Saturday, August 29, 2009

Shaxdii Rayaale

DALJIRE
(Shaxdii Rayaale )
“Aabahood bay fuudka la cabbi. Maaha?”
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Doolaal: Waar intaanu kii inkaarta qabay ee Dubbe inna so gelin sidii daadkii Xaabaale, maxaa ka war haysaan safarkii Madaxweynaha ee uu Khaliijka ku tegey Abu Dhabi? Qoodh iyo xero waakan. Waar bal muu loox noqdo.

Dubbe: Waar yaad habaaraysaa manta?

Doolaal: Wallaahi adigaan ku sheegayay. Waxaan lahaa dadka sii warayso intaanu daf idin soo odhan oo Safarkii Madaxweynaha weyddii.

Dubbe: Safarkee? Ma ka uu isba inoo sheegi waayay ayaad caqli xumadaada anaga na weydiinaysaa? Ta kale. Haddii uu isba sheegi waayay wuxuu doonay saw xaq uma lihin inaanu sheegno wixii ay nala tahay inuu doonay ama aanu maqallay?

Doolaal: Maxaad u sheegaysaa waxay kula tahay? Dadkuse wax kasta ma inay ogaadaanbaa? Miyaanay xukuumaddu sir yeelan Karin illayn cadaw badan baa jira eh?

Dubbe: Annaga mar haddii uu noo sheegi waayo wixii aanu maqallay ee cid kale noo sheegtay waanu dhegaysanaynnaa.

Doolaal: Maxaad maqashay adigu? Kollay khayrka ma maqashide.

Dubbe: Waar khayrka ayaynaan si u wada aqoonne. Waxaan maqlay Islaantiisii buu daahyadii guriga cusub la soo iibinayaa oo isagu ma jecla kuwa shagaarka badan ee shagara-wagaraha leh ee saafiga ayuu jecelyahay. Weliba seytuuniga. Kuwa basaliga ahna lama tusi karaba. Waxa kale oo aan maqlay sariir baa lagu soo qiyaasayaa oo sariirihii oo dhan buu ka dheeraaday oo cagaha la dhaafayaa markuu jiifsado.

Doolaal: nacdali ku kortay. Bal waxaad Madaxweynaha ku sheegayso day. Ma nimankiinaasaa doonaya inay dalka xukumaan? Bal waayahay ee haddaa muxuu weftiga dhan u sii kaxaystay? Iyana ma daahyada ayay la iibinayaan?

Dubbe: Anigu iyaga miyaan doortay? maxaa iga galay waxay soo qabanayaan. Awalba waxaa iyo wax la mid ah ayuumbay u qaban jireene maxaad afka iigu gelinaysaa? Mayee waxaan maqlay gurigii uu ka iibsaday buu soo eegayaa. Kii Qaahirana inuu soo eegana wuu ku talo jiraa hadday u suurowdo.
Doolaal:Waar sheeko kale keena oo macno leh.

Dubbe: Keennaye miyaad maqashay isaga iyo ninkii reer Sool sheekada dhex martay markuu Maraykan joogay?

Doolaal: Oo maxay ahayd?

Dubbe: Meeshaa ma joogine waxa ii warramay ninka arkay ninkii ay is arkeen oo shaxdiisii doorashada ee uu irmaanta nagu qaadayay ayuu u sheegay.

Doolaal: Been weynaa! Oo maxay ahayd. “Laxda ayaabaanu ka xog la’ nahaye” irmaanta in laydin qaado anagaa jecele.

Dubbe: Horta ninka ninkii ay is arkeen ayaa iiga sheekeeyay sidanna way u dhacday:

Daahir:Dee beryahan maynaan wada hadal bay ahayd dalkiina maad imanin. Waxaan dooonayaa inaad reer Sool igu soo xidho oo ay xisbiga soo galaan oo dadkii gudaha jjjoogayna la soo hadlaan. Sidaas baan doorashada ku heli. Yaah.

NInkii:Waar bal halkaa waynu isla gaari oo waynu isla fiirine; haddeer sawta nalaku yiri nimankii Isaaq waa is urursadeen oo sidaad wax u wadday bay ka shakiyeen oo haddeer meeshii cid kale uma oggola ay. Ma beenbay ahayd taasi?

Daahir:Waar waxaasi wax jira maahine inta aanan iyaga kaaga warramin aan sawirka guud ee beelaha baallah ku siiyo.

Ninkii:Maxaad i siinay? Sawdigan i leh Dhulbahante igu soo xir. Ma falan tahay aad? Gudo-biirsay uun iiga warran dee.

Daahir:Idinkana fudayd baa laydinku saliday. Waar bal kolka hore i dhegayso. Horta magaca sidiisa u dhe oo waa Gudabiirsi. Dhankan galbeedkana ma karaan magaciina oo waxay yidhaahdaan “Dhulmahante.”. Taa markaan ka gudbo. Reerkaa aan ka dhashay manta in yar oo Maxaad Case ah mooyaane cid i diidani ma jirto. Iyagana mar haddaan Xaji Dahir, Cabdi Gaagaale iyo Cali gabilay ka hayo, maxaad wixii ka kale ka sheegi?

Ninkii:Heedhe miyaanan maqal raggaa aad ii sheegahaysaa waa rag adiga uun ku dillaalahaya ee rag tol wata ma aha? Ta kale sawkuwii lahaa reerkii Aadan Isaaq ka dhashay ee reer Axmed ee reer magaalka ahaa ee weligoodba siyaasadda ku jiray iyo reer Nuurba waa kaa soo hor jeedaan.

Daahir:Heey! Ma waxaad ii sheegi afartan reer Axamed ee wajaqsan ee waxbaan xakumi jjirnay uun leh sidii Majeerteenka ee kolba tuulo shirk u qabanaya? Hawtaan ku idhi maaha. Idinkaa maanta laydin xakumi. Haye. Hawkan Xammaal iyo odayadii kaleba ila jjjooogaan maahin. Reer Nuurna waa gacalkay oo iyagu meelna iga tegi maayaan. Jilibka reer Faarax Nuur ee islaantu tahayna awlba xukuumad wax uma soo doontaan bay ahayd. Lafta kale Maxamuud Nuurna iyagaa xukuumadda meel walba kaga jira. Isku soo wala xooriyoo. Cismaan iyo Qasim Sheekh iyo Axmed Daauud uunbaan keena odhanoo. Iyana way ii keeni uun. Haa.

Ninkii:Ma gebiga? Oo reerihii kalena. Oo Cismaankuna muxuu ahaa gartay labada kale eh?

Daahir:Dee maxaa hadhayba. Cabdi buunina Habar Carfaan iyo wixii maqan doon baan leeyahay dee. Ma diiday buu odhan? Aabihii Timo-Jinniile ayuu fuudka la cabiye.
NInkii:Wallaahi war baad haysaa. Haddeer u soo noqo bal Hartigii.
Daahir:Horta Harti isku USP baan ahayn bay hayd horteeda horeba. Kolkaa waxaan qabaa waxba islama diidaynno.

Ninkii:Haaye maxaad qorshaysatay?

Dahir:Haddaan Dhulbahante ku horreeyo. Horta waxaan idhi bay ahayd waanigaa dhulkii idiin xoreeyay . marka horeba Jamac siyaad waa ila socdeen. Iminkana Ba-Hararsame waa dhankayga wixii kalena waan idinka sugi baan qabaa.

Ninkii:Waar ba’a. Oo marna waxa lagu mooda nin dadka kala yaqaan marna waaba aad dhex fadhiisanay eh. Mindhaa adigu meesha koreba ka soo bilaabi maysid oo Farax Garaad iyo Maxamud Garaad iyo Ugaasyo iyo xaggaa maba aadaysid?

Daahir:Adigaan kuu deyn taasiye. Dhankan Warsengeli aan kuu shegee. Doorashadii hore sanaaqduuqyada ayuumbaan geynay bay ahayd iyanaway soo buuxsheen uun. Xitaa muraaqibiintii Kulmiye ayaa noogu soo guray. Waxaan idhi waar miyaad muraaqibiinta uun u reebtaan nimanka? Markaa kolkanna dhib badan ma lahin baan rajaynayaa wasiirrada iyo in ciidan ah ayuumbaan is raacin donnaa Insha Allaah kolkaa way soo buuxin uun. Waxa kelihaata ee ii dhimani waa inaan Suldaanka guud arko isana markaan noqdo ayaan arki doonaa.

Ninkii:KKK. Wallaahi nimankiinnaa reer Galbeed. Kufurtu billaahi waxna waan dhacahayaa buu leeyahay misna Insha Allaah buu leeyahay. Kitaabku idin qabay.
Waar haddeer waxaa layskala bax oo wallaanad 80 cod oo dambe lagaaga harayne. Maxaad qorshe haysaa? Harti iska dhaafoo bal tii Isaaqa ku noqo.

Daahir:Horta waad ogayd oo anigu nasiib baan meesha ku imidday bay ahayd. Markii Marxuumkii dhintay ayuumbaa lay dhiibay bay ahayd. Laakiin mid baan ogaaday intii. Nimankaa gobolada dhexe degaa ee Isaaq waa niman lala noolaan karayo. Waxba ha dhegaysan cayda iyo waxoogaa aflagaaddo ah. Dad runtii lala dhaqmi karo weeye.

Ninkii:Waar taa haddeer annaga noo sheegi maysid oo ka-jed ka-jed baanu la soo noolayn oo is dhallay oo is dillay oo wada noolayne arrintan siyaasadda iiga warran. Maxaad kale oo nimanka ka ogaatay haddeer intii aad kursiga fadhiday? Maxaadse qorshaysay?

Daahir:Anaba waa wada degnaa oo qayb baanu is soo gaadhnaaye. Dadku waa wada walaale. Horta nimanku niman xun maahin sidaan kuu sheegay. Waxbaan xorraynay uunbay odhan anigu waa waa runtiin uunbaan odhan. Sidaas bay ku qaboobi. Itaas oo kelihaata ayaa ku filan. Sidoodabana meel isaguma iman karaan.

Ninkii:ma waxba isuma oggola baad leeday oo isma raacaan dee af aanuu garanayno nagula hadaloo?

Daahir:Annagu dhankan galbeedka waxaanu nidhaahnaa reerkaasi waa dimuquraadi. Ee aan kuu wado ee horta haddaan galbeed ka soo bilaabo oo aan reer reer kuu soo mariyo waxa ugu horreeya reerka JIbriil Abokor ee Sacad muse oo aanu isku ood nahay badhkii.

Ninkii:Habar Awal dhe dee. Sacad Muse miyaanu Habar Awal ahayn?
Daahir:Heey! Maad wajaqday? Sawdigii lahaa dad baan aqaan maahin. Waar Habar Awal dusha wax iskama saarine dhegeyso waxaagani waad kadeedantee.

Ninkii:Oo waad caytamay eh. Bal wad.

Daahir:Horta Jibriil abokor odayaal baan ka arkay waxaan ku idhi bay ahayd mar haddii Kulmiye Isaaqnimadii idinku diiday oo ay yidhaadeen nin Samarroon ah KU-Xigeen ha la siiyo dee aniguba nin Samarron ah ayaan ahay ee ma Habar Jeclo ayaa idiin kala dooraysa Samarronka? Bal ka warrama idinkoo Habar Jeclo u kala doora Dhulbahante? Waar reerihii u taga oo inaan idin soo faray hayska dhigina ee waxaad tidhaahdaan maxaynu godobta uga geli ninka samarroon ee hadda ku fadhiya kursiga?
Ninkii:Waar intaa ma Cawil baa kuu sheegay? “Ma liibaanahii diiriye ayaa loox u daabacaye” buu yidhi Ina Nuur Fadal. ...........................Halkaasay qaybta 2aad ka soo soconaysaa
Waa innoo qaybta labaad iyo Berri Haddii Eebbe idmo.
haddaan galbeed ka soo bilaabo oo aan reer reer kuu soo mariyo waxa ugu horreeya reerka JIbriil Abokor ee Sacad muse.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment