Friday, August 14, 2009

Dadweynow ka Jawaab

DALJIRE
(Dadweynow ka Jawaab)
Dubbe oo Dadweynaha waraysanaya

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Doolaal:
In badan waataa lahaydeen ma hadlo Madaxweynuhuye horta maanta khudbad laba saacadood socotey ma idinku sii daayay?

Dubbe: Kee khudbad sii daayay? Horta intuu makarafoonka ka cabanayay iyo intuu hadlayay way is leegaayeen.(sanad walba waa sidaa makarafoonku) Ta kale ma khudbad bay ahayd intii uu weligiiba odhan jiray ayuumbuu dib inoogu muuseeyey eh. Ingriisi ayuumbuu Talyaani inoogu macneeyey.

Doolaal: Maxaad uga jeedaa Ingriisi buu talyaani ku macneeyey?

Dubbe:Berigii aynu reer Somlia (Wallaweynta) isku darsannay dawladnimada ayaa la soo beddelay nin macallin ahaa oo dugsiga hoose Ingriisi u dhiga. Sabuuraddii buu ku qoray:

House, baby, cat, hen,tomato IWM. Markaasuu arday farta taagay oo yidhi. “macallin noo macnee.” Wuxuu yidhi:

House = minan waaye
Baby = muluq waaye
Cat = mukulaal waaye
Hen = dooro waaye
Tomato = yaanyo waaye

Ardaygii intuu haddana farta taagay ayuu yidhi.” Macallin dee Ingriisi ayuumbaad Talyaani noogu macnaysey ee af Somali noogu macnee.”
Iminka Madaxweynuhu hadalkii aan dhanna u socon ee aan waxba soo kordhin jirin ee ahaa carrab iyo laab aan wada jirin ee aynu shanta sanadood ka soo dhegeysanaynay ayuumbuu inoogu celiyay oo inoo badiyey. Qofkii khudbadihiisi hore dhegeystay erey erey buu u xusuusan karaa. Waar kaa iga daayo maanta dadweynaha sharafta leh ayaan laba dersin(24) oo su’aalo ah weydiinayaa.


Doolaal: Dadweynaha maxaad weydiinaysaa ma weriyaad tahay adigu? Ta kale waa maxay laba dersin oo su’aalaha ahi ma iyagaaba waqti u helaya?

Dubbe: Meesha waad iska dhex joogtaaye nidaamkaynu qaadanay waa dimuquraadi. Dimucuraadina dadka ayaa laf dhabar u ah oo waa inay si walba uga qayb qaataan xukuumadooda iyo habka dawladda. Sawdigii lahaa Ingriisi baan aqaanaa miyanad maqal odhaahda “government of the people by the people for the people” gebigeedaba dadweynaha ayaa iska leh weeye. Laba dersinna ma badna ee waaban u kala qaybin haddaad tidhi ka dhin oo iminkana 12 baan weydiin mar kalena 12.

Dadweynow idinkoo iga raalli ah waxaa idin weydiinaya dhawr su’aalood oo la xidhiidha xaaladaha dalkeena ee kala duwan. Waxaan jecelay inaydin jawaabaha idinku u gudbisaan warbaahinta markaa si fiican uga doodaan su’aalaha. Arrintuna muxaafad iyo mucaarad midna ma aha ee wadaninimo.


S.1aad: Waxa caddaatay inaanu Madaxweyne Rayaale arki karin hoggaamiyaashii SNM ee dalka xoreeyey una diiday inay ka soo qayb galaan xafladdii 18 May ee xornimada loo qabtay. Waxa kale oo la wada ogaa xabsiga iyo cagajuglaynta uu ku hayo mujahidiinta iyo isku dayga baabiinta taariikhdii halganka. Sidee arrintaa u dareemaysaan? Maxaase u malaynaysaan ninka u diiday mujaahidiintii inay xataa hadalkiisa dhegeystaan, illayn dheef kale kuma jirin xalfadda eh, hadduu isagu ahaan lahaa hoggaamiye halgan oo dadkiisii 200,000 laga dilay, malaayiin kalena baro kaceen oo hantidoodii boqolaalka sano jirtayna laga baabiiyay, oo uu ka guulaysto nidaamkii waxaa ku sameeyey. Ma la heshiin lahaa ashkhaastii u adeegaysay nidaamkaa oo weliba iyaga xukunka ma u dhiibi lahaa oo colaadda ma ka dooran lahaa walaalnimo iyo mustaqbal wacan?


S. 2aad: Dadweyne waxa laga wada war qabaa inay dhaqaale xumo aad u weyni idin haysato. Waxa la sheegaa in qaarkiin ay carrurtiinu gaajo ku seexato ama dugsiyada ku taqaan. In boqolaal qof oo xanuunada maskadea qabaa guryaha idiinku idhan yihiin oo meel aydin geysaan garan la’adihiin. Haddaba markaad maqashaan Madaxweynihiini Qaahira, Masar buu guryo malayiin doolar jooga ka dhistay, Wasiirkii Maaliyaddu Nairobi buu ka dhistay, musuqmaasuq baa xukuumada sida xarka u galay, Madaweynuhuna aanu dafirin eedeymahaa ee keliya uu yidhaa waa lay qabyaaladaynayaa iyo “ha karaamo seegina habaar laygu kari waayey.” Ayaan darro intee leeg baydin dareemaysaan? Codkiiniise maysku ciil kaambidaan aydin siiseen Madaxweynaha? Doorka dambese sidee yeelaysaan ma u codaynaysaan haddana?




S. 3aad: Idinkoo iga raalliya intiinna badani waa ogtihiin caddaalad xumada maxkamdaha dalka ka taagan. Waxa ogtihiin in qofkii aan xoolo lahayn ama awood kale lahayn aanay waxba uga suurta gelayn maxkamadaha, xukuumadda Rayaalena aanay shantii sano ee u dambeeyay waxba ka qaban arrimahaa. Sidee markaa u malaynaysaan in caddaalad loo siman yahay loo helayo? Waxa kale oo jira waxa loogu yeedho Guddida Nabadgelyada oo sharci darro ku shaqaysa oo dadka sida xoolaha isaga xidh xidha. Sidee u aragtaan taa iyada? Intiinii soo gaadhay maamulkii Siyaad Barre ee laga dagaalamay ma ku xasuusataan arrintan?


S. 4aad: xagga dhallinyarada haddaan u yar baydho oo runtii mustaqbalka dalka ah iyo madaxda berri. Ahna difaaca iyo xoogga dalka ee aanu cadaw ku soo dhici karin. (Waa 65% tirada dadka.) Waxaynu ka war haynaa inay cimrigoodii ku laasteen gacmo laaban, camal la’aan iyo rajo la’aan. Xukuumadda Rayaale oo iminka 5 sanno dalka ka talinaysayna weli may soo dhigin hal qorshe oo dhallinta shaqo loogu abuurayo. Ka sii darane waxay xukuumadda Rayaale aaminsan tahay in mar hadday dhawr oday oo dhallinta adeeradood ah wax u tuurtuurto inaanay u baahnayn inay dhallinta wax u qabato. Sidee haddaba dhallinyaroy ay arrintaasi idiinla muuqataa? Sideese uga baxi kartaan oo idiin qorshe ah?


S. 5aad:
“Haani gun bay ka tolantaa.” Baa la yidhi. Umadi hooyo ayay ka hano qaaddaa haddaan dhinaca hooyoooyinka u baydho. Hooyooyin, waxaynu wada ognay in doorkiinii hore ee ahaa korinta ubadaka iyo meel marintooda ku darsateen inaydin daruurigana u soo shaqaysaan oo kifaax ugu jirtaan. Meelo badan oo kala duwan baa uga xoogsataan sida qaadka, hilibka, khudradda, ganacsiga yaryar. Haddaba su’aashu waxay tahay sidee bay xukuumadda Rayaale idiin taageertaa oo wax idiinla qabataa? Cashuurtay idinka qaado wax maydinku qabataa? Waxaad uga baahataan xafiisyada degdeg mawga heshaan iyo adeeg wanaagsan oo weliba mahadsanidin maydin tidhaa?

Haddaan iyana su’aal weydiiyo hooyinka ay qabaan askarta ciidanka ee saddex sano ku maqan jiidda hore ee ku keliyaystay koritaanka carruurta iyo wer wer odayga ka haya oo ay intaa leeyihiin tolow ma la soo sheegi tolow wax ma dhaceen. Sidee ayuu idiinku qaybsamaa mushaharka yar ee odayga la siiyaa? Xukuumaddu se wax maydiinku ladhaa? Duruuftiina guudse waa sidee?


S. 6aad:
is gadhsiinta waddooyinka iyo gaadiidku waa halbowlaha dhaqaalaha umadeed ama dal. Waxaynu ognay in waddooyinkii dalka aanay waxba ku soo kordhin intii jirtayna ay sii baaba’day oo aan waxba laga qaban, marka laga reebo carro kaawo lagu saydhsaydho, oo gaadiidkiina ku burburay. Maxaa ugu baaqi lahaydeen xukuumadda inay ka qabato arrintaa?

S. 7aad: Ganacsatada guud marka hore waxaan u sheegayaa inaan ka xumay sida aanay xor ugu ahayn inay dekedda Berbera waxay rabaan ka soo dejiyaan. Waxa kale oo aan ka xumay inay ku dhibaatoodaan dekedda markay wax kala soo baxayaan oo nidaam xumo weyni ka jirto oo kartuunka yar ee ay sitaan Ilaahay yaab u keenayo marka kolba dhan loo raro ee dhan loo laado ee xafiis kale la geeyo oo kolba meel lagu jeexo. Haddaba su’aasho waxay tahay. Cashuurta aydin bixisaan oo had iyo jeer ku tilmaantaan mid aad u sarraysa markaa eegtaan maw qalantaa adeegga laydinka siiyo dekedda?

Sidee bay idiin saamaysay gawaadhida lagu gubo Kilalka 5aad oo ay sabab u ahayd siyaasadaa Rayaale ee ku wajahan dadka gobolkaa dega? Shirkaddan Total ee shidaalka sida sharci darrada ah loogu xidhay sidee iyada u aragtaan? Ugu dambayntii ganacsatada adhiga ee lagu kallifay inay laba nin oo Madaxweynaha u adeega oo aan dalkana idinkaga xaq badnayn idiinkana halgan badnayn isu daba taagtaan dhoofintii xoolaha oo kolba ka baridaan kun neef sidee baad u aragtaan caddaaladda arrintaasi ku fadhido? Miyayse arrintaasi idin qabataa idinkoo dalka xuquuq aan la koobi karin ku leh?

Waxse hore dalka u soo maray ma tahay? Maxaase ka yeelaysaan arrintaa ma aqbalaysaan oo cad quudheed ma qaadanaysaan?

S. 8aad: Waxa aad wadda ogtihiin inuu Madaxweynuhu diiday inuu la shaqeeyo Golaha Wakiilada ee aydin soo doorateen iyaguna ay marar badan muujiyeen inay diyaar u yihiin wada shaqaynta. Haddaba ninkii aydin u doorateen inuu umadda mideeyo oo hoggaamiyo miyay idinla habboontahay inuu sidaa u dhaqmo oo sheekh iyo shariifka dhexdhexaadinta ka diido oo ragaadiyo danaha ummadda?

S. 9aad: Dadweyne bal markaad qof walowba kelidaa xisaabtanto maxaad is leedahay way kuu kordheen oo Daahir Rayaale ayaa ka masuul ahaa? Maxaa kuu kordhay sida shaqo ma heshay? adeeg caafimaad ma heshay? biyo ma heshay,?laydh ma heshay? dhul ma heshay? halkaad joogtaa nadiif ma noqotay oo xukuumaddu ma hagaajisay, ? caddaalad ma heshay IWM? Maxaase xaaladdaada guud ka dhacay intii Rayaale dalka xukumayay ee uu saamayn ku leeyay? Haddaad haddaba ka sii dartay intuu Rayaale joogay maxaa kuu qorshaysan ee aad xaaladdaada ku wanaajinaysaa?

S. 10aad: Waxa ay sheegaan dad uu u xogwarramo Madaxweynuhu, khaasatan markuu debedaha u baxo inaanu shaki ka qabin in dib loo soo dooranayo waayo mar hadduu lacag uu dadka u qaybiyo hayo (Total, Dekedda iyo Adhiga) oo ayaamo ku qayilsiiyo isaga ayuumbay dooranayaan.(labaatan labaatan kun codkiiba) Haddii arrintaasi jirto, waana la rumaynayay eh, miyay idin qabataa in laydinku tilmaamo dad sayladda tuban oo la iibsan karo? Masiirkiinase ma siisan lahaydeen mijin qaada oo maalin la cuno?


S. 11aad: Beryahan dambe waxa dhegaheenna ka batay Ethiopia iyo Maraykan ayaa Somalia iyo somaliland dhexdhexaadinaya. Ethiopia way caddaysay. Madaxweynuhu wuxuu yidhi ma dhici karto wasiirka Arrimaha Debedda waan u diray inuu Ethiopia ka warkeeno. Dibna wax ugamaynaan maqa sidii caadada ahayd. Ka darane mar wal oo Madaxweynuhu Addis Ababa tago bal amarka Ilaahay C/lahi Yusufna wuu yimaaddaa. Nairobi sidaa si leeg. Sanaca sidaa si leeg.(waar ma taar baa isugu xidhan) safiirkii Somaliland ee Addis , Yusuf Jama Burale wuxuu ku cawday inaan waxba lala socodsiin ee Wasiirka Arrimaha Debedda iyo Cawil uun Ethiopia toos ula xidhiidhaa. Kii ka horreyey ee Cumar Dheere sidaa si leeg ayuu u cawday. Labadiiba waa la soo kexeeyay. Waxa kale oo iyana dheer Madaxweynihii oo aan golayaashii u xog warramayn, dadweyniihii waxba u sheegeyn, xisbiyadii qaranka waxba u sheegeyn oo odhanaya uun “waa la qarin.” Markaa dadweyne waa iga su’aale ma la aamini karaa Madaxweynaha sidaa u dhaqmayaa ee duruufahaasina ku xeeran yihiin? Maxaa idiin damaanada inaanu Madaxweynuhu wax aan la ogeyn kula jiro dawladahaa caalamka?

Taariikha ballan qaadkiisa markaad dib u raacdaan xaataa dhaartii uu kitaabka ku maray wuu jebiyay. Waxa sirta uu ku qarsadaa Wasiirka Arrimaha Dibadda oo afar sanno idaacad inna lahaa way soo soocotaa lacagteedana qaadayay. Wasiirka Maaliyadda oo la yihdi (lagu eedeeyo) dawladdii somalia ayuu sirteedii Xabashi ka iibiyay. Ma yihiin rag la aamini karo oo aydin hadalkooda qaadan kartaan oo barkimada ku dheeraysan kartaan? Hadday jawaabtu tahay maya. Maxaa idiin banaan?

S. 12aad: Su’aasha qaybtan iigu dambaysa dadweyne waxay tahay. Afar sanadood wuxuu Madaxweynuhu lahaa xuduudaha dalka ayaanu sugaynaa ama soo taabanaynaa. Weli lama hayo. Inagaabay inagu soo durkeen xuduudihii intuu xukunka haystay. Ma filaysaan inuu arrintaa fulinayo? Hadduuse fulin waayo ma laga yaabaa inuu la sugayo markay doorashadu soo dhawaato oo uu dalka dagaal geliyo si uu kursiga u sii fuushanaado? Hadduu taa yeelo maxaa idiinka meel yaal?

Waa inoo todobaadka dambe.Haddii Eebe idmo

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment