Tuesday, September 29, 2009

Ma Darroorin Baa Aqal Loo Dunshaa

Ma Darroorin Baa Aqal Loo Dunshaa

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Horta intii khilaafku socday oday guurtida ah oo kuwii Ina Rayaale la sida sharci darrada ah ula socday ka mid ah ayuumbaan anigu ku qoslay isaga iyo islaantiisii waxa kala qabsaday.
Doolaal:Oo muxu sameeyay?


Dubbe:Markii habeenkii jimcihii arrintu kululaatay ayuu odaygu yar baqday. Islaantii tii buu u yeedhay:


Odaygii:Naa Dahaboy bal kaalay. Naa caawa guri meeshaas ah oo raggii lagu ururiyay ayaan u hoyanayaa hawl baa jirta ee “dardaaran waa inta ifka la joogo eh” bal kaalay.


Dahabo:Bisinka iyo yaasiinka. Ee maxaa dhacay ee la dib jiraysaan jimcayaashan galay?


Odaygii:berrito salaada ayaanu mooshin gelaynaa.


Dahabo:Looshin gelaynaayaa? Looshinku ma kan la yidhi berkad baa la yidhaahdaa oo hablahan yar yar baa isku caseeya. Naa xaawalay islaameed maxaynu wax walba maqli. Ee ma da’dan baad looshin gelaysaa. Cimraagaasaan jiray oo waxaan sixin ahayn korkayga ma marin. Ee awalba jactad weyneyde yaanu dubka iyo diirku ku kala siibanin.

Odaygii: Waar maxay ku hadlaysaa wuxu?Naa mooshin baanu ku nidhi.

Dahabo: Mishiin aah? Maxaa mishiinkiina helay miyuu xumaaday?

Odaygii:Naa mooshin baanu ku nidhi mawtal qafle ku dilye. Qoodh iyo xero dhegahay ka fayoobeyde iyana beeshay.

Dahabo:Ee mush mush layne xaggaa nooga baydh oo meeshaad ku dhaxayso ku dhax. Mooshinku waa maxay?

Odaygii:Naa wax garan mayside arrimaha Guurtidu ka shaqayso ayaa mooshin la yidhaadaa. Eeg. marka raggu geedka fadhiyo hawsha uu hayo “Arrin” baa la yidhaa. Marka Guurtidu xafiiska fadhidana af Carabi baa loo bedelaa “Mooshin” baa la yidhaa.

Dahabo: Wegerey! Awowgay Muumin farjarow. Oo dabadeed awalba haddaa mooshineynayseen maxaa maanta dibjirnimo iyo dibbood keenay eel ala dhaxayaa? Ee muraadkaaga sheego beryahaaba inaad waxaa soo wadato waan arkaayay khuuradaada eh. Naayaadhaheen. Inaan ka sokeeyo oo aan ka shisheeyo ayaanu ogayn.

Odaygii: ee iminkaad meel kale isku qaadiye , gaadhi baa ii soo socda oo i qaadaya eh waxaan ku idhi . haddiiba arrinku xumaado oo wax dhacaan oo geeri loo simane waxba dhacaanba. Dhawr arrimood baan ku sii farayaa. Hortaa inankaa weyn waad ku hadal xuntay ee talada reerka faraha uga qaad oo inuu nin weyn oo 30 jir ah yahay ogow. Qoladii inanta soo doontay markay soo diyaar garoobaan dhakhso ugu rara. Ninka Cawil la yidhaado ee wasiirka ah lacag yar oo ku raagtay oo kaga hadhsanayd mooshinkii hore inanka muxumed uga dir oo ta mooshinkana soo raaci dheh. waa mid labaduba go’anyihiin oo Madaxweynaha wuu ka soo qaadaa anagana nama soo gaadhsiiyo eh. Baloodhkii ilma Siciid Cabdi dhankan bari ka xigey file-kiisi shalay baan xoghaynta madaxweynaha u geeyey. Mooshinka dabadii baan saxeexayaa ayuu yidhi. Isna ka soo qaada. Waxa kale aan idinkala ballamayaa. Kursigaasi yuu wareegin. Nin wal oo golahaa ka baxayba inankiisii baa bedelay. Inankaa muxumed kursigaa ha ku fadhiisto. Waxa la odhan da’daadu waa intee? Yuu odhan waa sodon oo runta sheegin ee 45 inuu yahay ha ku dhaarto....

Dahabo: Bisinka, bisinka. Ma been buu dhaar iyo milad ku mari? waataan goblamaa gabbal baas noo dumaa inaanay dhacayn.

Odaydgii: Naa dhegeyso waqti ma jiree. Nin waliba sidaasuu ugu dhaartay. Ina Booshcade miyaanad arag? Kulli waa waa isku mid. Waxa kale oo aad tidhaahdaa, xukuumadda ha ka hor iman. Mooshinada ay wadato, haa waxaan ahayn yaan lagaa maqlin. Mooshinadu masqare maaha. Waa kuwaan kuwaan ku soo koriyay ee aan intaa ku soo leekaysiiyay. Waa kuwa waxaas oo dhul iyo hanta aan ka sameeyay. Maya yaan lagaa maqlin dheh. Gaadhi waakan. Naa waydinkaa aan isa saamaxno. Soo duceeya. Salaamu calaykum.

Doolaal:Wallahi oday caqli miidhana ayuu ahaa.

Dubbe:Waxa kale oo isna iigu darnaa nin mujaahidiinta ka mid oo cadhaysan ayuumbaa daf i soo yidhi anigoo meel koob shaaha ku cabaya. Kuye. “waar bal warran. Waar arrin waa xunyahay bal tali maanta Dubbow.” “oo side wax u jiraan?” Kuye:

Dubbow iga su’aal
Dalkaan aawadadii
U dagaalamee
Dhiig u daadshayee
Dadkii ila dhashiyo
Wuxuu diric lahaa
Dab u saarayee
Dambas ay noqdeen
Dib haddaan mar kale
Waa deeq Allee
U dadaalayoo
Dadku hays cafshee
Nabad daajiyoo
Degelkii madhanaa
Dawlad uga dhisoo
Kuwii ii darraa
Mid ka doortayoo
Daadihii idhoo
Dalag raadiyoo
Diihaalka reeb
Daacad baan ahoo
Midho duubaniyo
Daray baan liqee
Markuu degay kursiga
Dabadii la helay
Hadduu diirka sare
Daahayska rogay
Hadduu daallin yahay
Hadduu dagay xaqii
Diinlaawe yahay
Daldalaaya been
Hadduu yahay dillaal
Hadduu doolar rabo
Hadduu cunay dalkii
Dekedii madhsaday
Hadduu dalamsadoo
Daarii Hindida
Wada diray dhammaan
Isagoo dibbiray
Oo daaco wadhay
Hadduu daalac rabo
Hadduu xeer derderay
Hadduu qubay distoor
Hadduu daayacoo
Ictiraafka dilay
Duqay iyo carruur
Haduu laayay dumar
Dawgii wacnaa
Hadduu diiday samo
Doorashada xorta
Durkistoo wagtiga
Dheeraad ku daray
Degimaayo yidhi
Dulqaad iga dhamaa
Waxa maanta daran
Dariiq kale lahayn
Dani ay tidhaa
Lama sii dib dhigo
Deg deg waa u qabo
Ma dagaalamaa?
Digtaatoor kibriyo
Daaquud laysyadii
Jabhaddii darrayd
Ma diyaariyaa?
Dirays maw xidhaa
Dabka maw qubaa
Duhurkaba halkaa
Ma ku soo dabraa
Dambiguu galayna
Maw daliiliyaa
Dadweynaha hortii
Deldelaad sudhaay
Ma ka daalibaa?
Mise waan degaa
Colaad la dumoo
Dabkeed lama shidoo
Dadka lama qaxshee
Daw kalaan maraa
Qaylo aan damayn
Afkaan gacan daraa
Dunidaay hayaay
Doorkan noo kacay
Diiwaangelin saxaay
Doorashada qabtaay
Dawan baan tumaa

Doolaal:Oo markaa maxaad adigu ku jawaabtay?

Dubbe:Dee anig ma gabay baan aqaan waxaan ku idhi. Waar dagaal layne ninyow meesha ha nagu cawarin aanu kaa qayilnee. Intan yarna waan u raaciyay.

Dayibow jawaab
Bino daarti aad
Dabaqyada dhistee
Duunyo waxaad lahayd
Ku daqiiqday maal
Deg markaad is tidhi
Dusha meel hadday
Ka dillaacdo oo
Cirka soo da’iyo
Soo dayso roob
Saw inaad dawada
Deg deg raadisoo
Wax dabooli laa
Daamur iyo camuud
Doontoo heshaa
Daw maaha wacan

Inaad cadho duddoo
Dibnaa ruugto oo
Dubbe iyo birweyn
La duul fuusho oo
Deyrkiyo guddaa
Derbiyada ku yaal
Daaqad aan wax qabin
Daakhilkow riddaa
Dambas kaga dhigtaa
Miyay kuu dan tahay
Alla dooriyow
Ma darroorinbaa
Aqal loo dunshaa?

Waa inoo qoraalka xiga haddii Eebbe idmo.

A.Geeljire








Monday, September 14, 2009

“Wax Isweydiini Ma Xumee.........”


DALJIRE - “Wax Isweydiini Ma Xumee.........”


By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Horta bal dadkii Ina Rayaale laayay faataxada u mara. Ku dhaawacanna u duceeya. Aamiin.


Anigu waanigii ramadaanta noqon jiray suxufiga ee waraysiga Ina Rayaale la yeelan jiray. Markaa doorkan isgaaba shir jaraa’id qabtay oo Allaba waa sahlay...


Doolaal:Waar iminkaad Ina Rayaale isku qaadiye qoladan Ina Xaabsade ka daba hadashay ma idinkaa soo abaabulay?


Dubbe:Waar noo kaadi ninyow maalin ina xaabsadadahan maalin walba sii saqiiraya laga hadlo ma joognee.

Doolaal:Oo waayo?

Dubbe:Ina xaabsade arrinkiisu waa kii islaantii Majeerteen ee ganacsata ahayd ee Dubai tagtay oo kale.

Doolaal:Maxay samaysay?

Dubbe:Dubai bay safar ganacsi ku tagtay markaasuu askari laanta socdaalka ahi madaarka ku weydiiyay baasaboorkii. Way u dhiibtay. Wuu kala furay. Kaan imi,xisaab miidhan baa ku qoran, sawirkeediina kuma yaal. “eesh haadaa?” (waxani waa maxay?) buu su’aale. “Heedhe bal du’.” Bay tidhi. “Waar waa la ba’ay. Maandhow iska keen kaasi waa kii xiisaabtu iigu qornayde. Waakan kii saxa ahaa ee fiiri.” Bay tidhi intay mid kale u dhiibtay. Iminka Ina xaabsade intuu aamusnaa aamusnaa ayuumbuu isla kacay oo yidhi. “sida Dastuurku dhigayo madaxweynaha xil-ka-xayuubin laguma samayn karo sanadkiisa ugu dambeeya xilka.” Markii la weydiiyay na tusna, distoorkii Puntland ayuu soo dhuftay. Markay la yidhi waa sideena. Sida islaanta ayuu yidhi. “ ‘aar ma la ba’ay. Waar iska keen waa kii Puntiland eh. Belayaada jeebkan kale ayaan ku ogaaye kan yaa ku riday? Ma gabadhii dharka ii dhaqday. Mindha kii Fadaraalkana jeeb qaldan bay iigu ridday heedhe? Fanto ku dishay waa na kashiftay ay.”

Doolaal:idinku ninkii idinka soo horjeesta waxba u reebimeysaan dee.

Dubbe:Waar aan war saxaafadeedka kuu wadnee dhegeyso. Su’aalaha dhegeyso.

Doolaal:maxaan dhegeystaa Madaxweynuhu su’aalo in la weydiiyo wuu diiday eh.

Dubbe:Yeelkee dhegeyso anigu waan qortay su’aalahayga ee isgaa ka cararay eh. Anigu dadkaan u sheegayaa. Sidan bay u dhaceen:

1. Madaxweyne, shir saxaafadeed baad qabatay wax cusbna maad sheegin ee eedaynta mucaaradka iyo wakiilada ayuumbaad ku dheeraatay, wax niyad wanaaga maad muujin, hadal wanaagsan oo soo jiidasho leh maad odhan. Cuqdad iyo daciifnimo ayaa kaa muuqatay. Maxaad u qabatay shirka ee muraadkaagu ahaa?

2. Berigii hore markaad muwaadiniinta layso waxaad odhan jirtay “ciidanku qalabka ka -hor -tagga mudaharaadka ma haysto ee xabbad nool buu ridayaa. Hadda qalabkii waad heshay oo illa suntii qiiqa waad haysaa ee maxaad dadka u laysay ee aad xabadda nool ula dhacday?

3. Dhallinta waxaad tidhi “ nin kursi doonayaayi yuu idiin soo saarin xabbadda..” iyana waxay leeyihiin “nin kursiga ayaan khasab iyo xabbad ku haysanayaa leh sida Rayaale ma oggolin.” Sidee isugu keenaysaan?

4. Waxaad tidhi “dhiiggiina difaaca qaanka oo qudha u daadiya.” Difaaca Distoorko miyaanu difaaca qaranka ahayn?

5. Waxaad tidhi. “waxaan micno lahayn ha ku dhimannina oo haw soo bixina.” Haddaad ogtahay inaanu macno lahayn maxaad dadka ugu laynaysaa waxaan macno lahayn?

6. Waxaad tidhi. “tuug baanu laynay markii mudaharaadka.” Haddii tuug la laynayo waxa la leeyahay adiga tuug kaa weyni ma jiro oo qarankii oo dhan baad ku tagri fashay ee maxay askartu kuu dili weyday adiga?

7. Had iyo jeer waxan kaa maqlaa oo aad ku faanta “Shirguddonka Wakiilada anigaa berigii u tanaasulay bay ahayd oo u ogolaaday inay noqdaan shirguddoon” maxaa faanka beenta ah kuugu wacan illayn golaha mucaarad baa aqlabiyadda haysta oo cod ku doortay sida nidaamku yahay eh? Ma beentaadaad rumaysataa?

8. Had iyo jeer waxaad tidhaahdaa “albaabkaygu wuu furan yahay” hadddaba haddii marka albaabkaaga laga soo galo ee lagula xaajoodo aad laba isku darsatay. 1) inaan waxba kaa go’in iyo 2) inaad wixii lagu heshiiyo ka baxdo oo aanad cahdi lahayn maxaa baasee albaakaaga laga soo doonayaa? Ma kuraasidan xun xun ee aad sidii islaamaha bacda ku xidhay ayaanu daba dhididkooda wax ku falaynaa?

9. Haddaad nin talo oggol tahay sidaad ku andacooto, adigoo weligaaba diiwaan gelin isku dhejinayay oo lahaa waa sharci haddii aad isku qancisay inay diiwaangelintu qaldan tahay maxaad dadkan talada kula leh ugu yeedhi weyday ee aad u odhan weyday sidan baan wax u arkaa ee maxaynu yeelnaa ee inoo dan ah? Miyaanay taasi munaafaqnimo ahayn?

10. Had iyo jeer caalamaka ayaad wax nooga sheegta. Ta u dambeysay waxaad tidhi. “baarlamaanada caalamku way si dilaan oo waa caadi.” Miyaad aragtay weli baarlamaan askar loo soo diro oo laga qufulo golahooda? Ta kale caalam maad arag, waxna ma akhridid, laba goor baad debedda u baxday oo marna lacag aad naga xadday baad ilko ku soo gashatay marna dumar tuweysaya ayaad London ku soo daawatay waa maxay caalamkan aad nooga sheekaysaa horta? Waxaan ilaabay markii kale ee Djibouti baasaboorka u doonatay.

11. Waxaan maqlay beri baa Xaaji Cabdikariim Xuseen(waraabe) ilaahay caafimaad ha siiye, qolo Habar jeclo ahi u tagtay oo caddaalad xumo lagula kacay reerka uga cawdeen. Wuxuu ugu jawaabay. “Habar jeclooy haddaa caddaalad doonaysaan horta dhinta. Aakhiro ayay caddaaladi jirtaaye.” Iminka Ina Rayaalow saw arrinkaagu maaha haddaa caddaalad doonaysaan horta xabaddayda u soo badheedha?

Doolaal:Waar naga daa waxaasi su’aalo maahee. Sheeko kale keen. Waa maxay qabyaaladdan iyo afxumadan aad suxufiga ku sheegaynaysaa?

Dubbe:Albaabkaygu wuu idiin furanyahay ciddii su’aalo dheeraada rabta. Anigu ma waxbaan dhimay sidaan wax u arkayay ayuumbaan sheegaye. Waar bal kaalaya...

Waa inoo qoraalka xiga haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire