Sunday, August 16, 2009

Masar baan Aqal Weyn kaaga Muujin lahaa

DALJIRE
(Masar baan Aqal Weyn kaaga Muujin lahaa)
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe: Waar Heedhee waxaan kala garan waayay inaydaan miyir qabin, inaydin ceel biir ah ka soo cabtaan iyo inaydaan is maqal. xikmadiinu yaraa horta. Haragga ayuumbaa rag waaweyn laydin moodaa ee caruur baa hoosta ka tihiin.

Doolaal: Af xumo waan kugu aqaan ee muraadkaaga sheego maanta ku baran maayee. "Shimbirtii Oodweynaay hodhodho"


Subbe:
Wuxuu ina Rayaale warbaahinta ka sheegay inay ragga iminka leh distoorka ha lagu dhaqmo ay diidanaayeen markii la ansaxinayay. Shalayna waxaan ka maqlay Ina Maxamed Ducaale oo sidii gebi-ka-yeedhka intii ku celiyay isagoo isna ka dhigaya iin. qofka ay u jeedaanna waa layska garanayaa.

Doolaal: Maxaa intaa ku jaban waa caadiye? Hadduu qofku hore u diiday saw la sheegi maayo.

Dubbe: Markaad isu kay nasakhdo ayaan is idhaa bakeeri ma la eegataa. Waar ma ninka waxa uu diidanayaa ee lagaga batay aqbalay ee adigii sheeganayay inaad oggolayd ku leh ku dhaqan waxan adigaa inoo keenaye ana waan kugu raacay baa qaldan, mise ka isagu waxan uu leeyay waan raacsanaa iminka jiidhaya? Bal idinku caqligaa hoos u foorara ee weliba fagaaraha lala taagan yahay eega. qofku saw meel iskama taagi karo arrin socota?

Doolaal: Waar dee sidaa looma jeedo. waxa weeye macnahu. iin haddii eebbe idankeeda leeyahay..... ha isku darin arrimadha...

Dubbe: Waar nac nacda iska daayoo dhegeys. Macne kale ma laha arrintuye. Haddii cid la sheegayo wax diiddan kuwii Laand taba diidanaa baa ka madax ah iminka. Haddii muxuu ahaan jiray lays waydiinayo muxuu ahaa Ina Rayaale? "kuwii weysha lagu qabtay baa jooga" ninyow idinkuna rag baa arrin khilaafay baad cid ku eedaynaysaan. "Haddii ay hooyo cay tahay inaad ku hadhay baan sheegay" buu yidhi Qaasim (AHN)

Doolaal: Waa maxay weyshuna?

Dubbe: Waxa la yidhi nin baa meel tuula ah gabadh hooyadeed yara baxday la hasaaway.. islaantii baa soo noqtay oo gurigii soo gashay iyagoo labadii ruux sidii laba joonyadood oo xammaal is dul dhigay isku u rasaysan. "hoogey hoogey uuuhh uuuuhh" qaylo ayay kaga toshay. ninkii baa cararay. nin baa ka daba tegey oo yidhi "waar halkaad ku ordeysaa?" "waar iska soo noqo adiga gabadh baa lagugu qabtay ee kuwii weysha lagu qabtay baa fadhiya eh. miyaanad maqal hebel in maalin dhoweyd weyl lagu qabtay?" "Wallah?" intuu yidhi buu iska soo noqday markaasuu kii loo sheegay oo maqaaxi fadhiya iska ag fadhiistay. marka la yidhaa waar hebel maxaa maanta dhacay ee aad la carartayba waxa uu ku jawaabaa "oo maxaa iga weydiinaysaan kuwii weysha lagu qabtay baa fadhiya eh? Iminka inna xisaabtansiiya bal. ma idinkaa wax hore tilmaamaya. "Ha tilmaamin aakhiro waxaad tacabtay baa yaalle." buu yidhi Cabdi Gahayr.

Doolaal: Allah! waa markuu is xiijin jiray eh.

Dubbe: Dee mayee waxaa nagala bixi weydeen" Afweyne wuxuu yidhi" "Gacantaynu isula tegi" "Rag baa distoorka diidi jiray Distoorka" iyo wax noocaas ah. gebigiinuba sidii dubaaladii Mijir Koos (Mitchel costner) baa meeshii laydin taabtaaba isku dhacaysa markaasaa hadlaysaan. Dib haynoo celinina raadkaa dib loo qaadaa xabaaluu inala geli doonaaye.

Doolaal: Waar bal qaadkan aad tufayso xaggaa nooga du. oo waabad xumbaynaysaa.

Dubbe: Maxaanu samynaa? Waxaan na qaban baa nala daba socotaan. Umaddu ha heshiiso oo xeerkeeda ha ilashato mooyee ma aan kala qaybino ayaynu isku ogeyn? Ta kale kan yaree aad tidhaahdaan "orodoo Siilaanyo fagaarayaasha uga soo tiri" wuxuu yidhi ma maqlaysay shaslay.

Doolaal: Ka soco. wax badan buu yidhee wax ka sheeg dee.

Dubbe: Waa ninka yidhi ictraafkii baan soo sidaa.Waar indho adagaa.

Doolaal: Sow Wasiirkii Arrimaha Dibadda ma aha oo ictriaafka masuul kama aha. sawkan soo hadh geli waayay ee darxumadu debedda ku dishay siduu albaab walba u garaacayay. idinkuna weligiin nin libin umaydaan qirin. "Waxba yuu xeerkay i marin xoolana i siinne xaashee nin libin kaa xistiyay xumihii waa yaab." Waxaydan qabani ma jiraan. Alla nimanku waa maxay adeerrayaal.

Dubbe: Horta marka hore waxaan la yaabay dadka aad tidhaahdaan ictiraaf baanu u dirnay ee keli kelida u socda. waa Cumar Dixood, waa Cawil, Waa ninkan Wasiirka ah. Midna ka kale ma oga. Ta labaad Wasiirkani kii idaacadda keeni kari waayay miyaanu ahayn? Ma ninka iib idaacad ku soo waayay, hadda waa doolarka Maraykanka, ayaa diblumaasiyad ictiraaf ku soo helaya? Ma isagoo weliba cidla u baxay? Markaasoo kale waa markaan ogaado inaydaan meesha caqli iyo cilmi toona ku hayn dalkana dan ka lahayn. Waar dadka caqligooda lama caayo ninyow.

Doolaal: Waar maahe waxiinu waa "cadka ama cunay ama ciideeyey" dadka sida loo quudhsado ayuumbaa taqaanaan

Dubbe: Adeerayaal halkee laydinku dili jiray? waxaasi waa waxaad ninkan miskiinka sidaa wax walba u lahaydeen waa lagu quudhsanayaa uu run u mooday eh. Malaha halkii madaxdu ka qori jirtay buug sida kii Mao iyo kii Qaddaafi ee cagaarnaa iyo isagu buuq yaroo madaw cuqdadi ka buuxdo ayuu idiin qaybiyay oo intaa yar ka wada akhridaan. Meesha quudhsi ma aha sheekadu iyo inaad iska tidhaadaan cadbaa la ciidaynayaa. cadkan aydin cunaysaan yaa idiin dhiibay marka hore? ma cad baa la timaadeen idinku? miyaanu kaanu keennay ahayn? cadka idiinma diidanin ee gacantii aannu idiin ku dhiibnay baa ku darsateen oo iminka calaashanaysaan illaa suxulka.

Doolaal: Waar anagu idinkaanu meel aanu idinka gallo la’anahy

Dubbe: Saw maan maqal iminkana Maxkamdda sare ayaa tafsiir xeer u doonanaysaan si aydin Wakiilada uga hor tagtaan markay muddada u kordhiyeen Komishankii. Waar hooya maydin waxaa iska dayn?

Doolaal: Maxkamadda saw xeerka inay fasisho looma samayn maxaa ku jaban?

Dubbe: Horta waxaan kaga ciil la’hay iminka, mar dambe mooyee, Guddoomiyuhu waa nin mujaahida oo caddaalad darro ka soo dagaalamay oo u malayn mayo inuu sidii kuwii hore iska kiin raacayo. Waxaanu leenahay Mujaahid Oomanow caddaalad baa loo oomman yahay.

Doolaal: Waar waxii Madaxweynuhu dan moodo ayaa la yeelayaa ee adkaysta.

Dubbe: Waaban maqlay heesta Ina Rayaale uu u tiriyay Oomane, guddoomiyaha maxkamadda Sare

Doolaal: waa maxay heestaad sheegaysaa?

Dubbe: wuxuu xayiray heestii “Madheedhaale iyo Hawd” oo uu u beddelay Madaxtooyada weyn. Waa kuwan labadii heesood oo isku hor qorani.



Jacaylkii madaxaygii Golahii madaxayga
Marsooyoo ka samaystoo Marsooyoo ka samaystoo
Minaawarriyo doonyo Mooshin aanan jecleynoo
Miidhan buu ku xidhaayee Miidhan buu ku xidhaaye
Hay moogaanin badweynbuu Hay moogaanin codkoodu
i muquurinayaa Way muuquuninayaa

inagoon ka maarmin Inagoon kala maarmin
kolla hayga maqnaan kolla hayga maqnaanin


Gacmahaan kala maarmin Xeerka aanan ka maarmin
Muxubow kugu yaalloo Mudanaw kula yaalloo
Makhadaa arligeenna Murankooda axsaabta
Marna kuu maqli maaye Marna kuu maqli maayee
Mayadaan ka dhintaaye Midigtaada I siiyoo
Marna hay maqashiinin Maya hay maqashiinin

inagoon kala maarmin inagoon kala maarmin
kolla hayga maqnaan kolla haygu masuugin


Madheedhaaliyo Hawdbaad Madaxtooyada weyn baad
Dhex mushaaxi lahaydoo Dhex mushaaxi lahaydoo
Marsin geeli ka cabaayaad Doolarkaa madmadow baad
Wax ka maali lahaydo Wax ka miisan lahaydoo
Miyi baan aqal weyn Masar baan aqal weyn
Kaaga muujin lahaa kaaga muujin lahaa


inagoon kala maarmin inagoon kala maarmin
kolla hayga maqnaan kolla haygu masuugin



Mar laydoo dhan haweenka Madaxdoo dhan dalkeenna
Adaan kaa mirshiyaayoo Adaan kaa martiyaayoo
Adoo ii muuqda sidii Adoo ii muuqda sidii
Hillaac meel ka baxaaya Musuq meel ka baxaaya
Mar qudhoon ku arkaabaa Mid qudhood igu raacdaa
Malab iiga macaane Malyuun iiga macaane


mayadaan ka dhintaaye mayadaan ka dhintaaye
marna hay maqashiinin marna hay maqashiinin




Doolaal: Waar hees xumada la tak oo wax kale keen.


Waa inno toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment