Tuesday, August 25, 2009

Hallow! May Maqlaysaa?

DALJIRE
(Hallow! May Maqlaysaa?)
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe: Waar bal falaashtaa iyo biyahaa isa soo dhaafi.

Dooolaal: Hoo. Dirasho badanaa. Maxaan ku siiyaa ee kale?

Dubbe: Mahadsanid. Laakiin inaadeerow adigoo raalli ah caadadan xun iska daa. Sankan aad faraha uun kula jirto iska daa oo waraaq ama masar isticmaal. Gacantii baad ku siinsanaysaa oo sankii baad farta ku culaysaa oo haddana falaashtii baad taabanaysaa oo koobabkii baad taabanaysaa. Saw durigaaga iyo wax walba na qaadsiin maysid? Bal sidaanu kuu gacan qaadnaa iminka?

Doolaal: Horta maanta ayaad u hadal wanaagsanayd oo aad ila talisay. Inkasta oo aad hadalka kor u qaadday oo sidaa laga wanaagsan yahay, haddana yeelkadeedee waa talo wanaagsan. Bal aan taaba kugu diido.

Dubbe: Adigaa mudane. Waxa la yidhi “Belayaayada aan kaa qoslini belaayoba ma aha.” Waar waxan inna helay waa maxay? Ahaaaaa!

Doolaal: Haye. Ma bilowday?maxaa inna helay?

Dubbe: Horta qaran jab baa inna helay illayn idinku dhiig ma lihidine. Laakiin marka laga tago foolxumada inna gaadhay, dhawr arrimood ayaa iga qosliyay. Qosol gariir dee. Kol waan ooyaa kolna waan qoslaa.Waar illayn bilaayo habeen kama tegin.

Doolaal: Haddaad leeday qaranjab baa inagu dhacay maxaad haddana ku qososhay”

Dubbe: Ninbaa iiga sheekeeyay shir uu Jananka ciidamadu, Nuux Taani la galay Madaxweynaha iyo koox Wasiirro ah oo laga rabay inuu soo bandhigo Kaartada dagaalka ee Dhahar lagu qabsanayo.

Doolaal: Miyaanu isku laba rogin markaa?

Dubbe: Waar miyaad is yeelyeelaysaa? Mayee ceebi kama raacin. Waxa la yidhi markii miiskii la soo fadhiistay ayuu isagoo suudh Safaari ah xidhan illayn isagu dirays uma bahna eh ayuu shandadiisii madoobeyd ee culayska badnayd ee samsonite ka ahayd (isaga kama gubato eh)halkaa gidaarka isla taagay. Hadalkii buu bilaabay. “Mudane Madaxweyne isla markaana Taliyaha Ciidanka Qaranka, Wasiirada sharafta leh waxaa ii sharafa inaan maanta halkan idiinku hayo qorshahii dagaal ee lagu sugi lahaa midnimada dalka.” Sanqadhaa is taagtay. Raggu kala dareen duwane, qaarkii waabuu jidhidhicooday.

Janan Nuux gacanta ayuu geliyay shandadii isagoo ka soo saaraya kaartadii. Tii u horreeysey ee uu soo dhuftay buu kala bixiyay. Kuye. “Raalli ahaada. Tani waa tii deyrkii aanu Ina Baarjeex isku haysannaye.” Waayahay baa la yidhi. Mid kale ayuu soo dhuftay. “Ah.” buu yidhi. Maxaa dhacay? baa la yidhi. “Tanna waa tii jagadii Xero Awr ee aanu qoladii isku haysannay iyo beertii yarayd ee Gabilay ku taallay eh . Ii kaadiya.” Daf buu haddana siiyay. “iska dhaaf, xabaal la dhigtana maxaa ku riday meesha?” buu hoos u yidhi. Maxay? baa la waydiiyay. “Waa kaartadii jagadii xumaydee shacabka ee miiska saraakiisha agtiisa ee aanu askarta isku haysannay.” Buu yidhi isaga oo dhididsan. Gacantii shandaddii ruub haddana. “oo tanna waa tii Cusbataalka Hargeysa ee meydka askariga lagaga xoraynayay ehelkiisa eh.” “waxba ma laha Taliye oo way dhacdaaye. Bal gacanta u celi shandada baa la yidhi. Wuu soo dhuftay. Mise waa tii Saadka iyo shidaalka lagu kala basrinayay. Oo uu soo dhuftay mise waa tii Caaglaha. Halkaa markay marayso ayuu nin Wasiir ah oo sarkaal sare ahaan jiray yidhi. “waar gacantaa go’daye waxaan aad soo qufayso annagu garan mayno eh anaga kolba habar aad daarad ku qabsatay ha nooga dhigin kaarto dagaal eh meeday kaartadii?” Intuu Madaxweynaha ku jeestay buu yidhi. “Mudane Madaxweyne awal xalay miyaan kuu dhiibay wax kaarta ah oo Dhahar ah markii aan ta Iskaraabka kuu dhiibayay?” Kaasaa inuu dal xoreeyo laga sugayaa. Tolla’ay. “may rasaasey mee raggeedii?”

Doolaal: Tolow miyaanu dhinaciisa u tudhanayn? Waar Illaahay ka yaab oo beenta iska daa.

Dubbe: Horta been ma aha oo anigu been ma sheego eh, laakiin dhawr arrimood oo kale ayaa iyana iga qosliayay.

Doolaal: Gaws kuguma hadho. Waar adigu wax iska sheeg intaad dadka kale wax ka sheegayso.

Dubbe: Waa hagaage anna aan iska sheegee. Horta ninyow dalkeennii habaar baa ku dhacay. Habaar Ina Rayaale la yidhaa baa ku dhacay. Waxaan maqlay dad iska dhaafoo; qudhaanjo ciidan abaabulaysa oo leh “qodhaanjadii dhul doonaysaay meel halkana oo Laan la yidhaa oo aanu Bulumbul ku oodnayn baa la sheegay.” Dalkeenii aakhiro ayuu u dhaadhacay. Anna waxaan ahay ninkii Xalane nooga sheekeeyay.

Doolaal: Waamaxay ninkaad sheegaysaa?

Dubbe: Waxa la yidhi nin baa hal uu aad u jeclaa ka dhacday meel laag ah ama jar dheer malaa laagga garan mayside. Dabadeed wuu muraara dillaacay. Waan is dilayaa buu yidhi oo halkii hashu ka dhacday baan ka dhacayaa. Jarkii buu kuu soo cararay. Markuu inyar u jiro ayay naftii ka giigtay. Markaasuu dhinac u caararay isaga oo qarka laagga garab raacaya markaasu ku dhawaaqay “waar igu duwa, waar igu duwa laagga, tolla’ay hashaydii, waar igu duwa.” Iminka dalkii oo maalin walba sii degaya ayaan arkaa waxii aan yeeli lahaana garan maayo oo waxaan is idhaa billaynoo uga dartay. Markaa xaalkaygu waa igu duwadaas uun. Allah ha sahlo.

Doolaal: Alla maad laaggaa aad sheegayso ka dhacdid aan kaa raysannee.

Dubbe: Habaar waa debede. Odaygii Saleebaan baan isna ku qoslay. Waxaan arkay isaga oo qiiraysan oo khudbad la fuulay. “Dalkuu dagaalbuu ku jiraa. Dalkaa la xoraynayaa, hambalyo ciidanka qaranka ..... Madaxweynihii baan la balansanay.....hidhidhii hidhidhii” Mise waxaaba ku xigtay Dhahar laynaga qabsay. Waxaan xusuustay oday reer Hargeysa ahaa oo Xaji Adan Diiriye Masoo la odhan jiray (AHN) oo weligiiba in Somalia laysku darsado necbaa oo inqilaabkii Xasan Kayd iyo Koongo ee 1961 kii taageeray. Wuxuu dhigtay maqaaxidii Ina Dhega Dheere ee badhtmaha magaalada ku taallay horteeda saxaarad shaah oo uu isku taagay maalintii inqilaabka, markaasuu khudbad dadkii u jeediyay “Waar anagaa inamada ku raacsan inqilaabka, waar marka horeba Sawaaxili bay nagu dareen. Waar annagaa dalkayagii dib u goosannay. Waar dooni mayni Wallaweyn...” isagoo halkaa ka miisaya ayaa illayn maba oga Xaajiguye inqilaabkiiba waa fashilmay. Askari baa isa soo agtaagay oo yidhi. “Xaaji ka soo deg saxaaradda inqilaabkii fashilan inamadiina waa la hayaa adna waa lagu kaxaynayaa.” Af kala qaad. Iminka Xaaji Saleebaan waxaan leeyahay Xaaji saxaaradda ka soo deg oo shookiga kuugu dhow is gee dalna xorayn maysaan adiga iyo Guurtidu toona eh ninkanna idinkaa dalka ku eegayee.
Annaga qudhayadu wax waxaa Saleebaan u dhow baanu nidhi wixii iminka garan maayee. Inaan is diidsiinayana waan u malaynayaa. Dee maxaanu samaynaa ma qof soo taagan oo Madaxweyne sheegayanaya ayuumbaad ka quusan karaysaa? Mar walba waxaad is odhanaysaa malaa iminkuu run sheegayaa.

Doolaal: Ma kursiga Guddoomiyaha Guurtida ayaad saxaarad ku sheegaysaa.?

Dubbe: Ninka haddaba aan la yaabay ee dad u liitaa waa ka yidhi Wasiir baa iga xidhay taleefankii aan ciidanka kula hadli alhaa ee weliba haddii idaacaddiisii meel-ma- gaadha ka yidhaaye BBCda ka sheegay. Weligaa Madaweyne ka liita miyaad aragtay? Oo markuu Ina Waqaf Hargeysa joogay muxuu ciidanka kula hadli jiray? Muxuuse tobanka wasiir ee kale ee meesha joogay ula hadli waayay ee weliba nagnaglayaashii ku jireen ee mid san yar iyo mid san weynba lahaa? Waar yaa Ilaahay yaqaan? Waxaanse ku weydiiyey. Ninkani ma yaqaan waxuu hoggaanku yahay miyaa? Waxa la yidhi “Fiintu waxay ka sii oydaa jirka soo socda.” Wallaahi waxaan ka baqayaa inuu ninkaasi waxaa uu inagu samaynayo cayna inoogu daro oo uu yidhaa haddana doorasho ayaan u taagnay ee i doorta.

Doolaal: Wasiirku saw maaha ka masuulka ka ah ciidamada? Bal waxaad ku hadlayso eeg.

Dubbe: Waar heedhee. Ma waxaa ku socoteen “dagaal gondahaaga ayuu ka dhashaa.” Oo meesha ayuumbuu idinku qabsaday? Mise qorshe ayaa ku tagteen? Waar illayn rag aan afkooda iyo dhegahoodu is maqlayn baa u daran. Ta kale goormaydin dagaalba dadka u sheegteen sawdinkii lahaa mashaariic baanu gobolada gaadhsiinaynaa? Iga walla berigaa beenta halkan inoogu soo dhoweyn jirteen ee kolba odhan jirteen Galool Oriye ayaanu la shiraynaa ee ay kambalka iyo Hargeysa Kilaab inoo daaqaysay baa la qaatay. Beentii oo dalkay tagtay Dayaxo galbeed u tahay yaa gaadhaya.

Doolaal: Maya. Madaxweynaha way ka go’nayd. Qorshe dagaal buu sii saxeexay. Ma idaacadahuu ka sii sheegi lahaa?

Dubbe: Kkkkkkkk. Keebay wax ka go’aan? Keebaa wax saxeexay?

Doolaal: Waa Madaxweynaha, Daahir baanu ku nidhi.

Dubbe: Allah kuma daahiriyo. Oo hadduu dagaal goostay ma bustayaal buu ciidanka rasaasta iyo shidaalka ka sugaya u diryaa? Ma kaneeco ayaa heshay baa lagu yidhi?

Ta kale qoladan aan haddii la eryadana soo carari karayn muxuu u magacaabay? Maxayse soo qabanyaan? Hadduu dal difaacayo muxuu raggii milatariga ahaa ee xukuumadda ku jiray ee Cabdillahi Darawal iyo lahaa uu u diri waayay? Anigu waan maleeyay oo horta wadaadku siyaaradii sheekha ayuu tegeyaa. Cali Warancaddena reer Ceergaabo ayuu u tegayaa oo odhanayaa HY Galbeed baa HY bari soo booqatay . Ina Buunina mooji. Dee sheekh Samaroon laftiisu Daalo ayuu ku aasan yahay baa la yidhi. Ma isagaa siyaarada laga xigaa? Waxaanse odhan lahaa waar Cali uun faraqa ha sii dayn waa intaasoo hadana soo yaacdaane


Waa inno toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire.

No comments:

Post a Comment