Saturday, August 29, 2009

Madaxtooya? Maxaytooyada? Ma-naxtooyada? Maal-xatooyada?

DALJIRE

Madaxtooya? Maxaytooyada? Ma-naxtooyada? Maal-xatooyada?

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Dubbe: Oo maanta xafladdii gobolka Hawd iyo dabbaaldeg ka hadal mooyaane miyaan is lahaa masiibo ayaa idinku habsanaysaa. Waar faataxada ha loo maro dadkii sida naxariis darrada ah tiknikada loogu laayay mudaharaadkii magaalada ka dhacay shalay. Inta dhaawacan ee xhicib iyo askarba lehna u duceeya. Oo askarta lafteedu way dulman tahay ee u duceeya. Faataxa.

Doolaal: Ducadu waa sax eh maxaad u odhanaysaa xaq darro ayaa lagu laayay?

Dubbe: Waxaan u odhanayaa. Qofka muwaadin ah ee arrin gaar ah ka cabanaya ee muujinaya si salmi ah inuu diiddan yahay arrintaa sidee xabbad aan dhaawac kac lahayn oo tikniko ah hoos loogu dhigaa? Xoogga ciidamada qaranka iyo Boolisku ma waxay caabbiyi kari waayeen dhawr boqol oo qof iyagoon xabbad la dhicin? Waar mayee waxaa barateen inaydin dadka iska laysaan oo dabadeed shilimo u tuurtaan mag ah ama tidhaadaan gobol baanu idin siinnay ama degmo.

Doolaal: Waar dadku hadday dhagax tuuraan oo ciidamada laayaan sidee loo hor joogsanayaa? Ciidanku saw inay nabadda ilaaliyaan maaha?

Dubbe: Horta aan mid idiin sheego. Waar dee dhegeysta. Horta dadkeena saani baa u barateen. Waxaa ku barateen waxaa ogaateen in mawduuca ama arrinka laga hadlayo uun loo beddelo dabadeedna ay illaabaan wixiiba oo wax kale uun ku xiiqaan.

Doolaal: Maxaad u jeeddaa?

Dubbe: Waxaan u jeedaa waxaad doonaysaa inaad arrintii u bedeshaan ammaan la ilaalinayo ee ka beddeshaan muwaadininii xaqoodii layska hor taagay lana laayay. Waxaan xusuustaa berigii la samaynayay laamiga isku xidha Hargeysa iyo Berbera ayuumbaa mar qudha muran abuurmay la leeyahay “Haddii laami la sameeyo darawaliinta ayaa luloonaysa oo gawaadhida qallibaysa.” Waxa dadka la illowsiinayaa inay masuuliyadda kowaad ee darawalka tahay inuu soo jeedo markuu gaadhi wado jidku ama laami ha ahaado ama jid-cadde eh oo uu nabad geliyo dadka iyo hantida uu sido iyo gaadhiga iyo laftiisa intaba.

Doolaal: Maxaa gaadhi iyo laami keenay nabaddaynu ka hadlaynay eh.

Dubbe: “Soo bax baa la lee yahay oo ay sacabka leefaysaa.” Waar nabaddan aad sheegaysaa halkay taallaa? Miyaad diiddan tahay masuuliyadda koowaad ee hoggaamiyaha dalka iyo ciidamada amnigu inay tahay badbaadada muwaadinka? Waar inay tahay waajib distooriya miyaanad ogayn in la ilaaliyo xorriyadda iyo nabadda muwaadinka? Waar maxaa loo qancin waayay muwaadinka wax tabanaya inta tikniko loola soo baxayo? Maxay ku kala duwan yihiin ciidamadeenna iyo kuwa abashida ee xamar joogaa? Bal ee sheeg afxunoo cantaba lahayde.Muwaadiniintana waxa waajib ku ah inay tabashadooda si nabada u sheegtaan oo dalku iyo dadku inay kuwoodii yihiin ogaadaan oo askarta xaq dhawraan.

Doolaal: Waar maanaguu na caayayaa wuxuu? Waar qofkii nabadda khalkhal geliya xabbad baa futada lagala dhacaya. Bal waxaad ku hadlayso eeg? Xukuumadda maxaa loo doortay? Saw inay nabadda ilaaliso maaha?
Dubbe:Waar doorashana garan maysaane waydinkaa xabbadda abaalgudka uga dhigay kuwii idin doortaye. Ma idinkaa weli doorasho hadal haya? Waqtigii laydin doortay wuu dhammaatay ee xisbayadii idiin oggolaaday inaydin sii jogtaan waxaanu ka codsanaynaa inay xidhiidhka idiin jaraan muwaadiniintana idinka qabtaan oo xaqa ay u hiiliyaan. Weliba Ina Cali Waraabahii kolba nagu badhifuri jiray ee hoosta idinka soo geli jiray ee maalintii dhoweydna aydin “waallida” ku sheegteen waxaan leeyahay xaqa ceelkaad ku ridday ka soo saar.

Doolaal: Waar dadkan aad sheegaysaa siday isu hor taagaan amar xukuumaddu bixisay?

Miyaanayse Boorame xaq u lahayn in biyaha loo qodo? Ma Ina Rayaale ayaa Madaxweyne ah ayay u harraadanaanayaan?

Dubbe: Iminkana ma xaggaasaad iila kacday? Mayee Boorame iyo meel wal oo lagu harraadanyahay, waddankoo dhan baaba lagu harraadan yahaye, xaq bay u leeyhihiin oo Ilaahay hortii waanu la jecel nahay ummaddeenu inay harraad ka baxdo eh. Ma waxaad adigu leedahay amarka caqli xumada ah ee Ina Rayaale inuu fulo wuxuu istaahilaa muwaadiniin ku nafweyda iyo qaar kaloo ku dhaawacma? Waar xaqiiqada aan ka wada hadlo oo mashaakilka dalkani waa Ina Rayaale iyo hoggaan xumadiisa ee umaddu hayska qabato. Waar waxan uu adhiilihii ku hayo miyaanad arkayn?

Doolaal: Maxaa lagu hayaa adhiilaha ee aad sheegaysaa? Xukuumaddu dad bay heshiis lagashay iyadaana la soo doortay oo dadka wakiil ka ah ee in lagu socdo uun miyaanay ahayn waxay tidhaahdo?

Dubbe: Horta adiga kulma yaabani ee waxaan la yaabay adhiilahan bakhtiga ah. anigu adhiilahii aan aqaan ciddii ay garan waayaan budhka ayuumbay saari jireen ee kolba Adan Baradho iyo dad la mid ah may wiiqa u soo dhigi jirin oo baryi jirin. Kolba Ina Rayaale oo kale baryo war baahinta umay marin jirin ee illa Afweyne ayay sanka ka geli jireen? Waxa ugu sii nacasaysnaa kii lahaa “anagu UDUB baanu nahay ee ninkii Kulmiye ahaan jiray ee doorashadii u codeeyay baa adhigii loo xidhay.” Iimaanka lagaa qaad. Marka horeba UDUB iimaan la’aan baad u gashay oo adhiga ha laguu xidho baad is lahayd ee way kugu dhacday. Waar muwaadiniintu waa inay u sinnaataa xuquuda iyo xannaanada ay qaranka ku leeyihiin. Baadilkii aad ka shaqaynaysay waakaa kugu dhacay.

Allaylehe nin baan arkay adhiilihii sidoodii u hadlaya.

Doolaal: Oo muxuu yidhi?

Dubbe: Isagoo noo warramaya oo waxan lagu hayo ka sheekaynaya ayuu mid adhiila ahi isla kaayo soo taagay markaasu yidhi. “Waar xaggaad ka timi?” Markaasuu ku juwaabay “Madaxtooyadii.” Markaasuu yidhi. “Maxaytooyadii? Madaxtooyadii yaa? Waar madaxtooyana maahe Ma-naxtooyadii Maal-xatooyada ahayd dheh. Waar ninkan iskaraabkii xidhay ee xoolahii xidhay ee macdantii xidhay ee dekeddii xidhay ee weliba dadka xabbadda la dhacaya ee muwaadiniinta odhanaya magaalada kama bixi kartaan ayaad leedahay Madaxtooyadii . Taa Xaaji Cabdi waraabe ayuumbaa Madaxtooyo ku sheegi kara?

Doolaal: Ma qofka waxaa ku hadlay baad fariid ku sheegaysaa oo aad noo ammaanaysaa?

Dubbe: Haddaa ma ka leh UDUB baanu nahay baa wax la dhegeysto ah.


Waa inoo toddobaadka dambe, haddii Eebe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment