Friday, August 14, 2009

Kob cagaar leh

DALJIRE
(Kob cagaar leh)
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Doolaal: Waar waa kan soo glay. Oo xaggaad maanta ku raagtay?

Dubbe: Waar iga durug. Xaafad baanu maanta casuumad ku lahayn oo aanu goortaa ka soconnaa. Oo miyaan xaafadaha iyo qadadooda ka helaa baad moodaysaa? Saddexda ayay ku siinayaan adigoo aanay dhanna kaaga jirin. Waar hudheelka isku tuur oo kowdaba fadhiiso wax dhaamaa anigu garan maayo.

Doolaal: Waar haaye. Adiguna hamuun gorayo ayaad leeday oo Ilaahay degdeg buu kugu salliday eh. Haynug qubin biyaha. Aar jaadka nooga dhaqaaq. Halkuu ku ordayaa?

Dubbe: Waar iga daa waxaasoo haatan waan ka noolay eh. Suldaankii ma khamiis baa sii deyseen oo markaasuu Jimcihii idinku khudabdeeyay? Wallee inaan niman idinka farsamo xun la arag. Waa nimanka garan waayay haatan Axad iyo meelahaa sii daaya mar dadku kala mashquulsanyay.

Doolaal: Oo ma mar ay mashquulsan yihiin baa jirta. Iga walla hadduu gaadhi kaa banjaro 500 baa isugu kaa iminayaa markiiba. “waar jeegga soo saar.” “Oo shaag baane ma haysaa” “waar gaadhiga dhagax u dhig” ma dadkan bilaa shaqada ah ayaad sheegaysaa?

Dubbe: Dee maa shaqo u samaysaan yaa ku hallaynaysaan? Sawdinka yidhaa waa nala doortay maaha. Ma waxaasaa laydinku doortay? Bishii January iyo March ee 2004 kii mid ay ahayd ma xusuusni eh, ayuu subax iska soo kacay Madaxweynuhu oo bayaan soo saaray oo yidhi dalkan mushkiladda u weyn ee haysataa waa shaqo la’aan ee waa in wax laga qabtaa. Dibna hadal dambe loogama maqal. Malaa dhawr uu garanay oo shaqo helay buu arkay oo is yidhi dadkiiba wada shaqee?


Doolaal:
Ninyow ma dal aan la ictiraafin baa shaqo samayn karaya? Halkaanu shaqada ka keennaa? Ma waxbaa kuu dhiman?

Dubbe: Waar taa sika daayoo rag u jeeda ma tihidinne. Suldaan Cismaan munaafaqiintuu sheegay ee Rayaale ku hoos nooli yay ahayeen? Miyaad se ku jirtaa adigu?

Doolaal: Suldaanku wuu cadhaysnaa e waxba ha ka qorin

Dubbe: Horta iminkuu baa bad gasheen. Cabdi Gahayr wuxuu yidhi “Baddii Tiriboli bay galeen baqanna maayaane” Libaax baa intaydin dhaawacdeen sii dayseen. Libaaxa miyaa la sii daaya haddaad dhaawacdo ama waa la dilaa ama looma dhoowaado marka hore.

Doolaal: Waar wax dhibi ma jirto. Suldaanka waa la saamaxay. Madaxweynahaa saamaxay.


Dubbe:
Wallee kob cagaar le aydaan ka soo durdurin. Maxaa ka saamaxdeen uu sameeyay? 70 nin buu beer kula shiray. Halkan ayaynu toddobaatan in ku dhow ku fadhinaa iminka. Haddaa faraha ka qaadaan beeshiisaba kamuu soo dhamaadeen intuu ka soo dhaadhicinayo waxa uu wado. Suldaanka ninka xidhay waa la ogyay.

Dolaal: Waar shirarkaa iyo waxa waa laysugu soo dhuuntaa ninyow. Macnaha dawladnimo ayaydaan garanayne.

Dubbe: Magaciin be. Ma idinkaa macne dawladeed garanaaya? Alla maxaan arkay idinkoo hadhkiinna ka cararaya. Waxaasi waa waxaad u tidhaahdeen “haddaanu ciidamada Puntland weerarno Kulmiye ayaa Madaxtooyada noo soo weydaaranaya” waxaa yaa idiinku sheekeeya horta? Aabahiin baanu caqliga caanteenka ah ka caayi. Kuwaasaa hoggaamin iyo rajo laga sugayaa. Waar tan way u dhammaatay. Allaa Laand tu ayaan daranaa.

Doolaal: Waar gacan shisheeye ayaa ku jirtay buu yidhi Siciid Sulub.

Dubbe: Siciid Ducaale aa? Ma kii kubbadda ciyaari jiray berigii Siyaad Barre?


Dolaal:
Waar Siciid Sulub baanu ku nidhi. Miyaad soo dhega beeshay? Waar waa Wasiirka Hawlaha Guud,Gaadiidka iyo Guriyaynta. Waa Libaaxaad sheegayso libaaxiisa.

Dubbe: Haaa. Waar horta maxaa u dhigtaan wasiiradiina qaar wax og? Wasaaradahadoodaba war uma hayaan ee ma gacmaha shisheeye shirarka reerahooda ayuunbay ka war hayaan? Iminkana qaar Ingriisi dadka ku caaya oo “Girowdh, get the hell iyo shit” ku yidhaa baa ku soo kordhiseen. Ta kale wallaahi sidii Sujuwida ayaa u dhaqmaysaa. Waxa la yidhi qolada reer Kenya ee la yidhaa Sujuwida waxa u taliya islaamaha. Mid ka mid ah ayay islaantii u guurisay. Markaasay habeen is dileen gabadhii. Subaxii buu shaqo tegey. Markuu soo noday ayuu gabdhii oo maqan arkay. “meeday?”buu yidhi. “Hooyadeed bay u tagtay oo way dudday.” Baa la yidhi. Intuu shandadiisii qaatay buu yidhi “oo yaan hooyo lahay?” iminka waxaad leeday yaan libaax lahayn. Waar libaaxyadu isma cunaan ee ha ku lug go’in.


Dolaal: Waar wasiirrada afkaaga ka jeedi. Ta kale maxaa Madaxweynaha u tidhaahdeen qabyaalad buu ku dhaqmaa dad buu si gaara u naas nuujiyaa?

Dubbe: Waar waabad i xuusisay eh. Muxuu ka kululaaday Madaxweynuhu waakii illaa Jibriil Yoonis socday eh? Kaasaad tidhi dawladnimo ayuu garanayaa. Miyaa waxaasoo kale laga jawaabaa? Anigu markuu ka jawaabay baaban maqaalkuu sheegayay dib u akhriyay. Markii hore ma eeginba.

Doolaal: Mayee waa af xuntiin. Dhan walba waa ka weeraraysaan odayga. Waar wax iskula hadha ninyow.

Dubbe: Waar horta gari Allay taqaanaaye qabyaaladda sidaa uguma sii dhaqmo.

Doolaal: Maxaad u jeeddaa?

Dubbe: Horta wax la odhan karo qabyaalad buu sameeyay waxaan xusuustaa markii la yidhi, iyaga iyo Allahoode, ninka Xashi Xuseen la yidhaa buu liisanakii kalluumaysiga ka qaaday oo nin Idiris la yidhaa oo reerkooda ah siiyay iyo markii uu Dr. Bulxan u diiday Caawa Caqli Keen tii ee uu u oggolaaday Dr. Maxamed Rashiid. Waxa kale oo jira arrimo aan qabyaalad ahayn loose qaadan karo. Waxa ka mid ah markii uu Maxamed Xaashi u diiday Komishanka ee uu yidhi reer Awdal baa leh. Waxa kale oo jira bal amuurta Ilaahay rag badan oo xididkiisa ah ayaa sidoodaba xisaabiyeyaal ahaa laakiin dhowaan ayuunbay meelo badan ka noqdeen xisaabiyeyaal idman. Dekeddaa ka mid ah, kastamada ayaa ka mid ah, wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa ka mid, Madbacadda Qaranka ayaa ka mid iyo meelo kale. Dabadeed waxa la yidhi waa qabyaalad. Nin waliba siduu doono ha u qaato anigu ku eedeyn maayo.
Waxa kale oo jira had iyo jeer ninka madaxda ah waa loo fiirsadaa. Nin ay is xigeen Madaxweyne Cabdiraxman Axmed Cali (AHN) ayaa igu yidhi “beriguu marxuumku ahaa madaxweynaha ayaan soo raacay tareen anoo London jooga. Nin aanu isnaqaanay baa isna soo koray. Wuxuu igu yidhi “ waar waxaan ku weydiiyay. Intii C/raxman Tuur madaxweynaha noqday Muse Carre miyay intii hore ka bateen? Tareenkaan raacaba mid Muse Carre ah baa la socda.”

(waa innoo toddobaadka dambe haddii Eebe idmo)
A. Geeljire

No comments:

Post a Comment