Saturday, August 29, 2009

Marxuumow Cigaalow

DALJIRE


Marxuumow Cigaalow

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: waxa la yidhi “nacas waa ayo Iyo waa adigu aan ra’igaaga diido.”

Doolaal: Anigu taa hore uma maqal ee maadigaa samaystay?

Dubbe: Oo maxaad ku garatay ninyow? Maantaabad ugu caqli weyneyde.

Doolaal: Iska dhaaf waxaan ku gartay oo maxaad uga jeeddaa maahmaahna maahe?

Dubbe: Inaadeer Doolaal nacasow waxaan arkay anigoo maalinba qofkii aan diido ku sheegaya nacas. Nacasnimadii baa meelna ku joogi weyday. Waxaan arkay qaar UDUB ah oo ay ka mid yihiin Jug soo-dhacay iyo Muxumed Aw Axmed oo Ina Cumar Geelle u dabaal degaya oo leh Walaal Ismaacilow dalkaagii waxbaad u qabatay ee anagana noo qabo iyagoon aan kii ay doorteen ee ay hoos yaacayeen odhan karayn wax noo qanbo. Markaasaan idhi waar raggu nacasaysanaa. Salaadiintii bay ila gashay. Waxaan maqlay Suldaan Moaxamed suldaan C/qaadir oo suldaanka Somaliland sheegan jiray oo leh Habar Jeclo ha la laayo. Waxaan idhi nacasaysanaa suldaanku muxuu ku hadlay? Waxaan arkay Xaaji Cabdi Waraabe oo aan weligii nacasnimo lagu sheegin oo leh Suldaanku waa sax ee Habar Jeclo ha la laayo. Waxaan idhi waar odaygu.......... waxaan arkay anigoo badhaasuqa tv iiga Huutuga Ruwaandha ee Madaxtooyada laga xukumo dhegeysanaya waxaan idhi “Alla nacasaysaniyaa bal waxaan dheysanayo eega.” Dadkii oo dhan baan soo dhammeeyay aakhirkii Mujaahid Cali Guray oo saaxiibkay oo nin aan jecelay ah oo mujaahid xalaal ah oo xor ah ah oon nacasnimo meelna u soo marin ayaan arkay isagoo Mujaahidiin kale wax ka sheegaya isagoo Ina Rayaale taageeraya. Waxaan idhi waar mujaahidku nacasaysanayaa. Horta markasaan gartay inaan nacasba jirin, adiga mooyaane Dolaalow, ee qofkii aan diido fikirkiisa ayuumbaa shaw aan nacas u qaan dadkuna waa ila mid.

Doolaal: Allaylehe adigaan kugu hubaa nacasnimo. Ma ninkaa qof walba nacas ku sheegaya.

Dubbe: Waar iska daayoo waxaan ku weydiiyay Ina Rayaale Sponsor kii maw yimi?

Doolaal: Sponsor kee?

Dubbe: Iska daayoo ma haysa warka isaga iyo Marxuumkii Cigaal sheekada dhex martay markuu Berbera tegey?

Doolaal: Dee waa runoo adigu BBC gooniya baa leedahay oo kuu warranta eh. Maxaa dhex maray?

Dubbe: dood dheer baa dhex martay. Dhegeyso.

Rayaale: Marxuumow Cigaalow
Mudanii i doortee
Marduufkaan gadaayiyo
Mijintii dhibteedee
Hore iiga mariyee
Madaxweyne qaran iyo
Iga dhigay masuulkow
Adaan maanta kuu imi
Cigaal: Maqalkay cuslaadaye
Marduufkaad gadaysaa
Kii daba musbaarkiyo
Murruq dadara waakee
Duca qabe maxaad tidhi
Meeqaan ku siiyaa
Rayaal: maya maya kumaan odhan
Taasi waa markii hore
Nimaad meel u dhiibtoo
Magacawday weeyaan.

Cigaal: Midhahaa tamuuxdiyo
Malyuun way ka badan yiin
Inta aan mid liitoo
Dadku kaba mashiiqsado
Meel sare u dhiibo
Madax aan ka dhigayoo
Miisaan u yeelee
Magacaagu waa kuma
Waa maxay muraadkuna?

Riyaale: Daahir magacu weeyaan.
Cigaal: Daahir? Daahir? Daahir?
Wait a minute!
If i am not mistaken
Yacnii aanan mushteegin
Waa ninkii Daahir miskiin
Ee aafadii musuqay
Een maal uu urusho
Oo halkaa marsho daaye
Medad oo dhan lahayn.
If I am not mistaken
Waa ninkii mansabkii
Macbuud uu iga qaaday
Masallaa dhigtayee
Illaa qaaya mafsuuday
Ee middle east ka carbeed
Iyo Masar daaro ka jeexday
Waar muxuu murmuraarmay
Uu muqmuqii dibi yeeshay
Maxaa maanta ku keenay
Bal muraadkana sheego

Rayaale:Xeebtaad moofada mooddo
Milicdaa i gubaysa
Waxaa maanta i keenay
Mahad aad igu leed iyo
Waa muquuno abaale
Midigtaada bal keen.

Cigaal: Ciyi waagi ka muuqday
Maya baa la yidhaayoo
Maqdac baan ka xigaaye
Horta maanka ka saar.
Midh kalaanse jeclaayoo
Maqalkiisa rabaaye
Dalkii aad majaraa
Maamulkiisa hoggaanka
Mayalkaw qabateen
Mari oo bal warkiisa
Daruuraa madadmadaw iyo
Malluugaa ma hadheeyey?

Rayaale: xxmmmmm. Uhu uhu. Xxxmmm.
Waa ilaah mahaddii
Mawluun baa naga fiican.

Cigaal: what is the matter with you?
oo maxaa dhacay dee
Ma kol baad mergetaa?

Rayaale: Mar mar baan yar saxdaayoo
Midhkii aan odhan laa
Ka cad uu i maraaye
Hadda waa never mind
Oo maa calaysh iska dheh.

Cigaal: Mahad eebe u daaye
Midh midh iigu jawaaboo
1. Mashaariic ma hesheen?
Mise beenta malaasan
Ee sida maanlada tuulan
Ayaa soo mutuxdaanoo
Masaakiinta dadweyne
Ee codkoodii muquunshay
Waxaan meeshaba ool iyo
Maweelaa ku saabtaan?

2. Mushatiirkiisa bagaashle
Marsadii cammirrayd
Ma shidaa dekeddii
Mise waabay madawdoo
Mar horaa laga guuray?

3. Maatadii dulmanayd
Biyo aad u macaan iyo
Ma helaan manfcooda
Mise waaba la moogyay
Hadduu mawdku dilaayo?

4. Dhallintii muruqiinna
Maskaxdiina ahayd
Mihnad ay cilmigooda
Ay ku meel mariyaanoo
Macaash ay ka helaan
Miridhkiiba ma siisay
Mise waa mucurtoonoo
Badahaa madmadawbay
Miidaamaa ku galaanoo
Mawdka waajahayaan?

5. Adhigeenii mudnaa
Maraakiibtii carbeed
Malaayiin ma gurtaanoo
Kharash aanad malayn iyo
Mood ma kaaga tagaan?
Mise waabad mamnuccdoo
Marinkaad uba diidoo
Manfacooda Mamaasan
Iyo majeerteenbaa kala goostay?

6. Musuqii mindi dheeriyo
Maqas mawla tagteenoo
Muunaddiissa ma goysay
Mise waaba mubaaxoo
Madhaxii dalka tiiliyo
Ninkaan maatada boobini
Waa miskiin doqon ah?

7. Magacood ha jiro oo
Muuqood ha joogee
Kuwii soo mujaahiday
Gunno iyo masruuf iyo
Dawo maradka biisiyo
Ma helaan daryeel mudan
Mise mooji baad tidhi
Muraad iyo dan baan gelin
Oo Abboogaa miskiinkay
La meeqaan yihiinoo
Way meehanaabaan

8. Mudducigu maddaacali
Hadduu maago eedee
Garsoor madax banana iyo
Sharci muran la’aanoo
Miisaama doodiyo
Ma helaan xaqsoor mudan
Mise waabay murugtoo
Meesha xaakin joogaa
Maafiya godkeediyo
Dulmi minankii weeyaan?
Rayaale: Midhadh aan badnaynoo
Mayal adag ma sheegine
Miyi iyo magaalaba
Dadku way mafsuudeen
Kulli maashi xaal iyo
Maa ya khaalif weeyaan
Money talks weeyaan
You know what I mean?
Waa innoo mar kale haddii Eebbe idmo.

No comments:

Post a Comment