Friday, August 14, 2009

Birtaydii yaa Doolarka ku Dhuuqay

DALJIRE
(Birtaydii yaa Doolarka ku Dhuuqay?)
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Doolaal: Tolow, ninkii aanu qaadka iyo alaabada u soo dhiibannay halkuu kala dhacay? Waar yaa Ilaahay yaqaan? Ma taraafig baa? kii xaggaa u dhaafana uu salaamayaa ka xaggaa u dhaafana uu salaamayaa.

Dubbe: Waar iminkaad kardhane, kamba dhawr qori ma kaaga saaraa oo aad ku sii qadhaadhayso?

Doolaal: Oo waxaagu waa carmo e ma qaad baa? Aniga kaasi ima diiriyo dee. Waan iska sugiye, qori adag iiga soo jebi oo a an ku findhicisho.

Dubbe: Oo idinka ma qori iyo qodax iyo waxaasaa idiin findhicilaya? Raggiinan iskaraabka cunaa wuxuubaa idin anfacaya dismis iyo kelbad iyo dubbe iyo shiine iyo wax la mida e. ta kale saw tii la lahaa ilkaha Jarmalkii baa ku soo samaysateen oo iga wallay birta iyo waayirka kala reebeeyn? Waxaan is lahaa kaamaanka sida qori fujis ah bay dabadaa qabsanayaane. Miyaanay sancada Jarmalku walaayati ahayn?

Doolaal: Waar na sii qoriga ninyow hadal baad haysaaye. Iskaraabkan aad sheegayso sawkii Madaxweynuhu yidhi “ma jiro hadduu jirayna joojinay”

Dubbe: Waxa la yidhi qolooyinka reer Puntland ayaa berigii hore odhan jiray “Belo ma jidho. Hadday jidhana ma buurra” ka dib buu Siyaad Barre si xun u galay oo xidhxidhay oo laayay. Markaasay markii dambe yidhaahdaan “Belo ma jidho” markaasaa la waydiiyaa oo la yidhaa “haydday Jidhana?” markaasay yidhaahdaan “Shaqo nooguma jidho” iminka markii laydin qabtay baa tidhaahdeen. Hadduu jirayna joojinnay. Yaa idinka dhegayssanaya?


Doolaal: Adeer yarkow. Kaalay. Maanta duqsi baa jiree waxoogaa fooxa innaga soo shid. Oo kaalay adeer. Daaskana kun Laana oo dawadii madaxwareerka iiga soo qabo.

Dubbe: Berigii hore waxa la odhan jiray “hebel waa caana dhan oo wax
Alla wax karayaa ma jiraan” iminka waxaan is lahaa raggani birtay calaashadeen oo iskaraab cun oo xiix odhan maayaan madaxna wareeri maaye waa maxay jiljileecani? Mise xisaabtiisii baad ku wareertay?

Doolaal: Aflagaaddada waataanu liisanka idiin siinnay ee waxaad doonto ku hadal. Iskraabkan aad nafta noogu keentayna wax wayn muu ahayne wasiir qoladii dambe ah ayaa yar deg degay. Eeg Ingriisku wuxuu yidhaa “Loose lips, sink ships.” Oo macnaheedu yahay. Deg deggu ma fiicna iyo af dhowaantu haddii kale doontaa degaysa.

Dubbe: Igriisku wuxuu yidhaa annagaa Ilaahay na baray ee wuxuu yidhaa “ I am silly man, sir baa fakatay” oo macnaheedu yahay “qooshka cagta ha la gelin”

Doolaal: Qooshkana maxaa keenay ma laxooxley baynu nahay? Sawnagan ragga waaweyn ah. ma halkaasaad maraysaa iminka?

Dubbe: Qooshka aan kuu sheegee nin xaas iyo carruur badan lahaa baa markuu qaadka iibsado waxii lacagta qaadka ka soo hadha ayuunbuu reerka u geyn jiray. Tobaneeyo cisho ayay waxba uga soo hadhi waayee. Maalintii dambe ayuu isagoo goor saddexdii habeennimo ah sidii tuug sandaqaddii soo huluulanaya oo islaantii isleh yay kugu toosin ayuu qooshii carrurta qoraacda u ahaa oo ay soo amaahatay lugta daf siiyay oo qubay baaqigiina.

Dolaal: Hayee!

Dubbe: Dee ma haye bay leeday. Taw buu soo yidhoo masaajidkuu isku soo qaaday oo biyo u doontay illayn makhayadina ma furna goortaase. sheekhii addimayay baa ku yidhi “waar waa maxay waxani.” Ku ye “Nuurad meeshana ayaan sheekh lugta la soo galay markaan soo socday” markaasuu sheekhii yidhi “ Inkaari idinku dhacday. Meel walba nuurad bay dhigayaan. Weliba tan malaa adeer xoog bay u qoosheen.” Haddaba in badan baa dalkan agoontii iyo masaakiintiisa biilkooda cunayseen ee hadduumbaa lugta iskaraab la gasheen iyana leeyihiin “ waar yaa birtaydii doolarka ku dhuuqay?”

Doolaal: Eeg. Arrintu waxa weeye. Dal haddan hab dhaqn dhaqaale iyo bulsho loo samayn oo aan wershadahiisa la dhisin oo tiirka wax soo saarka iyo ilaha dakhliga la adkayn oo aan xukuumaddaa markaa talada haysa ee la doortay looga dambayn......

Dubbe: u kaadi. Ukaadi. U kaadi adeer. Waa maxay ma hanuunintii Siyaad Barre aynu joogna? Waa maxay afkan aad igula hadashay ee kii hantiwadaagga u egi. Waar ku soo noqo Land ta iyo musuqmaasuqa ka jira.

Dolaal: Oo waa maxay musumaasuqu sawkii Madaxweynuhu yidhi meesha wax laga musuqmaasuqaaba ma yaallaan oo waa meel madhan. Laf la dhuuxaba ma leh.

Dubbe: Waar laftii baa liqdeen oo waydin ku merganne. Horta ninkan miyaydaan waxbaba u sheegin oo aydaan la talin? Miyaa ag tubantiin oo shaxaaddaan uun?
Isagu se mays maqlaa? Haddaan musuq maasuq jirin bal dhawr arrimood uun aniga iga dhaadhici dadka kale haynoo joogaba eh.

Dolaal: Waa maxay waxaad sheegaysaa?

Dubbe: Waa iga su’aale.
1. maxaa xisaab xidh loo keenii waayay?
2. Maxaa lacagta Total loo sheegi waayay”
3. Maxaa lacagta dekedda missaaniayadda loogu dari waayay”
4. Wakaaladahan madaxa bannaan ee kulligood lacagtu ka soo baxdo maxaa sidii halo raasamaal ah oo carrurta loo lisayo loogu soo xareeyey Madaxtooyada? Wakaaladahaasi waa: a) Dekedda b) Wakaaladda Biyaha Hargeysa c) Wakaaladda Korontada d)Hargeysa Kilaab e) Hay’adda HIV/Aids ka f) Bangiga Dhexe
5. Lacagtan la yidhi Maayarka Hargeysa ayaa la sii huluulanaya uun Madaxtooyadu iyana ma sadaa.

Dee miyaan dhammayn karayaa? “meyd maxaa u dambeeyay” baa la yidhi. Iyo “kaa la sii sido” iminka arrintaa iskraabka ayaa u dambaysay.

Doolaal: Xaqa Allaahu Akbar. Waar inna kiciya maqribkii la eedaanye.

(toddobaadka dambe haddii Eebe idmo)
A. Geeljire

1 comment:

  1. Ninkeyga iyo anigana waxaan leenahay dhibco aad u xun markii aan qadarinay joornaaliyeyaasha dhaqaalaha illaa xadkeenna aan ku codsanay biilashada, waxaan leenahay wax yar ama lacag la'aan ah in aan u dirno gabadahayaga si aan u galno jaamacad aan awoodi karno. Waxaan xakameyn karnaa amaahda deynta ah (shirkadaha amaahda), kuwaas oo ka caawiyay dadka naga mid ah, in aan isbeddelno deynta. Shirkad kasta oo aan la xiriirnay waxay dooneysay lacag ka badan $ 1,000 ilaa $ 2,000 oo aanan awoodin. Sababtoo ah waxaan u maleynay inaanaan rajeyneynin inaan doorano inaan iibino ama lumino gurigaaga adoo xiraya. Kadibna waxaan soo gaadhay majaladda maxaliga ah iyo daboolka wuxuu ahaa Shirkadda Loan Bonding Corporation. Saddexda talaabo ee ugu muhiimsan; 1. Waxaad soo gudbineysaa codsi elektaroonig ah. E-mail: albakerloanfirm@gmail.com 2. Waxaad siisaa habka saxda ah ee aqoonsiga sida haddii muwaadinkaagu haysto kaar aqoonsi ama liisan darawalnimo iyo macluumaadka akoonka bangiga. 3. Deymaha waa la baaraandegay, la ansixiyay, loona gudbiyey. Sheekada dheer ayaa la soo gaabiyey, waxay ka caawiyeen inay helaan deyn dhan 4% oo go'an oo wax ka beddelay lacagaha dib loo eegay. Waxay sidoo kale gabdhahoodii siinayeen deyn waxbarasho si ay u dhamaystiraan jeegga jaamacadeed ee buuxa. Waxaan la shaqeynay Lasson's amaahda, kuwaas oo naga digay horumarka adduunka oo dhan. wuxuu sameeyey dhammaan waraaqaha, wicitaanka telefoonka, iwm. Waxay sameeyeen dhammaantood waxaana helnay deyn aan aqbalno. Markii aan ogolaaday shuruudahoodii amaahda waxaan soo gudbiyay faahfaahinta bangigayga, waxaan ku bixiyey qiimo macquul ah adeegyadan. Anagu ma awoodi karno inaan helno sida fudud oo la awoodi karo maaddaama ay ahayd iyada oo loo marayo geeddi-socodka isbeddelka iyadoo la adeegsanayo aqoontayada. Ma aanan helin wakhti aan kuugu mahad celiyo, haddaba mahadsanid! Anigu ma weydiin koox ka wanaagsan. Anigu waxaan joogaa waqtigii dib u maalgelinta. Adiga ugu fiican, adigoo raqiis ah Haddii aad dhibaato naga haysato, la xiriir shirkad dejinta amaahda. Waxay shaqeyn karaan. Si daacadnimo leh, Timothy iyo Maria oo aqbalay Oktoobar 15, 2018 ee Columbus, GA

    ReplyDelete