Saturday, August 29, 2009

Faqashay Magacaa?

DALJIRE
(Faqashay Magacaa? )
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Waar u kaadiya, u kaadiya. Haddaba iskaga hadha Madaxweynaha. Maxaa ka daba socotaan ee wuxuu Carabta ka doonay ka doonaysaan? Illayn qofku waa sideenna oo kale eh ee haddii ay wax ka si noqdeen iska daaya haddaba.

Doolaal: Waaryee muxuu manta u jeedaa waxani Madaxweyne difaac ka badane? Waar maxaad u jeeddaa?

Dubbe: Oo malaa haddaan ku raaco oo aan dadka kaa celiyana ii mahad niqi mayside waad i qabsanaysaa? Maxaan u jeedi lahaa? Anigu waxaan idhi waar ninku waa Madaxweynaheennii aynu doorannay ee dadkeenna ka dhashay waana sideenna oo kale ee marka uu muraad iyo dan gaara soo qabsanayo ha daba qaylininna odayga?

Doolaal: Oo waa maxay dantuu soo qabsanayay, hawlahaa qaranka ayuu u baxaye?

Dubbe: Wuxuu doono haw baxo ee daaya odayga. Eeg. Annagu dhawr arrimood ayuumbaanu ku diidnay ee ma necbin dee. Wuxuunbaanu leenahay waar ninyow sharciga raac. Dalka iyo dadka wax u qabo. Musuqa jooji. Waxan aan jirin ee aad noo sheegto, anigu been odhan maayee, naga daa. Dadkan aad kala soocayso ee aad kala fogeysay iska daa. Isna waa diidan yahay oo halkii ayuumbuu ka wadaa. Waxyaabahaa yar yar baanu isku haynaa ee ceeb kale ma jirto. Anigu haddii uu shirkado wax la soo saxeexanayo u gaar ah. Hadduu daahyo soo iibsanyo. Haddii uu carruurtiisa soo eegayo loo wareejiyay AbuDhabi. Haddii waxyaabaha kale ee aan maqlay ee aanan halkan ka sheegi karayn ay tahay. Midna waxba kama qabo ee daaya ayaan idin leeyahay.

Doolaal: Waar maad muraadkaaga sheegatid waa ninka sidani wax difaac kaama aha eh? Ma waxaad leedahay hawl soomuu qaban ee isaga iskii u tegey ha lagu maqlee?

Dubbe: Maya. Hawl wuu soo qabtay oo doorkan albaab sandaqadeed buu soo garaaacay. Inkasta oo aanaan albaabadii horeba wax ka arag. Oo hadduu dhoofo iyo hadduu joogo iyay hadday Jandei Frazer timaaddo intaba aanu carrurta biilkoodi weli raadinayno. Haddana yeelkadiisii doorkan Waraaq yarna kii Bisha Cas haystay wuu u dhiibay oo dhawr ceel oo biyo ah noo qoda wuu ka baryay. Boqol kun oo Doolarna way inna kalliftay baryadaasi oo aynu inagu ceelasha ku qodan lahayn. Yeelkadeedee Intaasi ma musqaraa? Anigu mahadsanid baan leeyahay Madaxweyne. Dee adigu Siciid Sulub iyo Ina Ducaalena midba qoladiinii la soo shir wuu ku yidhi oo doorashada na soo raaca. Taana xaq buu u leeyahay.

Doolaal: Waar haddaanu kolba albaab soo garaacin miyaa layna ictiraafayaa?
Dubbe:Waar albaabna garan meyside Guulwadahaagaas Faqashta ah oo miidhan ayaa dadka waalaya?

Doolaal: Waar ma anigaad Guulwade Faqash ah igu sheegaysaa? Horta maxaa dadka Faqash ugu tidhaahdaan?

Dubbe: Anigu ciddii Faqash ah ayuumbaanu ku sheegnaa. Ta kale aan mid kuu sheego adiga iyo ciddii kula mid ah. Faqash markaanu leenay uma jeedno cid gaar ah. Qabiil gaar ah. Uma jeedno ciddii aan SNM gelin baa Faqash ah. Uma jeedno ciddii Siyaad Barre u shaqaysay oo dhan baa Faash ah. Faqash waxay ahayd nidaam astaamo iyo sifooyin gaar ah leh. Ciddii aannu sifahaa ku aragno ayuumbaanu ku sheegnaa. Idinuku waxaa u fasishaan beelihii aan SNM ahayn baa faqash ah. Waa beentiin. Tuug Ilaahay ka go’day. Somaliland dadkeedu waa walaalo siman. Nin dagaal Faqash la soo galay iyo nin heshiis dhalay oo wanaag beeray weeyaan. Waa laga soo gudbay ammintaa. Dadka dalka ku nool kala badh in ka badan baan Faqashtiiba soo gaadhin.

Doolaal: Oo waa maxay sifahaad sheegaysaa?

Dubbe: Faqash waxay lahayd sifooyin ay ka mid ahaayeen. 1)Sharciga oo ay ku tuntaan inta madaxda ahi dadka kalena lagu cadaadiyo. 2)Musuqmaasuq xoolaha ummadda layska lunsado oo madaxdu ugu takrifasho sidii hanta ay leeyihiin. 3) Caddaalad darro saamaysa ummadda oo dhan in yar mooyaane madax ah . 4)iska horkeen bulshada iyo beelaha meel wada dega. 5)hantida qaranka oo debedda laga dhisto guryo iyo ganacsi gaar ah. 6)Dhulboob ku aaddan dhulka danta guud. 7)Af-miinshaariin ku qadhaabta beenta oo u adeega nidaamkaa. 8)Ciidamo sir-doon ah oo ciiddaa ka badan oo bulshada basaasa. 9) Dayac adeegga bulshada ee xukuumaddu qaban lahayd. 10)Xaalad abuur. 11)Ganacsiga oo ay dhawr qof oo iyada u adeega gacanta u geliso. 12)dad aan waxba ku qabin oo sixran oo aan wax Alla waxay ku raacsan yihiin aan garananyn oo haddana la socda oo indhaha faraha kaa gelinaya- Guulwadaayaal. 13) kooxo danaystaal ah oo xaaaraan quutayaal ah oo adigoo kale ah oo sida shilinta iyo gafanaha ku naban oo dhiigga umaadda ku nool oo difaaca nidaamkaa.IWM. intaasoo sifo xukunkii laga helo iyo cidda laga helo ayaa faqash ah. Markaa ma xukuumaddiina laga hel; mise lagama helin. Haddii laga helo waa tihiin. Haddii kale ma tihidin.

Doolaal: Oo markaa ma xukuumadda UDUB baa sifahaa leh baad leeday?

Dubbe: Keligay ma lihi. Dadba waa ila qabaa. Dadku ma inuu idho la’yahay oo caqli la’yahay baad moodaysaan? Wallaahi waxaan xusuustay ninkii badawga ahaa ee cajaladaha Fiidyowga (video) ah kirayn jiray. Kaasi badawnimo mooyee nin daacad ah ayaabu ahaa.

Doolaal: Muxuu ahaa kaasina.

Dubbe: Wuxuu ahaa nin reer Qabri Taharre ah. Wuxuu lahaa meel lagu daawado filimka oo uu dadka Kagaga kireyn jiray laba biro oo Ethiopian ah qofkii daawanayaba. Maalintii dambe ayuu mid yidhi. “waar inaadeerow hal Bir baan haystaa iga kiree aan daawadee.” Wuxuu yidhi. “ maya. Sharci baan leeyahay ma jebinayo ee laba Bir keen.” Markuu ka dayn waayay ayuu yidhi. “Waa hagaage orodoo kii Ina Jaamac Warfaa ee ishan aad la’adahay mooyee ta kale la’aa doon oo isna hal Bir ka soo qaad oo markaa midkiinowba il ku daawado ooh al qof isku noqda aniga labada bir hay buuxsanto.”

Doolaal: Maya. Waxa wax laga yaqayaqsoodo ah inaydin dadka ku tidhaahdaan Faqash iyo anaga ayuumbaa fiican.

Dubbe: kkkkk. Horta nin baa laga hayaa “Waa nin fiican iyo waa reer JIgjiga kala daa.” Iminka waxaan la yaabaa markuu mid UDUB ahi yidhaado “waxa wax laga yaqyaqsoodo ah. Iyo waxa wax laga xishoodo ah. IWM.” Bal waaba UDUB oo waan yaqyaqsooday buu leeyahay. Anagaa kuu sheegaynna eh waxa wax lga yaqyaqsooda ah xaaraanta. Musuqmaasuqa, dhaca agoonta, caddaalada darrada, sharci ku –dhaqan la’aanta oo dhammaantood waxa aydin ku dhaqantaan ah ama ku daawataan xukuumaddiina oo ku dhaqmaysa. Midh-midhka wanaagsan ee idinku dhex khafiifayna xaal ha qaataan.

Waa inoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment