Tuesday, August 25, 2009

Weli Runi Maqan

DALJIRE

(Weli Runi Maqan)

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Dubbe: Waar qayil dee. Maxaad la soo fadhi xuntay? Mee qaadkaagii?

Doolaal: Waar yarkii darawalka ahaa ayaa igala raagay oo goortaa qaadkii la maqan.

Dubbe: Dee la hadal oo qaadka noo keen dheh. Mise taleefankii buu kaa xidhay adna? Eri dee. Ma Ina Rayaale ayaad ka liidataa? Marmarsiinyo xumida illayn waa laydinku yaqaane. Waar gabadhii baa ku soo amaahin weyday oo beryahaas baydaan iskaraab burbursan eh. Ma kuu diraa?

Doolaal: iska dhaaf waxaasoo. Waar yaa dhegeystay Wasiirkii Cayaaraha oo u jawaabay Ina Waqaf?

Dubbe: Hadda halkaa iigu celi. Maxaad tidhi? Wasiirkii Ciyaaraha ayaa Wasiirkii Gaashaandhigga la murmay oo ku beeniyay hawshiisii? Waar waxaase waa waxa Ina Rayaale iangu jeediyo. Bal adigu u fiirso. Boqolka wareer ee taagan mid walba marka ay jiq noqoto ayuu ama wasiir eryaa ama meel kale isku qaadaa.

Doolaal: Haaye maxaad adigu wax walba wax uga soo saartaa?

Dubbe: Waxaan la yaabanay waxaa sheeko nooga dhigaysaan ee nagu jeedinaysaan. Maxaadse kaga daalaysaa wasiirkaad sheegaysaa miyaanu ahayn kii inanta yar ee uu abtiga u yahay damiinan kari waayay? Ma kaasaad inuu dal kuu soo dhiciyo ka sugaysaa? Idinka qudhiinu ragga intaad bahdashaan oo sharafta ka qaaddaan oo inuu gabadh yar damiintoo u diidaan idinkoo wasiir ku sheegaya ayaa haddana tidhaahdaan dal baa maqane doon. Ilaahoow yaa waxan mar uun naga dul qaada? “waar cawo badanaa nin ay mar uun caweer ka kacday.” Ayuu yidhi waraabahii jiray. Waar waxaa iga daayoo odaygii Ina Timo-Jinle (Ina buuni )maxaa Ilaahay ka keenay?


Doolaal: Ma hadalkii yaraa ee kaftanka ahaa ee uu Ina Saleebaan dafle soo qaaday markuu Sanaag tegey baad sheegeysaa? Waar USP da ayuu la kaftamay. Saw inaga wax kasta isku nidhaa.

Dubbe: Waar maanta feejigaa. Oo ilayn waad maqashay adna. Horta kaftanka USP da ma diidin. Ka qabyaaladdana ma diidin oo waa runtaaye ma deyno taa. Laakiin odaygu markuu muraaqooday ee uu yidhi “anagu Ahmed Saleebaan baan ku daba faylnay berigii ee iminka markaanu Madaxweyne ka noqonnay Somaliland maxaa noo soo raaci weydeen?” miyuu Ilaabay ku daba faylkaa Ahmed wuxuu geystey iyo inaan soo qaadkeeda laga jeclayn dalka? Mise wuxuu lahaa haddana aan sidii oo kale yeello. Waxa la yidhi waraabaa dhegeystay laba ruux oo awr baadi ah isu tilmaamaya. Markay tilmaantii iyo goobtii awrtu daaqaysay dhammeeyeen ayuu intuu xaggii u dhaqaaqay yidhi “anna waan waan maqlayay.” Iminka beryahaaba sanqadho ayaa baxayay eh anna waan maqlayaa.

Doolaal: Waar Ilaahaaga ka yaab oo waxaa kor haw qaadin. Oo waxaan cudur ku jirin cudur ha gelin. Odaygu waxaad aad sheegayso iyo wax u dhow toona uma jeedin ee qoladan Harti ayuumbuu gaashaanbuurtii hore kala yara kaftamayay eh.

Dubbe: Waar illayn anigu hadalka kama yeedhsiine calooshiisana kuma jirine wixii uu yidhi ayuumbaan wax ka idhiye. Anigu waxaan la yaaabay ninka goortan abaal cid kaga doonaya wixii faqash dadka u geysatay. Haddana ma aan u shuraakowno buu u jeedaa? Miyay dadka qabataa qoodhaa iyo xeradaa? “ninkaad kabahiisa tolayso ayaa kafantaada tolaaya.” ayaa la yidhi. Imisa hadal oo kale ayaa u banaanaa? Muu iska yidhaahdaba waar USP baynu isku ahayne maxaa noo diidantihiin? Waa caadi. USP du waa tuu ku caano maalay ee uu Harawo Hotel ka dhistay eh. Laakiin Ina Dafle iyo Siyaad Barre? Layguma soo qaado. Waxaa umaddu way ka heshiisay ee in kolba la damqo ma aha.

Doolaal: Waar damaq layne shaydaanka iska naar oo waxaa yaan lagaa maqlin ninyow. Malaa sidan kuma saaloonide.

Dubbe: Dee inaadeer maxaad aniga igu haysataa? Markaad aragto sida dalkii loo waalayo. Marka kolba la yidhaa Mujaahidiintii soo qabqabta. Marka kolba lagu yidhaa halkan woqooyigana ciidamo sooc ah oo reer Awdal ah ayaa laysugu reebay Xabashina hub gaara looga keenay. Marka lagu yidhaa Ina Xaji Dahir isagaa qaraxii gurigiisa ka dambeeyey oo rabay in qabyaalad laysu qabsado. Marka lagu yidhaa ciidanka Qaranka waxii SNM ahaan jiray iminka lama qoro oo nooc cusub baa la qoraa. Markaad aragto Hanjabaadda iyo xeer jiidhka Ina Rayaale iyo xukuumaddu wadaan ee haddana hadalo caynkaas ahi kuu raacaan. Dee waad shakiyaysaa. Ma layaab baanu leenahay? Wallee inaan weli runtii la helin. Waaba la ogaan. Waxaan xusuustaa 2004 kii markay Ina Rayaale iyo Qaybe yidhaahdeen dadka hubka ha laga guro ee Xaaji Cabdi Waraabe yidhi laga guri maayo. Waxaasi hoosta ayay ka wada xdhiidhsan yihiin.

Doolaal: Bal wuxuu shubayo eega? Waar waxaasi waa warxume tashiilku wuxuu keeno eh wax jira maaha.

Dubbe: Waar annagu waxaanu leenay dalkan dadkiisu waa walaalo. Ina Rayaale hortiina way ahaayeen, dabadiibana walaalo ayay ahaanayaan. Waxan Ina Rayaale iyo xukuumaddisu qasaysana iyaga ayay ku koobantay lagalana xisaabtamayaa ee awalba Awdal may keenin Ina Rayaale ee qabyaaladdan yar inaga daaya oo xukun xumada Ina rayaale ha ku koobnaato arrintu. Isna inuu dadkii doortay waxaa abaal uga dhigo maaha oo kolba tolla’ayeey yidhaa oo afka gacanta iska geliyo. Ma hadal baa Ina Cigaal waxba kamaydin goyn jirin? Imisa goor baan ku idhi islaamo banaan bax sameeyay ayuu yidhaa “Ina cigaal kumay banaan bixi jirin.”

Doolaal: Anigu ma arag qabyaaladdan iyo xukun xumadan aad sheegayso laakiin waa hadal wanaagsan haddii la yidhaa qabyaaladda inaga daaya.

Dubbe: Sanaag intaanad ka bixin. Ma aragtay wadaad Axmed iyo ninkii Cali Warancadde oo tuute ku dhacay? Waar wadaadku muxuu calan isku dhejiayay? Afkeeday kala haysan weyday. Derejo la’aanta ayaa dhisay eh. Haa.

Doolaal: Oo waayo hadday gashadaan? Madaxda addunku way wada gashadaan markay ciidanka booqdaane.

Dubbe: Mayee ceebi kuma jirto eh. Waxay i xusuusiyeen laba nin oo beri dhoweyd inala joogay oo qurbaha ka yimi. Baastoolad bay wada iibsadeen oo labadooda ka dhaxaysay. Markaasaay yidhaahdeen “waar bahashu waa khatar- very Dangerous- ee midkeenna iyada ha hayo midkeenna maagasiinka xabadahu ku jiraan.” Maalintii dambe ayaa iyagoo wada socda oo safar ah ayay qolo ay ka shakiyeen waddada ku joojisay. Baastooladdii bay u baahdeen. Markaasay gaadhigii baadheen oo is weydiinayaan “maadigaa haya baastooladdii iyo miyaanad adigu hayn? Have you seen the bullets?” markii dambe ayuu nin la socday oo gaadhiga la fuushanaa intuu ku qoslay yidhi “oo intaydin is weydiinaysaan baaba laydin qabqaban lahaa haddii col idin helo eh.”

Halkuu wax kale ka eegayay ayay isagii weydiiyeen “horta goorma ayaa la gaadhayaa qaraarka inaad qof ku riddoo bahasha iyo in kale? When do you decide to shoot? What are the rules of engagement?” iminka ciidan go’aankiisa iyo maagasiinkiisa iyo qarxiyahiisaba Meles Zenawi hayaa bay kolba tuute u soo xidhanayaan. Ta kale wadaadku goormuu iska daynayaa ballankan uu qaadayo uun ee uu ogyahay inaanu fulin karayn? Maqaaxi nin kale leeyahay ayuumbuu dadka shaah uga shubayaa kana bixin maayo.

Doolaal: Waar u kaadi iminka layne. Ma madaxda qaranka ayuumbaan kaa hayn?

Dubbe: Waar bahasha haddii janan loo baahan yahay ha loo dhiibo Xildhibaan General Cabdi Raygal. Dhahartan iyo waxan qoriba uma qaateen isaguye intuu dhenged u goosto ayuumbuu ku soo foodhyi lahaa. Haddii kale aan meelaheennaa kolba dirays iska xidhannee oo cidla salaan ku qaadanee inna daaya.

Waa inoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment