Saturday, August 29, 2009

Laqantooyo Kaambayn Kii Horaan Laabta ku hayaa

DALJIRE
Laqantooyo Kaambayn Kii Horaan Laabta ku hayaa
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Waxa la yidhi.”Adhiillayn daasad kama ilbaxo.” Bad dadka ma walba leh Ina Rayaale ayaanu dhexdhexaadin ula tegeynna eega idinku. Miyaanay ogayn inuu ninkani kibirsan yahay oo aanu tiisa mooyaane tu kale aqbaliba Karin? Miyaanay ogayn inaanu waxab u aqoon sida aynu u naqaanno oo uu wax walba si kale u yaqaan?

Doolaal: Muxuu u yaqaan ee uu dadka kaga duwan yahay?

Dubbe: qofka Bani-Aadamka ah marka ay mar walba u suura galaan wuxuu doonayaa ee uu si sahlan ku helo marka dambe wax qancin karaaba ma jiraan. Xeerka sida aynu u naqaan iyo sida uu u qoran yahay midna uma yaqaan ee sida uu jecel yahay buu u yaqaan xeer.marka laga xishoodo ee danka guud la xeeriyo wuxuu u yaqaan in laga baqayo. Waxa u suura geli waaya wuxuu u yaqaan inuu inoo dhaafay. Dhaqaala xumada dalka haysata wuxuu u yaqaan dhereg waayo isagaa dhergey. Waxa lay sheegay mar la yidhi. “bal Madaxweyne shan maahmaahood oo geelu leeyahay sheeg.” Wuxuu ku jawaabay. “Dameerkaan ku taagnay dhuusadiisu maxay iga qaadi. Dameeraha Adari ninkii doonta ayaa arooriya. Dameer malab la saaray maxay garan. Dameerku dameerta............ Dameertu geela ha iga didisee weliba way sii qururuf leedahay.....iyo wax la mid ah. Haddaba ninkan is fahmi maynee bal “dhako” kale ha la keeno.

Doolaal: Waar idinkaan laydin fahmayn oo qaarkiinba wax ku hadlayaan oo qaarkiin u soo dusayaan oo wax u sheegayaan idinkana wax idiin sheegayaan.

Dubbe: Yaa u jeeddaa? Ma Faysal Cali Waraabe? Waar Guddoomiyaha afka hay gelin. Anigu u dusiddaa waxba ka garan mayo oo Ina Rayaale iyo Faysal, Faysal baa run u dhow e. Waxaanse hubaa inaanu Faysal ahayn nin hayaan lal geli karayo. Nin aannu saaxiib nahay oo hadalka heli og baanu yar wada xamannay Guddoomiyaha. Wuxuu yidhi. “Waar ninkaad hayaan dheer la geleysaan eega inuu gashan yahay kabo adag. Faysal dacas buu gashan yahay. Boqolka mitir ee hore jaldhaaf jaldhaaftiisa ayaad moodaysaa mid meel gaadhaya. Ka dibna markiiba gocondhada ayaa uga soo dusaysa dabadeedna inyar ka dibna indhalaha ayaa u baxaya.” Waa runtii.

Doolaal: Waar intaa d adka kale wax ka sheegaysaan sawtan idinka gudihiinnii ka qaraxday ee Awalkii Is-bedel-doonka ahaa idinka dhex toosay.

Dubbe: Maxaa kaa galay adiga ma xisbigiinnaa? Teeda kale horta anigu raggaa ma wada aqaan laakiin rag aannu saaxiib nahay baa ku jira oo kolna hadal qallocan odhan maayee iska naso.

Doolaal: Haaye miyaad diidan tahay inay tilmaameen inaydaan Dimuquraaddi ahayn?

Dubbe: Bal horta adigu dimuquraadiba ha soo qaadin illayn UDUB baad tahaye. Haddiise aad i weyddiiso saaxiibaday dhawr arrimood baan u sheegi lahaa.

1. Horta iyagoo ka yimi xisbi(UDUB) haddaad tidhaahdo shirkii ha laqbto boolis (CID) laguu soo dirayo xisbi shirkiisii qabsaday oo xalaal ku qabsaday may ahayn inay yidhaahdaan dimuquraadi ma aha.
2. Hadday is-bedel-doon ahaayeen oo iminka uun xisbiga soo galeen inay isbedelka xisbiga ka bilaabaan oo madaxdiisa la doortay beddela yidhaahdaanama caayaan oo casaabad ku sheegaan may ahayn illayn waxa la moodayaa farriin laga soo faray halkay ka yimaadeene.
3. Xisbi iyo beel inay mid uun noqdaanna meesha ayay ku jirtaa.
4. Waxa iyana meesha aan qaban wixii beelaha kale iyo beeshooda in badani isku raceen waa “xaaraan maqdac ah” wixii ay iyagu jecel yihiinna waa xalaal macaan.
5. Waxa iyana is weydiin mudan. Marka ay ninkii waxba ka dhegeysan waayay markay xisbigiisa ka mid ahaayeen ee ay is-bedelkaba ka doonayeen ay iyagoo mucaarada ka codsanayaan inuu tanaasulo oo mucaaradka aanu la ficiltamin. Tolow ma maqlayaa?
6. Saaxiibayaal idinkaan baaq idiin soo jeedinayaa ee aynu Rayaale beddelo ayuu ballankeenu ahaa ee halkaa ku soo noqda wixii inaga si ahna aan hagaajisanno.

Doolaal: Waar nimankaasi runta ayay idiin sheegeen ee xejista, “ Ilaahow colkayaga col ku furo.” Ayaa la yidhi. Iyagaa idinku filin anagu idinkaanu isu kiin daynaynaa.

Dubbe: Waar anagu waanu heshiin naqaane. Ma maqashay gabay uu bedelay MUj. Cumar Asqo?

Doolaal: Maya.

Dubbe: Wuxuu yidhi:

“Loolan dirireed Faaraxow laarri ma ahayne
U lugduubka laydhoon(lie down)istuurkiyo jaray lurkeediiye
Laaca qoriga liishaan iyo riddaan laacib ku ahaaye
Nin jabhadii soo laylidoo liil galaan ahaye
Lisin biibal(listen people)niman baa la baray lalis dhegaa taage
Oo laasima basaasnimo intay lib isku moodaane
Anse waxaan u loolinahayaa miday ku lee’daane
Nin lawdhkiisa (load) buuxsada Shilkaha way legdamayaane
Haddaan anigu Suug lalin ogaa lihi aqoontiiye
Nin rasaasi leeftay oon laaban baan ahaye
Lugtan labiyo toban baa ku jira waana la hubaaye
Lafta dhabarka laabtay ku taal duudka luqumeede
Lubbigaygu leyl xalay ma ledin liilis kaartada eh
Waakaa laandeyrta galay laba wejiiliiye
Liiqliiqad maan ihi sidii lula dabayleede
Hadduu laaluush shaqayn jiray wa la’ cudurkiiye
Liibaan Rayaalayga helay laalufse i moodye
Kurisagaan ku laacibay hadduu igu lihiimaaye
Sidaan ugu lallabay waanigaa laayacays badaye
Haddaan luquntaa laabi jiray ligay shafkaygiiye
Laqantooyo kaambayn kii horaan laabta ku hayaaye
Iminkaan ladhkii weli qabaa codadkay laaleene.

No comments:

Post a Comment