Friday, August 14, 2009

Hawraarey Ninna si kuu Yidhi, Ninna si Kuu Qaaday

DALJIRE

“Hawraarey Ninna si kuu Yidhi, Ninna si Kuu Qaaday”

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe: Waar ma idinkaa odaygii soo lug gooyay oo yidhi kaalay oo dadka u kala tiri? Maa khudbad macno leh u soo qortaan? Horta ma taqaanaan waxa la yidhaa khudbad Madaxweyne?

Doolaal: Allay lehe nin walba godkiisuu ugu galay. Oo imusuu aamusnaa oo la garaacayay uun?

Dubbe: Horta waxa la yidhi “Hadal waa mergi.” Waxa kale oo la yidhi “ Hawraarey ninna si kuu yidhi, ninna si kuu qaaday.”

Doolaal: Maxaad u jeeddaa yacnii? Hadal cad miyaanu cid walba ku odhan?

Dubbe: Waar dhegeyso. Horta odaygu wuxuu ka soo jeedaa Awdal. Awdal iyo galbeed oo dhanna dadku hadal qabow bay isku yidhaahdaan oo xishood iyo sarbeebi ku dheehantay. Korna uma qaadaan hanjaabad qaawan iyo kulayl ma leh. Markaa waa inaad turjubaan doonataa oo macnaha dhabta ah la baxdaa.

Doolaal: Allah dul badniyaa ma dhul baan ahay? Bal waxaasaan kaa dhegeystaa uun oo aan haye da uun ku guraa. Maxaa iminka ku jira hadalkii kala qeexna. “Hadal iyo Ilkoba waa la caddeeyaa” baa la yidhi.

Dubbe: Haddaba aan kuu tarjumee badaw yahaw xumi dhegeyso. Hadda waa sidaan u qaatay anigu markaan dee caqliga la kaashaday. “wax ha laguu sheegee maankaaga la kaasho.” Ayaa la yidhi. Qofkuna sida uu u qaatay hadalka hadduu sheego dee dembi maaha illayn waa aqoontiisee.

Wuxuu yidhi: “Tan ku soo baxday joornaaladeena iyo websites-ka ee laga soo wariyay nin la sheegay inuu Fox News war siiyay, Wasiirka Arrimaha Debedda ayaan faray inuu masuuliyiinta Ethiopia ee dhigiisa ah uu kala hadlo wixii ka jira, waxaan leeyahay si taxadir leh baynu ula soconaynaa arrimaha ka socda hareeraheena...”

Macnaha: Wasiiraka waxaan ku idhi. Waar nimanka u tagoo waa sidee dhe dee. Oo waxiiba inagoon meel gaadhsiin baa fashilinaysaan oo idaacada caalamka ka sheegaysaane.Xabshi fudayd laguma aqoone maxaa idin helay dhe dee.Waar yaa Xabashi aamini jiray? Waar bal ka gaadh inta hadhay oo hoos u dhiga dheh. Maxaanu Ina Jaamac Buraale u soo bedelaynay haddaanu rabno in wax la sheego?

Wuxuu yidhi: “Waxa muuqata dad badan oo hunguri ka hayo maalin maalmaha ka mida in hogaanka dalka ay qabtaan oo haddana caado ka dhigtay in ay caayaan madaxda .. ..... kuwaas oo madaxdii horena caayi jiray anigana i caayaya....”

Macnaha: ninkii i dhalliilaa Awdal cod ka heli maayo. Ma nacasyuu na moodayaa?


Wuxuu yidhi:
“Maxamed Xaashow......... bal soo sheeg nin aad ammaantay oo dalka xil u soo qabtay.... Adiga iyo Gaboosena ururkan aad ku dhawaaqaysaan bal in aad sharciyad u haysataan hubsada....”

Macnaha: Waar iminka maxaa igu kaa saliday ina Xaashiyow. Adeer maad i daysid. Hadda liisanna waa u baahan tihiin si aad urur u furataan. Waar illayn bixiso. Waar maxaa igu watay? Iska daa lahaydee.

Wuxuu yidhi: “Ummadu shalay bay soo martay fawdo iyo nidaam la’aan, diyaarna uma aha inay dib ugu noqoto. Hareerahaeena nidaam la’aan way taalaa, waxay dambarssiisayna waa la og yahay, ee fadlan waxaan idinkula talinayaa in aad ummadda fidmada kala dhex baxdaan.”

Macnaha: Waar dhegeysta warayaadha. Aniga kolba Hargeysa iigu hanjabi maysaan. Muqdisho waxa ka dhacay waa aragtaan “Isha Cali ka lulata.” Wallaahi inaan Xabshi u yeedhi oo aydin dhegaha faraha gelin haddaa i dayn weydaan. Ma C/lahi Yusuf baan ka liitaa. Awdal inaan la fuqana candhuuftaa iiga fudud.

Wuxuu yidhi: “ waxaan idiin sheegayaa in miisaaniyaddu tahay mashruuc sharci la mida mashruuc sharciyeedyada kale, sidaa darteed aan xaq u leeyahay, haddaan ku qanci waayo in aan Golaha ku celiyo...”

Macnaha: Waar meeshan anaa ka taliya waaryaadha. Yaan laysku qaldamin. Waxii aan doono ayuumbaa soconaya.

Wuxuu yidhi: “Waxa waajib Dastuuriya ku ahayd Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdicasiis, in uu raaco jidka uu Datuurku farayo....”

Macanaha: “Waar yaa Qaybhayagii iyo Ina Jirde noo soo celiya maruun? Bal horta kan Faysalna ha soo noqdo. Waa inuu Cirro la hadlaa dee sidani si maahee.

Wuxuu yidhi: “Waxaan dhawaan u diray Madaxweyne Xigeenka iyo wefti uu hoggaaminyao kuwaasi oo soo qiimeynaya xaaladda dhaba ah ee halkaasi ka jirta, markay soo noqdaanna dib-u-qiimeyn ayaan ku sameyn doonaa hadduu Alle idmo.”

Macnaha: Waar wadaadku waxan uu kolba saxeexayo anigu waxba ka garan maayee iskumaanu ogeynba eh. Bal ha soo noqdo horta waa cidda na kala saarta labadayada. Wallee in ta ka dhacda la yaabi. Wadaadkaasaan ka ilbaxi waayay markuu fursad helo uun dawladda noqonayo isagu. Waa hagaag. Waa innoo tahay.

Wuxuu yidhi: “...... Ganacsatadeena iyo Rugta Ganacsiga waxa laysla gartay in Ganacsadahaa Sucuudiga ah heshiis lala galo, isagoo waxyaabaha aanu u baahanahay inoo fulinaya. Waxaan Ganacsatadeena leeyahay cid kasta oo danaynaysa haka faa’iidaystaan, hana la xidhiidhaan Ganacsatadeena loo wakiishay dhoofinta xoolaha.”

Macnaha: Waar anigu kolba gadh dheere aanan hore u arag wax weydiin maaye, af carabigana isku wanaagsanine, kan aan la heshiiyay oo qudha ayaa laga iibinayaa adhiga.

Ta labaad anigu miyaan boqolaal adhiila ah xisaabintooda iyo qayladooda waqti u hayaa. Waar labadan nin ee macaamilka horena naga dhexeeyay ee markay ii soo geleyaanna kabaha la baxa,(waar ma masaajid baa?) Adan Baradho iyo cali BalaqBalaq ayuumbaan anigu waxayga kala xisaabtami karayaa, in kastoo Adan Baradho arrintii Dhulkii Taraafigga wax ka yara si noqdeen, haddana yeelkadiisa sidanaa aniga ii hawl yar.

Wuxuu Yidhi: “Ilaahay dariiqa xaqa ah ha innagu rido, kuwa aan danta ummada wadina Alle ha soo hanuuniyo.”

Macnaha: Waar ha karaamo seegina habaar laygu kari waaye. Maxaynaan iska war hayn. War la’aan baa col hodday.

Waa inoo is maqal dambe haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

1 comment:

  1. Ninkeyga iyo anigana waxaan leenahay dhibco aad u xun markii aan qadarinay joornaaliyeyaasha dhaqaalaha illaa xadkeenna aan ku codsanay biilashada, waxaan leenahay wax yar ama lacag la'aan ah in aan u dirno gabadahayaga si aan u galno jaamacad aan awoodi karno. Waxaan xakameyn karnaa amaahda deynta ah (shirkadaha amaahda), kuwaas oo ka caawiyay dadka naga mid ah, in aan isbeddelno deynta. Shirkad kasta oo aan la xiriirnay waxay dooneysay lacag ka badan $ 1,000 ilaa $ 2,000 oo aanan awoodin. Sababtoo ah waxaan u maleynay inaanaan rajeyneynin inaan doorano inaan iibino ama lumino gurigaaga adoo xiraya. Kadibna waxaan soo gaadhay majaladda maxaliga ah iyo daboolka wuxuu ahaa Shirkadda Loan Bonding Corporation. Saddexda talaabo ee ugu muhiimsan; 1. Waxaad soo gudbineysaa codsi elektaroonig ah. E-mail: albakerloanfirm@gmail.com 2. Waxaad siisaa habka saxda ah ee aqoonsiga sida haddii muwaadinkaagu haysto kaar aqoonsi ama liisan darawalnimo iyo macluumaadka akoonka bangiga. 3. Deymaha waa la baaraandegay, la ansixiyay, loona gudbiyey. Sheekada dheer ayaa la soo gaabiyey, waxay ka caawiyeen inay helaan deyn dhan 4% oo go'an oo wax ka beddelay lacagaha dib loo eegay. Waxay sidoo kale gabdhahoodii siinayeen deyn waxbarasho si ay u dhamaystiraan jeegga jaamacadeed ee buuxa. Waxaan la shaqeynay Lasson's amaahda, kuwaas oo naga digay horumarka adduunka oo dhan. wuxuu sameeyey dhammaan waraaqaha, wicitaanka telefoonka, iwm. Waxay sameeyeen dhammaantood waxaana helnay deyn aan aqbalno. Markii aan ogolaaday shuruudahoodii amaahda waxaan soo gudbiyay faahfaahinta bangigayga, waxaan ku bixiyey qiimo macquul ah adeegyadan. Anagu ma awoodi karno inaan helno sida fudud oo la awoodi karo maaddaama ay ahayd iyada oo loo marayo geeddi-socodka isbeddelka iyadoo la adeegsanayo aqoontayada. Ma aanan helin wakhti aan kuugu mahad celiyo, haddaba mahadsanid! Anigu ma weydiin koox ka wanaagsan. Anigu waxaan joogaa waqtigii dib u maalgelinta. Adiga ugu fiican, adigoo raqiis ah Haddii aad dhibaato naga haysato, la xiriir shirkad dejinta amaahda. Waxay shaqeyn karaan. Si daacadnimo leh, Timothy iyo Maria oo aqbalay Oktoobar 15, 2018 ee Columbus, GA

    ReplyDelete