Tuesday, August 25, 2009

Heedhe Irridda ii sii Xir

DALJIRE
(“Heedhe Irridda ii sii Xir.”)
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe: Waar ii kaadi. Ii kaadi. Maanta waan kacayaa meel halkaasa oo aanu inan ku bixinayno ayaan tegeyaa ee su’aal keliya ayaan ku weydiinayaa inaadeerow adiga oo ii soo gaabinaya weliba, jawaab fiican iga sii oo iminka hay guulwadayn oo nacnac haygu jawaabin.

Doolaal: Waar adigaa guulwade iyo wax liitaba ahe ha na caayine sheeg waxaad waddo.


Dubbe: Waar heedhee,anigu yaabay eh, Xaajiyadan iyagoo awalba waxii dawladda ka soo dhacaba dhab ka siin jiray ee isle dadku caqli malaha ee waxaad doontaan ku dhaha ciddii idinla hadasha waxoogaa u tuura gartaye. Xukuumaddii aynu dooranay,belaayaa doorataye, ee weliba Madaxweynaheeduna talo adduunba ka yaqaanay waa lay doortay iyo hantida iyo dhaqaalaha xukuumadda ayaa ka masuul ah arrintan adhiga muxuu uga jeedaa sideebayse ka noqtay?

Doolaal: Waayo? Sawkan laynoo sheegay ee la yidhi waa laynoo furay oo nin carab ah oo Sucuudiya baa qandaraas lagu siiyay.

Dubbe: Waar tanactnacdaasi waa waxii Xaajiyadu lahaayeene. Sidee nin keliya muqaawil loogu siiyay? Sideese laba Xaaji oo keliya loo yidhi iyaga ayuumbaa ninkaa ka sii iibin kara? Iminka dalkii oo dhan ma afar qof oo UDUB ah oo aydin wax la boobtaan baa gacanta u geliseen?

Doolaal: Anigu Xaajiyada aad sheegayso garan maayo eh. Adhiga ninkaa Aljaabiri la yidhaa ee Bangiga Islaamka ka haysta qandaraaska ayaa la siiyay. Adhigana innaga Berbera ayuu inagaga qaadanayaa.


Dubbe:
Oo markaa halkuu marinyaa ma toos buu Jidda u geynayaa? Ma se la odhanayaa waa adhigii SomaliLand. (wurida min Ardul Soomaal) ilayn iyaba waa carabi eh.

Dolaal: Maya. Een.. waxa aan u malaynayaa. Xxmm xamm. Waanigaa qaadkii ku saxday. Waar biyo i sii.

Dubbe: Waar “biddaa huurtay eh” waa halkii islaamaha eh runtaad ku saxatay ee iska dheh. Adhiga Djibouti ma la marinayaa mise waa maya? Qaraarkiinii hore ee aydin ku mamnuucdeen Djibouti ma jebiseen mise waa maya? Aniga kolba hay saxanne.

Doolaal: Adigu isagaa meeshu doonoo marinya ee maxaa kaa galay. Haa wuu marinyaa.

Dubbe: Haaaaa. Dee sidaa u hadal. “Beeni maxay tari Booramaaan ka imiddaye” bu yidhi inkii jiray. Haddaba waxaad tidhaahdaa iminka ayuu carabkii dulsaarkayagii noo kordhiyay oo uu noo cuntamayaa qandaraasku. Dhinaca kale ee gudahana laba Xaaji baanu nidhi calaa neef wax noo saara oo idinku qandaraas ku qaata. Waar haddaan fahmay.

Doolaal: “Allah, adna waraabow maxaan uuuuuuh kaa maqlay.” Buu yidhi nin. Waar faham layne ma in xoolaha la furo ayaad ka xuntay? Inaga neefkii laynaga iibsadaaba waa innoo dan. Horumarka ayaad ka xuntihiin.

Dubbe: Kuuma muuqato miyaa inaydin qarannimadii wareejiseen oo Djibouti ka iibiseen? Wixii weligiin daffiri jirteen ee ahaa in dekedda Berbera ta Djibouti loo xidho ma idinku caddahay?

Doolaal: Waar dhan baad ka waalantay ee danta umaddu in wax laynaga iibsado ayay ku jirtaa.

Dubbe: Markaan dhegeystey sida ay wax u sheegayeen Xaajiyadiinni ee ay laheeyeen. “inaga Berbera ayuu inagaga iibsanayaa ee meeshuu doono ha sii mariyo.” Waxaan xusuustay sheeko aan beri maqlay oo aanan afka soo marin karayn.

Doolaal: Ma adigaan afka wax soo marin karin? Afkaaga waxbaba kama xaaraansana.

Dubbe: Ma idinkaa xaaraan iyo xalaal ka hadlayaa oo kala yaqaan? Aan sheekadii kuu wadee anigaa haystay eh. Horta cimaamadana iga qabo. Waxa la yidhi gobol Somalia ka mid ah oo aanan sheegeyn magaciisa ayaa dumarkooda marka lala haasaawayo ayay iska dhigaan sidii wax seexday markaasay yidhaahdaan “Maandhow, haddeer waa seexanahayaaye goortaad baxdo irridda ii sii xir.” Dabadeed indhaha ayay isku qabataa gabadhu isaga oo ninkii fadhiya agteeda. Wixii markaa ka dambeeya wixii halkaa ka dhaca iyada shaqo uguma jidho. Manay ogeyn, manay maqal. Ninkii ka uu ahaana berriba hadday aragto ma taqaan illayn way seexataye. Iminka xaalkiinnu waa sidaas oo kale. Carabkow xoolaha qaado oo Berbera ka qaado anagu ma ogin halkaad marinayso eh. Markaa masuuliyaddiinu waa maxay? Maxaa ku xiga? Djibouti ey soo guur oo biyaha Geeriyaad ku jira qaado ma ogine.

Doolaal: Bal eeg. Qoodhaa iyo xeradaa maxaan kuu sheegayay? Ma haddaad waxaana noogu maahmaaday?

Dubbe: Maahmaah baad ka hadlaysaa dal dhan baa aakhiro u dirteen ninyow. Waar ninkii gabaygii “Madaxweyne Waa Kee?” tiryay haddaan u soo noqday. Qodob walba idinka ayuumbaan idinka arkay.

Doolaal: ‘Aar sug hadda. Sug sug. Dhahar bay wax ka sheegtay BBC duye.

Doolaal: Waar Dhahar layne gabayga dhegeyso. Dahar miyaanad arag Baaqa yar ee labada sadar ah ee Wasiirkiini Warfaafintu ka soo saaray ee uu yidhi Majeerteenya aabahood baan ku w......ay? Imisaan ku lahaa laba layn wax ka badan qori kari maayo. Ninkaasaad lahayd lix safxadood ayuu idinka qoray. Waar gabayga dhegeysa.


MADAXWEYNE WAA KEE?
maandhow su'aal
ninka madax-u-weyne ah
hawsha looga magan yahay
maamuuska laga rabo
miisaanka saaroo
macnahooda ii sheeg
nin maleegtay oo hawl
maradii u gaabsaday
miyuu yahay ma daalaha
majaraha u jeexee
meel mariya geediga?
mise waa maqaar saar
maahmaahdu kay tidhi
meesha kama tagaw daran
misna aan wax tarinoo
muran uun la joogoo
sida maanla yuurura?
madaxeyne waa kee?

geesi cadaw ka maagoo
mayalkaw qabtoo nacab
maskac wadata muruqeed
ku muquunin kara xoog
miigane miyuu yahay?
mise meyti weyaan
iyo midhihii shiidaad
aan qaadin midigtoo
dhulka laga maroorsado
jab la maaggan weligii?
madaxweyne waa kee?

maxas dhawr miyuu yahay
maatada dar yeeloo
cudurrada malgaayiyo
macaluul ka jiro oo
mahad ay u celiyaan?
mise waa ka moogee
maalkooda cuna ee
miciin aan lahayne iyo
maalooti aan nixin oo
muruguda ku daawada?
madaxweyne waa kee?

dalka horumarkiisiyo
maamulkiyo dhismaha guud
malluugaha ma deyayaa
maw muhindisoodaa
qorshe maw maleegaa?
mise waaba maan gaab
meel dhow arkaayoo
kolba hawsha maalmeed
xaajo miiska taalbuu
irbad miiq ku deyayaa?
madaxweyne waa kee?

ma huraan dhaqaalaha
maradhaarintiisiyo
meselooyin koriyiyo
madhxintooda xoolaha
ma dhigaa hantida meel?
mise gacan miskiiniyo
qalad iyomarjuuc iyo
musuqmaasuq wada yaal
qalin buu ku muudsaday?
madaxweyne waa kee?

miyuu yahay milgaha guud
dadka oday maseeyoo
qofka mara dhankiisiyo
ka mucaarad sheegtaba
marti qaad u fidin kara?
mise macangag weeyaan
kala miidha shicibkoo
ugu yeedha magacyoo
madaxaysu geliyoo
muransiiya weligii?
madaxweyne waa kee?

golayaasha mudan ee
sharci lagu maqoorado
maqaawiirta joogtana
maamuus ma siiyaa
ma la leeyay midigsaar?
mise waabu maagaa
mijo xaabintooduu
ku mashquulsan yahay oo
kolla inay midoobaan
dhaar buu ka maray taa?
madaxweyne waakee?

ma dhaafaan distoorka ah
mabda' iisu diin yahay
xeer meel innoo yaal
marjac maw yihiinoo
dawgood ma marayaa?
mise wuu maxlalayaa
macnahooda lumiyaa
macduur buu u doontaa
siduu muran u gelinlaa
marna waabu jebiyaa?
madaxweyne waa kee?

madashiyo fagaaraha
mimber hadalka loo koro
miyuu mahadho reebaa
murti weyn ka sheegaa
maahmaah ka tegeyaa?
mise wuu mergenayaa
maaweelo beenoo
maalin noolba joogtuu
isla soo mutuxayaa
uu moodayaa gabay?
madaxweyne waa kee?

kala miyo dadow maqal
ninka maanta joogee
xilka madaxa loo sudhay
meselooyinkaa badan
mataanaha u wada yaal
kuwee buu mutaystoo
magac loogu darayaa?
madaxweyne waakee?

Waa inoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment