Tuesday, August 25, 2009

Ma Ogtahay Dalkeennii?

DALJIRE
(Ma Ogtahay Dalkeennii?)
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe: Waar iska aamusa nimanyow. Waddadiiba la mari kari maayo.boholaha, gaadhiga duulayaa, siigada. dameeraha, dadka iyo waxa is dhex qaadaya. hoon baabay kugu dhego barjaynayaan.

Waxaaba u daran basaskan carruurtu waddo ee birta weyn afka hore ku samaystay ee aan waxbaba ka joojinayn. Waar yaa Allah yaqaan?

Doolaal: Waddooyinku waa iska ladan yihiine dadkii baan sharciga u hoggaansamayn. waabay ku caayayaan haddaad tidhaa waar haadkaaga qabso. Iyaga miyanad arag kuwan la yidhaa Anigaa Kaxaysanaya ee Shaamboo Xayraanka wata? Waxa la yidhi intay jago iibiyaan ayuumaby gaadhi ku bedeshaan oo iyagoon hore gaadhi u kaxayn ayuumbay odhanayaan “anigaa kaxaysanaya”

Dubbe: Waddadu waa ladan tahay dhegeyso....


Doolaal:
Waar muxuu ahaa kaa kuu qoslaya ee leh maxaa waddooyinka loo samayn waayay? iyo cashuur baa la qaadaa iyo wax….. ma kuwii qurbaha ka iman jiray baa waakan sharabaadada ku qayilaya eh? Waar iska bixi yaa yidhaa bahala “cajaayibkooda” meeshu waa Hargeysa oo waa kulayl eh.

Dubbe: Oo maxaad u sheeganaysaa hadduu yidhi maxaa wax loo hagaajin waayay? Malaa idinku qofkii yidhaa wax ha la hagaajiyo afkaa goosanaysaan?

Doolaal: Waar mayee waxaan nacay mid intuu meesha u soo qayilaad tago markuu geed fujis ah ka saaro yidhaahda maxaa sidaa loo yeeli waayay. "Habar fadhida legdini wax uga fudud." baa la yidhi. Meel rag kaadidooda u soo cabbay ayuumbay nac nac la soo doontaan .

Dubbe: Waar ragna ma tihidine, iyaba doolar bay u soo cabbeene dhegeyso. haddaanay dadkeenu qurbaha ku maqnayn oo doolarka is daba joogga ah soo dirayn ma la dhex joogi lahaa bay kula tahay tan bilaa ictiraafka ee aydin welib tuumbada ku nuugaysaan? Sac sac ma ka raaci lahaa? Ta kale ma idinkaa meel kaadi u soo cabbay? manifesto fowqal maanifesto. idinkoo wax adduun ah bac ka sita ayaa timaaddeen dalka oo xamar ka soo qaxdeen markaanu xoraynnay. Sawdinkii bacda la wareegi jiray maaha. Rag baa kaadidoodii ku joogtaane iska aamusa haddaba oo masaakiinta reer Europe iska daaya.

Doolaal: Maya inaadeer. Daf ayuumbay ku soo odhanayaan sidii daadkii Xaabaale. maxaa sidan loo yeeli waayay? bujuu bajaa. Hadda gebigoodaba raggaa isu keen waax waaxa ee leh maxaa sidaa loo yeeli waayay dumarkaa ka adag baa la yidhi oo laxooxda ayay dubaan markay xaggaa joogaan. Allahayow saw laxoox rag qooshayaa bacbac weynaa. Wallaahi sibidhkay daloolinayaan. Waar ordoo naagahiinna iska celiya dheh.

Dubbe: kkkkkk. Waar miyuu waashay wuxu. Ma waxaad leeday “korkooday ka muuqdeen waxay kimis walaaqeene.” Waar badaw yahow marka halkaa la joogo bahasha lama garaaco sida halkan. Eeg. waxay isticmaalaan mishiino markiiba brrrrriiif ka siinaya oo qooshaya. Ta kale laxoox ma yidhaahdaan. magaca ayay ka bedeleen ilayn nimanku waa reer magaal eh, oo waxay ku odhanayaa Baan Keeg ( Pan Cake) ayaan samaynayay. Haa dee. waa ku sidee. Badaw. Midda kale ma ceebbaa waa rag haweenkoodii wax la qabanaya oo masuuliyadda ka soo baxaya eh. Ma kuweenan iska qayilaya baad moodday?

Doolaal: Waar naga kaxee nimanka. Waxaasi waa waxuu ka xanaaqay Madaxweyne Ku-Xigeenkuye. Waa kii yidhi raggaa Europe weliba Ingriiska ka imanaya inaga hubsada.

Dubbe: Waar waxani xanaaq ka badane ma meel aad sugaysay baad is leeday wuu doonan ninku? ma reerkiinnaa?

Doolaal: Mayee wallay iga tahay. cid Allaale ciduu yahay. Laakiin waa isku wada mid.

Dubbe: Waar faraha ka qaad nimanka. Wallee iyagaa lagu riiqriiqayaa. Aan wax kuu sheego. Maalintii dhaweyd kii i ag fadhiyay ee lahaa Ingriiskaan ka imi ma arkaysay? wuxuu i tusay waraaq uu qorayay oo gabay ah. saxiibkay baan u dirayaa buu yidhi. Walaahi waan yaabay. Oo illayn nimanku waabay gabyaan. kuwaasaad tidhi laxoox bay dubaan. Maxaydaan iskaba war hayn.

Doolaal: Oo muxuu ka tabac tabac siiyay illayn kollay gabay garan maayee?

Dubbe: Horta ninkaasi kollay Ina Xaji Dahir ka gabay wanaagsaa. Belo ku degtay. kiina ma joogaa . Idinka iyo UDUB tiiniibana digada ayuu ka dhigay. tolow mise anuumbaa u qushuuca waxii wax idinka sheegaba. bal waatane eeg koobi buu i siiyay. Waar nimanku waxbay u fiirsadaan. intaa aynu mirqaansannay iyana waxbay u fiirsanayaan

wuxuu yidhi

"sida loo jirrabayee
jixinjixa ka dheeree
dadka loogu joor falay
jidhiidhicaa i qabatoo
jidhku way dubaaxshee
Jaamacow dalkeenii
jabadkeenii ma ogtahay?

Dadkii lama jihaynoo
shaqo lagu jarmaadiyo
camal ay ku jeestaan
hawl looma jaangoyn
inuu shicibku juucii
iyo jahawareerkii
suuqa jalabutaystoo
hadba jago ku diriroo
jarraaf laysla dhacayoo
jigraa laysu naco oo
lays jaraayo ma ogtahay?

Jirro iyo xanuunkana
ruuxii la jiifsada
hadd ii aan jannaalahu
debaddaa ka jirinoo
doolar jababacleeyiyo
jeeg aanu soo dirin
haddii uu jibaadiyo
haddii uu jalaadaba
kiniin jebiya kaarkiyo
jal inaan la siinayn
uu jiciirtay ma ogtahay?


Jidka laamigiisii
wadadii jameecada
juun iyo dhankeedii
inta jebelka buuraa
dhinacaad jalleecdaba
sida jararka inay tahay
jeexjeexa dooxyada
halkaad jeeni saartaba
in lagu jabaayoo
laga joogo ma ogtahay?

Xarkii jiifay dhuuxiyo
Aboorkii ku jiray baa
Kala jaray dhexdiisee
Inuu UDUBkii jabayoo
Buulkii janjeedhoo
Jenbigaa u yaalloo
dad ku jiifo ma ogtahay?

Jacda iyo digtii nabar
ina ay jugtii weli
la jibaadayaanoo
jiiqdaa hayaanoon
loo joojin ma ogtahay?

Hadduu jiilanaan jiray
dadku jamac u buuxeen
Jaamo qaad ma sheegine
inta jago ka hayseen
jiho kale dayeyn iyo
is jadiidiyaay tii
Guurtidii Jujuubiyo
inta Jiwan ku nool iyo
in jidiin la rooriyo
in ka joogta debiddiyo
jaahoodu gubayow
kuwa jecel qabiilkiyo
jaajuus gaboobiyo
jabhaddii in neceb iyo
in jibbaysan iyo habar
juquf jaaquf mooyee
in dadkii ka jabayoo
ka jaqaafshay goraygii
oo laga jeestay ma ogtahay?

Janno orod ku dhaafow
Jiirabkaba ninkii baday
Wuxuu daarta jiifoo
Ishoo jugucda haysiyo
Jeedaalo mooyee
wuxuu juuqda diidaba
wuxuu jabaqda dhawraba
markuu jeebkii buuxsaday
uu jeexday daartii
Jarmal iyo markuu tegey
Dhulkay joogtay gaaladu
inuu Janan Rayaalena
u jaraystay geenyoo
jimicsiga la oogsaday
uu jaflaystay ma ogtahay?

inuu jaase laawow
dhegi jalaqba yahayoo
jid iyo ceelba diidoo
jaguug madax adkaadiyo
jikaar curiye yahayoo
dadku jaabe jaabiyo
jirri aan wax tarin iyo
jirriqaa la yahayoo
intuu jaranjar dheer koray
sida raha jidhaamaa
oo Jiilaal ka baxayoo
xareeddii jilbaha dhigay
inuu heesta jiibshoo
jawleeyay ma ogtahay?


Dumar waa jabkoodee
Ragna jaadka weeyee
Jaalle Ina siyaad iyo
Halka lagu jabaayiyo
jidkii dawladiisii
iyo caga juglayntii
inuu jaanta saaroo
Jean (Jean Bedel Bukasa) uu la baxayoo
jaafaajugleeyoo
ruuxii hor joogsada
ama soo jalleecaba
ama juuq yidhaahdaba
jiqilkaa ka feedhoo
jeelka geeyo ma ogtahay?

Xaajada ma jare dego
Uma jiino miiqnoo
Uma jeeni qaartoo
Uma jeesto curinteed
Jiq halkay ka noqotiyo
Kama jeebo muruggana
Misna wuu jareexaa
Go’aankii la soo jaro
Wuu jadeerwacaa abid
Sida wiyisha jidhifta leh
iyo jeerta webiyada
inuu jiidhay Golahii
Distoorkiina jebiyoo
xeerkii jarjarayoo
jar ka tuuray ma ogtahay?"


Doolaal: Ma anaguu na yidhi dadkii baa ka dareeray? Maxaan kuu sheegayay? Ninka iminka dalka soo galay baa leh dadkiibaa UDUB ka dareeray. Waar kani malaa waa kii ay ku baxday “iska hadlow ina Igarre.” Bal cidda laga dareeray waa la arki. Ta kale bal eeg weli duamrkii buu ka baqayaa waa ninka yidhi “dumar waa jabkooda ragna jaadka weeyaan.”

Dubbe: Dhammee dee hadalka maxaad u kala reebaysaa. Dheh dee waanu boobaynaa, Doorashaba dhici mayso iyo wax la mid ah dheh dee.

Doolaal: Way dhacaysaa. Sawnagii kuwii horeba qabannay.

Dubbe: Waar dhammee. dhammee hadalka. Waannu maqallay inaad tidhaahdeen “dadkani ma mabd’buu leeyahay mise waa wax micno leh oo wax kala garanaya. Bisha doorashada ayuumbaanu waxoogaa qaada u qaybinaynaa oo afar oday loo kala diryayaa.” “ Waxoogaa arrimihii qabyaaladda iyo dagaalkii sokeeyana waanu taataabanaynaa.”

Ma dadkaa caayaysaan oo qaad lagu iibsan karaa? Ma dhallinyarada adduunyadu ku soo oodantay shaqo la’aan iyo mustaqbal la’aanta ee maqaaxiyaha tuban ayaa cimrigooda qaad maalina ku iibsan karaysaan?

Afartii oday ee dadka ku odhan jiray “waxbuu innoo oggol yahayna” isagaaba fashilayay markuu waxba u oggolaan waayay qaarna waxay ka soo qaadaanba iyagu is mariyeen oo waxba soo dhaafi waayeen. Waa laga ilbaxay. Aayaha dalka ayaa manta miiska saran. Laydin baray.

Doolaal: Maanagaa waxaa nidhi? Brobagaandhaha rakhiiska ah la tag. Waxaasi waa waxa shicibka ku jahawareerinaysaa. Anaga dadkaa na jecel oo noo codaynayaa.

Dubbe: Waar dadkani waxaa way ka ilbaxeen . Doorkii hore ayaa isku dirka waxoogaa ku hesheen. Wallaahi bay idinka tahay. cid dambe oo aydin isku diraysaan iyo qabyaalad caanteyn ah iyo kala qayb qaybin dadka ah. Intii aydin isku diri jirteen Burco na way heshiisay. Hargeysina way ka horreysay. Booramana iyadaaba hooyada iyo hoyga nabadda Somaliland ahayd.“Ka naxow nafta waa.” Maryo Alool iyo Maleeshiyo dambe oo u kala warrantaan ma jirto. Ma jidho. Bal maa qoryo noqotaan iminka.



Waa inoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment