Saturday, August 29, 2009

Beynii Wa Beynak...Afkeenu Waysu Ammaan

DALJIRE


Beynii Wa Beynak...Afkeenu Waysu Ammaan

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Doolaal: Cawil wuxuu yidhi.....

Dubbe: waar u kaadi u kaadi. Waar anaga Cawil baa wax yidhi ha na odhannin.

Doolaal: Oo waayo?

Dubbe: Waayo waa maxay? Cid Ilaahay ma abuurtay oo wax kala garanaysa oo wuxuu Cawil yidhaahdo rumaysata ama wax ka soo qaadda ayaa jirta? Haddaad Somaliland ka soo heshi qof keliya oo weligii ballan uu u qaaday sidiisa ugu fulliyay anaa berri qaadkaaga qaba. Adna waxaad na leedahay lixdankii buu ka sheekaynayaa. Waar adeerow waxkale sheeg. Maxaa inankii sawirka qaadayay ee Dacarbudhuq joogay loo dilay? Ka sheekee. Iminka dalku ma sharci buu leeyahay mise casaabado budhcad ah ayaa tuulo walba ka dillaacay? Lacagtii dadka laga dhacay ka sheekee iyo dumarkan raadku galay ee saqda dhexe laga sii daayay jeelka ee baxsaday. Ka sheekee doorashadan dib u dhacday intaad kolba anaga been noogu celcelinayso.

Doolaal: Waar muxuu isla maqiiqayaa maanta? Waar waa ku sidee?

Dubbe: Maya. Anagoo beentiinii hadda joogtay khaati ka joogna ayaad been lixdankii dhimatayna noogu daraysaa ood doonaysaa inaanu dhegeysanno. Mase ogtahay inuu Cawil iska ilaaliyo inuu is qaniino?

Doolaal: waar muxuu leeyahay? Oo siduu isagailaaliyaa?

Dubbe: Wuxuu isaga ilaaliyaa inuu is qaniino suntan afkiisa ka buuxda ayaa ta maskoo kale ah. Markaa hadduu is qaniino way dilaysaa?

Doolaal: waar naga tag inaad waxaa wax dhaama sheegeyso ayaanu moodaynay eh. Haddaanse Cawilba iska daayo. Maxaad ku diiddeen hadalkii Wasiirka Wershadaha ee ahaa ha la wada tashado?

Dubbe: Awel miyaanad igu odhan kaasi beryahan anaguu hoosta nagala socdaa oo Ina Rayaale qawda ayuumbuu maqashiiyaa?

Doolaal: Waar bal aamus. Shuuush. Adiguna waxaad ku xumaatay xantii yare e laguu sheegaba mafrishkii baad ka sheegaysaa. Ninka waynu yar xamannay sir yarna waan kuu sheegay ee ma ku qayli baan ku idhi?

Dubbe: Dee haaye imaad odhan beynii wa beynak iyo between you and me iyo yay ku dhaafin iyo afkeenu waa isu ammaan iyo waxba toona. Reer magaalka haddaanad odhan beynii wa beynak wixii wa la sheegayaa dee.
Doolaal:Waar waan loo noqon doonine iska daayoo; maxaa iminka yeelaysaan doorashadii dib u dhacdaye?

Dubbe: Maxaanu yeelaynaa? Dee ina Rayaale wuu iska tegeyaa.

Doolaal: Iska hadle. Oo siduu u tegayaa?

Dubbe: Nin C/abdi Kareem la yidhaa. Magaciisa labaad sheegi mayo oo Buurmadow baa haddana xidhaya eh ayaa igu yidhi Ina rayaale oo gabyaya ayaan maqlay oo le:

Waxba adigoon dardaarwerin Calow iina digin maanta
Dar Allaba waan u tegi dhowaan oo duubtay gogoshiiye
Derajada faalkaan ku helay diirsi laga waaye
Digta waraabahaan ka jaray iyo waxaan dibiyo moofeeyey
Daafaha magaalada waxaan daadshay adhi meyda
Falkaan duugay kuwaan dooxa dhigay kuwaan daboolaayay
Dirirdhabe sheekhii ka yimi doorka celin waaye
Sida dundumo waataan in badan daarta yuururaye
Waataan dambiilkuun sitay een deynka buuxsadaye
Daf hadduu i soo yidhi waqtigu doorashana keenye
Dadku haduu soo hinqado oo foodka lagu daadsho
Daliilkii baan hayaa oo codkii laysu dacareeye
Dareenkayga taan qabo haddii Daayin kaba yeello
Oo dadweynuhu yidhaa runtii kumaba doonayno
Waa qodob distooriyaa markakaa inaan dawaafaaye
Dani seeto weeyee haddaan degelka soo dhaafo
Oon sii dabayshado hulleel Dilana aan gaadho
Nafta waan deberi oo fadhiga diiday baan odhane
Dura sidii aan ahaa intaan dunidu ii waalan
Degtaba qaad waan u ridan oon dadarta iib geyne
Waxse doodaydu tahay oo runtii daashay madaxayga
Ayax duul baa la yidhi da’ hore dulinse sii reebye
Daba dhilifka dillaal iyo mallaal wixiiyo daaquuda
Dulligiyo basaaskiyo kuwii deyrka hoganaayay
Tolow yaa damiir laawayaal diran afmiishaarka?
Duubab sharafle suldaanada dadkiyo madax la soo doortay
Tolow yaa duqay iyo garaad diidi kulankooda?
Hadba yaa daaqaddii xumayd dib uga soo riixi?
mid derderan duuflaalkiyo habeen yaa daafta hore seexin?
ugaasku dabuubtuu na yidhi amase diiwaanku
"Allahayow nin iidaran" siduu ugu dardaarmaayay
Yaa uurka dabi oo haddana afkii qosol ka doondooni?
Dembi ma leh reer tolkii hadday derejo siiyeen
Anuunbaa ku deyrane waa horay dib uga qaadeene
Jidh damqada hadduu leeyahay oo xumo ka diiraayo
Ma dileen walaalkii intuu duul abaabule
Dibjirkiyo kumuu soo direen dooxya jiifyada eh
Disti gubatay yaa Buurmadaw daallinka adeegsan?
Dusduska iyo beentii ayuu doallar kaga qaadi?
Yuu diradiraalaha ku gubi doorkan la ogaaye?
Wakiiladu xisaabteen doonayaan dibudhac weeyaane
Dakhligiisa buuxiyo arliga dahab wixii yiillay
Dalka xoolahiisiyo hantida waan dudubiyaaye
Dekaddii Berbera yaa cashuur diirran ka xambaaran?
Doonyaha gingiman yaa kallun diraya oo dhoofin?
Danta guud yaa dhul cuni oo shacabkii soo deyran?
Deelqaaf iyo afxumo runtii la iga doorroone
Darbinteeda se beentaan cid kale igula doodayne
Daaraan dhismayn yaa dhagxaan dabaqyo soo tuuli
Dadku gar ay leeyihiin iyo hadduu sheegto danahiisa
Darandoorri yaa marin rasaas ama dabaabaadka?
Yaa duudsiyi xaqiisana haddaan aniga lay dooran?
Suxufiga warkuun duuba ee daacadnimo sheega
ee difaaca qaanuunka iyo sharciga diiradda u qaatay
Dulmi yaa ku soo xidhi oo habeen dooxa ku garaaci?
Halkaa markuu marayyo ayaan idhi waar naga kala daa. Bes bes....
Waa inno toddobaadka dambe haddii eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment