Tuesday, August 25, 2009

Midnimada Adkeeyaay…..Ilduuf

DALJIRE
(Midnimada Adkeeyaay…..Ilduuf)


By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe: Waar waxaan ku weydiiyay yaryarkan reer Boorame ee la yidhi dad baa shiiday iyagoo kubbad ciyaaraya maxay ahaayeen?


Doolaal:
Aniguba suuqaan ka maqlaye miyaanad laba socon ciyaaraha gobolada dalku isugu yimaadeen ee lagu tartamay halkan?

Dubbe: Wallay iga tay. Aw Xasan Sh. Cisman Nuur (AHN) ayaa isagoo suuqa Burco maraya arkay dad dhallinyaro ah oo meel ku buuqsan. Markaasuu weydiiyay waxa dhacay. “Bob Marley baa dhintay.” Bay ku yidhaahdeen. “Oo adeer ma xero qaadda ayaa lagu dilay?” buu weydiiyay. Ha la yaabine isagu meelihii uu tegi jiray lagama aqoon Bob Marley. Waa ta labaade shaw subaxii hore mar uu soo ag maray xero qaadda ayuu maqlay xabad ka dhacday xerada dabadeed labadii arrin ayuumbuu isu geeyey ;ninkii dhintay iyo xabbaddii dhacday. Iminka ma kubbad baanu ka warhayna? Waxay ahayd inay bahasha ka dhigaan saacadaha laga soo kaco bahalka. Iga walla markaan nus jebisa ka soo tuuro qolaadaan raaco inaan laga badiyeen. Hortayda iyo hareertaydana lama fadhiisteen oo laad iyo madax baan kala daali lahaa cidda fadhiisata. Hadal bay baratay

Doolaal: Waar waxbana badin mayside maxaad ka sheegaysay dhallinyarada?

Dubbe: Hortaa waxaasi hadday dhaceen waa ceeb weyn. sidee inamo kubad ciyaaraya oo farxad iyo tartan ku jira loo shiidaa? Maxaanse u maqli waayay Mayor kii ama Badhisaab ama cid uun xaal siinaysa inamada? Maxaase loo shiiday ma kubaddii baa laysku xanaaqay?


Doolaal:
Miyaan garanayaa inay arrin foolxumi meesha ka dhacday ayuumbaan maqlaye.

Dubbe: Ninbaa loo sheegay nin uu jeclaa oo dhintay. "Rag kale ayaan kala jeclaa." buu yidhi. Horta inamada xaal baan anigu siiyay haddaan Dubbe ahay anigoo ku hadlaya magaca mafrishka. Ilaahay hortiina wax la maqlo maaha dadkeenii iyo dhallinteenii oo maanta la yidhi dhagax baa lagu tuuray. Aniguse shiidkaa rag kale ayaan kala jeclaa. Ta kale anigoon marnaba haba yaraatee cudurdaar u samaynayn foolxumada dhacday haddana waan garanayay markuu Ina Rayaale qabyaaladda bilaabay ee uu kolba waa lay qabyaaladaynayaada dhuray ee uu kolba koox yar oo durbaano sidata Boorame ka soo kaxaysanayay ee lahaa kaala reer Hargeysa igula soo foodhya inay waxaa iyo wax ka dariniba dhacayaan. Waar hadalkaygu halkuu kaa dhaafaa? Intaa waxaan leeyahay waar wax kasta dadku hays yidhaahdo laakiin yaan laysku dirin umadda oo gobol gobol laysugu dirin oo qabyaalad laysugu dirin oo wixii laga heshiiyay la soo faqin. Waar Somaliland jiri mayso haddaan dadkeedu walaalo noqon oo aanay gacmaha is qabsan. Waar waa ceeb in aynu Ina Rayaale u aanayno Awdal iyo dadkeeda.

Doolaal: Ma ku soo dhex tuurtay Madaxweeynihii halkanna? "dundumaan aqaan oo waxaro ayaan oo looma kala taag helo." ayuu yidhi ninkii jiray.

Dubbe: Waar mid kaloo Ina Rayaaleba ka liita ayaa jiree, maantuu u darnaaye Saleebaan muxuu yidhi? ma magaca Guurtida ku hadli maayo?

Doolaal: Hadduu yidhaa maxaa ku jaban? saw qofku markaanu magaca golaha uu ka tirsan yahay aanu ku hadlayn ee uu fikirkiisa gaarka ah sheegayo inuu dadka u bayaamiyo maaha?

Dubbe: Waar malaa waad yar silloon tahaye. Anagu dee uma baahnin oday gadhcad oo suuqa iska maraya hadalkiisa. way buuxaan kuwaasu. Ninkani gole dhan oo dalkan jiritaankiisu ku tiirsanaan jiray oo marka ummaddu is qabato dhex geli jiray oo marka dhibaato timaaddo cumaadaha ku kala dhex tuuri jiray ayaa guddoomiye looga dhigay ee halkuu kaga yimi markuu na leeyahay afkaygaan ku hadlayaa? Ma waxaasuu wixii hore umadda ugu darayaa? Muu iska casilo haddaanu afkooda ku hadli karayn. Ahaaaaa!

Doolaal: Waar waxaad ka hadlayso garan mayaayo eh ninkani sax buu ku hadlay ee wax kale ma haysaa.

Dubbe: Allay lehe waa wax kale ma haysaa. Anigaabaanay ahayn inaan Saleebaan ku xiiqo iminka sida uu yahay. Intaasaan garan waayay. Alla ku doori ayuumbaan maqli jiray. qoodh iyo xaro waa la doorsaday. Awalba afka Ina Rayaale ayuunbuu ku hadlijiray ee wuxuu doono ha yidhaado. "Laba walba isa saaray oo weligay laba tagoogo isma saarin." ayuu yidhi ninkii jiray. Allay lehe Saleebaan iyo Ina Rayaale ayaa laba tagoogo ah. waar yaa inoo soo xulay dadkan? Taasaa la leeyahay hore haw socoto.

Waar iskaba daayay kane waxaan ku weydiiyay Ina Rayaale ma intuu Distoorka kala bixiyo oo indhaha isku qabto oo meel farta saaro ayuumbuu qodabka ay noqoto cuskadaa? illayn sidane waa yaabe. Yaa u macneeya Distoorka? Meesha Qaadigii miyuu ka tegey? miyaanu se ogayn inuu yahay qofkii ka fogaan lahaa meelaha mugdigu ku jiro ee dadka madaxa isu gelin karta? miyaanu ahayn kii ummaddan hagi lahaa ee wanaagooda ka shaqayn lahaa? Tolow ninka Ina Rayaale ereyga SARRIIG ma yaqaan oo Af-somaaligkiisa ma ku jiraa? Yeelkadiisee Ingriisi ma ku yaqaan inay tahay ETHICS?
Ma kii kolba hog ka dusi lahaa ee Distoorka iyo xeerarka xar ku noqon lahaa baa?
Aan kuu sgeegee qofku markaanu tixgelin u hayn xeerka waa mishkilad. Nin maalin dhoweyd inala fadhiyay oo reer Kanada ahaa ayaa iiga sheekeeyey gabadh Somaliyeed oo gaadhi wadata oo boolisku joojiyay. Liisankii ay gaadhiga ku wadday buu weydiiyay. Waxay tustay liisan derajadiisu tahay G1. noocaasi muu ahayn mid u oggolaanayaa inay gaadhiga ku kaxayso waddadaa weyn ee lagu qabtay. Markuu askarigii u sheegay inaanay u haysan liisan waddadan ee looga baahan yahay nooca ama derejada G2 ayay saaxiibadeed oo la socotay ku jeesatay oo tidhi. "naa kaagii ma haysaa?" "Haa." bay tidhi. Intay ka qaadday oo askarigii u dhiibtay bay tidhi. " G1 kayga iyo G1 ka saaxiibadday isu gee oo waxay noqonayaan G2 (G1+G1=G2)" Askaragii intuu ku qoslay ayuu tidigh ganaaxa u jaray. Iminka Ina Rayaale kolba qodobbo aan is lahayn iyo waxaan Madaxweyne ku dhaqmin ayuu isugu keen walaqayaa oo odhanayaa qodob baan u cuskaday iyo xeerkaa ii fasaxaya. Malaa carruurtiisuu weydiiyaa. Igawalla arrinkiisu waa G1+G1=G2. Laakiin isaga askari ganaaxi maayo oo Oomane ayaa odhanaya ku wad waddo sax ah baad ku joogtaaye. waxaanse kaga ciil la'ay shicibka iyo taariikhda ayaa siidhiga ku tumi oo mar aan fogayn ganaax aanu weligii iska bixin karin u jari. Hayska sii dhuuqdhuuqo imika.

Doolaal: Adiguna dad aanaan arkayn uunbaad ka sheekaysaa tidhaahdaa waxbay yidhaahdeen. Waar nagala tag sheeko xumida.

Dubbe: Weliba wuxuu yidhi:

Qofkii aan ogaynow
Baqal isir la raaciyo
Asal uu ku faaniyo
Abtirsiin ilayn ma leh

Isna Ubad uu dhalayoo
Adhaxdiisa ka unkamay
Aabo weligii muu odhan

Afcadow Dameer iyo
Abihii ma shaabaho
Islaantana in buu yahay
Iyaduu u badan yahay

Ogobayse eegmada
dadbaa ku ashqraaruu
Faras ula ekaadaa
Is-moodsiise weeyaan


Adna Ina Rayaalow
Islaax iyo wanaag iyo
Ummad iyo Hoggaankeed
Odaynimo markay tahay
Waa laguu ilduufee
Ehelkeedba maad tihid
Aqoonteedna maad lihid

Xilka lagugu aaminay
Sida loo agaasimo
Eber baad ka tahayoo
Ambad baad ku noqotaa
Mid la eegto maad tihid

Arxan laawe bahaloo
Agoomaa dhacaayiyo
Afmiinshaarro tuugoo
Ku adeegta xumahaad
Hadba ururstaayood
Istareex ku tahayood
Addeecdaa warkoodoo
Sida Agab ay leeyiin
Adigana ku maamula

Indhahaad ka xidhantoo
Qalbigaa ku awdmaye
Inta samaha jecelee
Aafaadka necebee
Hor Ilaah u talisee
Wanaag kuu ishaartana
Hadday aayad sheegaan
Ama ay akhriyayaan
Quraankii Ilaahay
Abidkaaba maad maqal

Aayatiin la sheegiyo
Intifaac ma lihidoo
Irbad dhuub ma geliside
Arrintaadu waa mood
iyo noolba urursoo
Aagaan ka buuxsoo
Aqallana ka jeexee
Mee aayahoodii
Dadkii kuu abaabulay
Guusha ololaheedee
Oogada ku saaree
Alla bariga kuu qalay?

Ma ogtahay duruuftoo
Ishey maanta leeyiin?
Anfacada ma haystaan?
Biyo oonka tira iyo
Laydh maw iftiimaa?
Asbaroo kolay tahay
Ma helaan adeegyada?
Intee maqan dhulkoodii?
Ictiraaf ma haysaa?
Yaad siisay adhigii?
Aaway kalluunkii?
Ooridee ku soorteen?
Dhaqaalahu itaal iyo
Awood badan ma leeyahay?

Abaal laawe inaad tahay
Inkiraaya samihii
Amaahdii dadweynaha
Dhaartuu ayaan maray
Axdigiyo Distoorkii
Xeerkii innoo yiil
Saw maad ag marinoo
Idilkoodba maad jebin?

Golahii aloosnaa
Ardaagii Wakiilada
Saw maad asqaynoo
Asaraar ma gelinoo
Sharcigay unkaane
Umddaow sameeyaan
Awaaraha kumaad rogin?
Saw maad arjuminoo
Albaabada umaad xidhin?

Dalka odayadiisii
madax iyo aqoonyahan
Estii baaqigeedii (SNM)
Aasaasayaashii
Afduub sow kumaad guran?
Shuqulkii Afweyniyo
Eedaymo beeniyo
Adyad sow kumaad xidhan?
Kuma urursan jeeloo
Alambaqa kumaad ridan?
Aflagaaddo iyo cay
Sow weliba maad odhan
Argagixiso weeyaan?

Arrin wuxuu ku gaw yahay
Innagaa mas aaduya
Arligii u loognoo
Addimada ku maranee
Inagaa sun biirtiyo
Ajo huursan laacnoo
Cidna eersanmaynee
Umad yahay adkaystoo
Iimaan lahaadoo
Muddadii asdaysnayd
Ayaamaa ka hadhayoo
Kolla ooli maayee
Inuu Eed la'aan baxo
Alla qabay inaga tago
Aamiinta dhaha oo
Oofaa dalkoo idil
Awdal iyo Sanaag iyo
Agagaarka Sool iyo
Inta obocda joogtaay
Is qabsadaa gacmaayoo
Dantu iyada weeyee
Midnimada adkeeyaay.
Aaamiiiiiiin


Waa inoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe yidhaahdo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment