Sunday, August 16, 2009

Candadawlaha Guud

DALJIRE

(Candadawlaha Guud)

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.




Doolaal: Waxaa waddaanba ma ka soo dhaadhacdeen Wakiiladii? Laakiin maxay idiinku taallaa? Saw idinkama dambayno.

Dubbe: Horta inay sii wadi mooyaane idinku in mar laydin waabiyo waa u baahnaydeen. Laakiin anaaba yaabay oo is idhi waar maanta "Bacaluul is qaaday". Marbaan is idhi waar malaa caanaanta Wakiilada waa la degdegteen. Xaji Dallaayad (AHN) ayaa niman dhallinyaro ah oo meel fadhiya u soo galay. Nin ka mid ah oo qurux badan ayuu garan waayay. "waar ninkana waa kuma?" buu weydiiyey. " waa hebel oo waa nin inaka ah oo reer Waraabe ah" bay yidhaahdeen. "Habar Yoonis ey magaca waa la dedegteen ma is tidhaahdeen?" buu yidhi. " ma nimanka Quruxdan leh ayaa reer Waraabe u bixiseen?" ayuu si kaftan ah u yidhi.
haddaba malaa dhalliisha Wakiilada waanu la degdegney baan filayaa. Waaba la ogaan.

Doolaal: Waar "siddi siddidiina mooyee dhul u dhaciinna hubsada" cod Wakiil oo Kaalay Madaxtooyo kaaga dambeysey caynkiisii hore ma aha.

Dubbe: Waar waa sidaas oo abadan ah ee xejista lambarkiinna. Waakii Ina Rayaale is xiijainay markii uu xubinta Komishanka ee reer Awdal ku bedelayay Maxamed Xashi ee lahaa Sunne ayaa jira e muxuu sunnihii u raaci waayay? "Saalo saalee, wallee saakaanan kaa hadhan." buu yidhi ninkii.

Doolaal: Waar idinkaan laydinka hadhayne. maanta waxa i qabsaday miyaad ogtay?
Dubbe: Hee? bal horta shaahaa iigu shub. falaastani tii aan sonkorta lahaynbaa? waar xaggaa iiga fogee bahasha. Maxaa ku heley ee aad sheegaysaa?


Doolaal:
Saw anigoo meeshii qaadka markaasuun ka soo dhaqaaqay mid yar oo baas gaadhiga iguma garaacin daaqdda oo ma odhan "adeer shaag baa kaa banjaray." sidaadaan u jalleecayba midyaroo kale oo dhanka kale taagnaa baa huf ka siiyay moobilkii oo la cararay. igaga darane wax Allaha waxaan lambar haystay halkaasuu ku jiray iga wallaanna ka guraygayga dusha aqoon. Waar illayn Belaayo.

Dubbe: Oo maxaad samaysay dabeed? marka hore lacag xalaala kumaad iibsanne.

Doolaal: Dee waan iskaga hadhay. ma wax kalaan samayn karayay? Maanaan lacag xalaala ku iibsan?

Dubbe: Oo miyaad maqlaysay? Waar iska dhaafo waad heliye; tuuggaa yar baaban ku xusuustaye. saw kuwiinna yaryarna ma kala dhacdaan? Oo waaba bahalo yar yar oo indhaha soo caddeynaya eh.

Dolaal: Waar awelba adiga kaamaan sugeyne, Maxaad ka hadlaysaa? waa maxay bahalahaad sheegeysaa?

Dubbe: Ma maqlaysay kii aydin Hantidhawrihii Guud ku sheegeyseen waxa uu ku hadlayay markii xisaabta lagu qabtay? wuxuun baan maqli jiray "hadduu qof nool liqo oo mijuhu soo jeedaan qiran maayo." Taasaa la leeyahay ha la ictiraafo.

Doolaal: Dee hadduu yidhi xisaabtu waa amaah oo miisaaniyaddii hore ayay ka soo wareegtey maxaa idinku raadinaysaan?

Dubbe: " soo bax baa la leeyahay oo ay sacabka leefeysaa." Muxuu u sheegi waayay cidda laga soo amaahday iyo sida ay u baxday? waar illayn nin ku lacag qaata inuu xisaabta qaldo oo aad inuu saxo ka doonto ayaa kuugu daran. Wallaahi anigu Candadawlaha Guud ayaan u bixin lahaa. Oo wax Allah wuxuu keenay waa xisaab candadawlan eh. Waxa kale uu kaga daray aflagaadada uu Wakiilada ku hayay.

Doolaal: Waar ninkaasi xilkiisuu gudanayay ee idinkaa waxbaa la qodqodaa uun maqlay oo xisaabtii oo saxa ayaa odhanaysaan waxbaa ka maqan. Waar wax qaranka u dan ah keena nionyow.

Dubbe: Wwaxa la yidhi "waxay abeeso leeday ilmaheedna leh." ma maqlaysay ninkaa hantidhawraha isku sheegaya? qoodh iyo xaro sidii adeeradii buu yidhi " Qarankaa khalkhal lagelinayaa, iyo dadka la jahawareerinayaa.." iyo wax la mid ah."Bal intuu leegyahay ee uu galaalan yahay dey"
oo kii wax lagu qabtaaba wuxuu dhufayska dhigtaa qarankaa la khalkhalinyaa. ma qaran baa inoo nool idinkaa khalkhal geliyay eh. waxa la yidhi nin reer miyi ah baa neef tuulada u iib geeyey. waxaanu ogaa in lagu leeyahay lacag u dhiganta neef qiimahiisa markaasa markuu soo waday neefka ayuu kolba usha ku dhuftaa oo yidhaa "juud, hoosta ka cunan yahay." iminka dalka oo dhan baa hoosta ka cunan ee qolofta ayuumbaanu eegaynaynaa. tolow iyada uun maydin nooga tegi badh baa naga hadhi lahaaye?

Doolaal: Maxaa galaalan ee aad sheegaysa ma wanbaa ninku?

Dubbe: Waxa la yidhi nin bukooday baa wadaad loogu yeedhay cashar ku akhriya. wadaadkii baa casarkii adhigii reerka ninku ka buko soo dhex maray oo ku arkay wan weyn oo galaalan. markuu casrkii ninkii u kitaab furay buu yidhi " Wax weyn ma aha ee qoladan inaga hooseysa ayuu carruur ka jiidhay. Dawadiisuna waa quraanka oo lagu akhriyo iyo in wan galaalan adhiga looga soo qabto oo caawa ha la qalo." Isagoo halkii duleedka fadhiya oo is leh caawa ayaad badhaadhay oo wankii weynaa aad dubaaxsatay ayaa la soo ag mariyay wan yar oo galaalan oo in la qalo loo soo qabtay. markaasuu gartay in kii uu doonayay inuu caawa isku goosto uu seegey oo mid yar la soo qabtay. intuu cadhooday buu kor isula hadlay oo yidhi " Hulumbe ku dil. Intanaabu leeg yahaye bal maxaa galaalay?"

Waa inoo toddobaadka dambe haddii eebbe idmo

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment