Saturday, August 29, 2009

Idan Eebaheen Ayaan Aan Fogayn..............Aamiin

DALJIRE
(Idan Eebaheen Ayaan Aan Fogayn..............Aamiin)

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Waar bal suga. Horta mafrishkeenani muxuu dumarka u taageeri waayay ee maalinta Dumarka adduunka ugu hambalyayn waayay?

Doolaal: Waar u kaadi haddaba sheekaanu wadanaaye, dumar iyo Caliyo layne. Dumarka aqaladii baanu khaati kaga joognaa mafrishkii baad nagaga daba keenaysaa. Waar waxaan idin idhi, halkeen marayay awal?

Dubbe: Waar dhegeyso waryaa meelna maad marayne nacnac baad dhuraysay eh. Adduunyadaba iska daayo Somaliland maanta haddaanay dumarku u kicin oo aanay u gurman halkaynu joogi lahayn baad u malaynaysaa? Waar ma cid kalaa dadka u shaqaysa oo qoysaska masruufta? Intiinnaa xukuumadda u shaqaysa ayaa dalka ka shaqeeya. Intaana inaanay waxba ugu fillayn mushaharka yari waa la og yahay. Intiina tuugta ee waaweynina waxaa xaddaan qaad uumbaa ku cuntaan badhna afmiishaariin ku laaluushtaane. Gudo iyo dibad reerkii aan dumar u kicin way u dhammaatay. Miyaynu taa isku diiddanay?

Doolaal: Wallaahi waa runtaye waxbaa ka yar jira arrintaa. Horta berigii aynu qaxnay ayuumbaa la ogaaday kaalinta haweenki ku jiro. Illaa maanadaa iyagaa lagu nool yahay. Ilaahaow meel aan dumar joogin ha na joojin. Waar istaaqfuralla. Hambalyo, hambalyo. Oo waa goorma maalinta dumarku?

Dubbe: Anigu horta maanta waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa Wasiiradda Arrimaha Qoyska, Marwo, Faadumo Suudi Xasan. waxaan ugu dirayaana waa hadalkay ka jedisay beerta xorriyadda ee ay tidhi “dumarow kaalinta aad xaq u leedihiin idinkaa gacanta isugu haya ee cidna ha ka baryina. Xisbigii idinku qori waaya meeshii aydin xaq u leedihiinna ha u codaynina. Doorashada soo socotana ku cad goosta.” Eesh calaa Wasiir. Horta marka qof wasiir ahi uu arrin heer qaran ah ka hadlayo waa inuu sidaa u hadlaa oo xisbi iyo guulwadenimo ka gudbaa. Markuu xisbigiisa difaacayo waa la garawsan karaa. Waxaan leeyahay Wasiirad, Hambalyo.

Doolaal: waar maxaad u jeeddaa? Oo ma keligeed baa ka hadashay meesha maxaad dadkii kale u sheegi weyday?

Dubbe: Waar iska daa waxaasoo, anigu runta ayuumbaa u hiiliyaaye. Maalintii dhoweyd ee Rayaale kormeer-yare uu tegey miiska c iidanka sheekadii wiilka yar dhex martay ma maqashay?

Doolaal: Waar mayee waxba maanaan maqal ee haddaba wax kale oo aan Rayaale ahayn ka sheekee ninyow. Oo waa ku sidee? Iminka wax ka sheegga Rayaale miyaad ku werdidaa?

Dubbe: waar illayn isagaa na soo doontaye dhegeyso. Haddaba aan kuu sheegee carruur yar yar oo meesha ka dhoweyd ayuu salaamay markuu soo baxay. Wuxuu yidhi. “ Haye. Dhallin yaro. Bal warrama?” “waan iska fiicannay.” Ayay ku jawaabeen. “ may garanaysaan.” Ayuu ku celiyay. Mid baa yidhi. “ haa.” “magacaa adeer?” ayuu weydiiyay. “Biixi” ayuu yidhi. “oo kumaan ahay bal inaad fariid tahay baan eegayaa?” ayuu raaciyay. “Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Dahir Rayaale Kaahin.” Buu yidhi. “Fariid. Oo miyaad hore ii aragtay?” ayuu weydiiyay. “haa. TV iiga Qaranka ayaan ka arkay. Sawirkaaguna buugaagta iskuulka ayaan ku aragnay” “Madaxweynuhu muxuu qabtaa?” ayuu weydiiyay. “Dee isagaa Dalkoo dhan ug sarreeya oo xukuma.” Ayuu ku jawaabay. “oo siduu u xukumaa adeer?” ayuu ku celiyay. “Dee kolba wuu dhofaa. Bilayskuu u sarreeyaa. Ciidanka qarankuu u sarreeyaa. Mushaaarada ugu badan buu qaataa. Wasiirrada wuu eryaa oo way ka baqdaan. 18 May na beerta xorriyadda ayuu ka hadlaa. Marna dadkuu xidhxidhaa, Jamaal Caydiid iyo Diktoor Gabboose iyo Ina Xaashi waakii xidhay. Anigu waan ka baqdaaye.” Intaanu Madaweynihi jawaabin ayuu haddana raaciyay Biixi yare. “Aqalkiisiina biyahu kama go’aan. Qasabad weyn ..Aaal oo intee leeg oo Geed Deeble ka timaadda ayaa biyaha geysa. Askar badan, badan, badan oo koofiyad cas ahna way joogaan”

Doolaal: Bal waxaad noogu sheekaynayso eeg. Adigu miyaad la joogtay? Wasiirradii baabu iska reebay baa la yidhiye adiga ma rooxaan baa wax kuu sheegta.

Dubbe: Waar waanu la joognay e waxaan ku weydiiyay. Abaartan iyo oodo lululkan jira muxuu ka qabtay ee u qorshaysan ee ay xukuumdiinan xumi damacday?

Doolaal: Oo anagu maanagaa abaarta keennay? Mise waxaanu leenahay awood aanu abaarta baaxaddaa leh wax kaga qabanno? Dee Caalam ka ayaanu u qaylo diran doonaa?

Dubbe: Horta gaaladu waxay ku maahmaahdaa. “ninka sheegta inuu roobka keenay. Abaartaa loo qabsada.” Iminka waakii Xuseen Cali Xirsi oo afhayeenka UDUB ahi odhan jiray “Rayaale ayaa roobka keenay” eh. Muxuu iminka u keeni waayay?

Doolaal: Anigu waxaa ma maqal.

Dubbe: Wallaahi waakii yidhi.

Doolaal: Waar ha dhaaran. Miyaanad Ilaahay ka yaabayn? Sababtuu u yidhise maxay ahayd?

Dubbe: Wuxuu Rayaale dalka u qabtay sheeg baa la weydiiyay. “intii uu Madaxweynaha ahaa roobkuma inagama qaado.” Ayuu ku jawaabay. Haddaba waxaan kuu sheegayaa. Dhawr goor ayay abaari ina soo martay intuu joogay. Mar walba markuu ummadda la hor yimaaddo “anigu 20,000 oo doolar baan hayaaye ganacsatada lacag ka soo ururiya.” Ayuu Ilaahay inaga soo gaadhaa oo roob shubaa. Iminkana Ilaahay baanu baryaynaa leenahay “Ilaahayow Rayaale ha nagu eegin.” Aamiin. Waxa aan arkaa....

Doolaal: Waar waxba aamiin odhan maynee. Maxaad aragtaa ee aad sheegaysaa? Ma habar faaliso ah ayaad tahay?

Dubbe: Hora waxaan arko intaana kuu sheegin. Waxaan kuu sheegayaa, Ilaahay ninkaa Rayaale la yidhaa wuxuu ka habaaray sida wax loo sababeeyo. Waa ninka la yidhi maxaad u oggolaan weyday in dadku idaacado gaar loo leeyahay furtaan ee ku jawaabay “Sidii reer Ruwaanda ayaynu is dilaynaa oo faashka iska aslaynaa.” Qoodhiin iyo xeradiin miyaanu ninkaasi inna caayin? Ma dadkeenna inagoo hub nooc walba haysanna oo dagaal ku jirnay heshiiyay ee hubkii meel iska dhigay ee walaaloobay ee isaga doortay ee dimuquraadiga noqday ayay idaacad yari faashash isugu dhiibaysaa?

Doolaal: Waar xaggaad haddana inoola kacday? Miyaad isku yaacday?

Dubbe: Wallah? Murqaakiibaa malaa ila yar fogaadaye. Laakiin wallaahi ninkasaan la yaaba iyo sabab xumadiisa. Haygu soo qaadin. Ninkan markaan sidaa u eegaba ee aan garan waayo si aynu iska nidhaahno, waxaan xusuustaa beri anigoo yar oo aan miyi tegey ayaa aqalkii(aqal soomaali) adeerkay (AHN)oo inan yar oo uu dhalay jiifto mas galay. Inantii buu madaxeeda iyo yacayga dhexdooda is duuduubay oo qoorta la soo baxay. Adeerkay baa u galay. Wuxuu ka baqday hadduu budhka la tiigsado inuu la seego oo ta yar madaxa bash ka siiyo. Ama maska cariyo oo uu ta yar qaniino. Lana dayn kari mayo oo haddii ta yari dhaqdhaqaaqdo oo gacanta yar kor u taagto iyadoo malaa’iig la qoslaysa, wuu qaniinayaa. Dumarkiina debedda ayay ka baroorayanayaan. Ugu dambayn maskii baa yar dhaqaaqay odaygiina yartii buu lugta soo dhuftay oo soo jiiday. Maskii markuu banaanka u baxay laga takhalus. Islaamahii waxay yidhaahdeen. Waalidiin baa inna soo booqatay ee shaadali kariya.” Iminka kuwa Rayaale raacsani miyaanay islaamahaa la mid ahayn yidhi. Waalidiin baa inna soobooqatay?

Doolaal: ” ka dar oo dibi dhal.” Ayuumbaan maqli jiray. Maxaad haddan sii dabbaalatay? Waar waxaad aragtay sheeg.

Dubbe:

Waxa aan arkaa
aan oddorosayaa
Idan Eebaheen
Inagoo abaar
Oon iyo harraad
Ka adkaanayoo
Arligeena roob
Gu’ ekeeyayoo
Lagu oolay nabad

Aaamiiin!

Waxa aan arkaa
A an odorosayaa
Idan Eebaheen
Aloos doorashiyo
Ololaha codbixin
Ayaan aan fogayn
UDUB oo dhacdoo
Aw Rayaale tegey

Aaamiin!

Doolaal: Waar anigu taa aamiin odhan mayo. Miyuu falanyay? Waar bad hay gelin. La fadhigaaga ayaa marka horeba laygu haystaye.

Dubbe:

Waxa aan arkaa
Aan odorosayaa
Idan Eebaheen
Astaantuu lahaa
Axdi beena iyo
Musuqaa arlada
Aafeeyay oo
Iil aad u dheer
Lagu tuuray uub

Aamiin!

Waxa aan arkaa
Aan odorosayaa
Idan Eebaheen
Inagoo afxumo
Asaraar dhignoo
Uur sami mar kale
Wada arrinsannoo
Sida ul iyo diir
Umaddeenu tahay

Aamiin!

Waxa aan arkaa
Aan odorosayaa
Idan Eebaheen
Ilays soo bixiyo
Idinkoo egmaday
Abbaanduule wacan
Oo soo alkuma
Dawlad urursanoo
Aqoon wada lehoon
Dadka kala irdhayn?

Aamniin!

Doolaal: Abaaduulaha wacan sawnagan iminkaba haysanna. Waar aamiin odhan mayo anigu.

Dubbe: Waar na dhegeyso Doc-ka-yeedh yahow.
Waxa aan arkaa
Aan odorosayaa
Idan Eebaheen
Idinkoo ayiday
Idilkiin qorshaha
Ay soo unkeen
Oo aaminoo
Aayatiin dambiyo
Eegaaya guul

Aamiin!

Waxa aan arkaa
Oon odorosayaa
Idan Eebaheen
Iyagoon asqiyo
Been iibinayn
Inay soo afjari
Ictiraafka maqan
Orodkaan u galay
Oon aqoonsi heli
Aamiin!

Waa innoo toddibaadka dambe haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment