Sunday, August 16, 2009

........Idinku Adur uun Dhaha

DALJIRE
(("........Idinku Adur uun Dhaha")

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Waar heedhee, waar bal mijintaa soo tuur. Oo inaadeer qaadkaagu manta wacanaa.

Doolaal: Waar iska qayil oo iimaanso kaagaga, qaad rag kale ayuumbaad tidhaa soo tuure.

Dubbe: Dee waxaa iska daayoo ii beddel taa. Qabo.

DoolaaL: Hoo ka cad ha ku rooro e.

Dubbe: Waar heedhee taan hayayba ilaabay eh. Waxan aydin ayaamahan ku hadlaysaan waa maxay? Ma intaa waxaad doontaan samysaan oo dadka iska xidh-xidhaan oo lacagta daldalataan oo sharciga jebisaan ayaa haddana odhanaysaan “nabadda haynaga xumaynina.”

Doolaal: Maxaad haddana maqashay? Waar illayn nin intaa wax xun uun raadinaya. Waar ninyow haddaba iska naso oo anagana dhegaha nooga bax aan iska qayilnee.

Dubbe: Oo ma maxaad maqashay bay leedhay? Maalin walba tii hore mid ka daran baa ku kacaysaane. Waxa kale oo aan ka yaabay. Raggan waaweyn ee idinka ahi markay waxan ay shubayaan ay dhameeyaan ee ay xaafadahoodii tagaan tolow ma qoslaan oo maysla yaabaan ama ma ooyaan? Waar ma waxaanad maqlayn rag waaweyn oo leh “xataa xumaanta haddaa aragtaan oo ay dhab tahay ha qorina nabadda ayaa inaga xumaanaysa iyo ictiraafka eh” “musuqmaasuqa haddaad sheegtaan saw dunidu inna ogaan mayso, ha qorina” weli miyaa waxaasoo kale Ilaahay kutusay?

Doolaal: Oo maxaa ku jaban haddii la yidhaa waar dunida buuqeena ha gaadhsiinina?

Dubbe: Waxa aydin la mid tihiin wadaad-ku-sheeggii intanta xanuusatay loogu yidhay ee markuu quruxdeedii arkay hungurigu ka galay ee yidhi “Waxaan ku akhriyayaa aayado aad u kulul eh hadday qayliso oo waxay doonto ku hadasho idinku adur uun dhaha oo ha soo gelina guriga” dabadeed wadaad-ku-sheeggi inantii buu kufsaday markay tidhaahdo “I kufsayeey! Iga qabtaay!” wuxuunbay yidhaahdaan “Adur.” Markaa iminka inaanu adur nindhaa baydin doonaysaan oo aan cidi juuq odhan. Wallee kuma leddaan.

Doolaal: Waar annagu waxaanu leenahay waxaydaan hubin hayska qorina oo cid uun dusha ha saarina oo fadeexadda iska daaya.

Dubbe: Allaylehe idinkaa isk hadla oo weliba mataga. ‘aar ma maqlaysay waxii Madaxweynuhu ku hadlay maalintii dhoweyd ee Cabdi Idris inagu soo saydhay? Waa ninka yidhi “ha karaama seegina habaar laygu kari waaye.” Samarroonna maxaa u geeyey? Cabdow adiga iyo ciddaad afkooda haysayba “hadalku wuu kaa qaldamay waanu kaa qoyay e. Wuu kaa qandoodaa sidii qodadka waaweyne. Qorkaa laga idleeyaa intuu kuu qarsoon yahaye. Qiimigii afkaagii ka madhay qaanna kugu reeb.” Buu yidhi Cige Aw Cali (AHN) . “Haddaan nabadda loo wada Qasdiyin wayska qiil jaban” buu yidhi Faarax Nuur (AHN) weliba gabayadan kale ee uu tiriyay Cisman Gacmadheerena ku darso

Ninka aad u hanaysey
haybaddii waddankiinna
Oo taajkiisii huwisey
Oo haaneedkiisi u dhiibtayoo
Nimcadiisa hidiidey
aad u hoggaansan tihiinoon
Isba kuu hawalaynin
Hanbo uu kugu weecshiyo
Horaad kuu oggolaynoo
maxaa loo hadlayaa iyo
hanjabaad ku daraaya
oo kuu higgaadanayoo
inuu meel ka heloodiyo
Dhaxal loo hadhay moodoo
tacabkiini ku haysta
Aan shicibkaysku hagaajine
Laba heeri ka yeeloo
kala haybsanaya
Amase uu hadafkiisa
Iyo hannaankeediyo dawlad
Sida loo hirgesho eey
ku hagaagi karayso
Kala haadba yihiinoo
Hayhaataysu jiraan
Uu qaynuunkii Hirdiyo
Oo taladii ku hafto
Awel baad u halmaantay
oo nin horaanu ahayne
hubsiinaa u dhinnayde
Wixii uu hindisaayey
Isagoo ku hunguubood
hadhuudhlaa ku dartaan
oo mid kaloo ka hagaagsan
halkiisii dhigataaniyo
halis yaa uga dhow

Doolaal: Waar u kaadi.

Dubbe: Haddii shicibku Calankuu tabcaday loogu tudhi waayo
Tis dhan oo qabyaalada haddii tuurta lagu qaado
Tol-maroorsi xaajada haddii nala taraarsiiyey
Taajkii yimaaddaba hadday Toban ku saaxiibto

Tafaraaruqii hore haddii ay tanina noo raacdo
Idinkuna tigaaddiyo nimacada taransan maysaane
Tambareeri uunbaydin noqon tiriyey shaashkiiye

Haddaan laga tanaasulin Jarkaa nalagu taaraayo
Tallahaan ku dhaartaye inay tegi sidii Koongo

Doolaal: Waar muxuu leeyahay?
Dubbe: An dallaco an daar dheer u baxo oo daaqadda ha taaban
An dibbiro dulbaaxdana an cuno iina dudi maysid
Deynkiina ii keen waxaan qabayna waa duudsi
Waa xaal Diktaatooriyaan dad isku raacayne
Doqon baa sidaa laga helaa diidney oo keliya

Doolaal: Waar ma anaag noo hanjaybaysaa?

Dubbe:

Nimankaannu rarayney
Xukun aan kaga raystiyo
Qudbad aan u riyaaqoo
Sida Roobka na deeqdiyo
Raasamaal na dhaqaayiyo
Rasmi looma samaynoo
Inkastaad na rushaysoo
Rako dheer isku taagtoo
Radiyaa ka ammaanto
Ragaadkaas badhna muuqdo
Badhna aad dib u reebtay
Ra'yigaannu ka diidnayoo
Ma rabnaa ku hor taalle
Wadaadkaagan riyoodoow
Iska raalli ahaw oo
Rabbi baa na abuurtayoo
Isagaa na Rasaaqiye
Lacagtaad ruxruxaysiyo
Rashinkaagaana hayso oo
Adeeroow naga Rooxoo
Aw Racoofna kaxayso

Doolaal: Waar bal wax kale ha ku darin. Meesha miyaanu kaaga kacnaa?

Dubbe:

Waxba yuu annaga noo xadrayn xaaji feydaniye
Waxba yaan wasiir xiimayaa xeeb u dhaadhicine
Waxba yaaan xawaalad iyo jeeg lala xawaarayne
Waxba yaanu Radiyowga xumi dhab u xayaysiine
Ninna maanta xiiso uma qabo xaafidkii hore'e
Dhaaxaad ku xawxawsateen xoolo booliyahe
Nin walboow xusuusnoow dhaqsaa loo xisaabtamiye

Waxaan u mahad naqayaa shebekadda Hoyga Suugaanta oo gabayadan Gacmadheere ku jiraan.
Waa inno Toddobaadka dambe haddii Alla idmo

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment