Tuesday, August 25, 2009

iihaal Allaa baday nimaa daawo dhigataan

DALJIRE
(“Diihaal Allaa baday nimaa daawo dhigataan.”)
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe: “Ugaadh Cumarkan Saalixiyada qaatay halkuu naga dhaaafay.” Buu yidhi ninkii jiray.


Doolaal:
Maxaa ku dhaafay ee aad ka hadlaysaa?

Dubbe: Waxaan arkay xukuumaddii oo nin labaad oo ay wax siiso ka heshay beeshaa Bariga Hargeysa.waxaan is leeyey halkay ka dhaaftay ninkii odayga ahaa ee keligii reer.

Doolaal: Oo waayo, ma nin keliya ayuumbay wax siin jirtay? Bal waxaad ku hadlawso eeg. Allah inaadeer hadal xumidaa adiguna.

Dubbe: Maxaad aniga ii sheeganaysaa? Ninbaa igu yidhi beesha waxa ku jira nin Xaji Qadhabo iyo Xaji Qadhabi wuxuu yidhi mooyaane la yidhaa oo ka daran gool walahii Talyaaniga oo waxii dawladdu –saddexdii Madaxweyne ee dalka soo marayba- ay xaggaa u soo laadaan DHAB ka siiya. “Ilaahay barakeeyow Xaajigii badanaa.” Bay yidhaahdaan.
• Xubin Rugta Ganacsiga …… dhab
• Xubin Guddida Qandaraasyada…… dhab
• Xubin Hay’adda Waddoyinka……..dhab
• Xubin Guddida Xero Dhiigta……….dhab
• Xubin Guddida Xaafadda…………..dhab
• Qandaraaaska Bangiga Dhexe……..dhab
• Jagadii Taraafikada……………….. dhab
• Guddoomiyaha Guddida Briishka …dhab

Laba meelood oo keliya ayaa ka baxsaday midna isagaa ogaan u sii daayay oo Duulista iyo hawada oo ninkaa libaaxyada badan buu hawada u banneeyay midna dhab intuu ka siiyay bay dumar ka noqotay oo wuu iska dhigay oo waa Horumarinta Qoyska. Waxa la yidhi ninbaa gawaadhida safaaradaha Moqdisho jooga isu dhigi jiray. Markay yara gujiyaan ayay waxogaa siin jireen maalintii dambe ayuu mid is hor daadiyay. Markuu ninkii safaarika ahaa oo gaadhiga la socday soo degey ayuu hadlay ninkii daadsanaa baa iska kacay. “waar maxaa dhacay? baa la yidhi. “Ruush buu iga noqday.” Buu yidhi. Iminka taas ayuumbaa Xaajiga ka nabad gashay iyana dumar bay ka noqotay. Markaa waan yaabay shahaadaddan la bixiyay ee aanu ka dhab siin. Laakiin wuu isku ag sawiray “candhoba waa xubine.”

Doolaal: Ma mid beesha ah ayaa kugu yidhi?

Dubbe: Haa. Adigu way badnaayeen mid uumbaase xasusnay.

Doolaal: Waar iska dhaaf kollay waa mid Xaajigu suulka kaga yar joogsaday eh. Waar beeshaa iyo warkeeda iska dhaafoo way mutaysteen shahaadadda eh, warsaxaafadeedkii 6da safxadood ahaa ee Ina Xaaji Daahir maraqiinna ku cabbay ka warran? Afkeeda ayay kala haysan weyday.

Dubbe: Horta intaanan kuu jawaabin, awal sow kumuu jirin saddexdii nin ee aad igu tidhi lix jirka ayay naaska ku jaqi jireen oo markay malcaamadda ka yimaaddaan halka carrurta kale qado laga siiyo iyaga naaska ayaa la siin jiray, hadalka toban jirkii bay ku barteen?

Doolaal: Waar anigu waxba kuguma odhan ee hay af qaadin.Waxaasi ma wax nin weyn lagu yidhaabaa?

Dubbe: Inaadeerow runta sheegoo horta saw kumuu jirin? Dee illayn waa isla inagiiye. Isha igala hadal adigu. Haa dee.. garo macnaha.

Doolaal: Waar anigu waxba kuguma odhan. Ta kale, dee cidiba wax kula xaman kari mayso haddaad sidan tahay. Waar ninku af dhowaa nimanyow? Naw!

Dubbe: Dee haa, sidaa u hadal. Haddaba aan kuu sheegee ninkan aad leeday lix safxadood buu qoray waxa ka horraysa horta maskaxdiisuba lix safxadood ma qaaddaa? Waar annagaa Ilaahay wax na tusay. Iga walla haddii hay’adda macdanta ee Maraykanka ee la yidhaa USGS loo diro oo la yidhaa maskaxdiisa qoda ama awrkii saliidda Cadmeed casirayay inaanay safxad ka badan ka soo tuujinayn ama heleen. Bal waxaad noogu sheekaynayso eeg. Waar bahashu qalin daraale ayay ahayd. Gebigiisuba sidii gidaar aqal madhan ku yaal ayuumbuu hadalka la yidhaa sooceliyaa. Waa gebi-ka-yeedh. Af ingriiska waxa lagu yidha Echolalia ayuu qabaa qofka sidaa ahi.

Doolaal: Ma warsaxaafadeedka Wasiirka ayaa qalin daraale iyo gebi-ka-yeedh ahaa?

Dubbe: Haa. Isagu hal sadar buu ku lahaa oo waa kuu yidhi “Baadida ninbaa kula doon dooni kaa maqane….haddaad heshana ciil ka qabtaaye.” kaas baa fartiisii ah. Waxayse ahayd inuu ku daro “laakiin iska daaya dhulbahante iyo bahalo kale ayay iga celinayaane.” Isagoo u jeeda “ waar ii daa dugaag iyo Hartay igaga deyrnaane.” Eebaheenow muxuu ninkii Qamaan ahaa xabaasha laba boglaynayaa. wuxuu yidhi ninkii jiray. “waar ma wowgiibaa waxa Alle sidaa u galay?”

Doolaal: Waar ciddii doontaa ha qortee ilayn madaxda dad baa la shaqeeya oo wax la qora eh, su’aasho waxa weeye ninkaasi “hadhuudhlaha ma idinku daray?”

Dubbe: Wadhi. ‘aar kani hadhuudhlena cid ku dari maayee. Waxase muuqata nimanka isu adeerka ahi beryahan dambe faro ayay is taawiyeen ee waxaynaan garanayn goorta ay inantu u dhalatay? Oo sidii riwaayaddii Dacar ayuumbaabay leeyihiin “Dagaalkaaban rabaa …dagaalka..” ‘aar malaa Xabashi baa inagu xeeran waynaan is ogeyne. Aniga markii iigu dambaysay Ina Bullaale (Xoghayaha Guud ee UDUB) ayay odhan jireen laabta garaacoo intaad codka weyneyso waxaad tidhaahdaa “ninkii Ina Rayaale ku socdow annaga na soo mar horta, annagaa ka sokeynee.” Oo tolow Libaaxii haddii laga maarmay maxuu qabtaa iminka? Dee mooji. Malaa dawri buu noqday.

Doolaal: “Waa la tolay oo ay oloshay.” Buu yidhi ninkii jiray. Waar xukuumaddani in badan bay dul qaadanaysay oo nac nac dambe dhegeysanmayso. Dadlka cadawga shisheeye iyo sokeeyeba way ka difaacaysaa. Cid dan gaara wadadtana ma oggola inay dalkan iyo dadka jahawareeriso.

Dubbe: Inkasta oo aanay ahayn wax rag loogu maahmaaho oo aan cimaamad iska soo horraysiinayo. Qabo cimaamadda. Haddana xigmadi waa xigamde waxa la yidhi “inani afar dhalka ayay hooyadeed ugu tagtaa.” Oo macnaheedu yahay ay la mid noqotaa. Iminka markaa afar sanno maraysaan wax badan baa qoladii uga soo ekaanaysaan. Dig digta, hanjabaadda, musuqa, xeer jiidhka, xadhigga, cabudhinta, ciidan adeegsiga,qabyaaladda, ereyada xajiinta leh ee hoosta ka madhan ee qiiq isku qariska ah; “ sida cadaw baa loo adeegayaa, dadkaa la jahawareerinayaa, dan gaara ayay cidi wadataa, qaran dumis” IWM.

Doolaal: Qiiq isku qaris ma aha ee waa xaqiiqo dhab ah. Anaga waa nala doortay kalsooni baa nala siiyay waanu ilaalinaynna dalkan. Waxa la yidhi. “wan weyn illaa la gawraco indhahiisu cirka ma arkaan.”

Dubbe: Waar dhegeysta waaryaadha ,indho indho layne, nimankiinan indhahu casaadeen. Waxba ha dig diglaynina ee dalkani maslaxad iyo wanaag iyo wada tashi buu ku dhisan yahay. Haddaa is tidhaahdaan soo noqon maysaan ee sii kharriba idiin shaqayn mayso. Runtu ma ahaa inaad kolba tidhaahdaan waxaan jirin iyo cadaw baa loo shaqaynayaa iyo gab gab. Is dejiya. “saalo saalee wallee saakaanan kaa hadhin.” Buu yidhi. Wuxuu yidhi Samatar Dakharre “Iyagaan kifaaxeen xornimo kaalinna u joogsan. Kuraasida la wada saaray iyo koodhka loo geliyey. Kooskaba qabsada waa wixii kaday Shirshooraaye.” Waar ha sakhraamina waryaa baawerka (power) nin liitaa waa ku sakhraamaaye.

Doolaal: Waar annagu waxii dalka khalkhal gelinaya bun ka dhimi mayno ee bal dab soo hindhisa. Anagu daacadnimo ayaanu ku shaqaynaynaa dalkan horumar baanu gaadhsiinaynaa ictiraaf baa soo dhaw. Taas ayaa ka xun tihiin.

Dubbe: Horta haddaan qosli karayo waan qosli lahaa ee meel laga qoslo ayaanan joogin. Weliba markaa tidhaadaan daacad baanu nahay iyo cidbaa dan gaara wadata ayuu qosolku aad ii sii qabtaa. Ma idinkaa horumar ina gaadhsiinaya? Ma idinkaa daacadnimo ku shaqaynaya.? Dalkani idinka ayuu idin eeday. Cadaw idinka weynna inuu leeyahay u malayn mayo. Maalintii laydiin dhiibay yuhuun wanaagga dadka iyo rajada iyo wanaagga ka muuqday waad yaabaysay. Dalku wuu isu dhammaa oo haba kala lushee muu kala go’nayn. Maantana waad aragtaa. Waxaaba maraysaan dalkaanu kala googoyneynaa inuu Madaxweynuhu ku soo saaro warsaxaafadeed. Wuxuu yidhi Maaweel “Dayac waxan ku kowsaday markaan kuu dabbaaldegaye. Durbaankiinni waa eednay iyo daba-galkiiniiye. Diihaal Allaa baday nimaa daawo dhigataane.” Waxaanse kaaga ciil la’ahay waqtigii dadka loo kala sheekeyn jiray waa la dhafaafay. cid aydin abbaan nooga tihiinna ma jirto lexejeclada dalkuna gobol walba waa taallaa ee madax xumo ayaa nagu disheen. cid goonni loo fiindhaynayaa ma jirto. Idinkaa fudud.

Doolaal: Taaba iska dhaafoo ma aqbalaysaan gogosha Madexweyne-Ku-Xigeenka iyo Saleebaan?

Dubbe: Horta marka hore annagu rag nabad diiddan ma nihin. Waxa la ydhi “rag wax uu walaal ku dhaamo la waa..” Haddaba raga ii kala reebo Ku-Xigeenka aan ka hadlee; su’ashu waxa weeye nin aan gogoshii iyo gurigii midna lahayn geedkaa cidlada ahna aan ku geyn karayn xaggaad u raacaysa hadalkiisa? Dhawr gogolood oo hore ayuu dhuxun-ku-reeb nagu wada cunay intaanu nidhi haye oo markii dambena nalgu hurgufay anagoo ku fadhina. Markaa dee niyad samidu cidna wax ma yeesho laakiin wax kale ma arko anigu. Wuxuu yidhi Kosaar cawar “Waa nalooga qaadi waayay ee maxaannu iimaan u dhalannay.” Saleebaan se; muxuu googol fidiyaa isagiibaa mushkiladda ka mid ahe. Sawkii iska korodhsaday ee yidhi “ In dalka rag idinla leeyahay baanu idin tusaynay Wakiiladow.” Ta kale Guurtiduba rag kale ayay u xidhxidhantay ee ma keligii baa iska hadlaya odaygu sawkan aan nin Komishanka geyn karayn? Ma nimaan ceesaan ceel geyn karyanbaa la dhegaysanayaa? Waar runta ha laysu sheegu. Mise arrintii Darroor buu odaygu ku soo quustay markii Xabashida lagu soo diray? Waar malaa anaa gudcur gudaya? Bal aan eegno degdegga laga fiicane.


Waa innoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo

A Geeljire

No comments:

Post a Comment