Sunday, August 16, 2009

Qaranka Qabyaaladda Ha Laga Daayo

DALJIRE
(Qaranka Qabyaaladda Ha Laga Daayo)
(isaga Saciid maantuu dallacay)

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe: Wadhi !

Doolaal: Waar waa maxay?

Dubbe: Wadhi ! ah ey ah! waar maxaa ninka Ilaahey ka yeedhsiiyay? mise tolow shaydaan baa ka yeedhsiiyay?

Doolaal: Waar waxan aad ka hadlaysaa waa maxay iminka?

Dubbe: Laakiin wuxuu doono ha ku hadlo wasiirkuye, isaga Ina Rayaale waa mafsuud mar haddii Haatuf iyo waxii la halmaala wax lagu yidhi. In badan buu lahaa xaafad halkana iyo labdeeda joornaal baan khaati ka joogaa.

Doolaal: Waar waxan la yidhi ee aad sheegaysaa muxuu yahay iminka? bal cajabtan kaalaya.

Dubbe: Waar bal barkimadaa soo tuur. Waar shalay baan six un u fadhiistay oo muruq xun baa I galay eh.

Doolaal: Bal muu oofwareen kugu noqdo waannu kaa raasayn lahayne. Waar ma kuu dhiibaa Abu Faas baan hayaaye?

Dubbe: aaax…..iga wallaanan dhankaaba u jeesan karayn…Horta Ina sulub baan kuu sheegayaa. waxaad doonto ee kaleba tilmaan. laakiin laguma aqoon nin daba dhilifeeeeya oo weliba dhinaca xafiiska hoose ee Madaxtooyada ka soo wareega? fulayna ma aha. laakiin maanta markaan maqlay hadalada laga soo sheegay inaan markhaatigaa u furi karayo u malyn mayo waxii iminka ka dambeeya. Wax weyn baa is beddelay. Waar horta ninku caynkan ma ahaa mise anigaa si kale u haystay? Waar rag lama meleeyo. Midhkaasaa run. “Soomaliyi been way sheegtaa, been se ma maahmaahdo”

Doolaal: Saddaam walaalkii sidii loo deldelay ma ma maqashay? Waxa la yidhi madaxuba wuu go’ay. Wallee ninmankii sunniga ahaa Shiico iyo gaalo ayaa isu celisay. Gam bay ka dhigeen.

Dubbe: Waa markeenniiye……Waar maxaad is waalaysaa? sawdiga og. Sawta la yidhi marka meesha la galo laba xafiis baa ka kala furan. mid midig loogu leexdo oo daaraha yar yar ee daaradda ku yaal ka mid ah iyo kan Madaxweynuhu fadhiisto.

Doolaal: Waar Haatuf waa layska celinayaa. oo haddaa miyay wadaysaa uun. imisaa laga aamusnaa?

Dubbe: Waar heedhee. Allah ku dooriye. meesha waxa laga hadlayaa waa sharcigii ummadda u yaallay iyo muwaadiniin xaqoodii lagu tuntay. maaha yaa Ina Cabdi gaboobe nebcaayey iyo yaa Ildab Dheere iyo Xoorre wax ka sheeganayaay. Maaha yaa meeshii qabiil doonku cuncunaysaayeey. Arrintu waxa weeye dalkan ay askartiisu weli nin waliba qorigii reerkoodu u iibiyay sidato in laysu soo kaxaysto oo laysku xidhxidho ma aha. In sharciga la baal maro ma ahaa. Adeer haddii kale saw bahalo noqon mayno is cuna?

Doolaal: Haaye ma daw baa in Madaxweynaha la caayo oo la aflagaaddeeyo?

Dubbe: Waar horta Cay uumbaa la soo boodaane yaa caayay madaxweynaha? Waxa la yidhi musuqmaasuq buu sameeyey. ha caddeeyo inaanu samayn markaa ciddii eeddaa lihi bal halkay ka baxdo ha la arko eh.Marwadan aad tidhaahdeen waa la caayayna. anigu meel lagu caayayo ma arag. laakiin haddii la yidhi arrimo aanay lahayn bay faraha la gashay oo musuqmaasuq bay faraha la gashay oo xoolo dadweyne ayay taataabatay. waa lays waydiinayaa? haddii waxba lagu caddayn waayo xeerkaa loo marinayaa ciddii ka sheegtay ee caddayn wayday. Qofnimadeeda in loo caayaana waa xaaraan manay dhicin intaan ka war qabo.

Doolaal: Dee haaye iyagoon waxba soo ban dhigin bay wax soo qorayaan.

Dubbe: Waar intan inamadu yidhaahdeen miyaa laba yidhi na tusa oo cago dhul loo mariyay. dam ayuunbaa jeel; lagu siiyaay eh. Sawkunse maalin walba waraaq ku soo dhejinaya miyaanad arag? Ta kale intani intii oday Saleebaan ku yidhi Madaxweynahah miyay ka badantay? Saw kii yidhi waa Khaayin la kordhabay. Oo waa kaayinul wadan oo dalkii iyo dadkiiba wuu baabiiyay. Maxaa oday Saleebaan loo xidhi waayay?

Dolaal: Taasu waa rag siyaasad isku haya oo wax waa laysku tuurtuurayaa.

Dubbe: Oo ma kuwan bay haddaa bariis isku hayaan? iyaba waa raggaa dalkooda ay u soo halgameen ilaashanaya eh. Dunida maxaan siyaasad ahayn? Bal ii sheeg.

Doolaal: Waar odaygu waa iska ooraydhe (alright) dee ileyn mar mar waa layska yar neefinayaaye. maxaad madaxa la ruxaysay ee aad lahayd ninbaa yidhi?

Dubbe: Sheeko iyo shaahid miyaad aragtay nin madax ah oo lagu eedeeyey inuu musuqmaasuq sameeyey oo isku difaaca dadka kaleba waay guranayaane maxaa tayda loo arkayaa? wasiirkan leh dadbaa guryihii dalka haysta miyaan isaga loo xil saarin inuu qorshe keeno dadkaa lagaga soo celin lahaa hantida ummadda? ma waxuu odhanayaa inta hadhay baan anna farsamaysanayaa? Dalkan markii ay jabhadahu soo galeen ee umaddii qaxootiga ahayd ee bara kacday soo noqotay qofba meeshii uu foodda gelin karayay geliyay ma layaab bay lahaayeen? Maxkamdda sare ayaa weli badhna qoysas deggan yihiin badhna xafiisyo yihiin. Ma in qorshe xukuumaddu la timaaddo ay dadkaa wax ugu samaynayso kagana saarayso guryaha dawlada baa mise waa in ay naxli kale ka abuuraan. ma waxa kale oo aad aragtay nin weyn oo wasiir ah oo yidhaa laba qof baanu reerkayaga nahay ee maxaaa loo sheeganayaa?

Doolaal: Waar haaye way kala iibsadaan guryaha dawladda.

Dubbe: Maxaa la kala iibsaday eed sheegaysaa? dee hadhkaa lacag yar mujaahidiintu siisataaye oo ay isku daweeyaan ama carruurtooda bakhtiyaysa raashin u siiyaan ee ma mulkiyad bay ku wareejiyaan oo ay u haysataan? mayee wallaahi hunguri baa idinkaga jira idinka laftiina. Ta kale maxaa idinka hor taagan inaad qorshe la timaaddaan wax lagaga qabto wxaa?

Doolaal: anagu waxaas oo dad ah xaggaanu geeynaa? ma dal aan ictiraaf haysan baa arrimahaas oo kale hir gelin karaya? maxaadse ku tidhi Madaxweynuhu dhoosha ayuu ka qoslayaa?

Dubbe: Ictiraaf buu yidhi. Waxa la yidhi islaan odaygii ka yar daalay baa ayaa wadaad xadiis sheegaya maqashay oo leh “ninkii islaantiisa u galmooda wuxuu la ajar yahay nin gaal dilay” Odaygii bay u sheegtay. Markuu dhawr habeen ku xiiqay bay habeenkii dambe tidhi “ee miyaanad caawa gaalkii dilayn?” markaasuu yidhi “ee sidaa gaalo ku dhammaan maysee lafahayga hay dilin” iminka sedan aydin wax u waddaan ictiraaf ma lagu helayaa baad u malaynaysaa? Teeda kale, horta maxaad isla yeelyeeshaa ninyow? Gebiga Madaxtooyadaba waxa lagaga sheekeeystaa hebel baa hel u jawaabay oo qiyaamahiisa kiciyay. iyo mafrishkii meel heblaayo sidaasaa laga lahaa. Miyaanad rag waaweyn oo intay soo kacaan uun shir jaraa’id qabta oo cid uun dusha uga baxa? Waxa la yidhi markaasay daaqadda Madaxtooyada tagaan oo ay yidhaahdaan saxaafaddii baa nala socota eh bal odayga waxoogaa ka soo qaada. Ama xoghaynta Cawil baa layska xaadiriyaa.

Doolaal: Waar ninku maahmaah xumaa. Ma haddaad islaanna noogu maahmaahday?

Dubbe: Waar islaantaa iyo waxaa iska daayoo. Dadkiinan xilka la saaray qaranka qabyaaladda iyo naxliga ka daaya. Illaa Madaxweynihii baa marka wax laga sheego odhanaya waa lay qabyaaladaynayaa. Haddii islaamo mudaaharaadaan wuxuu odhanayaa “maxaa ina cigaal loogu mudaaharaadi waayat?” Imisa goor baad aragtay isagoo Cabdi Idris, Afhayeenka Madaxweynuhu, waxaa soo qoray. Waxa kale oo aan saxaafadda ka codsanayaa inay iska ilaaliyaan inay masuul xukuumadeed ku tilmaamaan qabiilkiisa. Masuul waa masuul xukumadeed. Haddi qabiilku uu arrinka laga hadlayo yahay sida isu eexasho ama sabab kale waa halkeeda.


Waa inoo toddobaadka soo socda haddii Allah idmo

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment