Saturday, August 29, 2009

Ina Dhaan Dabagaalle Ma Dhab baa Laga Mooday?

DALJIRE
(Ina Dhaan Dabagaalle Ma Dhab baa Laga Mooday? )

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Doolaal: Waar horta weftigii Laascaanood.....

Dubbe: Waar u kaadi u kaadi. Inaadeeerow dhawr kelmadood oo geeraar ah baan isku hagaajiyay ee intaanan kala illaabin iga dhegeysta.

Doolaal: Waar geeraarna garan mayside naga daa aanu kaa sheekaysannee.

Dubbe: Maxaad ku sheekaynaysaa ee aad haysaa? Waar na sug ninyow. Waar waxan nagala hadla dee.

Doolaal: Horta ma yar qayilnaa oo qadhaadku ma na gaadhaa? Anagoon salkaba dhigin baad leeday geeraar dhegeysta.

Dubbe: Waar sidaa wax u waddaan iga wallaan malaa dib loo qayilayne na dheeyso wixiiba kala illawnaye.

Doolaal: Bal wad.

Dubbe: Horta dee nin gabya ma ihi laakiin markaan ka yaabay sida aydin maalin walba u sii kibraysaan ee dadka u dulmaysaan ee Booliskii inaga dhexeeyay ugu adeegsanaysaan ee maxkamadahan sidii Jajabanta kolba meel u kaxaysanaysaan ayaan afar isu geeyay. Wuxuu yidhi.

Dhulkaa ciil gilgishoo
Samirkaa ka dhammaadoo
Dhaqdhaqaaqa gariir
Waxa dhooban dushiisa
Marbuu buuraha dheer
Dhinacaa u ridaa
Dadku dhiirri yaraa
Dhiig la’aa demenaa
Dhirbaaxooyinka xeerka
Dhanna aan kaga oollin
Ee Rayaale dhagtaa
Dhabanaanada xoogle
Dhacdaa uu ku hayo
Dheguu saw ma qarxaan
Ma dhaffoorro biray
Dhakadoodu siddaa

Dhibtuu leeyahay quudhsi
Dulmigoo laga dhuunto
Oo laga dhiidhiyi waayo
Horaa loo dhadhanshee
Ma dhakhsay u illawday
Iyagoon xadka dhaafin
Uu Distoorku dhigaayo
May xaqood dhacsadaan
Maxay dhawrsanayaan

Raggii aan wax dhimaynin
Sida dhuuryada haadda
Oo dhalaal cad u muuqday
Markii uu dhufanaayay
Ee dhayal uu u xidhaayay
Ee uu jeelka dhigaayay
Dhaantaduu tumanaayay
Dheeshii waa maqasheene
Illayn maaha dhurwaa iyo
Dhirahaa baxayee
Dalkeenay u dhasheenoo
Dhab bay soo halgameenoo
Faqashtii ka dhacsheene
Dhurdahaaba xanaaqa
Haddii aad u dhawaato
Halka uu dhitadiisa
Ku ilaasho dhashiisa
Dhawaaquu kugu yuuso
Dhegahuu ka galaayoo
Sahal looga dhaqaajine
Ma duqsaad dhanka hoose
Iyo dhulka aad marteen
Inagoon xadka dhaafin
Uu dhigaayo Distoorku
Maxaa loo dhicin waayee
Lagu dhaafay warkooda

Dhaqaalaa arligeena
Lafahaa dhabarkiisu
Adhiguu ku dhisnaaye
In dadkeenu u dhoofsho
Dhulka suuqu ku yaallo
Sawkan dhaar ka maree
Carab uu dhadhamo
Iyo dhuuni baas la cuno
Dhaadka nooga xidhee
Baqkhti aan ku dhawnay
Inagoon xadka dhaafin
Uu Dustoorku dhigaayo
Maxaa loo dhihi waayay
Waa midaan dhacahayn

Bulshadaa dhaqdhaqaaqay
Ururkay dhabdhabteen
Ee iskood u dhisteen
Kuwa dhawra xuquuqda
Ee dhibbanaa u hadlayaaya
Dhabqiskuu ku abuuray
Ee dhankaa gurigiisa
Laga dhiirrinayo
Ee ninka dhoomaha weynle
Iyo dhuuso ka buuxu (Tallaabo)
Dhex socdee hor kacaayo
Qufulkay ku dhufteen
Inagoon xadka dhaafin
Uu Distoorku dhigaayo
Dhayal maw furi weynay
Dhalaw maynu ka siiyo

Alla dhoohaninaa
Alla dhoy li’inaa
Dhan ka waalaninaa
Markuu dhaarta maraayay
“dhaqaalaan kobcin eegga
dhallintaan shaqo geyn
dadkuu wuu dhergayaa
dhakhtarraan unkayaa
dugsiyaan dhisayaa”
Ma dhab baa laga mooday

Alla dhoohaninaa
Alla dhoy li’inaa
Dhan ka waalaninaa
Markauu dhoofka tegaayay
Uu dhulkaa marmaraayay
Ina dhaan dabagaalle
Irbad dhuub ma geshe
Muxuu soo dhicinaayay
Dheemantuu ururshay
Iyo doolarka dhoormay
Ayuu dhuuminayoo
Meelo soo dhiganaayay
Daaruu soo dhisanaayay
Dhoolluu soo tumanaayay
Dhanna wuu ka dalxiisay
Dhar buu soo gadanayaayay
Dharaartuu imanaayay
Dhawaaquu na lahaa
“wershadaan dhisayaa
dhuxul baan qodayaa
jibsam baan dhurayaa
gaaladuu dhereraayay
malaayiinti is dhaaftay
qof walooba ka dhaanso”

Ma dhab baa laga mooday
Dhalanteed u aroorka


Guddidii dhedhexaadka
Duqaydii dhaqankeenna
Kuwii diinta dhigaayay
Dhakhaatiir cilmi gaadhay
Intaasoo isku dhoon ah
Markuu dhoollo caddaynta
Soo dhawaada lahaa
Oo khilaafka dhammeeya
Axdiguu la dhigaayay
Ma dhab baa laga mooday
Dhegbaan lay jalaqsiinne
Sawnigii ku dhawaaqay
Ee dhaqankiisa tilmaamay.

UCID wayska dhallaanoo
Kolba dhaan iska raace
Kulmiyii dhumuc sheegtay
Ee dhaqdhaqaaqi (SNM) ka joogee
Dadku dhawrahayow
Miyaad dhuumatay doorkan
Ma dhoof baa qabateen
Dadku way dhanqalmeenoo
Bulshadii dhacantoo
Bahalaa dhufsadoo
Sharci layskaba dhaafye
Xaggee baa ka dhacdeen
Maa ka soo dhicisaan


Waa innoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment