Friday, August 14, 2009

Laba Hadhlay

DALJIRE
(Laba Hadhlay)

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Doolaal: Wallee Cawil waa “ruugcaddaagii raacdo soo celi.” Sawkaa idinkala daba yimi ee yidhi “Beeshaydu meel kale mari mayso aan UDUB ahayn. Burcana jab baanu la maaggannay ee doorashadu ha soo dhowaato horta”

Dubbe: Horta odaygu waa ruugcaddaa oo layskuma hayo laakiin doorkan hadhkuu laaday.

Doolaal: Waxaanan garanayn ayuumbaad ku hadashaa. Waa maxay hadhkuu laaday.

Dubbe: Nin reer magaala oo sidaa Cawilna waayeel noqday oo dhawr nin oo saaxiibadii ah la socda, da’dana ay isku hayaan oo isku xanaakadiyaan ayaa goor fiidcawl ah soo ag maray dhallinyaro kubbad ciyaaraysa. Markaasu yidhi. “soo laad adeer.” Way u soo tuureen.Laad buu isula kala jiiday oo hawada mariyay. Markaasuu xambaaro cirkaa maray oo qadaadka dhulka ku dhuftay . Intuu kacay isagoo yar khajilsan ayuu yidhi. “laba hadhlay.” Sow bahasha hadhkeedii buu laaday oo iyadii mooday. Iminka odaygii Cawil Kulmiye iyo Qaran iyo dhawr beelood iyo wax is barbar yaacaya ayuu miduu laaday garan waayay. Kaagaga darane markuu dhacayna Siciid Sulub oo ordaya oo show isna kubadahaa badan wax ka eryannaya ayaa jilib ka laaday markuu yidhi. “Muse Carre ayuumbaa UDUB ka baxay Habar Yoonis.” Markaa xukuumad fiidcawl joogta oo gabbalkeed dhacay ninka is yidhaa kubbad u ciyaar isagaa ku wareeri. “Laba hadhlay” ayuumbaa u dambayn.

Ta kale odaygi iminka safka horeba kama baxo ee maxaa dhacay? Waar waa sii jeedaa malaa?

Doolaal: Waayo malaa ninka cibaadaysta ee safka hore galaa hawl ma hayo.

Dubbe: Xaji Axmed Ildab (AHN) oo ahaa tiirarkii Hargeysa ayaa qolo ay adhiga wada diri jireen arrintaa kaga cawday beri. Adhigu wuxuu is taagi jiray waqti sannadka ka mid ah markaasay shaqo la’aani dhici jirtay dhawr bilood. Ragguna intaa isma arko oo ninba meel buu ka dhacaa. Maalintii dambe ayuu arkay rag ay saaxiib ahaayeen oo daanta Dumbuluq iyo New Hargeysa u badnaa oo shaqo la’aantii kuba naaxay oo dhalaalaya muddana aanu magaalada ku arag. Wuu waraystay. Waxay u sheegeen inay reero miyi leeyihiin oo marka adhigu istaago ay miyaga u baxaan oo isa soo dacar bixiyaan oo xoolo soo qashaan oo shuqulkii magaalada ka soo raystaan. Intuu sidaa u eegay buu yidhi. “ Waar miyaydaan tol ahayn? Maxaa haddaa safal-awalka noogu eegeyseen ee arrintaa noogu sheegi weydeen?” markaa macnaheedu waxa weeye waad iska garanaysaa shuqul shaydaanka iyo nafta oo mar haddaad hawl hayso safka hore ka habsaantay. Iminka oday Cawil wuu sii socdaa baan u m alaynayaa.

Doolaal: Waar waxaa iska daayo hadalka ha duwine. Ma waxaad leeday Galbeed Burco UDUB ka bax? Bal ha lagu maqlee.


Dubbe:
Horta adiga fahamkaagu wuu yaraadaa mar haddii aan meesha wax la cunayn oo aan lacagi ku jirin. Waxaasaan UDUBtana ku nacay. Badidooda Maskaxdooda iyo hungurigooda ayaa isku tallaalan sidii qaadhi selefku xumaaday.
Waar haddaad hadalkiisii u fiirsato. Oo aad kii odayaashii baaqa soo saaray u fiirsato oo nin dadka kala yaqaan tahay waad fahmi lahayd waxa socda.

Doolaal: Oo waayo? Sidaanan u garanayn.

Dubbe: Horta aan dhawr arrimood oo keliya kuu sheego. A)Waa marka u horraysa ee Habar Yoonis beel ma aha ee waa beelo. La soco. Dadkaad codka ka doonayso baro horta. B)Marka labaad. Isuma hanjabto loomana hanjabo. Waayo markay Cawil iyo Siciid u hanjabayaan ee ay leeyihiin kaanu keenno ayuumbaa u codaynaysan hadduu dhagax yahay. Ma dhegeysanayaan meel-ka-dhacana way ku tahay. C) Waa ta saddexaade. Arrinta meesha taalay cod iyo doorasho may ahayn maanta. Waxay ahayd beelihii reer Toghdeer ee UDUB isku diri jirtay ee naxliga ku dhex abuuri jirtay ayaa isu muruxsaday. Beloy baydh. Meded yaa qaws. Beerkoodaa burcad laysu mariyay. Markaa beentii la odhan jiray haddaydaan nin reer Awdal ah u codayn daad baa soo rogmanaya magaalada qaada ayaa laga ilbaxay. Wixii intaa ka dambeeya xisbigay dan moodaan ha u codeeyeen. “Aji indhihiisuu qabaa.” Bay tidhi gabadhi.

Haddaad eegto odayaashii baaqa soo saaray. Waxay yidhaadeen beeshu yaanay kala horrayn ee ha isa sugto oo xisbigay dan mooddo ha ka tashato. Berigii hore waxay odhanjireen. Beelaha HY waa UDUB. Arrinku waa ha laysa sugo iminka. U fiirso hadalka. Waa hadal waayeel. Guud mar weeye. Haa.

Doolaal: Waar hadal “waa mergi oo waa kolba dhanka loo duwaa.” Baa la yidhi ee meeshaa waxba idiinma yaalaan. Ha ku lug go’ina.


Dubbe: Waar waxba ku mari maayaane iska daayo horta islaantan garaabada mafrishkeenna ka qaadata magaceedu muxuu ahaa?
Doolaal:Dulmar buu ahaa. Oo waayo maxaa islaantana kaa soo galay maanta.?

Dubbe: Shalay bay anigoo halkaa ku weysaysanaya oo ay hadhqoodarka fadhido wax i weydiisay.

Doolaal: Maxay iyana ku weydiisay? Waar illayn cibaaro.

Dubbe: Wax badan may ahayne, waxay wax iga weydiisay safarka Madaxweynaha iyo siyaasadda guud ahaan.

Doolaal: Bal maxaa iyana ka galay safarka Madaweynaha iyo siyaasad iyo umuurahaa? May garaabadeeda iska gurato oo xasarad la’aaniska socoto. Wallee dadkanaan loo taag helin.

Dubbe: Waar illayn meeshu waa dimuquraaddi oo fikirkeeday dhiibanaysaaye. Miyaanay muwaadinad ahayn? Hadday doonto xisbi bay furanaysaa. Haye.


Doolaal:
Haddaba habar sheekadeed qaadka hanagaga diline iska aamus oo wax kale ku hadal ninyow.

Dubbe: iga walla habartaasi intay garatay haddaan garanyo carrabkaan cirka la gaadhi lahaa. Waar maxaa laysku lug go’ayaa.

Doolaal: iminka ma kaa dhab baa?

Dubbe: waxay tidhi. “ Hooyo. Madaxweynihii halkuu qabtay baa la yidhi?”
“Yurub.” baan idhi.

“Oo hooyo ma xuma eh doorarkii hore ma dhaamayaa baad u malayn?” ayay i weydiisay.

“Ilaahay baa og, laakiin illaa iminka wax waxii ka duwan ma maqal”. baan idhi.

“Oo hooyo Talyaaniga miyuu tegey baa la yidhi?” ayay ku dartay.

“Haa.” Baan idhi.

“Oo Talyaanigu miyaanu ahayn kii reer Xamarka la jiri jiray?” ayay tidhi.

“waa isagii.” Baan ugu jawaabay.

“Horta hooyo fariiddo ayaan idin moodayay laakiin waxaan u malaynayaa inaa nacasyo tihiin.” Ayay si canaan leh u tidhi intay dhulka ul ku xarriiqday iyadoo hoos u foorarta.

“Siday wax u jiraan?” ayaan ku celiyay.


“Hooyo. Malaha arag xumadayda iyo diifta iga muuqata ayuumbaad istidhi tani wax garan mayso eh. Horta qoftaygaa iminka dulkaa sankaaga geli kartaa albaabkaa- kaa gawaawdhidu ka soo gasho- maan mari kari jirin. Caddaantana Dulmar-Dhuuxo ayaaba lay odhan jiray. Iminkana hooyo waa iska addunyo oo nin walba ama geeri baa soo ridi ama gabow intuu xididku sii qoyan yahay. Waxase jira hooyo araggu wuu doorsoomaa ee qofnimadu ma doorsoonto. Waraabe yari hooyo markuu duqoobo muxuu noqdaa? Dee waraabe gaboobay uun.

Hooyo ninkan aad Madaxweynaha ku sheegaysaan haddii boqol goor la doorto nin is beddelaya ma aha. Hadduu Cadan iyo Cawsa tagan nin isbeddelaya ma aha. Makaanu makaanu. Waa kii uun.

Hooyo markii hore inuun baa la is lahaa hayska tabar darraadee wuxuun buu qaban oo marka uu u liito sharcigaa lagu doortay buu dhawri oo umadda ayuu isu soo dhowayn oo waa laga eed la’aan, oo xasarad la iman maayo.

Aniga hooyo aan kuu warramee anigoo xisbigaa inankaa Adan Madoobe ee Axmed Siilaanyo ku jira oo leh isagaa soo halgamay, berigiina Dulcad baan ku arkay, ee codka sii ayay tu aan habryayr u ahay oo habeensatay uun goor fiida anigoo markaasuun Maqribkii ka baxay ii timi. Kute. “Habar yar Somaliland maanta wadajirkeeda ayaa laga shaqaynayaa ninkaa Marxuumkii meesha kaga tegey ee reer Awdal ayaa codka la siinaya. Yaynaan ceeboobin oo la odhan beelaha kale waxba uma oggola oo xataa kii intaa Ina Cigaal hoos fadhiyay kursigii way u diideen.” Hooyo hadal fiican baabu ila noqday oo daw ah oo sidaasaan horta anigu codkaygii u siiyay. Halkaa Sheekhadda ayaan anigoon kici karayn intaan sii luuday ii banneeya idhi oo ugu riday codkii.

Hooyo. Horta ninkii sidaa loo galay ee mujaahidka looga hiilay iyo inankii kale ee Caaqilku dhalay horta maanta siduu dalkii u galay waa aragtaan.
Midna waan idiin sheegayaa hooyo ee dadku waa dakeennii. Wada qaraabo iyo deris iyo xidid iyo xasabo iyo ehel baynu wada nahay. Dad Ilaahay isku degaan ka dhigay oo isku naf ah ayaynu nahay.

Hooyo maanta wuxuu taro daaye waa maqlaysaan inuu leeyahay haddii lay dooran waayo Somaliland jiri mayso. Habeensadow, waa maqlaysaan inuu markuu afkaa qala qaadaba leeyahay waa lay qabyaaladaynayaa. Waa maqlaysaan inuu kuwan Wasiirra ah soo dirayo oo meel walba ay ka leeyihiin haddii nin Isaaqa la doorto waa la ba’ayaa waa la hoogayaa. Hoostiina la hela. Ilaahay nooma maqlo kuwaa. Hooyo kuwaasi waa sida jiirka. Jiirku haddaanu wax raamsanayn ilkaha hoose ayaa dheeraada markaasu waxba calashan kari waayaa oo dhintaa. Sidaasuu xadhig, bir, qori, cunto, haan iyo wuxuu soo gaadhaba u googooyaa. Markaa hooyo iyagu waxay cunaan uunbay yaqaanaan ee dheg haw dhigina. Mid mid baa xishooda oo meelahoodaa iskaga naban oo waxba yay qabane waa laga ee la’yahay. Mid mid fariidini wuu ku jraa sida Inankaa Darawal la yidhaa iyo ninka reer Laascaanood ee Ina Adan Cadde la yidhaahdo iyo.....

Hooyo. Ninkani waa shinni. Hadda hadalkaygaa gunto. Shinniduna mar bay wax qaniintaa dabadeed way dhimataa. Hooyo ninkan quxuu inna yeeli lahaa iyo wuxuu guran lahaaba dhammaysay. Markaas ayuumbuu inna qaniinayaa. U dul qaata intuu inna dhaafayo. Dadka yuu isku kiin dirin. Reer Awdal soo dhoweeya. Dhuunta gashada hooyo. Waa dadkeenii. Iyaguba dhibaato ayay ku qabaan. Wax ma taro. Weliba iyaga wuu xidhxidhaa baa la yidhi.

Hooyo dalkan dhan ee farxaddu ka maqantay miyaanad arag ee murugaysan mooyee wax labadaa dhoollood caddaynayaa aanad arkahayn? Laba waliba meel bay isku weydiinaysaa. Waar sidee wax yihiin iminka? Waar tan xagaynu uga dhaqaaqnaa? Hooyo dadkii waa madluuuuuuuun. Haaa hooyo. Madluuun.

Hooyo maanta codkiina u hubsada. Xabashi baa lacag siinaysa baan belef ku maqlay oo inuu codkiina iibsado ayuu ku talo jiraa. Yay sun idinku noqon hooyo. Kolba birissh yar oo dadka lacagta lagu dhisay laga soo guray buu odhan anaa dhisay. Kolba dhaldhalaal yar oo naf la caariya ayuu ayaamaha u dambaysaa idin tusi. Lix sandood wuxuu qaban waayay miyuu sagaal bilood ku qaban? Xaaraantii nebi xarrimay. Waa iga dardaaran. 16 sanno iyo saqaal bilood ayuu odaygii sii motanaa. Habeen walba waxaan is idhaahdaa waaga kugu simi mayso. Markaa hooyo waa iga dardaaran ee hadalkayga dhegta u fura. U raaraciya hooyo.

Hooyo maanta ma ninkii dadkii sharrifay ee cisiga siiyay, Ilaahaybaa cisi lehe, ugu abaal gudi lahaa inuu isku diro baa? Ma ninkii xeerkii lagu doortay qabyaalad ka jeclaan lahaabaa? Ma ninkii hooyo ku farxi lahaaba markuu golayaasha curyaamiyo? Gunta ka dhac miyaan idhaahdaa... habarka ma jecli hooyo. U duceeya isna inuu ilaahay meel khayr qabta geeyo inagana inaga kaxeeyo.Aaamiin.

Waa innoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.
A. Geeljire

No comments:

Post a Comment