Saturday, August 29, 2009

Haddii Siyaad Barre Noolyahay Jeelkii Mandheerina jiro Muj. Lixlana ma Dhiman.

DALJIRE
Haddii Siyaad Barre Noolyahay Jeelkii Mandheerina jiro Muj. Lixlana ma Dhiman.
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Waar is dhegeysta. Qoladaa dhallinyarad ah ee maant ainoo timi. Adeer ukaadiya oo wax dhegeysta.

Doolaal: Waar daa inamada ha cabudhine. Iska wata adeer.

Dubbe: Waar qoladaneenna mafrishkaan sheegayaa. Horta intaynaan khudbaddii Ina Rayaale ku noqon, ninkan i ag fadhiya ayaa hoos ii weydiiyay oo yidhi. “waar hadalkii iyo hanjabaaddi Ina Bullaale ee uu jeelka Mandheera ku hanjabay maxay kula tahay?”

Doolaal: Oo ma hanjabaad baa saw ninkii sharciga jeiya la xidhi mayo?

Dubbe: Waxaan idin idhi. Ina Bullaale markuu hadlo kulligeen waxaynu nidhaahnaa “Oo maxaa ka sheegaysaan waa Ina BUllaale oo mooyihii u shaqaysanayee?” taasina ma fiicna. Ninku waa nin oday ah ee waa inaynu wuxuu yidhaahdo wax ka nidhaahnaa kol aynu ku qosollana. Ma awr dhuusay buu ka liitaa kaasaabaa lagu qoslaaye? Iminka waxaan lee yeehay awel Ina Bullaale wuxuu odhan jiray “ciddii Ina Rayaale ku socotaa anaga oo Habar Yoonis ah baa ka sokaynee ha na soo marto horta.” Tii buu meesha ka waayay dabadeed jeelka Mandheera iyo cago juglayn buu u baydhay. Haddaba Jeelka Mandheera awalba waa nagu xidhi jirteen anana waa iska jebin naqaanay ee wax cusub ma ah ayaan leeyahay. Haddaanu Siyaad Barre tegin(anagu wuu tegey baanu is lahayne) Muj. Lixlena ma dhiman eek u biyo cab

Doolaal: ma markiinii baa aydin Siyaad Barre ku meeraysan jirteen? Waar xejista.

Dubbe: Haddaba aan khudbaddii ku yara noqonnee. Waxaan ku qosalay dhaw arrimood. Horta Ina Rayaale khudbaddan muddo dheer buu qorayay oo qaybo iyo waqtiyo iyo arrimo aan is lahayn baa ka buuxa. Waa kabkab. Waxaan ku qoslay wuxuu yidhi. Waxay i siisay kalsooni iyo jihayn iyo inaan soo jeesan, oo aanan seexan oo laba jibaaro dadaal...” weligiin Madaxtooyada ma tagteen? Toddobada cishoba waxa lagu odhanayaa soomuu deign oo wuu hurdaa. habeenkii laascaanood la qabsaday maalintii aroornimadii wuu hurday. Ninbaa iguu dhaartay. Waxa uu ka soo jeesan waayay ee ee uu laba jibaaray ee uu kalsoonida u helayna waynu wada garanaynaa. kkk

Waxaan ku qoslay. Wax walba wuu sheegtay. Wax wal oo uu qasayba guul buu ku tilmaamay. Mid buu qaban kari waayay oo shir guddoonkii wakiilada tiina wuxuu inooga dhigay inuu macruuf inoo sameeyay oo inoo tanaasulay. Kkkkk

Doolaal: Waar gih gih layne gaws kuguma hadho eh cantabka xaggaa nooga du.

Dubbe: Xaggaa uga durugoo maxaa hoosta naga kaa soo geliyay? Waxaan ku qoslay. Wuxuu yidhi.”waxaan si cad u xaqiijinnay in aan ummad kasta sooyaalkeeda taariikheed horumarkeeda iyo himiladeeda ka abauuranto fikirka, isku duubnida, wada tashiga, is af garshada ay leeyihiin.....” ma lagu hayaa Rayaale? Ma iska qor oo dhehbaa?kkkk

Wuxuu yidhi. “Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu dhaqaalaheenu koro.” Aamiin. Baanu nidhi. Laakiin weli dhaqaale intaa ku kora ma aragteen?kkkkk

Wuxuu yidhi.”Jendei Frazer baa timi.” Qoodhiin iyo xaradiin intiineebaa qadaysay ama biilkii carrurta helay markay Jendei Frazer timi Hargeysa? Kkkk.Ninbaa Siyaad Barre ku yidhi. “Billad baan ku siiyay.” Wuxuu ugu jawaabay. “adeer billadda iska hayso oo maalinta yagtiiska (31aad ee bisha) ee caruurtaydu qadada la’day uun mushahaaro ii qor. Iminka waar waxba yay Jendei noo imane lacagtan aad lunsanayso uun noo daa.
Wuxuu yidhi. “Awoodda dhaqaale ee dadka iyo dawladda oo is gashaan buuraysta.. Public nad Private Partnership(ppp). Alla hayaaaaay. Kkkkk. Bii biiyey lagu jecel. Yaa Ina Rayaale iyo Cawil wax ku darsanaya? Ninbaa laga hayaa “haddaad daad tahay beerta Cali madaxay ma geli lahayd?” waar aniga waxa hay bii laynin.

Waxaan ku qoslay wuxuu ka cadlay caddaalad iyo kelmad Ingriisi uu ku yidhi.”Due process” Due process waxa loogu micneeyay inay tahay dadka oo CID loo diro oo layska xidho oo askartu ku tomato markay xidhayaa oo “Guddi Nabadgelyo” jeelasha ka buuxsato. Kkkk. Ina wax Dictionary ah yaa haya?

Dubbe: Waar adigu iska aamo dadkaanu la hadlaynaa dugaagyow. Adeer qoladiinaan dhallin yarada ah. Side u aragtaan............... waar noo sii daa koobka. Waar wallaahi inaanad ku cabbayne sii daa mid kale doono oo. Bal dakaa maalin walba koobkaanu biyaha ku cabbaynay naga hoos qaadaya ayaa leh xukuumad baanu idiin nahay. Koob madhan bay xadayaan ee ma xoolo dadweyne ayay deynayaa....... halkaan marayay awal. Haa. Adeer sidee u aragtaan xaaladdan dalka ka taagan?

Doolaal: Waar inamada siyaasadda aydin sumayseen ha soo dhex gelin ee hadaba ha kaa qayileene iska daa.

Dubbe: Horta nimanyow maalin walba waxa aynu ku jirnaa “tuba tu ku illow.” Waar miyaanay idiin muuqan inaynu jar ka sii laalaadno? Dhallinta dhawr su’aalood baan manta weydiinayaa ii kaadi.

Adeer waxaan idin weydiiyay.
1. Maxay idinla tahay Madaxweynahan lixda sannadood kusiga fadhiyay ee aan waxba qaban ee sanadaka khasabka hadana ku darsaday?
2. Maxay idinla tahay Guurtidan aynu u samaysannay inay ina kala dhexgalaan markaynu is qabsanno ee iyadii baastooladaha inoo soo qaadatay?
3. Maxay idinla tahay xukuumaddan aynu ka sugayne wax qabad iyo horumar ee xadhigga iyo xabbadda inoo beddeshay?
4. Maxay idinla tahay cashuurtan 50% layska kordhistay iyadoon tii horeba wax laynoogu qaban?
5. Maxay idinka tahay wasiirradan xilkoodii ka soo bixi kari waayay ee miisaaniyaddi keeni kari waayay ee haddana waqtiga u haya inay xaalad abuur ka shaqeeyaan?
6. Maxay idinla tahay xukuumaddan markay wax dhacaan markiiba cid ku waabay ee xanta mafaariishtana og waxa Dawladda Hoose samaynaysona aan ogayn?
7. Maxay idinla yihiin nimankan aad mooddo inay dalka keligood leeyihiin ee xukuumad isku sheegga ah ee siday doonaan ka yeelaya?

Doolaal: Waar waxba lama aha ee haddaba ka hadh dhallinta. Waar iska qayila waa nin waalane.

Dubbe: Horta manta cashar dimuquraadiyadda ah ayaan din siinayaa oo kooban. Beri dhoweyd waxa halkan inoogu yimi nin Professor ah oo reer EL Salvador ah oo jaamacad INgriiska ah wax ka dhiga. Cashar buu na siiyay. Wuxuu yidhi. “Dunida dalalkii intay digtaatooriyad galeen haddana Dimuquraadiyad dib ugu laabtay saddex baa loo qaybiyay. A)qaar ay ciidamadoodii la heshiiyeen mucaaradkii oo dabadeedna aqbalay inay doorasho qabtaan oo halkaa lagaga baxo digtaatoriyaddii sida Spain,Portugal, Chile iyo Argentine. Wareer dambe may gelin B)qaar way kala adkaan waayeen oo dabadeed caalamka ayaa dhex galay waxay ku heshiiyeen inay awoodda qaybsandaan doorashana sidaa ku galaan. Iyar ka dibse ayay kooxdii xukuumaddii hore ka hadhay awooddii xukuumadda iyo hay’adaheedii si qalada u adeegsadeen oo muddo ka dib haddana halkii baa laysku dilay. Sida El Salvador. C) qaarna mucaaridkii baa adkaaday oo dalka dimuquraadi ku soo celiyay. Waxase aan hore loo arag oo nooc afraad ah Somaliland. Mucaaradkii dalka qabsaday ee adkaaday ayaa kuwii ay ka adkaadeen la wadaagay xukunkii ama iyagiiba hadhaagoodii u dhiibay sida Dahir Rayaale. Waa wax wanaagsan. Dunida mid kale ayaa dheereedayn oo waa Guurtida iyo madaxdhaqameedyada. Waxase laydiin yaabaa buu yidhi markay kooxdan xukunka haysataana bilowdu inay qaranka six un u adeegsato oo kooxaysi iyo kala fogaan abuurto Guurtida iyo Madaxdhaqameedyaduna siyaasadda ku milmaan.” Haddaba tii baynu manta maraynaa adeeryaal.

Doolaal: Waar guurtidu sharciga ayay raacday ee ma siyaasad bay ku milantay?

Dubbe: Waar naga daayo aanu inamada casharka u wadnee na dhegeyso. Adeer horta halkaa ayaynu maraynaa. Bal dadkeennii doorasho iyo dimuquraadiyad iyo ictiraaf iyo horumar ka hadlayay waxaynu ka hadlayno eega beryahan. “waar yaan nabadda la dumin. Waar soo kac CID baa ku doonaysa. Xidha. Xabbad ku fura. Sicir-barar. Jab iyo hoog.” Miyaanay ayaan darro ahayn? Bal xukuumaddan aan nafta muwaadinku waxba lahayn eega. Bal askartan qoryaha uun la soo baxaysa ee dadka ku furaysa eega? Dadka miyaan dad dhalin? Miyaanay umaddeenii ahayn oo aan jiidh inoogu oollin? Ina Rayaale iyo xukuumaddiisa dadku waxay la yihiin waxaan dhiig iyo dheecaan lahayn. Waxay u arkaan lacagta yare e magta ah ee cuqaasha ugu dhiibaan ehelkii dadka la laayay. Mar haddii kolba loo yimaaddo oo la yidhaa Madaxweyne qoladii maalintii dhoweyd askartu laysay cuqaashoodii baa ku sugaysa oo uu yidhaahdo. Waxoogaa baan meel ka sugayaa magtii baynu bixin doona oo ay aakhirkana dhawr kun ka qaadaan way dhammatay.

Waa inoo toddobaadka dambe haddii Eebbe yidhahdo

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment