Saturday, August 29, 2009

........Inta UDUB Colaad Qabo

DALJIRE
("........Inta UDUB Colaad Qabo")

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe: Koormeer yare dhe. Tolow waxani illayn kormeer ma ahayne ma faalkii baa yihdi dhawr albaab isa soo taag?

Doolaal: Malaa idinka sina laydinka ammaan heli maayo? Madaxweynuhu hadduu shaqadiisa qabsado iyo had walba waxbaa ka sheegaysaan. Waar isla yaaba haddaba nimanyow.

Dubbe: Wasiiraddu ma carruur dugsi laga xaadirinayaa muxuu ka soo eegayay inay joogaan iyo in kale? Kormeer waxa loo maraa inaad indhahaaga ku soo aragto sida ay ku sugantahay halkaad tegeysaa iyo xaaladdeeda dhabta ah waxna ka beddeshid wixii dhiman ee aad aragto. waa maxay intaad wariyeyaasha hoosta ka war geliso kolba meel is hor taag oo wasiirkii mee dhe oo dabadeed ka noqo? Wasiiradu sawkuwan isaga hoos tuban ee shidaalka ka shaxaadaya? Ama dacwoonaya ee leh Cawil baa miisaniyaddii na siin waayay ee nagala hadal.

Teeda kale sawka og inaanay wax qorshe ah oo ay ku shaqeeyaan jirin meeshana uu qabyaalad uun u geeyay. Kormeer yare Ina Rayaalow Kaashif baad tahay. Wallaahi inaan u gabyi

Doolaal: Waar gabayna garan mayside waxaa iska dhaafoo inaanu idaacaddii keenay? Maxaydin iminkana odhan haddaba waa yaabe?


Dubbe:
Horta haddaa keenteen waa arrin wanaagsan. Waxase ka horraysa anigu ma idin rumaysanayaa? Dee waa maya. Illaa aan dhegahayga ku maqlo iyadoo leh “Halkani waa radio Hargeysa, idaacaddii cusbayd ee raagtay oo ku hadlaysa codka JSL” oo meel walba laga soo sheego in la maqlayay. Ta kale nacasnimadiina ma in iminka la idinku amaano ayaa rabtaan?

Doolaal: Oo waayo saw waxaanu qabannay oo ammaan ku mutaysannay maaha?

Dubbe: Waaryee Doolaal. Waar inaadeerow bahshan nacasnimo la yidhaa halkaan kaaga soo daweeyaa? Qoodhaa iyo xeraddaa ma kaa dhab baa?

Doolaal: Why not? Yes. Waa iga dhab.

Dubbe: Dee waa Because. Haye. Bal horta marka hore aburkaaga aggaa iiga jeede oo markay ilkaha hoose qaar ku maqan yihiin kelmadaha ssss ku dhamaada sida Yes laguma xejiyo carrabka illayn qaadkii baad soo tufaysaa. Waar annagaa wax aragnay.

Ta kale ma bahashaa toban miisaaniyadood ku darsateen ee lixda sanno la maqnaydeen baad ammaan ku doonaysaan? Fariiddo!

Waar bal aan dhanka aad wax ka fahamto kaa tusee. Bal waxaad ka soo qaaddaa inagoo halkan mafrishka ku soo dhacnay iyadoo labadii ah inagoon qaad sidan oo magaaladoo dhammina qayilayso.

Doolaal: Haye.

Dubbe: Oo dabadeed mid u dirannay oo lacag u dhiibannay?

Doolaal: Haye.

Dubbe: oo dabadeed aynu ninkiiba weynay

Doolaal: Oo xagguu qabtay dee?

Dubbe: U kaadiyoo. Jabba waaka dambeeyee. Oo dabadeed berri oo kale uu iska yimi. Oo yidhi qaad ma sidee keena lacag aan idiin doono qaad kale eh.

Doolaal: Oo sabab?

Dubbe: Bal adba. Oo miyuu weligiiba sabab sheegay. Haddana waa u dhiibnay. Illayn xaraaradda iyo dubaabkii waad garannaysaaye.

Doolaal: Haaye. Haaye. Weliba Aniga islaan buuran oo madaw baa la igu salidaa oo i bakhtiisa eh. Cunahaas ayuumbay ila ledaysaa..dhab. Haye. Soco.

Dubbe: Haa kelmaddaa “Dhab” markaan maqlo ninbaan xusuustaaye. Waar ninkii shan cisho ayuu waxaa inagu maaweelinayay dadkuna qayilayay inana dubaabku ina cunayay. Maalintii dambe ayuu laba geed inoo keenay. Ninkaa miyaad ammaani lahayd mise isaga iyo qaadkiisaba laad baad ku tuwaalin lahayd lacagtiina bartaadhig baad odhan lahayd? Weligaana qaad dambe ma u diran lahayd?

Doolaal: Wallaahi inaanu UNITED NATION ku na kala saareen. Waar miyuu waalan yahay.

Dubbe: Bal hadduu weliba yaabo oo yidhaa waa i xaasidaysaan markaa qaadkii keenay bal ka warran? Dee bal haddaba ka warran idaacadda xunna? Bal qaad ka soo qaad. Shicibkii dhegeysan lahaa ee kuwa cadawga ka hor geen lahaana inaga innaga soo qaad.

Doolaal: Waar muxuu leeyahay? maxaad afka iigu ridday iminka? Maxaase qaadkii iyadaacaddii isku mid ka dhigay? Idacaaddu ma qaadbaa oo Ina Afdiinle ayaa keena? Saw bahasha Ardul-walaaya laga dooni maayo. Oo intaas oo gaal iyo belaayo kolba waraaq teeb garaysan loo diri maayo. Waar bad hay gelin aniga waryaa.

Dubbe: Waxba inamay maqlayn basaasiintiye. Waxaan ku idhi. Intan aynu Ina Cabdi Xaabsade hadal hayno waxaynu illawnay ninkii keli ahaa ee arrinta Laascaanood u ahaatay.

Doolaal: Oo waa kee?

Dubbe: Dee waa odaygii yaraa ee gaabnaa ee Cisman Garaad ee ahaa kuxigeenka Ina Bullaale, Xoghaya Guud ee UDUB.

Doolaal: Oo muxuu helay?

Dubbe: Horta afartan sanadood illaa 1964kii markii Laascaanood laga doortay wuxuu khaati ka joogay Garaad Saleebaan oo uu adeer u yahay oo Garaadnimadana ka boobay. Mar uun wuxuu rabay inuu meeshaa uu wax ka soo qabto isagoo aan Garaad Saleebaan joogin.

Waxa la yidhi Aw Xasan Sh. Cisman (AHN) ayaa mid yar oo uu dhalay oo yar dhibay oo uu dhoof la raadinayay ayuu markab saaray. Habeenkii markii inankii tegey ayuu intuu mijintiisii soo qaatay yidhi. “Eesh qiyaasak mar haddii aniga iyo inankii Khadar caawa badi noo dhaxayso?” iminka Cismaan garaad wuxuu leeyahay. Eesh qiyaasak mar haddii aniga iyo Saleebaan caawa Ciidan noo dhaxeeyo oo uusan Garooye soo dhaafi karin.

Mar hadduu Cismaan Garaaad galabta Laas joogo. Mar hadduu Saleebaan gembiyay uu u gaadhna ku adkeeyey. Mar hadduu geesh iyo hor dhigay gaasas qalabaysan. Mar hadduu waa guul allee gaaddo soconaayo. Waar iska daa hadal. Wallaahi inaan isna u gabyi.

Doolaal: Waar yaadhaheen. Kiiyoo afar kelmadood igu bartay. Waar halkaan u qayilaad tagaa halkani ii la’ e

Dubbe: Horta anigu gabay ma aqaane waxba ha didine. Nin shalay ii sheekeeyay ayaa iga qosliyay. Wuxuu yidhi. “waxaan arkay gabadh reer Qaran ah oo tidhi waxaan jecelahay nin UDUBta waaweyn ah. Hadda UDUB xayraanta maaha. Waa ta waayeyn. Waxay tidhi hees baan u tiriyay ninkii ammaan ah oo jacayl ah oo dhiiggu tif leeyahay. belo qabowba, ninkiiba heestii macnaheeedii iyo waxan aan ku ammaanayo wuu garan waayay. Waxaan xusuustay bay tidhi. Waa tan dadka walaalaha ahi ama isku deegaanka ahi kaftamaan. Qolada Isaaq ayaa beesha walaalahood ee Garxajis ku dacaayadeeyay markii carruurtoodii quraankii baran waayeen ayaa higgaaddii loogu daray wax ay garanayaan oo la yidhi. “Ba’ la kordhaby baruur lagu reebay. Cayn laa goday cad lagu reebay......” markaasay yidhaadeen. “ dee haa. Iminkuu bahalku oon xoolaad leeyahay oo aanu fahmaynaa.” Markaa waxay tidhi. Ninkii baan hees uu fahmayo u sameeyey.”

Doolaal: Ma haddaad dumar heesayna noola timi?

Dubbe: Waar dhegeyso dumarku iyagaa inaga caqli badane waynaan dhegeysanne. Waxay beddeshay heestii Maxamed Axmed ee uu midhaheeda lahaa abwaankiiweynaa ee Cabdi Iidaan(AHN). Waxay tidhi:

(1) “Callaal (laaluush) iyo cashuur iyo
Kharash Cawil bisleeyow
Cagaarweyne Shacabkoo
Daahir Jago Caseeyow

Caanadiiqda galabtii
Kuwa cagagsadee xoog
Caanadaa ka soo gura

Caynkoodiiyoo kale
Inaad musuq ku caan tahay
Cidi kuuma diidine

Cadyow dhaqanka tuugga ah
Waad i caaddibaysaa
Adna aniga iga curi
Inta UDUB colaad qabo

(2) Markab cooja doonyii
Dekeddoo camiranow
Ceelkii Berbera oo
Bagaash cidhifka joogow

Carroo nabar leh meel Cali (Xoorxoor)
Keli camanka buuxsado
Dhallintuna caddibanyiiin

Caynkoodiyoo kale
Inaad musuq ku caan tahay
Cidi kuuma diidine

Cadyow dhaqanka tuugga ah
Waad i caddibaysaa
Adna aniga iga curi
Inta UDUB colaad qabo.

Markaasuu fahmay inay ammaanayso oo inantu jeceshay.

Waa inoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment