Saturday, August 29, 2009

Ha Samaato

DALJIRE
Ha Samaato
(we love America 2)
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Waar maalintii dhoweyd ee xafladdii Gabiley waan ka habsaamaye horta mabruuk ayaan leeyahay. Mabruuk gobolka, mabruuk xafladda, mabruuk gobanimada ay reer Gabiley asalka u leeyihiin ee ay welibana muujiyeen.

Doolaal: Waar taa la soo dhaafye isbuuc dhan baa ka soo wareegaye maxaad heshiiska ka tidhi?

Dubbe: Ilaahow muu sannad ka soo wareego. Aniga waa igama qudhunto. Mar hadday iska diideen in sidii labadii gobol ee Oodweyne iyo Salal (mise Salaal buu ahaa?) ay UDUB ka dhigato xaflad laga caytamo dadkana lagu kala qaybiyo. Mise tolow UDUBtooduna UDUBta kale way ka wanaagsan tahay? Taa anaaba oge maxaan idinka weydiinayaa.

Doolaal: Waar heshiiska ka warran iska dhaaf waxaasoo.

Dubbe: Ka warramay. Horta wixii madaxdayadu noo soo qaado ee ay heshiis ku soo galaan anagu waanu ku raacaynaa. Waa ta labaade bal halka uu Ina Rayaale la maro inuu doorkan axdiga fuliyo iyo inuu khiyaamo nacastiisii yaryd nagu dayo waa loo wada joogi. Waa ta saddexaade intii aanan tafaasiisha hoose helin marbaan is idhi sidii Aw Koomabahii riwaayadaha dhigi jiray oo kale ayadin noqoteen haddaanu nahay mucaaridka oo qodobadan yar yare e qallaylka lagu soo daadiyay baan yar qawaday.

Doolaal: Oo muxuu sameeyay Aw Koombe? Siduu noqaday?

Dubbe: wuxuu raacay tagsi isagoo kala yar daadsan oo waxoogaa cadar ah isku buufiyay. Markii la geeyay halkuu rabay ayuu tagsiilihii yidhi. “kiradu waa labaatan shilin.” “ani maa lamaatan dhibaa?” ayuu ugu jawaabay. Waa lays afdhaafay. Hanjabaad ka dib baa gaadhigii layskala soo degey. Aw Koombe ayaa yidhi. “Wallaahi waa ku tumaa. Haye. Ii qabo saacadda.

Shaatigana ii qabo. Okiyaalahana ii qabo.” Ninkii tagsiilaha ahaa markuu intaas oo shay gacanta ku dhigay ayuu xisaabtamay oo arkay inay ka badan tahayba intuu rabay. Gaadhigiisii baabu iska galay oo iska tegey. Iminka waxaan ka yaabayaa inuu Ina Rayaale iskala dhaqaaqo waxaba illayn nin aamin iyo run lagu yaqaanna ma aha.
Doolaal:Ma heshiiska la kala saxeeday baad leedahay la fulin mayo? Waar ninyow waxba iskuma fashid.

Dubbe: Waar ninyow ma kii oo hdaartiina ka dhamaatay oo bilaa dhaar ah ayaad leedahay aamin. Anagu lix sannadood baani samraynany oo lahayn bal in ay lafaha oo qodhi ka soo hadhaan iska aamusa. Manta tii baanu waxan u gallay oo lafaha ayaanu isleenay ka soo reeba eh. Wallee inaanu nin la aamino ahayn.
Doolaal:Waar waxaan ku weydiiyay. Haddii la yidhi ha la heshiiyo oo yaan lays aflagaadaynin adigu miyaanad xisbigiinna la socon?

Dubbe: Dee mayee waan la sodyaaye; ma waxaan jirin baan sheegay?

Doolaal: Wallee inaan laguu tag helayn.

Dubbe: Waar waa lay tag helayaaye. Sheekadii gaalka aan kuu dhameeyo.

John: So you said you Love America. It is rare to hear that kind of statement nowadays. (Haye. Maxaad tidhi? Maraykan waanu jeclnay. Beryahaa wax sidaa u hadlayaba maanu aage.)

Bullale: Yes. Yes. We love America. Our president been there. Official. Jandei Frazer been in our country. We have big Military base in Berbera. Welcome America welcome. How much you give us. I know the president. No problem. (haa. Haa. Waanu jecellay Maraykan. Madaxweynahayagu wefti buu ku tegey rasmi ah. Jendei na way noo timi. Saldhig weyn baanu Berbera ku leenay. Imisaydin bixinaysaan. Anaa Madaxweynaha u tegeya. Lay waabin mayo.)

John: What military base? Who do you think I am? (Saldhig maxay ah? Yaad i mooday?)
Bullale: No problem John. Stop playing. You are American. Waar kii yaraa ee shaaha mee? Drink tea? ( dee nagadaa ciyaarta john. Ma shaahaynaysaa?)

John: No. Thanks. (maya. Mahadsanid)

Bullaale: You must drink. Men are tea and women are talk. ( waar shaahee ninyow. “rag waa shah dumarna waa sheeko eh.)

John: by the way, who is jendei Frazer? (waxaanse ku weydiiyay. Waatuma J. Frazer?)
Bullale: you don’t know? Are you mad? I hear Idagale don’t know each other. Americans are same same. She is American Foreign minister. ( waar miyuu waalanyay. “wuxuunbaan maqli jiray Ciidagale isma yaqaan.” Shaw Maraykanaaba ka daran. Waar waa wasiiradda khaarijaga)

John: I know “ Condie” Rice. The secretary of state( waxaan aqaan Rice oo ah khaarajiga)

Bullale: I think Jendei was..... you look like her.

John: You thought what? (maxaad u malaysay)

Bullale: i think she was.... waar awal ingriisida maxaa Habaryar lagu odhan jiray?. I think she is your small mother. Your mother’s sister( oo waxaan moodayay inay habaryar kuu tahay. Si baad ugu yar egtay.)

John: do you have natural resources in your country? ( maxaa khayraad dabiiciya leehiin?)

Bullaale: waar warqaddii yarayd ee xumayd ee aan Ina Ducaale ka soo qaaday ee waxaasi ku qornaayeen xaggaan dhigay?Yes. we have petrol. We have cement. We have scrap. We have animal. (haa waxaanu leenahay baatrool iyo sibidh iyo birlibaax iyo xoolo)

John: do you export all that? (waxaas oo dhan miyaa dhoofisaan?)
Bullaale: Yes. Petrol not yet. Now sign agreement . Cement. All insurance company afraid no ship bring factory. Scrap only president export. Little pit vice president because Berbera hometown. And we have too much fishes also president export. (adigu batroolka hadda ayuumbaanu heshiis la gallay shirkad. Sibidhkii shirkadahii caymska oo dhan baa ka baqday oo markab soo qaada ayaa la waayay. Birlibaaxdana madaweynaha ayaa dhoofiya inyar oo uu kuxigeenka u daayay mooyee calaashaan waa reer Berbera. Kalluun bandanna waanu leenahay isna madaxweynaha ayaa dhoofiya.)

John: Sorry. I have to leave. I am a tourist and I have to catch up with my friends. We are going for a sight seeing trip. Bye. Nice talking to you. (waan ka xumay. Waa baxayaa waxaan u imi dalxiis. Saaxabaday baa i sugaya oon raacayaa. Nabadey.)

Bullaale: waar candhaba waa xubine. Intan oo kale ayuumbay Ina Rayaale iyo Ina Ducaaleba odhan jireen “qadiyaddeenii waanu u soo ban dhignay dadka.” Ee maanigaa ka liita. Wallaah i ictiraafkii wuu dhow yahay.

Waa inoo toddobaadka dambe haddii eebe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment