Saturday, August 29, 2009

Waxse Aad Gef Samaysay Gacantaad Wadhfinaysay Markay Gaadhay Sankayga.

DALJIRE
Waxse Aad Gef Samaysay Gacantaad Wadhfinaysay Markay Gaadhay Sankayga.

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe:
...Dee ha odhanne ka daa adeer... Wallaahi inaanad odhanayn; waanigaa dhaartaye. Sideedaba inagu dadka kuma tumanno markay dhacaane ninkaa Tallaabo ee ay la tagtay hadal xun ha odhan. Waa dhaqan xumo. shirkana haynaga xumayn.
Arrintan adhiga ayaa ku habboon inaynu ka hadalno ee dalka iyo dadweynahaba khusaysa intayno qof ka hadlayno.

Doolaal: Oo sawtii cid waliba kaa ka hadashay maxaa ku hadhay ee aad ka hadlaysaa?
Dubbe:Waxaan ka hadlayaa wixii lays yidhi baan wax ka celinayaa. aniga miyaa wax layga weydiiyay weli?

Doolaal: Oo adigu maxaad tahay marka wax lagu weydiinayo? bal faduushaada eeg. Adhiile ma tihid. Xildhibaan ma tihid. Wasiir ma tihid. maxaa ku luray maad iska qayishid?

Dubbe: Intaba wax ka sarreeya ayaan ahay.

Doolaal: Oo maxaad tahay bal ha lagu maqlee?

Dubbe: Anigu muwaadin Codbixiye ah ayaan ahay. Ka Xildhibaanka doorta ee Madaxweynaha Wasiirka sameeya doorta ee cashuurta bixiya ee wax wal oo dalka khuseeyaa ka bilaabmaan kuna dhamaadaan baan ahay. waxa intaaba ka sii weyn waxan laysu sheegayo qofka loo sheegayayaa ee laga dhaadhicinayaa ee la kala jiidanayaa waa aniga. miyaad taa diiddan tahay? mise waanad garanayn? xaq se miyaanan u lahayn inaan waxay ila tahay sheego anna oo aanay dalka jirin xornimada hadalku?

Doolaal: Bal waa yahay eh ha lagu dhegeystee maxaad odhanaysaa?

Dubbe: Waxa la yidhi waagii hore ee aan magaaladu jirin ayaa nin adhiga xadi jiray lagu yidhi. "waar maxaad adhiga u xaddaa maad iska daysid xoolahan aanad lahayn ee aad xadayso?" Wuxuu ku jawaabay."Kolba anigoo geed hadhkii iska hurda ayuumbuu adhigu geedka soo hadh galaa markaasuu igu joogsadaa. dabadeed ma idhaahdoo adhiyow ha igu joogsanne goosan baan ka kaxaystaa."

Doolaal: Markaa ma adhiguu dembiga saarayaa? maxaadse uga jeeddaa?

Dubbe: Waxaan uga jeedo waan kuu sheegi oo halkaa waynu gaadhiye. Inna ma xusuusan tahay maalin dhoweyd oo aan ku lahaa dadkeenu hadday wax ka doodaan, halka dooddu tahay waa laga duwaa oo wax kale ayuumbaa lagu xiijiyaa oo aan dabadeed laamiga Berbera berigii la dhisayay tusaale kuu siiyay?

Doolaal: Ma markaad lahayd dadkii waxa lagu wareeriyay darawaliintaa laamiga ku luloonaysa haddii laami la dhiso?

Dubbe: Haddaba iminka tii oo kale ayaa arrintan adhiga ka socota.
Doolaal:sidee yacni?

Dubbe: Waxaan dhegeysanayay ninka adhiga loo xidhay ee Adan Baradho la yidhaa oo Golaha Wakiilada la hadlaya. laba adduun baabaynu kala joognaa inaga iyo isagu. Wallaahi waan yaabay. Horta marka hore muran kuma jiro inuu Adan yahay nin ganacsade ildheer oo illaa markuu yaraa soo xoogsanayay kuna fiican shaqadiisa, qaadarinteeda iyo ammaanteedana wuu leeyahay. inuu kolba xukuumadda maalintaa taagan la shaqaystana dad badan buu kala mid yahay oo iyana wax aynu si gaar ah ugu dhaleecaynayno maaha. markaa horta isaga qof ahaan ka hadli mayno.

Doolaal: Waar adhiga u soo noqo. hadal tirada iska daayoo.

Dubbe: u soo noqday eh. Adan wuxuu yidhi. "Anagu wakiilo ayuumbaanu u nahay Aljaabiri heshiiskana shaqo kuma lihin. wakiilnimada haddii nalagu haystana; dee wada wakiil maynaan noqoneene cid uumbaa noqon lahayd ee anagaa noqonnay."

wuxuu raaciayay. "heshiiska talo ayuumbaanu ku lahayn"
waxaan xusuustay mar hore Adan oo lugaynaya oo ku socda Bangiga Dhexe oo uu qandaraas raashinka ah oo aan lagula tartamin ka haysto ayaa hor maray xaruntii traafigga markaasay u yeedhay jagadii traafiggu oo ay tidhi."xaaji halkan ayuumbaad naga dhaaftaaye horta maxaad Ina Rayaale ii weydiisan weyday oo aad Booliskana jago kale oo aad leedahay New Hargeysa uga siin weyday oo anaa kuu qiimo badane aad iigu deyn bixi weyday oo aad Jamac Oomaar iiga iibin weyday, isna Dahabshiil hayga sii iibiyee, Ina Rayaalena aad boqolkiisa kun ee doolar ugu tuuri weyday." oo dabadeed uu yidhi. "wallaahi waa fikir wanaagsan. Laakiin anigu hantida umadda ma qaatee Ina Rayaale ayaan talo ka siin doonaa markaa hadduu yeelo waan arki." oo uu dabadeed sidii jagadii Ina Oomaar kaga iibiyay. illayn iyadaa soo doonataye isna talo ayuumbuu ka dhiibtay eh.

Doolaal: wuxuumbaad isku mulaaqdaaye. maxaa taraafiggana ina soo dhex geliyay? Maxaase hadalkaa adhiga uu ka yidhi ku jaban?

Dubbe: Waxa ku jaban. Waa mid eh waa hadal majaro habaabin ah. qaddiyaddii adhigaba wuxuu ka dhigayaa in wakiilnimadiisa laysku haysto.(waxaan maqlay beri dhoweyd oo uu suuxay inuu yidhi."waa lay cawryay oo wakiilnimada Jabiri baa laygu cawryay) waa ta labaade wuxuu milix ku sii shubayaa nabarkii ku dhacay muwaadiniinta ganacsatada adhiilayaasha ee waayay xaqoodii ahaa inay cidday doonaan wax ka iibiyaan qiimahay rabaanna ka siiyaan. Isla markaa wuxuu ka dhigay dad xaasidnimo uun ka shaqaynaya ee aan muraad kale lahayn. Waa ta saddexaade wuxuu u eg yahay hadalkii ninkii adhigu ku joogsaday ee aan kuu horraysiiyay.waa ta afraade xildhibaanada iyo dadweynahaba inuu quudhsanayo oo maskaxdoodu la liidato ayuu muujinayaa sidaan u arko.

Doolaal: ii balballaadhi.

Dubbe: Arrinta salkeedu wuxuu yahay xaqiiqada odhanaysa Ina Rayaale ganacsigii adhiga nin keliya oo carbeed buu u xidhay. Taasina waxay ka soo hor jeeddaa oo burinaysaa Distoorka. Wakiilnimada Adanna lama diidana ee markay dadkii kale ganacsigii ka hor joogsatay ayay meesha soo gashay in la soo hadal qaado. waa taan lahaa oo kale. "Markaad gaafo wareegga,adigoo gurdamaaya, oo geeddada taagay, aad geddaa soconaysay, cid kumaad gardarroone, waxes aad gef samaysay, Gacantaad wadhfinaysay, markay gaadhay sankayga, ay gujisee gig ka siisay, ee goror ay iga keentee. bal garawso midhkaa" ninka cidladaa iska laafyooda ee gacmaha saydhaa waxba kuma yeelo, laakiin hadduu sanka ku jaro waa arrin kale.Wakiilnimada Adanna waa sidaa.

Doolaal: Waar haaye Adan wuxuu yidhi."Carabku dalka ayuu maal gashaday oo maxjar caafimaadka xoolaha ah ayuu inoo samaynayaa si aynu xoolaha ugu dhoofin karno." maxaad taa u arki weyday?

Dubbe: Haaaaa. halkaasi waa halka laynagu khaldayo ee sheekadu laamigii Berbera uga egtahay. eeg aan wax kuu sheego. Waa mid eh carabku dalka hadduu maal gashanayo wuu mahadsan yahay. Maxajarka markuu sameeyo ee uu lacagtiisa geliyo xaq wuxuu inoogu leeyahay inuu maxjarka inaga kireeyo oo neefkii la mariyoba lacag go'an laga qaado oo uu lacagtiisii kala soo baxo macaashna uu u dhalo inata maxjarkaasi shaqaynayo. Laakiin xaq inooguma leh, sharcina maaha inuu yidhaahdo "keligay adhiga ii xidha oo suuq kale ha raadsanina.".(cid waliba waxay maal gashato ayuumbay ku ekaataa. ciddii sibidhka maal gashaataa dahabka iyo macdanaha kale oo dhan xaq uma leh in loo xidho) Ta labaad isaga oo aan maxjarkii dhammayn oo adhigeenna Djibouti marinaya xaq inooguma leh, sharcigana ma waafaqsana in adhiga loo xidho muwaadiniinta kale loo diido inay djibouti marsadaan xoolaha ama meelo kale toos u geystaan.

Doolaal: Waar Adan wuxuu yidhi. "ninkani 30,000 oo doollar ayuu ugu deeqay biriishka labaad ee Hargeysa"

Dubbe: kelmaddu waa deeq. deeqda wuu ku mahadsan yahay. halkaas bay ku dhammaatay. hadduu wax kale oo iiba doonayo ha sheego waxaas waa laga iibiniyaa. laakiin deeq buu bixyay ee dalka u xidha oo dadka u cuna qabateeya. kitaab ay ku taallo laguma hayo adduunka.

Doolaal: Waar haaye Adan wuxuu yidhi."adhigeenii intaynu carab u geyno ay dhici jireen sidan baa inoo dhaanta.'

Dubbe: Waa runtiisa. laakiin taa lama weydiine waxay su'aashu tahay. waar ninkani Djibouti buu xoolaa marinayaa oo ma lehSomaliland baan toos uga keenay ee maxay dadka kaleba Djibouti u marin kari waayeen ee carabtooda halkaa ugu sii marin waayeen adhiga? uma hayaan jawaab dee. Ta kale, maxaa isaga ka galay miyuu dhalay adhiilayaasha nin waliba isagaa dantiisa yaqaan ama ha la dhaco ama yaan la dhcine xukuumaddu cashuurta uun may ka qaadato. Bal isla weynidaa eeg?

Doolaal: Waar xaajiga afkaaga ka jeediyoo wuxuu Adan wuxuu yidhi."carabtan iminka qiimah kordhinaysaa Aljabiri bay ku xumaynayaan."

Dubbe: Dee yeelkooda Aljaabiri maxaynu isu nahay?

Doolaal: Waar Aadan wuxuu ydhi.”xoolaha in sicirkooda la kordhiyo anagaa carbka ka dhaadhicinnay.”

Dubbe: Dee yaa u dirtay? Anagu carab kale ayaan wax ka iibinaynaa bay yidhaahdeen kuwii kalena. Haye.

Doolaal: Waar ninkaase nin aad u tag helayso maaha ee candhuuftaada iska liq.

Dubbe: Horta adigu ciyaar baad u leedahay ee isagaaba Wakiilada ku yidhi”waqtiga hayska luminina.” Waxa kale oo aan kuu ogahay nin ay i xigaan oo Cabdikareem Banday la yidhaa ayaa beri dhoweyd arkay qolo reer Burco ah oo cadhaysan oo leh “waa wallahi inaanu iska celin haddii nalga qaban waay.” Markaasuu gabay ugu jawaabay nimankii. Wuxuu yidhi:


Qofkii barad ah iyo ruuxaan boganin taariikhda
Iyo bes miday ka tahay oo badawa mooyaane
Buunigu waa og yahay baaluu joogaba eh
Oo xaajigayaga baddaa laga yaqaan bilina loo daaye
Inkastoonu bidhaantii lahayn baaxad iyo xoogga
Oonu bilic iyo hubqaad baarka fidhanaynin
Misna badraanimada waa Basbaas amase Baarjeexe
Oo weliba uu baabab kale iyo baawar dheer yahaye
Ina Qabile buurtuu ahaa waabu beegsadaye
Bilaash-magaca Baradhaad malaa belef ku haysaane
Markaasaw bu’deen intaad biime noqoteene
Birlab weeye xaajigu adayg biixi iyo seede
Banaankaa hadduu jiifsadaan bahalku eegayne
Giddigoodba reer Bederwanaag boonka ku xareeye
Bunji buu ku jiidaa reer tolkii oo budulka qaadsiiye
Iyaga barbaartii Ciidagale baaniso u diidye
Wa horuu baguugha ka dhigay boqorradoodiiye
Balligubadle waa tuu ka diday Arab biftiisiiye
Burco iyo Togdheer ma jiro nin u badheedhaaye
Budhkii ay soo rogan jireen buugga laga waaye
Reer barigi buur buu u kacay Badhan dhankeedaase
Boosaaso inay galaanna waa looga baqayaaye
Bucsharkii iyo ka carar Awal bakhaarkiiye
Beladaa dakaba heshay ayay bisin ka haystaane
Beelaha galbeed naga xigaa baqe dhankoodiiye
Ciisihii billaawaha caddaa baalashii quba e
Dadkuumbaa buuqayska jecel iyo dhawaaq baase
Baraarkiisa naaxiyo wankaa badhida jiidaaya
Maxaa looga bi’i ma cid kalaa adhi bad geyneysa

Waa Inoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment