Friday, August 14, 2009

Kursiga Abtigii

Daljire

Kursiga Abtigii

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Doolaal: Waar iminka labadan nin ee Komishanka maxaa idinku saliday ee haddana u diiddeen? Mase qaadateen taladii Xaji Cabdi idin siiyay maalintii dhoweyd?

Dubbe: Adna waxaagu had iyo jeer waa habsane aan labada nin ee cusub ka wada hadalno ee labadii codka waayay waqti haynagaga lumine. Talada aad sheegaysaana maxay ahayd? Muxuu Xaajigu yidhi?

Doolaal: Dee wuxuu idin yidhi “Dawladnimada barta oo Madaxweynaha qaylada iyo hadalka xun ka daaya.”

Dubbe: Horta hadal xun maaha laakiin ma inaan Xaajiga u jawaabo ayaad iga filayasay?

Doolaal: Maxaa jawaabba keenay waa talo baanu ku nidhiye?

Dubbe: Waar aniga af aan Xaajiga ugu jawaabaa iguma yaallo oo ma hawaysan karee waxaynu se ka hadli karnaa oo dee yacnii yar taataaban karnaa arrinka uu soo qaaday Xaajigu. Ma inagu xan baa?

Doolaal: Dee mooji. Haddaa waa maxay?

Dubbe: Waar xan maahee waa faallo eh. Xaajigiina inna maqli maayee horta taladiisii qaadannay. Laakiin miyaanay ahayn inuu Xaajigu dadka adeer u wada noqdo oo aanu ka kursiga fadhiya uun adeer u noqon? Weliba kan iminka fadhiyaa nin adeernimadiisa laysku hallayn karo maaaha. Horta sheekaba sheekay keentaaye nin baa ii warramay oo yidhi. “ Beri baanu Madaxweyne – Maxamed Ibrahim Cigaal (AHN)- aannu abti u noqnnay. Dabadeed markuu geeriyooday baanu nidhi waar maxaynu yeelnaa? Rag baa yidhi. “waar aan ninka dhaxlay u tagno oo illayn haddii ninkii aynu abtiga u ahayn dhintay kursiga aynu abti u nahaye innoo geeya.” Rag kale ayaa yidhi. “ Waaar kani mid isaga iyo kursigiisa toona abti loo noqn karo maahee haynugu lug goynina..........”

Doolaal: Haye? Oo dabadeedna?

Dubbe: Kkkkkkkk. Oo ma dabadeed bay leeday? Ninbaa laga hayaa. “Adiguba haddaad daad tahay beerta Cali Madaxay ma geli lahayd?” waar kaa nimaan Ilaahay badini abti iyo adeer toona u noqon kari maayee waa la yaabay wixii ka gaadhaye iska daayo aan tii Xaajiga wadnee . Halkan uu Xajigu leeyahay hadal xun ha ku odhanina Madaxweynaha ma xuma; laakiin ma xusuusantay inuu Ina Rayaale maalin qudha Xaajiga suulka kaga joogsaday maalintiina uu maahmaah aan laga kacayn ku dhuftay?

Doolaal: Maxay ahayd anigu ma xusuusniye?

Dubbe: ’aar miyaad illawday markuu Xaajigu kursiga Guddoomiyaha Guurtdia doonayay ee uu Ina Rayaale dhawrka nin ee kale ee UDUB dhabarka soo taabtay ee ay Xaajiga ku eryeen. Bal haddaba maalin buu Xaajigu ku qarxiyay Ina Rayaale eh bal ragga uu lix sanadood suulka kaga taagnaa ee uu weliba Xajiga iyo Guurtida iyo Maxkamadduba dul buuxiyeen iyo weliba kun dugaag oo yar yari muxuu u malaynayaa? Qoodhaa iyo xeradaa miyaanay raggaasi rag adag ahayn? Waar waanu ladanay intaanu hadal ku meeraysanayno.

Doolaal: Oo maxaa samyn laydeen horta dadkuumbaa u hanjabtaane?

Dubbe: Waar anagu cidna uma hanjabnee iska dhaafoo. Horta Ilaahbaan kugu dhaarshee miyaad weligaa is tidhi meesha ay joogaan Xaaji Cabdikariin, Sheekh Axmed Nuux, Sheekh Khaliif iyo rag kale oo aanan halkan ku soo koobi karin ayaa laga waayi cid dadka dhexdhexaadisa oo debedda iyo bulshada dhexdeeda laga raadsan doonaa cid? Miyaanay nasiib darro inagu dhacday ahayn?

Doolaal: Alif Alif.Waar waatan islaantii hadalka badnayd inagu soo socota. Waar aamusa cidla hayna mooddee. Waar garaabada ka hor geeya yay inoo soo geline.

Dubbe: Waa tuma? Ma Dulamr baad sheegaysaa? Waar daa islaanta. Adiga wixii xigmad leh oo dhanbaa lagugu salidaye. Xikmad yare. Waxaanse ka naxaa kaa adiga iyo qaar kale oo aan garanayaa meel ku xidhateen ee u sheekaysaan. Maxaanse uga nixi isagaa idinka liitee?

Dulmaray ma nabad baa?

“Hooyo belo ma ogin. Idinku ma nabad qabtaan?

Haaye markaad halkaa soo socotay waad isla hadlaysay ee maxaa dhacay?
“Hooyo xisaab baan ku jiray oo iga gedmatay. Waxaan xisaabinayay dadka aan aqaano ee UDUB ka soo baxay siddeetan way way ka badan yihiin. Markaa waxaan lahaa siddeedankii uu ku helay doorashada berigii ka soo wada bexe ee saw markaa iska tegi maayo.”

Kkkkk. Ma hubtaa inay ka baxeen?

“Xaggaanan ka hubin hooyo. Aan kuu tiriyo.”

Mayee iska daayo ma hubtaa uun?

“Waataan carruurta waayaa waan kuu tirinayaa. Allaahum masalli calaa Maxamed. Caqliga ha waayin. Aniga iyo shan aan dhalay qabo. Tii aan habar yarka u ahaa ee marka horeba meesha i geysay iyo saddex ay dhashay qabo. Intaasi waa imisa? Caqliga ha waayin. Cabdillahi jawaan iyo Abiib Timacadde iyo ninkii citiraafkana qabo.........”

Bes bes. Ukaadi haddaba dulamray dhaaftay siddeedankiiye. Kkkkk. Waar yaa alla yaqaan.

“Maya lix baa dheeraayoo mid waxaan u gooyay Cabdi Haybihii inaga baxay. Wallee ninkaa waa u baqayaa.......”


Waa innoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo

A. Geeljire.

1 comment:

  1. Ninkeyga iyo anigana waxaan leenahay dhibco aad u xun markii aan qadarinay joornaaliyeyaasha dhaqaalaha illaa xadkeenna aan ku codsanay biilashada, waxaan leenahay wax yar ama lacag la'aan ah in aan u dirno gabadahayaga si aan u galno jaamacad aan awoodi karno. Waxaan xakameyn karnaa amaahda deynta ah (shirkadaha amaahda), kuwaas oo ka caawiyay dadka naga mid ah, in aan isbeddelno deynta. Shirkad kasta oo aan la xiriirnay waxay dooneysay lacag ka badan $ 1,000 ilaa $ 2,000 oo aanan awoodin. Sababtoo ah waxaan u maleynay inaanaan rajeyneynin inaan doorano inaan iibino ama lumino gurigaaga adoo xiraya. Kadibna waxaan soo gaadhay majaladda maxaliga ah iyo daboolka wuxuu ahaa Shirkadda Loan Bonding Corporation. Saddexda talaabo ee ugu muhiimsan; 1. Waxaad soo gudbineysaa codsi elektaroonig ah. E-mail: albakerloanfirm@gmail.com 2. Waxaad siisaa habka saxda ah ee aqoonsiga sida haddii muwaadinkaagu haysto kaar aqoonsi ama liisan darawalnimo iyo macluumaadka akoonka bangiga. 3. Deymaha waa la baaraandegay, la ansixiyay, loona gudbiyey. Sheekada dheer ayaa la soo gaabiyey, waxay ka caawiyeen inay helaan deyn dhan 4% oo go'an oo wax ka beddelay lacagaha dib loo eegay. Waxay sidoo kale gabdhahoodii siinayeen deyn waxbarasho si ay u dhamaystiraan jeegga jaamacadeed ee buuxa. Waxaan la shaqeynay Lasson's amaahda, kuwaas oo naga digay horumarka adduunka oo dhan. wuxuu sameeyey dhammaan waraaqaha, wicitaanka telefoonka, iwm. Waxay sameeyeen dhammaantood waxaana helnay deyn aan aqbalno. Markii aan ogolaaday shuruudahoodii amaahda waxaan soo gudbiyay faahfaahinta bangigayga, waxaan ku bixiyey qiimo macquul ah adeegyadan. Anagu ma awoodi karno inaan helno sida fudud oo la awoodi karo maaddaama ay ahayd iyada oo loo marayo geeddi-socodka isbeddelka iyadoo la adeegsanayo aqoontayada. Ma aanan helin wakhti aan kuugu mahad celiyo, haddaba mahadsanid! Anigu ma weydiin koox ka wanaagsan. Anigu waxaan joogaa waqtigii dib u maalgelinta. Adiga ugu fiican, adigoo raqiis ah Haddii aad dhibaato naga haysato, la xiriir shirkad dejinta amaahda. Waxay shaqeyn karaan. Si daacadnimo leh, Timothy iyo Maria oo aqbalay Oktoobar 15, 2018 ee Columbus, GA

    ReplyDelete