Tuesday, August 25, 2009

Halkeebey ku dambeysay?

DALJIRE
(Halkeebey ku dambeysay?)


By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe: Wadhi. Ah. Ahay ah. Waar golahii siday arrintu ka noqotay? Mise anigaan nidaamka Golaha iyo Xeer Hoosaadkiisa garanayn? Sidee bay saddex nin oo Guddida Arrimaha Gudahu kaga war bixisay inaanay waafaqsanayn xeerkii lagu magacaabay shuruudihiisa oo da’doodu waeyn tahay ugu codeeyeen? Miyaanay ahayn arrintu, saddexdaa inaga reeba oo inta kale u codeeya? Mise waxaanay ku qancin warbixintii guddida? Mise wax aynaan ogayn baa jira?

Doolaal: Wallaahi arrintaa aniguba su’aalo mooyee jawaab uma hayo. Markaan jawaab helaba su’aal kale ayuumbaa igu soo baxaysa. Gaaladu waxay tidhaahdaa. “There are more questions than answers.”

Dubbe: Haaye. Markaad qodob yar igu haysaa baad Ingriisi ku hadashaaye. What you talking about? Ma qabyaalad baa ku jirtay baad leedahay? Iska caddee arinta.

Doolaal: Dee bal adba. Bal wax kale ku sheeg. Ama qabyaalad la’aan ku sheeg. Bal macnee. Waxa la yidhi nin reer Boorama ahaa oo dukaan lahaa ayaa mid ka iibiyay dawo xoolaad oo aan loo oggolayn inay dukaanadu iibiyaan. Subaxii buu dukaankii askari soo hor maray. Markuu dhaafay ayuu xusuustay wax uu gurigiisii ku soo illaabay markaasuu isa soo rogay, dukaankii buu sii hormaray. Alaabadii buu soo qaatay oo isagoo shaqadiisii kusocda oo Ilaahay u siciida ayuu haddana dukaankii sii hor maray. Ninka dukaanka lahina intaa wuu arkayaa askariga. Markii u dambeysay ayuu soo baxay oo askarigii buu ku yidhi “ waar iminka maxaad iga hor marmaraysaa ma dawadan yar ee xalay layga iibiyay baad laguu sheegay oo aad doondoonaysaa? Hoo waatane oo nagu kaxee laakiin ha na hor marmarin.” Iminka Golahii dawo ayaa laga iibiyay ee hayska qirtaan.

Dubbe: Horta waa mide aniguba runtii arrintaa more question no answer taa aad sheegtay ayuumbaan ku jiraa. Xeer jebinta iyo xumaanta iyo wax walba siyaasadaynta aan qaranka u fiicnayn Ina Rayaale iyo xukuumaddiisa ayaa qandaraas ku haysatay oo in waxay sameeyaan wax u dhawna golahu sameeyo may ahayn. Laakiin kan Xildhibaanka ah ee Cali-Gabiley ee isna sidaada Ingriisida ku hadlay ee yidhi “No more Somaliland” waa kee? Ma ninka dheer ee cas ee dhukuran ee debnaha waaweynle ee askariga ahaan jiray ee berigii hore Xaashi Minni la odhan jiray baa?

Doolaal: Waar faruuryo weyna ma arag Minnidan aad sheegaysana ma maqal ee waa ninka dheer ee timaha xiira ee golahii horena ahaan jiray ee Ina Xaji Dahir ay isku reerka yihiin. Haa.

Dubbe: Haaa. Miyaanu ahayn ninka mar kasta qabyaaladda wax ku doona ee inanta Xildhibaanka ah ee Ikraan X. Daud ku eedeeyey miisaaniyaddii bay ka codaysay oo Awdal bay ka codaysay?

Doolaal: Ma maqal.

Dubbe: Waar maqashaye. Miyaanu ahayn ninkii berigii xeerkii doorashada la samaynayay yidhi haddaan kuraastaanu rabno reer Awdal (16) nala siin Laandtuba jiri mayso?

Doolaal: Waar maxaad u jeeddaa iminka? Waar yaa Ilaahiisa yaqaan haddaba?

Waar waxaa aad sheegayso ma maqale, ninku waa ninkaa aan kuu tilmaamay laakiin wuxuu yidhi waan kaftamayay ee raalli ahaada. Qofkuna hadduu qaladka cadhadu ka keentay ka soo noqdo waa wacan yahay. Dadkuna maruumbuu wax ka hadhaa ee iska dhaaf arrintaa. Wax aad sii qod-qoddaa kuma jiraan. Move on.

Dubbe: Waar Move iyo Caliyo layne adiga lagu moofeeye; aniga ninkaasi markiisa horeba fariid iilama eka. Raalli gelintiisana mid run ah uma arko waayo ma aha markii u horreysay ee uu waxaa ku hadlo ama marka aad eegto sida uu qabyaaladda u jecel yahay. Waana kuwa Ina Rayaale ku yidhaa baan filayaa, sidaad doonto yeel maxay kaa qaadayaan Dhulbahantena wuu maqan yahay inana waynu goosan hadday is waalaan Isaaquye. Muxuuse la cabaadayaa qabyaaladdu inay sidaa u xuntay miyaanu ogeyn? “what goes around comes around.” Ayaa la yidhi. Yaad Igriisida ka taqaan?

Wallaahi waxaan xusuustay awr raray ah oo aanu lahayn oo Ina Xasow la odhan jiray ayaa marka casarkii seetada laga furo maqasha ku durdurin jiray oo islaamahu “ Doobir, doobir,dooh, dooh, dooh” ku waalan jireen. Marka hogaanka loo soo qado ee la is yidhaa laba haamood oo biyo ah ku soo dhaamiyana marka karbaashka yar ee u horreeya la saaro ayaa qadh-qadhiisa laga bixi jiray oo qofka raraya uu wada uus iyo calyo ka dhigi jiray oo la odhan jiray waar “afka qabta neefku.”

Waar qabyaaladda xumi ninna dan uma aha reerna dan uma aha Somalilandna dan uma aha ee iska daa dhe bahasha. Reer Awdlna muwaadiniin weeye caddaalad xumona ku dhici karto xaqoodana heli kara sida kuwa kaleba. Wixii qaldanna in la toosiyo mooyee tolla’ay meesha kuma jirto.

Doolaal: Waar waxaagan aan xishoonayni wax iskula hadh. Oo Ilaahaaga ka yaab cidina wax kuma tidhaa Madaxweynaha eh.


Dubbe: Dee maxaanu samaynaa? Haddii qofkii wax yar loo diidaaba yidhaa meesha inagu kala kaxeeya oo ilaa Madaxweynihii ay labada suul ku taagan oo leh waa lay qabyaaladaynayaa;sidaanu yeelnaa?

Doolaal: Madaxweynuhu waxba muu odhan ee wuxuumbuu yidhi. “Laba muwaadin oo somaliland ah ayay ahaayeen iyaba ee waxa loo ansixin waayay weydiiya Wakiilada.”

Dubbe: Qabyaalad yare dhe. Tolow Amina Weris miyaanay muwaadinad ahayn? Yaanu se weydiinaa wixii shaqada loogu diiday ee Sawaaxilga looga siiyay? Maxamed Xashi miyaanu muwaadin ahayn? Sawkii isaga oo aan isagu magacaabistiisa lahayn haddana is hor taagay ee yidhi nin reer Awdal ah keena. Reer magaalku sheekooyinka wuu ku yar celceliyaaye islaantii aragtay Shiinaha samaynaya waddada ee garan weyday nooc Allah nooc ay yihiin ee markii loo sheegay inay Shiine yihiin tidhi.”Bariis xume dhe hooyo.” Kama duwana arrintu. Ina Rayaalow qabyaalad yare. Sidiisaba ninkaa maynu mahadin sidaynu u doorannay. Reer Awdalna Rayaale wuu ula siman yahay Somaliland oo keligood may keenin ee yaan loo aanayn.Allow dalka iyo dakuba ma wacnaayeen hortii. Ah.

Doolaal: allayleheh been baad sheegtay ee waa la mahadiyay. Wax badan baa innoogu kordhay doorashadiisii. “Caano yar iyo calaf yarba marka la waayo ayaa la gartaa.” Baa la yidhi.

Dubbe: Horta intii Daahir la doortay
Ee dalka uu xukumaayay
Dib baa loo soconaayoo
Dekaan baynu ku dhownay

Doolaal: maxaa taa u daliila?
Habaar waa debede.

Dubbe: Waar dalka oo isu dhan
Miyaan Daahir la dooran?
Sidee buu ku dambeeyay?
Sida duunyo la qaaday
Rag miyaanu dareersan
Oo dacal aanu maqnayn?

Inagoo isku duuban
Dadka oo is jecel
Tiiyoo laysu dulqaato
Miyaan Daahir la dooran?
Sidee baan ku dambaynay?
Sawtan laysu dudee
Cadho laysu dig leeyay

Distoorkoo la xaqdhawro
Sharcigoon la darjiidhin
Miyaan Daahir la dooran?
Halkeebuu ku dambeeyay?
Sawtan uu ku dacsee
Digta uu ka jaree
Dusha uu kaga joogo



Dekeddoo camiran
Oo illaa daafaha buuxda
Oo daabulkii guri waayay
Miyaan Daahir la dooran?
Halkeebay ku dmbaysay?
Sawtan looga daree
Moohaar soo degi waayay ee
Markii duunyo la waayay
Umaddii degenaydiyo
Dadkii uu ka qaxee
Deeradii ka hadaaftay

Ganacsigoo ah durduur
Xoolahoo la diraayo
Oo dillaal khasaba iyo
Cidna loo daba joogsan
Miyaan Daahir la dooran?
Halkeebuu ku dambeeyay?
Sawtan loo dabrayee
Xaaji uu dan la leeyay
Xaaraan aydaldashaan
Uu digreeto ku siiyee
Adhiilii la dulleeyee
Daba joog laga yeelee
Dibnaa ay cunayaanee
Ay dillaac ku dhawyiin

Baddeenoo dihinoo
Darartoo magawdoo
Kalluun uu daf ka yey
Miyaan Daahir la dooran?
Halkee bay ku dambeysay?
Sawtan doonidu qaaddee
Dumar loo xidhayee
Dal shisheeye la geeyo

Dulmigoo la naco
Xaqoo loo diriro
Musuqoon la dabbaalan
Miyaan Daahir la dooran?
Halkee baan ku dambaynay?
Sawkan doollarka qaatee
Debedaa u baxee
Daaro dheer ka binaystay
Badhna ay sida diirta
Dawladdii ku baxeenoo
Dalamtuu ku hayaanee
Wada diirtay dhamman

Dawyadoo ah nadiif
Laamigoon daldaloolin
Miyaan Daahir la dooran?
Sidee bay ku dambeysay?
Sawtan daad qashina
Lagu daadinayee
Duqsi aad ayax mooddaa
Daacuun uu fidiyee
Dadkii uu wada liito


Sidaasaanu degeynoo
Doobta soo tumayaa
Damac uu ka hayaa
Markaloo laba doortee
Duul Allow ka warran?
Waa duni aakhirsamaan
Ma dar aan wax ogayn iyo
Daasaduu inna mooday?
Wallee waan lagu dooran.
Iyada taa daa……….



Waa innoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire.

No comments:

Post a Comment