Saturday, August 29, 2009

…Hadal Kama Dambayn

DALJIRE
(“…Hadal Kama Dambayn”)


By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe: Waar bal warrama dee. Anigu ayaamahii la cibaadaysanayay waanigii aan idiin iman oo runtii dembigiinii waan ka raystay. Laakiin hoostaan wax badan kala socday.

Doolaal: Allaylehe anagaa kaa raysannay oo qaadkii naga degey oo mirqaannay. Waar maad iska maqnaatid?

Dubbe: Ilaahow yaa ku og. Hadda intaa waxaad is lahayd waar mee kii oo waqtigaa kugu dheeraaday. Horta anigu arrimihii aan toddobaadka maqlay dhawr ayuumbaan ka soo qaadayaa haddaydaan idinku wax igu kordhinayn.

Doolaal: Waar adeerow haddaba iska qayil durba ha nagu bilaabine.

Dubbe: ’aar iminkaad nagu soo boodiye na daa ninyow dadkaasaanu u sheekaynaynaa. Adigu dhegahaaga xidho. Miyay inaga dhexeeyaan?

Doolaal: afkaygaw buus. Wado waxaad wadanayso. Kuma maqlayo anigu.

Dubbe: Waar maanta ma basaasiin intii hore ka badan baa fadhida waakan boodsane. Mise xukuumaddii baa laysku shaandhaynayaa ayuu maqlay oo wax buu filanayaa? Waar iska adkayso oo na dhegeyso.
Horta anigu dhawr arrimood baan hayaa oo ah:

1.Dhacdada toddobaadka
2. Odhaahda toddobaadka
3. Sawirka toddobaadka
4. La yaabka toddobaadka
5. Nacasnimada toddobaadka
6.Xigmadda todoobaadka

Doolaal: Waar bal suga ha todobaad todobaad leeye. Haye.

Dubbe: Horta Dhacdada toddobaadka aan ka bilaabee waa sii deyntii madaxdii Qaran. Waxaanse ku daray. Waxa la yidhi. “Ilaahayna la kala baryi og. Hadalkana la kala odhan og.” Waxaan arkay salaadiintu kala xariifsan. Salaadiintii laba daamood ee Hargeysa Qaar intay shir qabteen bay iyagoo TVga iyo wargeysyaduba ka duubayaan yidhaahdeen. “xukuumaddu inagay inoo badisay mansabyada oo Maaliyadda, (musuqmaasuqa) Bangiga Dhexe (sicir bararka) Maxkamdda Sare (Caddaalad darrada aabaheed) Wasiir ku-Xigeenka Caddaaladda (Axmaqnimada aabaheed) ayay inna siisay ee aan qarsanno oo yaynaan isku baaqin oo beelaha kale ha inagu soo jeedinnina.” Weli miyaa waxaasoo kale aragteen? Waa halkay ka odhan lahaayeen. Waar dadka aan waxan ka dayno oo ama ummadda wax wanaagsan ugu qabanno jagooyinka laynoo dhiibay ama yaan dhegteennu ku dhiman ee inaga kaxeeya.

Qaarna si ay dadka u kala badbaadiyaan ayay kolka la yidhaa Rayaale ayaa xaal u baahan ay degdeg mid u siinayaan iyagoon waxba iyagu geysan oo odhanayaan reerkayagu xaal buu Rayaale siiyay. Marka la yidhaa Rayaale ayaa u baahan arrin uu ku gabbado oo uu madaxdii Qaran ku soo daayana. Deg deg bay arji cafis ah ugu qoranayaan oo u saxeexayaan iyagoon iyagu dembi geysan. Waxaasaa reer magaalnimo ah dee. Waakuwaa carqalddii inaga saaray.

Doolaal: Haye.

Dubbe: Odhaada toddobaadka: Odhaada toddobaadku dhawr bay ahaayeen:
a)Jamaal Caydiid oo ah qoladii Qaran ee la soo daayay wuxuu yidhi. “Sifihii afduubka ahaa ee nalagu kexeeyay ayaa nalagu soo celiyay.”

b)Rayaale waxa laga soo weriyay inuu yidhi. “anigu in sharciga lagu dhaqmo ayaan jecelay....” Horta markii naloo sheegay dhawr nin baanu ahaynoo qosol baanu jaanta wadhnay. Oo na mee? Oo haddaa miyaanu ooyi lahayn? Bal idinku Rayaale ayaa leh sharcigaan jecelay in lagu dhaqmo ka warrama? Tolow ma Hindi buu inna moodayaa? Hadda inta uu sharci jebiyay ee ku tuntay haddaan iminka tiriyo timahiinnaa ka badan.

c) Faysal Cali Waraabe ayaa meel ka khudabdeeyay oo yidhi “ninka Guryasamo ku socday ee bariga Burco tegey iyo Boorame miyaanu amban.” Wuxuu u duur xulay reer abtigii oo ah Habar Awal gaar ahaan Samad Muse oo uu leeyahay codkii baa i siin weydeen oo Siilaanyo iyo Ina Rayaale siiseen. Raggii meeshaa fadhiyay badidoodii markiiba waxay yidhaahdeen. “oo waa Faysale. Waar inaga daaya. Maxaa ka dhegeysanaysaan?” laakiin ninbaa yidhi. “waar Guddoomiyaha sidaa ha odhannina ee waxaa tidhaadaan. Abtiyaashaa rag ambada maaha oo Ilaahay iyo Aadmigiisuba way ogyihiine horta Xaal sii haddana. Waa ta labaade. Abtiyaashaa waa reer magaal. Reer magaalkuna meesha ay ku arkaan nin dadka shiidaya way ka baydhaan oo rabshadda ma jecla. Markaa Guryasamo adigaa dadka ka soo shiidaya ee dadka shiidka ka daa.

Doolaal: Dabkaa isa soo dhaafiyoo. Haye. Wallaahi marbaan qosli gaadhay.

Dubbe: Sawirka toodobaadku wuxuu ahaa. Waxaanu aragnay C/lahi Maxamed Ducaale oo masaajidka safka hore fadhiya oo Ina Rayaale garabka ku haya. Rag baa dhaartay oo yidhi meeshu msaajidkii maaha ee waa sawir la sameeyay. Anigu juuq ma odhan. Afkaygaa ma kala qaadin. Isha ayuumbaan kala socday. Sidaydaba eedda waan necenbay. Adigu haddii dembiga layska dhawro oo aan dhinacayga u tudho oo laga tegi waayo hoostaan ka yar qoslay, buhuu buhuuu. Nin baase dadkii u caqli celiyay oo yidhi. “ waar markaa yaabtaan ee waxaydaan arki jirin aragtaan magacyada Ilaahay uun cuskada oo u fiirsada xikmadooda. Bal iminka eega “AlKariimu” Ilaahay wanaaggiisa cidna ma diido oo ma yidhaa ka noqo kadinkayga oo ha iga soo gelin gurigayga.”

Doolaal: Dabadeedna.

Dubbe: Dee shidhaab (shut up)hadal kama dambayn. Subxaan Allaah istaaqfur Allaah ayuum baanu wada nidhi oo shib nidhi dabadeed.

Doolaal: Haye. Imisaa hadhay?

Dubbe: La yaabka toddobaadka. Waxa la yidhi Cawil, Wasiirkii Maaliyadda, ayaa niman la yidhi tuug bay ahaayeen Nairobi, Kenya ku garaaceen oo ku dhaawaceen markuu af garan waayay amarkii ay siinayeen ee ahaa dhulka jiifso. Horta xigmad caalami ah ayaa tidhaada. “Wixii kugu dhaca ee aanad ku dhiman waa lagu ad-adkaadaa.” Haddaba raggii meesha fadhiyay mar qudha ayuumbay wada yidhaaheen. “yaab”.

Waar maxaa dhacay? Kuye. “waar ma meesha uu soddonka sanadood joogay ee dadka jawaanada kaga soo gurayay ayaad leedihiin afkeeda dhulka jiifsana kama baran? Waar waxaasi caqli maahee halka odayga lagu garaacay iyo seeraha uu galay sheega. Haddii aan sida odayga lagu dilay iyo sababta lay sheegin.....”

Waxa kale oo odayga kaga daran dhaawaca gaadhay; Ina Rayaale oo la eegtay intuu maqan yahay oo ka gaadhsiiyay oo nimankii Qaran ee u xidhnaa ka sii daayay.

Doolaal: Waar aniga dhawr qaansheegto ayaabu iga hayay oo saxeexiisa sugayay eh. Marbaan yaabayba markii hore laakiin Ilaahaybaa sahlay eh. Haye.

Dubbe: Ku go’ intaa waxaanay qaban ama iibin ayuumbay qaansheegto u sii qoranayaan oo lacagtii umadda ku madhiyeen. Waar nacasnimada toddobaadka aan kuu sheegee waxa la yidhi Xeer Ilaalinta ayaa warqad u soo qortay Shirguddoonka Wakiilada oo tidhi Guddoomiye Ku-Xigeenka kowaad, Sh. C/Asis Samaale ayaanu baadhaynaa fasax noo siiya. Raggii meesha joogay hadalba waa laga waayay. Waa lays eegay. Wejigaa la wada ururiyay. Mar waa la qosol gariiray. Markii dambe ninbaa intuu qoslay yidhi. “ “Siwaaq roonba waa niman markay socoto Xaafuune” horta cid wal oo magac uun lagu sheegaaba way iska qaadataaye maxaa u sheeganaysaan wuxuunbuu la mid yahay Hantidhawraha Guud ee aan waxba dhawrin. Xisaabiyaha Guud ee aan xisaab celinta keenin. Bangiga Dhexe ee aanad lacag dhigan karin sicir bararna joojin karin. Wasaaradda Caddaaladda.kkkkkk. ee caddaalad darrada abuura iyo UCID oo mucaarad sheegata. Bal ninka xeer ilaalinaya ee diiday inuu hor tago golahii xeer samaynta ka warrama ee haddana waraaqda u soo qoronayaa?

Doolaal: Haye. Adeerow naga dhammee dee waxa.

Dubbe: Xikamadda toddobaadku waxay ahayd waxa la yidhi Guddida Qaranka ee Sool iyo Sanaag ayaa xubnaheedii UDUB kaga jiray beeniyeen haddallo uu xisbiga UDUB ka fidiyay Kulmiye oo ay leeyihiin Kulmiye ayaa is hor taagay qaadhaan ururintii. Raggii meesha fadhiyay mar qudha ayay wada yidhaahdeen. “waar nimanka hambalyeeyaya.”

Waa innoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.
A. Geeljire

No comments:

Post a Comment