Saturday, August 29, 2009

Shaxdii Rayaale Q. 3aad

DALJIRE
(Shaxdii Rayaale Q. 3aad )
“Aabahood bay fuudka la cabbi. Maaha?”
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Daahir:Halkee baan maraynay bay ahayd? Haa. Burco. Haddii aan Habar Yoonis ka bilaabo horta wixii Cawil iyo Ina Sulub igu odhan jireen waxbaa iska beddelay. Laba arrimoodba way dhaceen. Waa mide adhigii aan qolada Isaxaaq siiya way ka xanaaqeen oo waxay igu odhan jireen waxaad Isaxaaq siisaa nooma tirsana haddaanu reer Burco nahay. Waa ta labaade waxaa meeshi ka dhex toosay niman maqiiqan oo Khadar Ambassador, Xuseen Egeh, Waabeeyo , Duur iyo qaar qaar kaloo badan. Markaa anigu waxaan Cawil iyo Ina Sulub ku idhi bay ahayd. Ina Sulubow haw maad odhan laandheere ayaan ahay? Adiguumbaan codkii Xirsi Cismaankaa sugayaa Aniga Bullaale oo mooyihiisa aan ka badinayn haygu hallayn. Meesha hayska joogo ayuumbaan idhaahdaa oo waagii horena marbuu madax ii ahaa waana oday iska macaan hayska tabar yaraadee. Wax kale ima anfacayaan.

Cawilna waxaan idhi bay ahayd. Adigu wixii aad Muse Carre ka soo reebi karto Gabboose, Ugaadh Cumar oo aad Xuseen Ismaacil la kaashato ayuumbaan kaa sugayaa.
Ceergaabo markay noqoto iyo Ceel Afweyn iyo illaa degaanka Sacad Yoonis iyo Gadhweyn. Arrinkaygo waa “nimanyahow Gadhweyn gaalo hayga raacina.” Sida ay Yusuf Tallaabo iyo Cawil ii sheegeen Iyaga anigoon codba weydiisan wuxuunbaan tilmaamaya sanduuqa Siilaanyo oo wuxuumbaan odhanayaa sanduuqaa Habar jeclo ayaa leh. Sacad Yoonis na waa la mid. Maxaa lagu sadqeeyayba odhan maayaan ee kayga ayuumbay ku shubayaan. Siciid Maxamed Nuur isagu sidii C/lahi Darawal ayuu hoosta uga daloolaa nimankaa waana oday oo wax badan u diri maayee ninkaan haystaa waa waa Oomane. Waa Guddoomiye Oomane.

Ninkii:Waar ma Habar Yoonis baad Ugaadh Cumar ka haysaa? Wallee waa laguu yaabaa?

Daahir:Adigu badelkooga waayi mayo ee aan Habar Jeclo Togdheer kaaga warramo. Horta waxaan lahaa markay arkaan ninkii Saleebaan sidaan u galay way xanaaqi oo inta Siilaanyo ka soo hadhayna way kaa dareeri, laakiin Badhasaabnimadii Cabdi Xuseen Dheere ayaa ku fillaatay Soolamadawdii. Igawalla xaafadaha ay degaan Kulmiye way ku shiidaan. Adigu markayga horeba iyaga wax badan kama sugayn laakiin kollay cid uun baan u diri.

Bari markay noqoto wixii Ceergaabo ka sokeeya Inankii “ninku” dhalay ayaa jooga oo iyada kama werwero. Inkasta oo aan mar mar ku idhaado “xataa anaa yaa Haamaan” oo uu anigana igu dayo bahasha.

Ninkii:Maxaa intaa kuu raaca?

Daahir:Dee waxa ii raaca waxyaabo badan oo aanan soo wada bandhigi karayne. Adigu iga daba kaalay aan aad u sheekaysannee. Anigu intaa doorashada ka hadhay kolba safar baan u bixi kolba albaab baan soo garaaci. Maraykankiina waxaan ku ballanay inay rag Congress ka ah ay dalka u soo diraan markaa dadku waxan fahmi mayo ee waxay odhan ictiraafkii buu keenayaa ee ha la doorto.

Ninkii:Dee haaye marka meesha laguugu yimaaddo ayuumbaad dadka daaqad xun ku dishaa. Wuu hurdda, sooma deign, cid baa la joogta, berry ii kaalay buu yidhi. Waxaas ayuumbaa nafta kuu keenaya. Bal waan kula soo xidhiidhi.
Waa innoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire


Foot note:
(Fiiro Gaar ah)
Saddexdii qaybood ee is xigay eek u magacawnaa Shaxda Rayaale waxay ku qornaayeen mararka qaarkood lahjado gobolo iyo degmooyin u gaar ah waxa kale oo ka buuxa magacyo beeleed iyo qabyaalad. Waxaan si xishmadle idiinku sheegayaa inaanay cidna si gaar ugu jeedin qoraaladu wax xumaan ahna salka ku hay nee ay ka tarjumaysay oo keliya waaqaca siyaasadeed ee dalka.)

No comments:

Post a Comment