Tuesday, August 25, 2009

Arlada dumar baa ku nool

DALJIRE
(Arlada dumar baa ku nool)
“Waraabaha ka ciya Wadhan ka liitee”

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Doolaal: Waar xaggaad ka dhacday shalay? Waaban kaa raastay anigu. Marna waxaan is idhaahdaa yaa kii inkaarta qabay keena oo murqaankii baa iga si noqday.

Dubbe: Waxbaa shalay i gaadhaye. Saw ismaan odhan suntii Cawil qaybiyay bal wax ku dhintay iyo wax ka nool dhawr mafrash isu mar. meeshaan tagaba aniga ayuumbaa layla yaabaa.

Doolaal: Sidee laguula yaabay yacnii? Maxaad iminka ka sheekaynaysaa?

Dubbe: Maxaad la kulushay weli waxbaba maan odhane. Waar dee iminka fartaa ku gaadha. Waxaan ku idhi meeshii aan tagaba markaan idhaa “waar waxa Cawil yidhi ma maqasheen?” ayuumbaa lay yidhaa. “ Oo adeer ma hurdaad ka soo toostay?waaba Cawile. Maxaa laga dhegeystaa Cawil? Ma waxaan naxli iyo cudur ahaynbuu sheegaa? Waar waanu ka ilbaxnay kaase maxaad noo wadday maanta? Sheeko kale ma haysaa ninkaad sheegeysa “waraabaha ka ciya Wadhan ka liiteeye? Xataaa meel halkaasa oo qaar idinka ah oo sooc ahi fadhiistaan ma garanaysaa? Halkii masaajidka u dhoweyd ee ninka waalani hor fadhiisan jiray. Xataa kuwaasaa ii aamusay markaan weydiiyay. Way yaxyaxeen. Guulwadayaashii ayaa xataa yaabay. Waar dadka xidid baa sii qoyan.

Dolaal: Oo dabadeed maxaad yeeshay?

Dubbe: markaan laba saacadood gudahood afar mafrash isu maray oo dabayli igu dhacday ayaan madax wareer ka qaaday. Waxaan ku tashaday inaanan idinku soo noqon oo aan geedkii daaraddayda ku yaalay iska hoos fadhiisto. Laakiin waxaan rabay ee aan maantoo dhan raadinayay halkaasaan ka helay. Dumar is wareysanaya oo xaafadda u soo wareegay baan sidiinii dhegadhegeeyey. Dee laakiin raamsigii baan joojiyay oo qaadkiiba ma cunin. Ninyow idnku sidee raamsiga wax uga maqashaan markaa na basaasaysaan? Sow waanan u fiirsan oo ilaahay baan baasaasid ii baahinne; dhegta iyo daanku wayisu daloolaan. Dee malaa waa laydin taba baray idinka.

Dolaal: Waar miyuu waalan yahy wuxu? Ma dumar baad dhegeysatay adigoo nin weyna? Iga walla in wax walba lagugu maqli. Oo haddaad dumar dhegeysan karayso maad qaadka iskaba deysid?

Dubbe: Alla ku doori. Waar caqligii iyo xikmaddiiba iyagay ku hadhay. Marka horeba iyagaa inaga xikmad badan. Dumar dumar dumar. Alla maxaa mid xun oo aan waxba ku wanaagsanayni dumarka afka iskala galay?

Doolaal: Waa maxay xikmadda ay ku hadleen.

Dubbe: Horta laba dumar ah ayaa is galay. Waxaan filayaa inay igu soo duushay in midna ay haweeya ugu yeedhayeen midna Deeqa. Sidanay u dhacday:

Haweeya: Naa ma maqashay wuxuu yidhi odaygii Cawil la odhan jiray?

Deeqa: Naa mana maqale muxuu yidhi cajuusku? Ilaahay iyo awowgay Ma-Qallocshaan kuu baryee cadaabta gal. waxa la yidhi da’daa uu yahay intaa ama laba qof buu isku dirayaa ama laba qabiil. Walle eedyar baanu faraha dhigin. Waxa la yidhi islaan baa odaygeedi dhintay markaasay iska sabirtay. Inankeedii baa waxooggaa ka dib dhintay. Way iska sabirtay. In yar ka dib baa ridii ay shaaha ka caddaysanaysay dhimatay. Markaasay tidhi “ Wallee Ilaahaybaan eedyar faraha dhigin. Ama qof ku rarnaa ama neef.” Iminka istaaqfuralla eh. Waxaan uga socdaa. Wallee Cawil baan xumaan faraha ka dhigin oo aan ka gaboobin.

Haweeya: Naa maantuu u darraaye. Alla dumudheeeeey. Yaa yidhi kanaa durriyadda ah?

Deeqa: Naa dee bal noo sheeg. Muxuu yidhi. Maxay leeday lasii qaaddu?Oo adigaaba nagaga darane.

Haweeya: Telefishanka ayaan ka daawaday oo ninkaasi siduu is leeyahay, siduu afka u taagayo ee uu inamada kolba mid farta ugu fiiqayo. Siduu indhaha isugu qabqabanayo iyo khaakhaayiraada waad yaabtaa. Waataan indhaha beelaa ilmaa i qabatay ciilkii. Yaa halkan kuu soo dhiga baan is idhi aad ilkha ku cuntide.

Deeqa: Hoogyey. Keeba indhaha isku qabta? Ma aboorkan? Naa kaasi aragna ma laha uu afka la taagee waa duud abeeso eh. Muxuu yidhi? Aftaagow lagu jecel. Waataan Fu’aad waayaa markaan arko kiiyoo tv ku jira ma bakhtiisaa baa i qabata. Naa iga daayoo muxuu yidhi baad tidhi? Waa aakhir saman eh.

Haweeya: Af buuxa ayuu ku yidhi Isaaq Madaxweynenimada ma geyo. Guul darrayso. Naa miyaa intaa joogteen ee jirteen cimrigiin waxaa maqasheen? Dee waa umad la doorsaday oo halkaa (hunguriga) u dhimatay. Haa. Waa la dhaxal wareejiyay. Dhulku idinla go’. Naa malaa way falan yihiin? Falkii la sheegayay baa runa malaa.

Deeqaa: Naa ma waataad aabahaa weydaabaa?

Haweeya: Waataan aabahay iyo intuu dhalayba waayaa inaanu wax kale odhan. Oo labadaydan dhegood baan ku maqlayay eh.

Deeqa: Naa Ilaahbaan kugu dhaarshee run ee sheeg.

Haweeya:Runtii waa sidaa. Waaban kuu dhaartee.

Deeqa: Oo Isaaqoo dadkiisii ku madhay oo ku debedyaaloobay oo ku duni waayay oo ku curaddo beelay oo ku goblamay hadduu kursiga u qalmi waayo yaa u qalma haddaa? Naa malaa wuxuu u jeeday kolba qolo ayaa haynaysa kursiga? Kolba cidii loo doorto. Mise uma qalmaan buu yidhi? Qallal dheh. Allaylehe intay u qalmaan baanu ku tusi iyagoo dusha kaga fadhiya. Haye. Naayaadhaheen. Maxaanu wax walba u soo joognay. Naa tanna ma noo dambaysay. Oo afarta shilin ee xaaraanta ah ee uu musuqmaasuqa ku qaato ayuu Isaaqoo dhan u yasayaa? Ku go’ dheh. Naa may dhuunta u fadhiistaan? May may may. Ninkaa horaa loo sheegay. Isaaq naf ma leh. Isagaa saxa. Oo hadday naf leeyihiin ma kaasoo kale ayay isu jebin lahaayeen. Hogayeeey. Naa haddaba ma qarracmaa? Inamadayda waataan waayaa diiqaddii ayuu diricii iga yaraaday. Naa bal xaggaa iiga durka. Oo Yaa geya buu yidhi markaa gunta ka dhece?

Haweeya:Ciddii aan Isaaq ahayn buu yidhi. Waayo wuxuu yidhi Isaaqu way is dilayaan hadday midkood Madaxweyne noqdo. Horena way isu dileen buu yidhi.

Deeqa:Habaarka hoostaada la hel dheh. Horta anigu xaqiiqada bil xaqiiqatan haddan kuu sheego. Ma diidani in cid kale kursi qabato oo reer Somaliland waa hal qoys. Kii ka naxayaa ha ka naxo. Isaga ayuumbaa mid liita ahe oo dal iyo dad toona wax u qabanayne, iminkaba waa kaa jooga nin aan Isaaq ahayni ee ma reerkiisaa keenay sow dadkoo dhami uma wada codayn? Waxaanse ka muraaradillacsanay Isaaq ma geyo. “Hadal hadal ma ku daayaa” bay tidhi. Naa dago yahay islaameed hadalku qadhaadhaa. Tabaadsadow. Tan uu yidhi way is dilayaan. Ma dad walaalo ah oo is dila bay u horreeyeen? Haabiil iyo Qaabiil oo aabbo iyo hooyo wada dhaleen oo dunidaba laba ku ah ayaa is dilay oo mid lagaga quruufay. Naayaadhaeen. Muxuu moodayaa? Ragga walaalaha ahi waanay is dilaan waanay heshiiyaane. “carrab iyo labadiisa daan baa is qaniina.” Adiguse Cawilow xaggaad joogtay markii Isaaqa la laynayay. Miyaanad Afweyne la joogin? Kuwaadse jowaanada ku soo qaadaysey ee jeelka Afweyne lagu gurayay miyaanay Isaaq ahayn oo weliba Habar Yoonis ahayn? Naayaadhaheen. Casalla callaa muuna. Ma inaanu illownay buu moodayaa. Hadduu yidhi qaar kale ayaan jowaan kusii ridayaa oo Gaalkacayo geynayaa. Naa dhiman waaye muxuu wax walba arki.

Haweeya: Naa munaafaqnimadiisa waa ninka yidhi. “doorashadii markaan Ina Rayaale raacay Isaaq baan kala badbaadinayay.” Ilaahow kaa halka lagu cadaabayo ha joojin haddaan kuu salaadno oo kuu soonno.

Deeqa: Naa waa jirjiroole eh. Kolba halka uu ku joogo ayuu u egyahay. Iminka shalmadaydaa hadduu ku joogsado sideedaas ayuumbuu shagaar yeelanayaa buni iyo akhtar ah. Hadda ninka caynkaas lihi waa ninkii markii doorashada Radio Hargeysa ka yidhi. “Kulmiye waxa ku jira reerihii beeshayada laayay dagaalkii sokeeye oo u codayn mayno sidaas baanu UDUB u raacaynaa.” Ma kii baa maanta leh isaaq baan kala badbaadinayay? Weligiin bal been intaa leeg ma aragteen. Waakii Cabdi Aw Dahir u jawaabay.

Haweeya:Haaye isagu wuxuu jecel yahay inuu naxliga iyo xumaanta sidii Dhidarka qodo oo dabdeed naafac ka dayo. Tolow maxay tidhi yartayda raxma oo habeen dhoweyd ka inan ah sara joogga ku diiratay? Iyada oo aan canaananayo ayuu ku yidhi. “naa hooyadaa maqal.” Ayay ku tidhi Kelmad Ingriisaya oo aan markii dambe weydiiyay oo ay tidhi waa; ha ka kalluumaysan biyo cakiran. Naa tolow maxay tidhi? Haa. Waxay tidhi “no fish wooter tarabal.” Wax caynkaasa oo miyaan karayaa. (Do not fish in troubled waters) Markaa qudhunkaas uumbuu faraha kula jiraa cimrigii. Dadkii yaqaanay sidaasay yidhaahdeen.

Deeqa: Naa wooter trabalkaase, isagaase eediye. “Caaqilo halkii lagu galay caw ku hurudaaye.” Isagay dambarsan doontaa. Shib ka dhaha dago xaawalayeey. Waxaanse isaga iyo kuwa maanta isle Isaaq isku dira oo kala kaxayntooda kursi ku hela u sheegayaa. Waa tay ku go’aan; inaanay u suura gelayn. Waxaanu leenahy somaliland waa wada walaalo. Kii Ilaahay u garto ayaa kursiga fuulaya. Qolana angu odhan mayno ma geydo. Ciduu doono ha ahaado. Laakiin inaydin mar kale Isaaq kala qoqobtaan oo naxli kula wareegtaan. Xaasha. Xaaraantii nebi xarrimay. Calayhi salaatu wasalaame. Baabacadaa timo may ka soo bixi. Abadan. Cawilna, waxba yuu soo dhumaalaysan oo 127 qof soo jiidhin oo qabaa’il dhan soo dhuqayn. Khuuradiisa waanu ognay. Garxajis buu is leeyahay walaalahii ku dir. Waataad eeddaa Cawilow. “waaba lax baa lagaa yidhi.” Waxii yaraa ee ku dhex jirayna way ka heshiiyeen. Dadkooda ayay wax la qabsanayaan.

Haweeya: Naa na dhegeysta dee. Naa anna qabadhaasan meelay joogto ka fogaan waayay. Naa bal u kaadi. Ilmaadeerayaal kuwan dumar ahi qaylo badanaa. Wuxuu yidhi Muse Carre iyo Adan Madoobe Yuhuud bay cad ku leeyihiin. Inkasta oo uu yidhi nin kale ayaa sidaa igula kaftamay.

Deeqa: Yuhuudaa? Yoomul Qiyaamaha lagu shid. Keebaa yidhi ninbaa igula kaftamay? Nacstiiyey. Hoogtoy. Tii aqoonta qaanso qurqurkeed loo saararay. Naa orodoo is doox caanyo yahay. Ma inta wax lagu yidhaa ayuumbaad iska soo qaadanaysaa sidii dameer malab la saaray?

Haweeya: Hee. Maxaa dhacay? Naa maxaad igu xuubsatay?

Deeqa: Naa weligiiba run muu sheegin. Isagaa odhanaya. Markaasuu rag kale ku xoqanayaa. Waxa lagu leeyahay siduu isu miskiiniyo. Siduu dhulka isu dhigo. Siduu isaga oohiyo sidii mid run sheegaya tacajab baad u go’aysaa. Dhabankaa iyo shantaas ayuumbaad isa saaraysaa.Weligaa ha rumaysan. Muse Carre iyo Adan Madoobe wuxuu Isaaq yahay ayuumbay yihiin. Yuhuudna ma aha ee waa ahlu baytkaa ashahaadanaya ee islaamka ah ee islaamku dhalay ee ashraafta ah.. Naayaadhaheen. “sitoy Faadumo Rasuuleey sawjaddii Calaay. Maalintii bacad kulayl biyo nasii.” Eeg eeg eeg. Naa eeg. Intaa wuxuu is leeyahay kolba laba reer meel madaxa isugu xidh. Naa ma dadkaanu lahayn haydin hoggaamiyeen oo qabyaalad haydinka saareen ayuumbaa halkaa maanta na marinayaa. Ilaahayow tooba. Ilaahow intaanu iska dulqaadayno meel xun loo qaadkan nagu sin. Ilaahaw adaa qaadiree qasaare ha nagu ridin. Ilaahayow waad aragtaa umadda laysku dirayo ee addoomahaagii ah ee aan is necbayn ee wada dhashay ee wada xidi iyo xigaal ah. Ilaahow adaanu kaa hoos gallay. Anaga ka Isaaq, ka Samarroon ka Daarood ka dad kale ah waa isugu kaayo mid kii wax khayrle na taraaba. Kii dhibta iyo dhuguca wax nooga qabtaaba waa kii kale. Ilaahow quluubtayada isu soo jeedi. Ilaahow wixii xun naga qabo. Naa dee aamiin dhaha afku idin go’ miyaan idhaahdaaye.

Haweeya: Wuxuu yidhi Burco ayaan tegey oo markaan Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar soo xidhayay Habar Yoonis tii way dhunteen. Markaasaan intaan sidaa suuqa isu dhex taagay idhi. “car soo baxa dee haddaa rag tihiin oo Suldaanka wax ka celiaya.” Iminkana Ina gaboose ayaan dayaarad u saarayaa Gaalgacayo. Kuwa la socdana waan xidhayaa.

Deeqa: Birriq birriq. Muxuu yidhi baa tidhi? H. Yoonis baa iga yaacday. Naa ma Ina Rayaale ayuu ina moodayaa inagana. Kaasuu waxaa ugu sheekeeyaa baa layidhi ye. Waar orodoo cidaad waxaa ugu sheekayn jirtay ugu sheekee. Habar Yoonis boqortooyadii Ingriiska ayay ka yaaci weyday ee ma adigay kaa yaacaysaa. Miyaanay ahayn raggii Giib diley ragguu sheegayaa? Hawl yar yari. Naa maxaa afka laysku jaqayaa oo laysku lumayaa? Naa heedhee naa tolow yaa i tusa? Walaahi intaan cunahaa la ledo ayaan ceejin lahaaye. Naa haddan gartay. Naa gabdhiisa inoo geeya aan ku soo boodnee isaga waxa layna odhanayaa oday raq ah ayay faro saareene.

Haweeya: Dee halkan ma joogto.

Deeqa: Aabhaa weydee? Naa miyaad iska hadlaysaa? Oo ma da’danuu soolane ku yahay? Silic ku dhimo miyaan idhaahdaa? Oo illayn waa wuxuu la lismay ee la madhay. Oo naa halkuu wax ka cunaa?

Haweey: Dee moojidiisa. Waxaan maqlay guriga Ina Rayaale.

Deeqa: Oo illayn ninkuba in yar oo hadhuudha oo madaxtooyada laga siiyo ayuu inagu galaaftay. Waar iskaga kaalay dheh anaguba waanu kuu karine kadab go’e. ma cimrigaasuu doc guri kale ka cawlan yahay. Waar hudheeladaba tag dhe. Habeenso eh. Ha na ceebayne.

Haweeya: Naa sidaad mooday maaha. Cunto muu waayin iyo cid u karisa toona. Ilayn inanba wuu qabsan lahaaye. Naa waxa lagu leeyahay ninka xukuumadda ku jira ee Ina Rayaale la casheeyaa, waay la tahay inuu carrabka cirka la gaadhay. Naa iska aamu war ma hayside. Naa garawgu waa derejo. Cilmi Jaamac Ciyaar mood. Naa illayn habeensato dunida waad ka huruddaa. Naa raggeenii ma noola. Hambada Ina Rayaale ayuumbay sidaa kuyuu ugu jiraan baa lagu leeyahay. Akhas calykum. Wejigiin gubey. Waxay yidhaahdaan oo hankooduba yahay baa la yidhi. “caawa anigaa soo seexiyay oo la soo casheeyey. Nin igagama dambeyn.” Markay inagu soo noqdaana waxay yidhahdaan “calooshaa caawa i yar xanuunaysee iska casheeya.” Calankiin jab. Naa walaal malaa sheekhii baa ina habaaray waxani nacasnimo ka badane.

Deeqa: Naa horta inaadeeray maxaad dhiiggayga shan uga dhigtaa ee aad waxaa aniga iiga sheekaysaa? Markayga horebana dhiig kar baan leeyahay oo Maxamed yare markii aan uurkiisa lahaa sidii uu iigu dhacay igama teginba. Iminka waa lix sano iyo badh. Laba habeen baa malaha ka dhiman qiyaaastii. Haa. Cirkaasuu isku shareeraa. Iminka intaa kurta ayaad mooddaa in dubbe laygaga garaacayo oo labada dhafoor iyo mergiga ayaa gaw gaw gawdaa i haya. Isaga dhabarka hadalkiisa daa. Iyag garbaha oo dhankan degta soo xigta iyo labaa gacmood iguma yaalaanba. Sidaa gacanta uma qaadi karo oo dhankaa ma jalleeci karo. Dhakhtarna ma tago oo Ilaahaybaan iska aaminay. Isagaa qaadir ahe.

Haweeya: Alla ha ku caafiyee wuxuu yidhi......

Deeqa: Naa naga daa qidhim laga siiga waxna odhan maayo kaasiye.Intii horaanu ku xanuusanaye. Naa sanadkaa maanta ah cidna siri kari maayaan. Meel walba waa laga bartay. Isaaqna iskuma diri karaan. “Mar i dage Alla ha dago. Mar labaad i dagese anaa is degay.” Baa la yidhi. Ta kale markay afka inoo geliyaan ee aynu Isaaq Isaaq da uun gurno dadku waaxaabay moodi in wax kale loo jeedo. Looma jeedo. Xukuumad dib inoo celisay oo halgankii taariiikhdiisii baabisay oo dadka dhafoor taabanaysa ayaynu gacmaheenna ku keensannay. Iminkana aan iska ridno marka doorashadu timaado. Kana feejignaada isku dirkooda oo dadka walaalaha ah yaan la kala soocin.

Waa inoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment