Tuesday, August 25, 2009

Siduu Daalac leeyahay ama Deyn ka maqan yahay

DALJIRE
(Siduu Daalac leeyahay ama Deyn ka maqan yahay)


By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Doolaal: Waar maw diyaar garawdeen dabbaaldeggii 18May ee dhalashada dalka?

Dubbe: Maxaa loo dabbaal degaa ee dalka u qabateen illayn cidla uun lagama dabbal dego eh?

Doolaal: Oo waayo? Maanta maalin aynu ka fiicannay inama soo marin. Nabadad baynu ku joognaa alxamdu lilaah. Adhigii Sucuudigii baa inaga qaadanaya. Ictiraafkii wuu soo dhaw yahay oo iminka caalamku il gaara buu inagu eegayaa. Wufuuddu dalka is-dabajoog bay u timaaddaa.

Dubbe: Horta nin yow hunguri xumo waan kugu aqaanay oo waa waxan aad ugu jirto waxan laakiin nacas kumaan moodeyn. Saw illayn hunguri xumada ayaaba nacasnimo ah umaan fiirsanne.


Doolaal:
Ma anigaad nacas hunguri xun igu sheegeysaa? Horta yaa lagaaga ashtakoodaa ninyow? Yaa ku qabta?

Dubbe: Maxaynu u dabaaldegnaa? Ma biyo la’aanta? Ma shaqo la’aanta? Ma dawo iyo dhakhtar la’aanta? Ma Dhallinta suuqa tuban? Ma waddo la’aanta? Ma deked la’aanta? Ma ictiraaf la’aanta? Ma dawlad la’aanta? Ma laydh la’aanta? Ma gobolada maqan? Ma distoor burburinta? Ma naafada mujaahidiinta ee suuqa daadsan? Ma Golayaashan madaxa aydin isu sudheen? Ma ganacsatadan la curyaamiyay? Ma adhigan la boobayo ee ragga loo xidhay? Ma dhulkan lagu dhammaaday? Ma caddaalad xumada maxkamadaha ka taagan? Ma dulmiga laysku xidhayo? Ma dalkan illaa iskraabkiisii la cunay? Ma giimbaarka Burco laga bedeli kari waayay? Ma Riyaalka Boorama ka socda?

Ma idaacaddan miisaaniyad walba ku jirta ee aan weligeed imanayn? Ma gawaadhida Killalka 5aad lagu gubayo?Bal wax alla wax alla wax umadi qabsan karto oo aydin qabateen ama hore u mariseen oo maanta aan u damaashaado ii sheeg?
“habar roob hayaa inuu dadkoo dhan hayaa bay moodaa.” Baa la yidhi. Malaa haddaa idinku jeeb walba buuxsataan meel walbana daaro ka dhisataan berri Carab iyo berri Sawaaxili habeenka 18 May na Madaxtooyada cashoo weyn ku samysataan muusigna laydiin tumo waxa u haystaan in dalkii hore u maray oo dadkii dhergey? Alla idin qabay.
Anagu waxaanu ku ducaynaynaa in Ilaahay dalka idinka soo gaadho. aamiiin

Doolaal: Waxaasi waa waxa nabadda ku khalkhal gelineysaan dadka ku jahawareerinaysaan. Waar ummadda danteeda ka shaqeeya oo agteena iyo deriskeena waxa ka dhacaya la socda umaddani uma baahna wax wareeriya ee wax u fakira ayay u baahan tahay.

Dubbe: kkkkkkkkk. U fakira aah? Ma idinkaa ka hadlaya dan iyo fikir iyo jahawareer iyo wax la mid? Waar ordoo is dooxa.
Xalay ninbaa debedda igala soo hadlay. Qoladaa debedduna intay goor xun kula soo hadlaan oo adigoo mijintii xumayd markaasuun ka gam’ay ku toosiyaan ayuumbay ku odhanayaan “bal warran?” Maxaanu ku warranaa waad na toosisee? Markaad tidhaadhana waxay ku odhanayaan “anaga waa duhur dheer.” Dee yeelkadiin eh mar aanu soo jeedno nala soo hadla. Markaanu qayilayno ee wax kala garanayno nala soo hadla dee. Muxuu nin dhalalawsani kuu sheegiba?

Doolaal: Horta ma aragtay? Muxuu yidhi markaa?

Dubbe:

1)Kuye: Dubbow waa Qurbaawiye
Muddaan debdda joogoo
Daltabyaa i haysee
Dalka dhalashadiisiyo
U dabbaaldegiisiyo
Dalxiis baan u imanlaa
Ha yeeshee midkay daran
Diirka aan ka qaadee
Duunkaan ka necebee
Daahir weli ma joogaa?

2)Ane: Daahir? Daahir? Daahir?
Dadku waysku magacyee
Daahirkaasi waa kuma?

3)Kuye: Is diidsiintu waa maxay?
Ma Dallaayad baad tahay? (Haji Dallaayad AHN)
Dee markaa darjiidheen
Kaa doorateenee
Dusha nagaga keenteen

4)Ane: Digashadu ma fiicnee
Dacar haygu kicinine
Ninkaad daalibaysaa
Wuu joogay daartii
Dawladdiina baabii.
Waxna doorin maayee
kursiguu dalooshee
Dusha uun ka saarnaa
Wuu diiriyaa weli
Oo nagu dillaalaa


5)Kuye: Goormuu ka degayaa?

6)Ane: Shinkiisii ma durugsana
Dabayaaqo weeyaan

7)Kuye: Musuqii ma damiyoo
Duunyaduu dhacaayiyo
Dekedduu cunaayiyo
Mayska daayay boobkii?

8)Ane: Hayaaaaaaaay!
Mayee wuu ka sii daray.
Maba digigixoodoo
Dadkoo wada arkaayiyo
Duhurkaabu qaataa
Dalalkaa carbeed buu
Daaraha ka jeexdaa
Daa maba dhegeystee
Siduu daalac leeyahay
Ama deyn ka maqan yahay
Waabu noogu dudayaa
Daya kii yidhaahdana
Daakhilkaabu dhigayaa
Dayaxuu ka qariyaa

9)Kuye: Daayinow adaa weyn
Naga deyr belaayada

10)Ane: Dulmiguu ku naaxaa
Derajaabu moodaa
Aakhiraa dambaysee
Isagay u daran tahay

11)Kuye: Total dabar ma lagu xidhay?

12)Ane: Iyadaaba dawlada.

13)Kuye: Dadka shaqo ma siiyaa?

14)Ane: Ma dan buu ka leeyahay?
Deeq Allay ku noolyiin
Dumaddiisa weeyaan

15)Kuye: Duumada wax laysiyo
Cudurkii ma dabar jaray?

16)Ane: Ha ku daalin taasoo

17)Kuye: Biyihii durdurayiyo
Dooxyadii miyuu xidhay
Ma ka beeray dalaggii?

18)Ane: dood kale ma haysaa?

19)Kuye: Ciidankii dirayskiyo
Derajadii ma siiyoo
Degta mawgu xidhan tahay?

20)Ane: Dable miidhan weeyaan.

21)Kuye: Dawlad maamulkeedii
Dacalada ma geeyoo
Ma ka simay dalkoo idil?

22)Ane: Isagaaba kala diray
Dalkii jeex dhan baa maqan

23)Kuye: Doodaasi waa maxay?
Dabuubtaad i leedahay
Waar ma dawlad baan jirin
Sideen loo difaacayn?

24)Ane: Bal is deji wadaadow
ciddaad doonto weydii

25)Kuye: Daahirkiisa mooyee
Alla doori naga daa
Oo dalkii siduu yidhi?

26)Ane: Dhakhsahaad u diirtiyo
Durba qiiqa kaa baxay
Sheekh ma daasad baad tahay?
Mise yara he dii-daa?
Debed iyo amuurteed?

27)Kuye: Dee maxaan sameeyaa?
Adigaa i durayoo
Warkaa dacar dhadhamayee
Ogi duurxulkaagana
Waxaa kuma dambaabee
Dalka kuwii xoreeyiyee
Dhiigooda daadshiyo
Ma daryeelay naafada
Agoontii ma daafacay?

28)Ane: Demanow Qurbaayow
Doqonow war laawow
Doolar soo dir mooye
Dareenkiisu liitow
Dad iyaguu u neceb yahay.
Doqonnuu u haystaa

29)Kuye: Waar ma dacaadda Ilaah?

30)Ane: Eray beena kuma darin

31)Kuye: Oo haddaa dullownaye?
Oo maa is dooxdaan?
Ama daar ka booddaan?
Ama daadka raacdaan?
Doqoniimo waa shile
Maxaa daawanaysaan?

32)Ane: Dadku aduu ku sugayaa
Iyo dabagalkaagee
Aad na daadahayside
Horta Daalo soo raac
Noogu kaalay degelkii
Jab ba wuu dambeeyaa
Tu kalaa ka sii daran

33)Kuye: I dishaye maxaa hadhay?

34)Ane: adaa taarka soo diray
Daf adaa i soo yidhi
Farna kuuma darin weli

35)Kuye: Ilaah daa’imaa jiraa
Dibba haygu sii dhigin
Ha i leeftee soo daa

36)Ane: Diricyadii dalkaw kacay
Doorroonayaashii
Daayacay ku noolyiin
Jidhku wuu damqanayaa
Naftu way ku diiddaa

37)Kuye: bal qasuumadaa daya
Waar saw dillaacee

38)Ane: Gaajadu ha dubatee
Diihaal ha laayee
Hadduu deyn lahaa uun

Kuye: AAAAAAAAAAAAAAAAAA

Ane: Dhegtii bay dillaacdee
Dinnaahyayntu waa maxay?
Ma mas duuban iyo halaq
Duulayaa ku weeraray
Oo dusha kaaga soodhacay

39)Kuye: Ma wax loo dulqaatiyo
hadal diirran baa tidhi?
Naftaa duuli gaadhoon
dabadaa ku soo dhegey.
Oo miyuu danqaabaa?

40)Ane: Dakharrada ku yaal iyo
Doogtii ha miratee
Darxumadu ha madhisee
Hadduu dayn lahaa uun

41)Kuye: Naa tigidhka ii doon
Oo miyuu durreeyaa?

42)Ane: Cadho haw digleeyeen
Ciil haysla duubeen
Derbigaa ha jiifeen
Hadduu dayn lahaa uun

43)Kuye: Dad allow bal kaalaya
Daandaansi badanaa
Dibbiraan la hayn karin
Durduro geelbaa ku jaba
Oo dabadeed muxuu falay?

44)Ane: Dubbahuu la dhacayaa
Dar wuxuu ku maaga
Gaboobey u doodeen
Farriimaa ku daabacan
Garamada daloolee
Dusha ay ka xidhanyiin
Anay ii dan leeyiin
Duubcas uu samaystiyo
Askar buu u dirayaa
Jeelkuu u daabulay

Dar wuxuu ku sheegaa
Kuwa qaranka dumiyee
Dawladii curyaanshee
Dabar iyo hoggaan sudhay
Damaciisu wuxuu yahay
Dabin iyo shirqool iyo
Deldelaad la beegsoo
Ka dhaqaaji dunidaba

Darna waabu caayaa
Afxumuu la doontaa
Dugaag buu sheegaa


45)Kuye: Waa deris la yaablee
Dabadeed maxaa dhacay?

46)Ane: “Deero deero ma hirdiyin”
Ha ku dagan dagaal yahan
Nacas dacayle haw filin
Dadkooday u naxayaan
Dalkooday u tudhayaan
Dagaalbay la nacayaan
Dulcad bay xusuustaan
Dulqaad bay ku koriyaan
Doorashay ku simayaan
Hayska cuno dubaaxdee
Daribtiyo baruurtee
Duleedkay ku sugayaan
Laftuu diirtiyo uu naco
Duuggay u hadhayaan
Isagaa ka digo rogan
Hadday dani tidhaahdana
Hadda dib ugama laabtaan
Dulmiga iyo wixii wada
Inay daanka jebiyaan
Kuma dilin nin kuu digay

47)Kuye: Oo dadkii siduu yahay?

48)Ane: Waa ul iyo diirkeed
Daruur caafimaad baa
Dushoodii ku hoortoo
Doorkan way israaceen
Dibna looma kala furo.

49)Kuye: Dannigii miyuu baxay?

50)Ane: Dabayl qaadday baa timi

51)Kuye: Oo diradiraalana?

52)Ane: Gabalkiisu wuu dumay

53)Kuye: dilaal iyo sharkiisana?

54)Ane: Waa laga digtoon yahay

55)Kuye: Duq hunguri kaxeeyana?

56)Ane: Deebaaq ha heensado. Waa loo dawari kaa.

57)Kuye: Duuflaal maxaad tidhi?

58)Ane: Dambaskaaba laga dhigi

59)Kuye: Dusdusaaga iyo tuug?

60)Ane: Duhur baa la soo qaban
cunahaa dig laga siin



61)Kuye: Haddaan degey haddaan degey
Oo diiq baan ahaayoo
Way igu daba yaraydba eh
Waxse iga dardaaranna
Daraf iyo illaa daraf
Dadk yaan kala dilin
Dar Allay u wada yiin
Duul wada dhashoon nacab
Kala didinin weligood
Dalka way u simanyiiin
Cidna yaan la duudsiyin
Durbaanada colaadeed
Rag dumaaya baa jira
Daahir inuu ka kow yahay
Dareen baan ka qaatoo
Danni baa igaga jiraa
Isha yuu idiin dabin
Duullaankuu soo wado
Ka bakhtii dabkuu shido
Nabad baa la doogaa
Duugeedu waaraa
Ku dadaala abidkiin
Isku duubni baa dana
Dikrigana Ilaahay
Ducadiisa laasima
Dabadeed rasuulkii
Ugu deeqa salligii (Allaahuma salli wa sallim caleeh)


Waa innoo toddobaadka dambe, haddii Eebbe idmo

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment