Saturday, August 29, 2009

Qudh Mujaahid

DALJIRE
(Qudh Mujaahid)
Xaaji Cusbo keen

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Ahaaa! Wallee dadkeenaan la yaabay.

Doolaal: Waar maahee adigaa yaab ka samaysane. Maxaad kula yaabtay dadka ee aad adigu isula yaabi wayday?

Dubbe: Waxaan kula yaabay. Waa dadka Xaaji Cusbo-keen weli wax ka dhegaysanaya ee odhanaya ictiraaf buu doonay.

Doolaal: Waa maxay cusbaduna?

Dubbe: Waxa la yidhi nin reer Buuhoodle ahaa oo xoolo miyi oo badan laha oo xajkii hore u tegi waayay ayaa berigii dambe ee qayrkii oo dhammi tegey isna is tahbiibay oo yidhi waan soo xajayaa. Magaaladii u horraysy markuu yimi ayuu cusbo ama milix la iibinayo arkay. Halkii buu ku tashaday oo intuu gaadhi cusba ah soo iibsaday iska soo noqday isagoon xajkii tegin. Markaasaa XaJI Cusbo-keen loo bixiyay. Iminka Ina Rayaale kolba intuu daayarad dambasa inoo keeno ayuu yidhaa albaab baan soo garaacay.

Doolaal: Ictiraafka ma waxaad u haysataa wax daas laga soo iibinayo? Saw hawl loo geli mayo oo loo safri mayo? Waar xaasidnimada iska daaya oo wax kale ma haysaan?

Dubbe: weliba doorka dabyl baa ka kala firdhisay dambaskiina oo shaarubaha u caddaysay. Waa ninka yidhi ictiraafkii waan ka soo degdegay oo Marayklan baa baaq iga soo daba saaraya. Horta anaigu hadalkiisa horaan uga hadhay oo sidaa biyo biriij hoos maraya ayuu xawli igu dhaafaa. Maxaa ictiraaf laga suga ma ninka ceelkan Geed deeble galaan biyo ah aan inooga soo dari karayn.

Doolaal: bal waa tase waxaan mucaaradad ahayn keena? Jaaliyaddii debeddana wuu idiin sheegay.

Dubbe: Horta anagu markaanu Madaxweyne qaran aragno ayuunu wax odhan doona ilayn kani waa mid UDUB oo keli ah u ah Madaxweyne eh. Waa ninka jaalliyaddii intii UDUB ahayd uun la shiray. Markuu soo noqdayna yidhi kuwa yurub waa ma shqaystayaal oo caydh bay qaataan ee kuwa Maraykan baa shaqaysta. Iyagoo og inuu guri shan dabaqaa dhisanayo ayuu haddana lahaa Sool wax soo siiya wax uma haynee.

Doolaal: Waar Madaxweynaha safarkiisa ka hadh haddaba.

Dubbe: Kee baa safar ahaa. Waar markiisa horeba wuxuu ahaa mid gabadhi jamatay. Gabdho ciyaarayana wuu soo daawaday. Gabdhina way qaabishay. Ummadda waxba umuu soo qaban ee waxaan ku weydiiyay. Ma haddaa u soo jeesateen taariikhdii halgankii SNM inaydin meesha ka saartaan?

Doolaal: Taa sawkii Wasiirka TAcliintu, Xasan Gadhweyne, ka jawaabay. Ma waxbaa idiinku hadhsan? Sawkii yidhi beelaha darafyada ayaa laga dhawrayaa oo yar dhibsanaya.

Dubbe: Bal waxaad ku hadlayso eeg. Horta marka horeba markay SNM halgankeedii marti uga noqtay Xasan Gadhweyne waa wax Allah qaddaray. Laakiin maalin walba aqoon xumadiina ayaa sii muujinaysaan.

Doolaal: Allaylehe adiga iyo kuwa kula jaadka ayaa aqoon xun. Miyaanay run ahayn oo in lays xaq dhawraa meesha ku jirin?

Dubbe: Waar bal dhegeysta hadda. Waar bal ku celi. Oo iminka ma waxaad i leedahay haddaa kumanaankii dalka naftooda u waayay u faataxaysaan Samarroon iyo Harti baa ka xanaaqaya ee ha soo qaadina?

Doolaal: Waar ma odhan anigu. “six un usheeg sixir ka daran.” Baa la yidhi. Aniga h adalkayga ha duwin ee waxaan idhi SNM Somaliland bay dhashay markaa wax kale oo la sii wadwadaa ma yaallaan meesha.

Dubbe: Waar aniga intii aan idhi uun hay af carbeedine, dadkana idinkaa iska horkeena eh,bal waxaad iiga jawaabtaa:

1)Haddii la sheego in ay SNM ahayd jabhad xaq u diri ah oo nidaamkii diktaatooriga ahaa ee Siyaad Barre

la dagaalamaysay. Maxaa Samarroon iyo Harti ugu jaban ee ay ka xanaaqayaan?
2) Bal waxaad ii sheegtaa haddii la qoro inay dalka ka xoraysay nidaamka. Maxaa Samarroon iyo Harti ugu jaban ee ay ka xanaaqayaan?

3)Bal maxaa ugu jaban Samarroon iyo Harti haddii la qoro inay SNM suuragelisway la soo noqoshada xornimadii dalka iyadoo la kaashatay dadkii dalka la lahaa?

4) bal maxay Samrroon iyo Harti ka xanaaqayaan haddii la qoro inay SNM ku wareejisay xukunkii dadka reer Somaliland markii shir nabadeedka lagu qabtay Boorame oo uu ka dhashay Axdigii Qaranku ee suura geliyay Distoorka Qaranka ee nin Samarron ah lagu doortay inuu dalka hogaamiyo?

5)bal maxaa ku jaban ee Samarron iyo Harti uga xanaaqayaan haddii la qoro magacyadii raggii aasaasay SNM ee haddana suuqa iska jooga qaarna dhinteen?

6)bal imisa bug bay noqon karaan intaas oo qudhi?

Haddaba idinkaa waxaan jirin dadka gelinaya oo cuqda qaba ee dadka reer Soomaliland waa walaalo. Dawladnimo ka hor bay walaalo ahaayeen oo wada noolaayeen. Dibna haddii Eebbe idmo way u wada noolaanayaan ee xumaha dadka kala dhex fadhiista.
QUDH MUJAAHID

1) Markii nalaku joor falay
jirrabkii na soo maray
markii juuqda hadalkiyo
jimicsiga naloo miyay

2) Jaahil Ina Siyaad iyo
Faqash jananadeedii
markay jeedal qaateen
markay jaan na mariyeen

Iyagaa hor joogsaday
jartii nacabkii ii degey
jabkii lay maleegiyo
jaan gooyadiisii

Magacood ha jiro oo
weligii ha joogee
jecliyaa Allahayow
jabhadii xorayntee
u jihaadday gobanimo

3) markii nala jafaayee
jinsi geedka haybtay
gunta laga jaraayee
jees jees naloo gubay

4) jeyshkii cadaawuu
markuu kaare jidhifliyo
hubka jaadba jaadka ah
iyo jiibka noo nacay

Kamay jeedin dhabarkee
intay jaaha siiyeen
iyagaa u jilib dhigay
jeeni qaartay libintii

Magacood ha jiro oo
weligii ha joogee
jecliyaa allahayow
jabhadii xorayntee
u jihaadday gobanimo

5) Markay guushi jiriyeen
saw nabad jacaylkii
dadkii jabad la yiilliyo
may hananin jaarkii

6) Saw jamacii soo hadhay
jajabka iyo naafadu
may joojin calankaa
QUDH MUJAAHID LOO JARAY

wadnahaa jidhkaygiyo
jeexayga midig iyo
jubbad sharafa weeye
ma cid baa jawaab ka leh?

Magacood ha jiro oo
weligii h ajoogee
jecliyaa allahayow
jabhaddii xorayntee
u jihaadday gobanimo

waa innoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.
A. Geeljire

No comments:

Post a Comment