Tuesday, August 25, 2009

Waad cayaaraysaaye…..Yaaah?

DALJIRE
(Waad cayaaraysaaye…..Yaaah?)

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.




Dubbe: ah ahahahaah kkkkkk ahahahah….

Doolaal: ‘aar muxuu leeyahay waxan wajaqsani? ‘aar xaggaa nooga baydh. Muxuu kuqoslayaa?

Dubbe: ahahahaha kkkk ahaahah…

Doolaal: Waar dee haddaba isla yaab oo qayil. Maxaa ku waalay?

Dubbe: Waxa la yidhi “belaayada aan kaa qoslinini belaayoba maaha.” Waar ma arkaysay Ina Rayaale oo geesinimo darro cid ku sheegaya? Ahahaha kkk aahahaha…… reer Djiboutiga ayaa adigoo wax rasmiya u sheegaya markay yaabaan yidhaahda “waad cayaaraysaaye…yaaah?” iminka dhawr goor baan idhi markii Ina Rayaale hadlayay ee sii dhoofayay.. yaaah? Waad cayaaraysaaye.. yaaah?


Doolaal:
Waar wax kale ku hadal. Weligayba anigu sidii uu u hadlay maalintii dhaweyd isagoo u hadlaya ma arag. Waaba aftahanyo ninku sow.


Dubbe:
Daahir wuxuu yidhi “dalka daacadnimno ayaan ug shaqeeyaa.” Kkkkkk. Markaasaan idhi “waad cayaaraysaaye…yaah.” Tolow daacadnimada muxuu u yaqaan ma lacagta dekedda ka soo baxda oo la sheegi waayo oo miisaaniyadda lagu dari waayo? Ma ganacsatada oo loo diido dekedda oo shirkad ajnabi ah loo dulleeyo? Ma iskaraabka raro baa? Ma muwaadiniinta oo shaqada loo diido? Ma dalka oo qayb dhan lagu eego inuu cadaw haysto oo weliba cadawgii lala macaamilo oo kolba int la yidhaa Ghana ayaan ku socdaa hoosta lagala sii shiro Addis.? Ma ergooyinka Darroor jooga Xabashi ku soo dir oo soo kala kexeebaa?… ma.. ma..

Daahir wuxuu yidhi. “Kulmiye mu’aamarad buu wadaa..” waxaan idhi “waad cayaaraysaaye…yaah?” Mua’aamaraddu ma marka la yidhaa dalka sharcigiisa ha ku tuman baa? Ma muwadiniinta xuquuqdooda ha ku tuman baa? Ma milgaha dadka dalka xilalaka sare u soo qabtay dhawr baa? Ma Madaxweyne isu dhig oo Guddomiye UDUB ha ku dhammaan baa? Ma xeerarka iyo go’aanada Golayaasha tashriiciga ka soo baxa ku soco baa? Ma Garsoorka faraha kala bax baa?

Mudane Daahir wuxuu yidhi “Kulmiye iyo Axmed siilaanyo geesinimo ha muujiyeen.?” Ana waxaan idhi “ hahahhahaa .kkkk .waad cayaaraysaaye…yaaah? Geesnimada aad muujisay ma Laascaanood ka soo carar baa? Ma xuduudda soo rarbaa? Ma dhakhtarka afar Beebee ku gal baa? Ma Hargeysa tikniko ku dhex mar baa? Ma Djibouti habeen dib ugu dhac Hargeysa waxbaa ka jiree baa? Ma xaafadda ha lagaa soo diree weriyaaysha xidhxidh baa? Ma bannaan baxa u weyn ee Somaliland samysay ka gabbo baa? Ma shaqaalahaaga inay xaal kuu keenaan ku amar baa? Ma Meles wuxuu yidhi baa? Geesinimadu ma adigoo lagu doortay waa lay qabyaaladaynayaa ku muusannaw baa?

Daahir wuxuu yidhi” ictiraaf baan Ghana ka doonayaa” waxaan idhi “waad cayaaraysaaye….yaaah?” Ictiraaf doonku ma siminaar yar oo NGO ka qayb gal baa? Ictiraaf doonku ma shirka Meles ku dhex qaribaa xaflad ka qayb galkeed? Ictiraaf doonku ma askarta Laanta socdaalka ee Ghana ha ku qaabisho baa? Ma kharashka yare e agoont a iyo naafadu ka dawo la’aday ku dalxiis tag baa?
“ka jawaab dee af janjeedha lahayde.”

Doolaal: Waar waxaa iska dhaafo waa nacnacdaadiiye,Allaa I lehe ninkii Oomane baguu xeerkiinii yaraa ee aydin sanka naga marmarinayseen kuleefay. Horta ma kuu caddaatay inaydaan meesha waxba ku hayn?

Dubbe: Waar naga qabso dee biyaha

Doolaal: Biyo maxay ah dee? Yaa doonaya biyo?

Dubbe: Yaa ooman ee aad sheegaysey? Sawdigii lahaa cid baa ooman maaha.

Doolaal: Waar anigu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaan sheegayay iyo xeerkii saxaafadda ee uu yidhi xataa diinta ayuu ka soo hor jeedaa.

Dubbe: Kumaa yidhi? Ma Ka-sii-Dabadheer?

Doolaal: Waar Guddoomiyahaannu ku nidhi. Magaciisu waa Muj. Oomane

Dubbe: Waar anigu wax Ina Rayaale u shaqeeya oo aan oomanaynba maan arage ma mid kalaa ku soo biiray baad leedahay? Ta kale maxaa qaraar ah ee aad sheegaysaa ma iska jiidhsiintan indhaha la’? waar nagala tag….

Doolaal: Maya. Waxa laga gaadadhay qaraarka…
.

Dubbe: Naga joogji haddaba waxaa meeshan waa ka badheedheen ee bal ha la eego halkay idinla gaadho indho la’aantii dadcunimadan aydin ku darsateen.

Doolaal: Wallaahi idinkaa laydiin taag la’ yahay. Sow Komishankiina maydaan odhan ha dhiibna xilka?

Dubbe: Horta aamusnaantii iyo habacsanaantii baa ku fiicnaydeen. Marka aydin arrin gacan u qaaddaanba waxa soo baxaysa inaydaan caqliba lahayn. Alla nimanku liiteen. Bal maxaa kaga degdegeysaan Komishanka idinkoon Wakiiladii kala dhammaan oo aan Komishankii cusbaa diyaar idiin ahayn? Markaasaa weliba geesinimo moodaysaa. Wuxuu yidhi Cabdi Gahayr “Ma carruuruhuu dooxayay ayuu dawladnimo mooday?” Mise Markhaatigan Faysal baa faro isku taawiseen?

Doolaal: Maya. Mar haddii Madaxweynuhu ka codsado inay xilka dhiibaan waa sharci waa inay dhiibaan.

Dubbe: Iyaguna ma qolo ahaan bay u takooreen? Maxa sharci ah? inuu ka codsadoba ma aha inta ay Golaha Wakiilada kala dhammaanayaan. Wallaahi aniga nin ay is yaqaanaan baa iiga sheekeeyey ninkan tii baanan manta arkaa.

Doolaal: Nin maxay ah dee?

Dubbe: Dee Madaxweynaha. Malaa anna Mandheera ayaydin ii diri intaydin mafrishka iga kaxaysaan? Wuxuu igu yidhi weligiiba markaad la joogto waxba isku diidi maysaan ee jabku waa marka aydin kala dhaqaaqdaan ee ciddii arrinku ka go’ayay ay is arkaan. Markaa weligaa warka dambe sug “ciyaari waa gelin dambe.” Taasi waa ta ku dhacday Komishankii. Saxaafadday la hadleen intaanu qoladii kale arag markaa waxiiba way fashilmeen. Jeelakana udira haddaba illayn waatan waddada Mandheera idiin jabtaye.

Doolaal: Ma Komishankaad leeday jeelka u dira?

Dubbe: Ninbaa laga hayaa “Inay adhiga iyo geeluba dhalan oo awrtuna cayaarto. Allaylehe inteedaan ku sugay aradka gaaroodi.” Cid baan I dhegeysanne waanigii idhi nin walowba gogosha jeelka sii geyso. Xeerka degdegga ahna soo roga waabaanu maqallay inaydin ku talo jirtaan eh. Wallee in laga sheekeyn. Maxaa ergooyinkii Darroorna u soo kala erideen ee xabashida ugu dalbateen?

Doolaal: Maanagaa soo kala erinay ergooyinka? Anagu waabaanu sii tabaabulshaynay eh.


Dubbe:
Waar sirtiina waa la helay. Suuqa waxa ku jirta in aydin ka shakideen 450 nin oo madaxa oo beel u badani inay meel isugu baxaan oo is waraystaan. Laakiin waxaan kuu sheegayaa waxaa hore ayaa looga maray dadka reer Somalilandna waa isku mid dadka oo kala ilaalisaanna waxba ku helimaysaan wax aydin ku weydaan mooyee. Waar qabyaaladda yare e xun ee caanteynka ah dadka kala fadhiista.


Doolaal:
Waar dee arrintaadu caadigii way ka baxday iminka. Oo kulayl baad ku dhowdee?

Dubbe: Marka xogtiinna la helaa baa tidhaahdaan caadi iyo waxbaa laga baxay. Waar dadku caqli iyo indho ayay leeyihiin.

Waa inno toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment