu ASAD kala soo galay eeg. Maye. Mulacyo ayay noqdeen. Qaarna iyagii lama arko ee hungirigooda oo keliya oo socda ayaa muuqda sida Maxamed Muse Diiriye. Libaax buu ahaan jiray UDUB horteed. Adiguna sidaa ku talo gal.

Haddaad ka tagtay qaylada boqol nin oo wada qoodha oo wada doobyaya. Halkaa waa lays dhufaanaa doobta lama oggola. Koran waxaan ahayn lama oggola. Xataa koran-dhibiilahu waa mamnuuc. Adna waadigii yara nagnaglaha ahaa illayn waa inagiiye.

Waxa lagu odhan Madaxtooyada kaalay oo meesha ha lagugu arko oo meelahaa taagtaagnow. Haddana maalin walba askarta kadinka waydin isku xiiqi oo kolba “manta cid ha soo daynina ayaa nala yidhi.” Bay ku odhan. Qaadka la ogow. Lana soco oo markaad gashaba kuwa reerkiina ah ee xukuumadda ku jira taleefan baa loo dirayaa inaad soo gashay waa loo sheegayaa. cid u dirtayna garan maysid ee iyagoo ku ag taagan ayuumbaad arkaysaa. Ha yaabin. Haatuf baa ugu xidhane.

Had iyo jeer waadigii caadada u lahaa inaad xigaalka danqaabto oo dee yacnii sokeeye cunka lahaa. Markaa malaha Chief Caaqilka iyo walaalkii Xildhibaanka ku dheerayn mayside, wax badanna maba hayaane, Ibraahim Yey baddiisa ha gelin. Hayaaaaay. Waaa wareeeeey. Waa ninkii Ismaacill Yare diray ee hadh cad dhaqaajiyay. Dhan walba wuu u xushan yahay meesha. Weliba dhirbaaxada uu kugu wadaana dad kalena way ku dhacdaa. Yara surma seegto ayuu leeyahay. Illaa yaryarka wawrgeysyada iibiya wuu dhirbaaxaa. Xasankii yaraa ee agoonka ahaa ee fariidka ahaa ee Mujaahidku dhalay ee Xaraf ku iibin jiray joornaalka weydii, Rashiid Jamac Dheri weydii, Cali Guray weydii. Waar miyaad is yeelyeelaysaa?

Sidoodaba ninka meel kale ka yimi ee dad-daf lasoo gala ma jecla.

Madaxtooyada waxaad moodaysaa meel hawlo ka socdaan. Ma aha. Waa naadi lagu kulmo. Iyo “madaxweynihii ma soo degay ? iyo soo muu degin.” Nin Ogaadeena oo safar ka noqday baa qolo kale oo soo safarty dhexda kula kulmay. Wuxuu ku yidhi. “Haddee waxaas oo buhaan iyo qaylo magaalada ka bixi ma maqlaysaan? Haddee waa iga gado iyo kaa gadan mahayo.”

Waxaad arki doontaa rag uu Aadan Ruush u horreeyo oo sidii noobiyaddii Berbera meesha taagan uun oo aan Madaxweynaha u gelin meeshana ka tegin oo kolba ka soo baxa yidhaada. “miyuu fadhiyay mise wuu soo kacay. Ha la yaabin meeshaa raggu ku sacsacmaaye.

Muddo yar ka dib qaar afka kuu soo dhuuba oo cabanaya oo leh. “waar ninyow meeshii siday tahayba garan mayno. Wallaahi inaan sidan lagu sii jiri karayn....” war bay kaa qaadayaan. Adna inta dhiiggii Kulmiye kugu sii jiro wax ha laga hagaajiyo iyo wax waad odhan odhan. Ka digtoonow.

Waadiga ganacsiga adiga iyo reerku leh. UDUB waxba hayska amaahin. Haddaad amaahiso inay raagto ku talo gal. sideedabana Ina Bullaale yuu kuu soo qaadin. Muraad oo xafiiska ka kireeyay wuu dhintay oo waxba weydiin kari mayside, bal waxaad waraysataa inantii Xaliimo ee kildhiga shaaha ku shubi jirtay xafiiska hortiisa geedka Dharkaynka ah ee ku yaal. $400 oo shaaha markay yeelatay bay kacday.

Wax Allaale wixii aad xumaan ka sheegi jirtay ee musuqmaasuq lahaa, xatooyo xoole dadweyne lahaa, caddaalad darro lahaa sidii bay u jiraan. Laakiin adigu xariif baad tahay oo waad la qabsan markiiba.

UDUBta raggan jagooyinka ku magacaaban ee aad taqaannaa ma xukumaan. Bilaashkood. Meesha waxa xukuma rag qarsoon. Ragga Doolarka dhiiba iminka sheegi maayee. Waxa soo raaca Buuni iyo meesha aan la sheegi karayn. Haa dee iska garo.

Meesha waxa wax lagaga cuno waxa ugu weyn cayda Kulmiye. Nin laabta garaaca oo yidhaa “ninkii Rayaale ku socdow anagaa ka soo sokayna.” Nin wax kale yidhaaba. Markaa warqad yar baa laguu qori oo aad ula tagto Bangiga dhexe ama Inanta agaasinta Wasaaradda Maaliyadda. Labadaa ruuxba way dulman yihiin oo lacag aan loo dhiibin baa waraaqo loogu qoraa dadka ee ha kadedin. Weliba Inantu waa marwo Ilaahay wanaag u dhaliyay oo shaqadeeda qabsata kana adag. Wixii halkaa kaa dhiman Bullaale weydii khaqal mooyahana ku talo gal.

Waadigii u ciil qabay yaryarkii kugu dhibay meheradda ee kolba ku toorriyeynayay eh Guddida Nabadgelyada ha moogaan iminka. Illayn Cirro na waa inaadeerkaaye. Maxaa kaa galay. Gadhka u geli oo waaraad ku qaad illaa Mandheera. Aabahoodba la cay.

Midna waa naga codsi. Inaadeerow waadigan “garabka goostaye” ee gundhada jaray eh meeshiiye bal Aamina Weris wixii shaqada loogu diiday soo ogow oo na soo gaadhsii. Bal Ina Rayaale weyddii. Ama cid kale ha kuu tilmaamo.


Waa inoo todobaadka dambe haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment