Tuesday, August 25, 2009

Markaan Hubsaday

DALJIRE

“Markaan Hubsaday”…. Necbiyaa Rayaalow)


By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe: Waar heedhee. Ramadaantii iyo waxay tahay mooyaane qaadkiiba ii dhaadhami maayo. Ninyow ma keligaybaa mise raggu wuu ila qabaa waxan?

Doolaal: Mayee waa sidaa. Ma haddii la soomo bahalkaana barakadu ka tagtay.

Dubbe: Dee sidaa u hadal. Oo waxaan lahaa malaa waxbaa kaa si noqday oo dacar iyo waxbaa kugu kacsane.

Doolaal: Waar weligaaba maad dacaroone halkee shirkiini marayaa? Mase maqashay hadalkii Ina Saleebaan weyne?

Dubbe: Waar waabad i xusuusisaye. Horta maanta dhawr arrimood baan idin odhanayaa. Bal qoladaa hadalka hoos u dhiga dhe. Waaryaadhaheen. Waar Nebiga ku salliya. (Allaahuma salli wasallim wa baarak caleeh) waar aan is dhegaysanno sigaarkana inaga yareeya.

Doolaal: Waar dadka iska daayoo iska wado hadalkaaga kollay khayr ku hadli mayside.

Dubbe: Horta ninkan aad hebel weynaha ku sheegayso,anigu wax weyna ma arage, mid baa isaga igaga filan oo waxaan leeyahay Gadabuursi hiil kaagagama baahna oo way isku filan yihiin wax loogu hiiliyo oo lagu hayaana ma jirto. Hiilna umaba tari kartid adigu. Haddaad cid u hiilinaysana walaalkaa Shahiid Xasan Saleebaan baad u hiilin lahayd. Hooyadaadii sidaad sheegtay idin dhashay labadiinoo keli ahi maalintuu Xasan shahiiday may oo may goblamin ee maalintaad adigu u soo hadhay ayay goblantay. Markaa waxba ha noo garaacin maanta laabta oo ha na odhan Soolamadaw baan ahay ee hungurigaaga isaga shaqayso iyo haantaada. Ninkan wax ku soo faray ee Ina Rayaale na waxaan garan waayay, Allah dooriyow, sida uu ugu haysto in markuu caayo Isaaq iyo SNM inuu cod ku helayo oo lagu jeclaanayo oo lagu dooranayo.

Doolaal: Waar bal u kaadi. Halkaad Madaxweynaha ka soo gelisay?

Dubbe: Waar i sug aan dhameeyee. Waxa kale oon maanta ku weydiinayaa , inkasta oo la yidhi. “Af jooga looma adeego” oo maanta aan laga waayin dibna looga waayeyn cid u hadasha, hadana waa iga su’aale maxaa uga dhigtaan reerkan Gadabuursi burcad dhalaalaya oo dadka ka duwan? Maxaa u tidhaadaan haddii la dooran waayo Somaliland way ka bixi?

Waxaan idiin sheegayaa haddii Ina Rayaale uu cuqdad qof ahaaneed oo u gaara qabo oo uu waxan idin soo faro reerka ma metelo ee reerkaa meel ha kaga dhicina. Reerkaasi waa reer jira. Waa reer sida dadka ah. haddii aynu dalkan dagaal u soo gallay iyana dagaalkaana way ku jireen dagaal nabadeedna way u galeen oo gogol nabadeed bay u fidiyeen oo heshiis baynu wada galanay. Boorame ayaa Axdi Qarameedka lagu saxeeday. Haddii aynu leenahay qaar Embegathi taga iyana way leeyihiin. Haddii aynu is khilaafno iyana way is khilaafaan. Haddii Sheekh Isaxaaq Maydh ku aasan yahay Sheekh Samarronna Daalo oo aan waxba u jirin buu ku aasan yahay. Somaliland talo iyo go’aan ay leeyihiin oo ay ku qanacsan yihiin bay ku aqbaleen ee laaluush iyo haddidaad midna kumay gelin. Ina Rayaale haddii aanu dalka intiisa kale waxba u qaban iyana wax uma qaban, weliba eed buu u soo jeeday iyo godob aanay lahayn. Daahir Rayaale arliga ma joogin markay qamaamuurtoodu Somlaliland wax ka samaynayeen. Dahir Rayaale keligood may dooran ee Isaaq iyo iyaga iyo dadka kaleba way wada doorteen. Iminkana Isaaq meel ma wada mari karo iyana waa qaran la mid ah oo meel ma wada mari karaan ee reerka ceebta ka daaya.

Doolaal: Waar annagu waxaanu idin leenahay qabyaalad ha ku ololaynina oo kuraastana reeraha wax ka wada siiya.

Dubbe: Waa maxay qabyaalad iska daaya iyo reeraha wax siiya? Dhankeen iminka ku raaca? Waar annagu xisbi baanu nahay. Xsibiguna cod buu doonayaa codkaasi halkuu ka soo baxayo ama Boorame ha ahaato ama Hargeysa ama Burco ama meel kale ee waanu raadsanaynaa. Markaanu xukunka qabananna waxa nalaga yaqaan inaanu caddaalada iyo sinnaan hagar la’aan ah ugu adeegno ummadda Somaliland meel kasta ha joogtee. Qofkii ku qanci waaya sidaanu wax u dhignana laba xisbi oo kale ayaa dalka ka jira. Maxaa cayba keenay? Maxaa Umadda oo been loo sheego oo laysku diro keenay? Haddii kale dee Distoorka ku qora reer waliba kursigaa gaarka ah buu leeyahay. Waar bal calaamadan kaalaya! Nimaan xisbigayagaba ahayni siduu uga talo bixiyaa. Talada dadka kale waxaanu u baahannay oo aannu qaadan doonaana marka aanu xukunka qabano oo meel dadka u dhaxaysa fadhiisanno. Iminka arrimo noo gaar ah ayaanu wadanaa. Adiga se waxaan ku weydiiyay. Maa ninkan la talisaan oo tidhaadaan haddaad SNM caydo Ina Rayaalow iyo halgankii waxba ka dheefi maysid. Dadkii ku doortayna SNM bay ahaayeen haddaad wax kale u qaban waydayna inaad abaalkooda weliba cay ka dhigto ma qabato.Inaad geesiyadoodii iyo ubadkoodii iyo hantoodii ay dalkan u sadqeeyeen maan cayda daw maaha ee waa kibir. Haa. Kibir baa ku hayaa. Sidii Baandadii baad leedahay “Dhergay ee haddaba maxaan.........”
Ta kale warqadda uu Ina Rayaale u qoray madaxdii Qaran ee xidhnayd ma naragtay?

Doolaal: Waraaq maxay ah?

Dubbe: Mid baa lahaa koobi baan arkay oo waxay u qornayd sidan:

KA:Madaxweynaha Jamhuuriyadda SL
Isla markaana ah: Guddoomiyaha xisbiga UDUB
Isla markaana ah: Guddoomiyaha qarasoon ee Guurtida
Isla markaana ah: Guddoomiyha qarsoon ee Maxkamadda Sare
Isla markaana ah: Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida
Isla markaana ah: Taliyaha Ciidanka sirdoonka Madaxtooyada
Isla markaana ah: Khasnajiga Idman ee Dekedda Berbera
Isla markaana ah: Maareeyaha Sare ee Warshadda Laydhka
Isla markaana ah: Maareeyahah Sare ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa
Isla markaana ah: Maareeyaha Sare ee Tvga Qaranka
Isla markaana ah: Maamulaha Guud ee Hotel Hargeysa Club
Isla markaana ah: Agaasimaha Dhulbixinta Deegaanada Shacabka ee Qaranka
Isla markaana ah: Xisaabiyaha Gaarka ah ee Shirkadda Total
Isla markaana ah: Cashuur ururiyaha Shirkadda Adhiga Dhoofisa ee Aljabiri
Isla markaana ah: Mulkiilaha Shirkadda Kalluunka

KU:Dembiilayaal:
Maxamed Cabdi Gaboose
Maxamed Xashi Cilmi
Jamaal Cayddiid



Dhegeysata Waryaadha waa nimanka:

1) Markaan ogaaday inaanay jirin cid idiin gurman karta ama idiin dhaqdhaqaaqi karta, marka laga reebo dad yar oo maskaxda aydin ka xaddeen oo wax Qaran la yidhaa sheegta iyo Kulmiye iyo xaasaskooda oo ay taagerayaashiini sida xumbada sooodhaha gudheen.
2) Markaan yaqiinsaday ee ay ii caddaatay inaan mujaahidnimo iyo halgan baan ka soo qayb galay ama aasaase ayaan ka ahaa aan hiil iyo hoo toona lagu helayn. Sidii Ina Saleebaan Weyne sheegayna “Kubka iyo bawdada lagaga jabay”SNMtii.
3) Markaan hubiyay inaanay idinka daba imanayn rag libaaxyo ah oo jiingadaha guntada oo laga baqi karo sidii taageeryashaasii Suldaan Cismaan Suldaan Cali.
4) Markaan xaqiijiyay inuu hadalkii Cawil run ahaa markuu lahaa “markaanu idin xidhno afarta idin daba socdaana way baxsan oo waa la waayi ee hays waalina.”
5) Markaan ogahay inaan taageerada Guurtida haysto.
6) Markaan ogahay in odayaashiinu hunguri raac yihiin oo aan shilimo ku iibsan karo.
7) Markaan ogahay inaan dhallin yaro wax samayn karin intaan u hayo odayaal dantooda uun raacda oo aan ku soo hagaajiyo.
8) Markaan ogahay inaan Golahii Wakiilada geed ku xidhay
9) Markaan hubsaday inay guddidii dhexdhexaadintu kala dareertay iyadoo marka horeba siduu Yusuf Tallaabo sheegay ahayd mid aan qiimo ku fadhiyin oo waxaanay xaq iigu lahayn i weydiinaya.
10) Markaan waayo arag u yeeshay inay maxkamadahu sidaan ku amro wax u fulinayaan
11) Ugu damabayn markaan eego xaqiiqda jirta ee ah inaan hayto ciidan dadka ii soo xidhxidha iyo Guddida Nabadgelyada oo cidii is dhaqaasjisa jeelka ku tuuraysa xukun la’aan.

Waxaan idiin sheegayaa inay dantiinna tahay inaad soo qorataan warqad baryo ah oo aydin iga baryaysaan inaan idin sii daayo sidii Meles ba ku yidhi mucaaradkii xidhnaa. Haddii kale kollayba tuugta iyo dembiilayaasha idinla midka ah waxaan sii dayn doona Ciidda barkaysan ee ku suga halkaa.

Sidaa iyo nabaday.


Doolaal: Bal waxaad ku hadlayso eeg? Yuu ahaa ka yidhi waan arkay waraaqdaa?

Dubbe: Miyaad soo xidhi lahayd?

Necbiyaa Rayaalow sidaad nimankaa u gelayso ee aad weliba ugu tiiqtiiqsanayso
Necbiyaa Rayaalow sida aanad ummadda waxba ugu qaban
Necbiyaa Rayaalow sida aad wasiiradaada cusbataallo debedda ah ugeysid eenad Mujaahidiintii u xaalayn.
Necbiyaa Rayaalow sidaad dhallintii dalka u dayacday ee ay gidaarrada u tuban yihiin
Necbiyaa Rayaalow sidaad dalkii u kala dhantaashay ee aad gobollo u lumisay
Necbiyaa Rayaalow sidaad daaro uga dhisatay debedda agoomihiina dayacan yihiin
Necbiyaa Rayaalow siday dadku u biyo la’yihiin adiguna aad berkado gaara u leedahay
Necbiyaa Rayaalow sidaad beelaha isugu dirto
Necbiyaa Rayaalow sidaad Guurtida u baabiisay
Necbiyaa Rayaalow sidaad Golahii Wakiilada u wiiqday
Necbiyaa Rayaalow sidaa aanad mushkulidda dhulka waxba uga qaban wayday
Necbiyaa Rayaalow sidaad baddii kalluunka uga madhisay
Necbiyaa Rayaalow sidaad isaga seexato iyadoo qaranku hawl loo qabto u baahan yahay
Necbiyaa Rayaalow sidaad Distoorka iyo xeerarka u jebisid ee aanad u xurmayn
Necbiyaa Rayaalow sidaad u diidday inaad xisaab xidh soo celiso
Necbiyaa Rayaalow sidaad ragga xaasaskooda u soo qaaddo kaagana xaal ku doonto
Necbiyaa Rayaalow sidaad adhigii qof keliya u siisay
Necbiyaa Rayaalow sidaad shidaalka Total ugu xidhay, keligaana u xisaabisid
Necbiyaa Rayaalow sidaad dekedda ugu diiday shirkadda Alxarbi ee muwaadinka ah
Necbiyaa Rayaalow sidaad haybaddii dawladnimo u baabiisay
Necbiyaa Rayaalow sidaad umadda warbaahinta qaranka uga soo caydo
Necbiyaa Rayaalow sidaad Gabiley been ugu sheegtay ee aad gobolnimo u siin weyday
Necbiyaa Rayaalow sidaad Oodweyne been ugu sheegtay ee aad waddadii ugu dhammayn weday
Necbiyaa Rayaalow sidaad iskaraabkii u rarartay
Necbiyaa Rayaalow sidaad ganacsigii u baabiisay
Necbiyaa Rayaalow sidaad Amina Weris shaqada ugu diiday
Ka sii Necbiyaa Rayaalow sidaad weliba in mar labaad lagu doorto u doonayso...Cajiiiiiiiiiiib.

Waa innoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.
A. Geeljire

No comments:

Post a Comment