Saturday, August 29, 2009

Dahir Daacad? kkkkk

DALJIRE
(Dahir Daacad? kkkkk)
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: kkkkkk.

Doolaal: Waar maxaad ku qoslaysaa?

Dubbe: Oo anigu ma cid kalaan ku qoslaa oo aan Ina Rayaale ama xukuumaddiisa iyo UDUB?

Doolaal: Oo waayo ma riwaayad bay dhigaan baa lagu yidhi?

Dubbe: Wallaahi riyaawad qaaliya oo dal iyo dadkiisii oo dhan na kalliftay bay dhigaan.

Doolaal: Waar annagu qarankaanu u shaqaynaa maxaa qabataan idinku ee aan hadal ahayn?

Dubbe: waar aan hadalka kuu hagaajiyee waxaad tidhaahdaa qarankaanu ka shaqaysannaa. Waxaan ku qoslay aan kuu sheego. Horta ninka aynu Madaxweynaha u doorannay ee aynu is lahayn waxbuu idiin kala qorshaynayaa idin hoggaaminayaa isagoo khudbadaynaya ma dhegeysatay? Wax Allaale wixii afkiisa ku soo dhaca ayuumbuu iska yidhaahdaa.

Doolaal: Maxaan u dhegeysan waayay? Khudbad wax ku ool ah ayuu jeediyaa.

Dubbe: kkkkkkkkk. Ahahahaha. Kee? Maalintuu ciidanka la hadlaayay wuxuu yidhi ma maqlaysay? Waa ninka yidhi. “Anigu waxaan odhan lahaa ciidanka cirka waa in la sameeyaa. Ciidanku Sool uun kuma eka. Waa in loo dhammeeyaa qaybihiiswa oo dhan. Kuwa tababarka ku maqan ee Ethiopia tegey waxaan odhan lahaa Engineer nimada iska daaya oo Pilot barta.” (hoostaan ka idhi. Waar dayaaradahaa mar bay wax naga gaadheene adna waanu kaa yar shakisannahy ee ha nagu soo qaadin bahalaha. Tolow tan baanka hor sudhan miyuu ilaabay?) Bal adigu waxaasi wax Madaxweyne ku hadlo ma tahay? Qorshaha uu ku diray kuwa Ethiopia tegey waa maxay? Wuxuu dhaamay beriguu yidhi. “waan ogay in hoosada gaadiidka ku samaysataan aany lahayn saqaf oo cadceedi idinku dishay. Waxba idinka hagran mayno ee haddan jiingad idiin helno waan idin siin doonaaye.”Waxa se ka sii qosol badan. Ninkii dayaaradaha inoo iibinayay ee ciidanka cirka inoo samaynayay oo Wajaale tegey oo dadkii ku yidhaahdeen. “gaadhi dab demis ah noo iibii.” Ee uu sidiisii yidhi anaguba ma haysnno ee idinkaaba ganacsato idinla joogtaa ee iibsada.

Doolaal: dee taasi ma beentiibaa?
Dubbe:Waxaan aad ugu qoslaaa markaan maqlo Ina Rayaale oo leh waxaan ku ballan qaaday inaan daacadnimo ku shaqeeyo tiina waan wadaa. Tolow idinkaan idin weydiiyay eh.

Ninka taariikhdii SNM ka saaray manhajka tacliinta miyuu daacad idiinla eg yahay?

Ninka Qaahira, Masar iyo Toronto, Canada ba la yidhi guryo ayuu ka dhistay. Miyuu daacad idiinla egyahay?

Ninka gaadhi Dhooli ah u waayay Gabiley ee guri 5 dabaq ahna ka dhisanaya Hargeysa ee gogoshiina berri Carbeed uga doonay miyuu daacad idiinla egyahay?

Ninka hor taagan inuu xisaab xidh Baarlamanka hor geeyo miyuu daacad idiinla egyahay?

Ninka diidan inuu lacagta dekedda ku soo daro miisaaniyadda qaranka miyuu daacad idiinla egyahay? Ninka markuu Ethiopia tagaba ay C/lahi Yusuf isku turunturroonayaan miyuu daacad idiinla eg yahay? Riwaayad ay Axmed Saleebaan Bidde iyo Sooraan ku wada jireen ayuu Sooraan u sheegay Axmed in inantiisii nin la sheekaysato. Wuxuu yidhi. “ee inantii nin uun baa sidaa loo hor taagay.” Wuxuu ku jawaabay “ Oo adeer maxaa hortaagay inanta ninka? Ma kaabad qaraxdiibaa?” “Ee mayee sidaas ayuumbaa loogu maray ninka inanta.” “ oo adeer maxaa ku maray ma mas geed korayaa?” iminka markuu Addisw Ababa tagaba maxaa C/lahi Yusufna keena?

Ninka la yidhi qoyskiisa ayaa kalluunka Somaliland oo dhan loo xidhay miyuu daacad idiinla egyayay?

Ninka laga waayay tirade sugan ee ciidamada Qaranka sheeg miyuu daacad idiinla egyahay?

Ninka boqol guddi arrimo u saaray ee mid qudha jawaabteedii laga la’ yahay miyuu daacad idiinla egyahay?

Ninka bir libaaxdii (iskaraab) oo dhan la yidhi isagaa rartay miyuu daacad idiinla egyahay?

Ninka kolba meel dhagax beena inoo dhigaya ee odhanaya wershed 300,000,000 oo Doolar ah ayaan idiin dhisayaa miyuu daacad idiinla egyahay?
Ninka adhigii aydin ka ganacsan jirteen nin keliya gacanta u geliyay miyuu daacad idiinla egyahay?

Ninka reer Awdal cashuurtii xoolaha ku kordhiyay miyuu daacad idiinla egyahay?
Ninka siyaasiyiinta aan Boorame u dhalan ee reer Somaliland ah u diidaya inay galaan Boorame (dadka reer Awdal lama qabaan) miyuu daacad idiinla egyahay?
Ninka kolba qolo ku odhanaya idinkaan UDUB guddoomiye idiinka dhigayaa markaa mar labaad i doorataan oo sheekhiinii baa igala dardaarmay (HY. HA)miyuu daacad idiinla egyahay?

Ninka iyadoo Awdal lagu madhay Arabsiyo u dalxiis tegeyaa miyuu daacad idinla yahay?

Ninka maalin walba xeerkii iyo Distoorkii ku tumanaya ee iska baal marayaa nin daacada miyuu idiinla egyahay?

Doolaal: Waar ninkani waa daacade wax kale ma haysaa? Tiinna ka hadal iyo doorashadiina iyo shirkiina aydin qabsan kari weydeen?
Dubbe:Waar anagu anagaaba hadal hayna haddanu qabsan kari weynay e. Idinku horta ma hadal haysaanba? Markaa ciidanka cirka samaysaan ayaanu qabsanaynaa shirka?

Waa innoo toddobaadka dambe haddii Eebe idmo.
A. Geeljire

No comments:

Post a Comment