Friday, August 14, 2009

Xadhig Jiid Mooyee Riix Ma Leh

DALJIRE
(Xadhig Jiid Mooyee Riix Ma Leh)

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe: Ma haddaa shuqulkii NSS ta la soo baxdeen oo intaydin dhawr rash meelo ku tuurteen tidhaahdeen rag baa qaraxyo lala beegsaday? Waar waxaasi waxaydin wax ku helaysaan ma aha ee hayna arbushina.

Doolaal: Qaraxyadu wax dhacay bay ahaayeen waana la baadhayaa ciddii ay ku cadaatana xeerka ayaa lala tiigsanaya.

Dubbe: Ma idinkaa wax baadhaya? Qaraxii xarunta C.I.Dda xaly ka dhacay ma baadheen? Ma mid aydin meel ku sii waddeen buu ahaa? Arrintii jeelka cid ka dambaysay ma hesheen? Arrintii Dumbuluq ma baadheen oo cid ma ku caddayseen? Ma xusuusataan arrintii Dhubato cidda aydin ku tilmaanteen intaan Ilaahay idin fashilinin? Ma xusuusataan markaa xabaalaha gaalada intaydin dumiseen ragga ku masabiddeen? Talyaaniyaddii Boorame lagu dilay ma xusuusataa markaa cid aan shaqo ku lahayn farta ku fiiqdeen? Tii oo kalaa waddaan iminkana saw maaha? Waxaad ka heshaan waxba hanaga siinina.

Doolaal: Waar dalku xeer buu leeyahay oo waa loo siman yahay. Xeerkana cidna loo joojin maayo. Anaguna cid aanu mu’aamarad u dhigaynaa ma jirto.


Dubbe:
Horta sida xeerka loogu dhaqmo ma taqaaniin? Muwaadiniintan uun aydin odhanaysaan C.I.D da ayaa lagaa doonayaa inay qalad tahay miyaydaan ogayn? Qofku hadduu dembi galo oo eedaysane yahay maxkamad baa sharci looga soo qaataa.Hadduu fal dembiyeed isagoo gacanta kula jira lagu qabtana waa la xidhaa. Hadduu markhaati yahay waraaq yeedhmo oo Maxkamadeed baa loo diraa. Haddii dembi la baadhayo wax laga weydiinayo oo aanu se eedaysane ahayn si waddaniyad leh oo shaqsiga xurmaynaysa ayaa wax loo waydiiyaa oo codsi ah. hadduu diido oo daruuri ay tahayna maxkamad baa amar looga soo qaata. Ma iminkaa raggii aydin tartamayseen kolba laba askari u soo dirteen oo damacdeen inaydin sharafta iyo xaqa Distooriga ahba ka xayuubisaan?

Doolaal: anigu waxaad ka hadlayso garan maayo. Laakiin waxaan ku idhi xeerka waa loo siman yahay.

Dubbe: Waayahay ee haddaba orda oo Xabashi u yeedha oo waxaad tidhaahdaan xaafadahii Jigjiga-yar iyo Xero Awr Habr Gidir baa soo gashay. Illayn sidaa wax u waddan waaban arkaaye. Sacabkaa Cabdillahi Yusuf u tumayseen bilaash muu ahayne.

Anagaaba Xabashida u yeedhayna. Waxa la yidhi laba nin oo sigaar koontrabaan ah sida ayuu mid shitay xabbad goor habeennimo ah oo askartu meel fog ka arki karto dabka. Kii kalaa yidhi waar inaga daa. Markuu maqli waayay. Buu qaylo dheer ku yidhi “waar askartiiyeeeeeeeey. Kaalaya na qabta.” Iminka bal hanjabaadiina aynu ka gun gaadhno ee waxaad samysaan ha la arko. Macangag baad tihiin. Xadhig baad tihiin xadhigna jiid mooyee riix ma leh. Waayo haddaad giddiga maanta riixdo inuu isku duubmo oo isku ururo mooyee ma socdo.

Doolaal: waar anagu sawnagaa sida fiican yeellay ee weriyayaashii Haaatufna soo daynay.


Dubbe: Imisaan idin lahaa haysan maysaane nimankaa aydin caddaalad darrada ku xidheen iska sii daaya? Iminkaa markaa Gaaladii aragteen warqad degdeg ah hoosta ka dirteen oo goor aan hadhna ahayn habeennna ahayn soo dayseen? Laakiin anigu kollay Madaxweynaha arrintaa wuu ku mahadsanyay ayaan leeyay yeelkeedee.

Doolaal: Allah nacaybkayagu muxuu dhuuxa idinka galay. Ma Madaxweynaha nimankaa cafiska u fidiyay ayaa libta gaalo ka siinaysaan? Gaaladu ma jeel ay wax ka sii dayso ayay ku leeday dalkeena? Miyanad se akhriyin warsaxaafadeedkii Madaxtooyada ka soo baxay ee sheegay inuu Madaxweynuhu sii daayay nimanka?

Dubbe: Allah! Ma Madaxweynaha? Waar miyaad iska hadlaysaa? Oo wuxuu yidhaahdu toos baan u qaataaye. Bangiga -maya bangi wax la geysto ma lihine- Dahabshiil baan geystaa. Hadalkiisu Doolarka kama dhaco ama dahabka. Wuxuu yidhi wuu yidhi loo noqon maayo. Haa. Oo miyaad is yeelyeelaysaa? Weligii isagoo been sheegaya miyaad aragtay?

Doolaal: Ma inagaan bangi lahayn? Maxaad u jeeddaa?

Dubbe: Maxaan u jeedi lahaa? Sawdiga og maaha. Weli jeeg ma la tagtay oo ma lagu yidhi lacag ma haynnee horta cashuurtu ha soo hoyato? Waar anigu taan idiin dhiibtay meeday? Iga walla dukaankaa Masno markaan lacagta dhigto hadh iyo habeen markaan ka doono miiska ayaa lay saaraa. Waar miyuu is yeelyeelayaa? Maalin dhaweyd mid yidhi jeeg Madaxweynuhu ii soo qoray baan sitaa oo bangigaa aad sheegayso joogay, Waxay ku lahaayeen intay dhoosha ka yar qosleen “waxba kuma jiraan xisaabtiisa ee orodoo xawaaladaha ka sii amaaho anagaa siin doonna mar uune.” Ma Madaxtooyo xisaabteedu madhantay baa la arkay? Meel kale ayay ku jirtaa na dhaha dee. Meesha ma booraantii hadhuudhkaa ka qodan. Ma macquulbaa miisaaniyaddana haw badnaato hana madhnaato.

Doolaal: Hay’ada dawladda aflagaadda ka daa. Waxaasi waa waxii Ina Bullaale idinku sheegay ee uu idin lahaa waar Madaxda aflagaaddada ka daaya eh.

Dubbe: Horta waanadu ma xuma. In hadal wanaagsan lays yidhaana waa wax meeha ku jira. Waa ta laydinka waayay ee taa hawraarsan baan kaa idhi. Ina Bullaale haddaba aan u soo noqdee. Horta waa nin odaya oo reer magaaaaaaaal ah. Meesha ragga daaqaddan xun baa nasakhdaye oo xiniiyaha ka saartaye , ninku waa kaftan miidhan oo haddaad la fadhiisato, wuxuu ku yidhaa, yeelkadeedee intaa la fadhiyo uun hayskaba ahaatee, waad yaabaysaa ninkaa murtidiisa, gabayga, heesta.... Ta kalena ma annaga ayuumbaad moodaysaa inuu odaygu nagu saydho. Ilaahaw maad araktid isagoo siduu sagaalkii subaxnimo daaqadaddii xumeyd isu taagay labadii galabnimo ka soo dhaqaaqay isagoon cidna la kulmin oo aan bir iyo bes toona doonayn.

Doolaal: “soo bax baa la leeyahay oo ay sacabka leefaysaa.” Waa maxay daaqadda xumi?

Dubbe: Waar waa tii Madaxtooyadee aanu kuu dhammaynee dhegeyso. Waxaan ku dihi isagoo ka soo baxay oo soo waayay ma la kulantay oo ma tidhi “waar Bullaale bal warran?” oo ma ku yidhi “Oo maxaan ku warramaa kii Gadabuursi ee meesha lahaa baan illaa saaka sugayay oo goortaa ka socdaa isaga oo aan soo degine. Macaankiina waa igu kacay oo cirkaasuu i marayaa oo bestay baan ahay. Waar meesha waxba laguma hayo ee inagu kala kexeeya. Wax Allaale wax jiraa ma jiraan ee anaga ayuumbaa ka samri weynay.” Oo adigoo aan UDUB ba ahyni dib maw maslaxday oo ma tidhi “Maxamedow, illayn dadku xisbi qudha wada geli maayee iska dulqaado oo halkaagaa iska joog oo debedda haw soo bixin waa kulayle. Oo dee qabyaaladdana inaga daa illayn xisbiyo ayaynu nahaye rag odayaala waynu nahaye. Dimiquraadiyaddaa sidaa ku wanaagsane.” Waar yaa Alla yaqaan. “Libaax qoyay dacaw baa la moodaa.” Baa la yidhi. Waar ninku hoostaasuu libaax ka yahay. Waxba intan yar ee hawshu kaga xidhantay ha eegin. Haa. “dhallaan qayladu waa qaboonada.” Caydan yari waa inta mooyuhu buuxo . Ma foga odaygu. Ee Bullaale, xantuna ma fiicna oo illayn ninku waa maqan yahaye, iska daayoo siyaassaddan tacliinta maxaa wax uga beddeli weydeen?

Doolaal: Halkuu u booday haddana? Maxaa tacliintiina galay?

Dubbe: Ilmaadeerayaalow kumanaankan arday ee ka soo baxaya dugsiyada sare ee aan shaqona helayn maa u samaysaan dugsiyo farssamo oo badan. Oo dadku ka bartaan farsamo gacmeed ay ku shaqaystaan dalkana wax ugu qabtaan? Waar Baahida dalka maa eegtaan?

Doolaal: Dee horta saw maaha inuu qofku tacliinta aasaasiga ah ee gundhigga ah barto marka hore?

Dubbe: Waar gundhig layne miyaanad arag aqaladan inoo dhisan ee aan mid qudha albaabku saani u xidhmayn. Musqulihii baanu geli kari weynay. Ma xiiiiiiixxxmm xiim ta ayuuumbaanu haynayna markaanu musqul gallaba way nagu soo riixayaane. Saw mid dhego la’ oo aan xxiiimtaba maqlayni noogu soo geli mayo maalinta dambe. Waar laydhadhkan kor iyo hoos kolba kay doonaan u shidmaya eeg. Bal albaabadan masasku ka soo geleyaan ee dhulkaa taako ka kacsan eeg. Waar bal gidaarradan ku xagannaya eeg. Dee miyaan dhammayn karayaa.

Doolaal: Waar waa caadi waxaasi. Weligooodba sidaa ayay inoo ahaayeen. Meel kasta mucaaridnimo ayaa ka dayeesaan. Laydh baa hoos u shidmay baad sheeko ka dhigaysaa.

Dubbe: Waar laydhkaa sida xun loo gelinayo khasaaraha inaga soo gaadha miyaad ogtay? Weliba ka ugu badani idinka ayuu idinka soo gaadhaa.

Doolaal: Oo maxaa annaga noo gaara ee naga soo gaadha?

Dubbe: Bal eeg waakaase. Wuu iska dhex joogaa uun meesha. Anigaa uga war roon.

Doolaal: Waar waxba noogama war roonide maxaad sheegaysaa?

Dubbe: Imisa goor ayuu laydh si xun loo geliyay gubay xafiiska Cali Xoor –xoor , Maareeyaha Dekedda Berbera oo nasiib wanaag bal amarka Ilaahay kumbuyuutarkii iyo shandad $60,000 oo Doolar ku jiraan oo qudhi uun ay gubteen?

Doolaal: Maxaa nasiib wanaag ah haddii kombuyuutarkii iyo lacagtiiba gubteen? Ta kale ma labadaas uumbaa gubta ayaad leeday mar walba, maxaad noo hoos gelinaysaa? “Dubbow da’daan ahay looma duur xulo.”

Dubbe: waar aniga afka hadal haygu ridin aanan odhane, miyaanay nasiib darro weyn noqoteen iyo naxdin haddii dad ku gubto. Duunyo waa la helaa, weliba mid aanad adigu xoogsana cidina kaaga daba imanayn waxba looma noqdo oo “naasweynba dihine.” Dad miyaa lagu helaa ciyaar ciyaar. Xaggaynu se Maareeye kale ka helaynaa, habaar waa debede, haddii Cali wax noqdo.


Waa inoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

1 comment:

  1. Ninkeyga iyo anigana waxaan leenahay dhibco aad u xun markii aan qadarinay joornaaliyeyaasha dhaqaalaha illaa xadkeenna aan ku codsanay biilashada, waxaan leenahay wax yar ama lacag la'aan ah in aan u dirno gabadahayaga si aan u galno jaamacad aan awoodi karno. Waxaan xakameyn karnaa amaahda deynta ah (shirkadaha amaahda), kuwaas oo ka caawiyay dadka naga mid ah, in aan isbeddelno deynta. Shirkad kasta oo aan la xiriirnay waxay dooneysay lacag ka badan $ 1,000 ilaa $ 2,000 oo aanan awoodin. Sababtoo ah waxaan u maleynay inaanaan rajeyneynin inaan doorano inaan iibino ama lumino gurigaaga adoo xiraya. Kadibna waxaan soo gaadhay majaladda maxaliga ah iyo daboolka wuxuu ahaa Shirkadda Loan Bonding Corporation. Saddexda talaabo ee ugu muhiimsan; 1. Waxaad soo gudbineysaa codsi elektaroonig ah. E-mail: albakerloanfirm@gmail.com 2. Waxaad siisaa habka saxda ah ee aqoonsiga sida haddii muwaadinkaagu haysto kaar aqoonsi ama liisan darawalnimo iyo macluumaadka akoonka bangiga. 3. Deymaha waa la baaraandegay, la ansixiyay, loona gudbiyey. Sheekada dheer ayaa la soo gaabiyey, waxay ka caawiyeen inay helaan deyn dhan 4% oo go'an oo wax ka beddelay lacagaha dib loo eegay. Waxay sidoo kale gabdhahoodii siinayeen deyn waxbarasho si ay u dhamaystiraan jeegga jaamacadeed ee buuxa. Waxaan la shaqeynay Lasson's amaahda, kuwaas oo naga digay horumarka adduunka oo dhan. wuxuu sameeyey dhammaan waraaqaha, wicitaanka telefoonka, iwm. Waxay sameeyeen dhammaantood waxaana helnay deyn aan aqbalno. Markii aan ogolaaday shuruudahoodii amaahda waxaan soo gudbiyay faahfaahinta bangigayga, waxaan ku bixiyey qiimo macquul ah adeegyadan. Anagu ma awoodi karno inaan helno sida fudud oo la awoodi karo maaddaama ay ahayd iyada oo loo marayo geeddi-socodka isbeddelka iyadoo la adeegsanayo aqoontayada. Ma aanan helin wakhti aan kuugu mahad celiyo, haddaba mahadsanid! Anigu ma weydiin koox ka wanaagsan. Anigu waxaan joogaa waqtigii dib u maalgelinta. Adiga ugu fiican, adigoo raqiis ah Haddii aad dhibaato naga haysato, la xiriir shirkad dejinta amaahda. Waxay shaqeyn karaan. Si daacadnimo leh, Timothy iyo Maria oo aqbalay Oktoobar 15, 2018 ee Columbus, GA

    ReplyDelete