Saturday, August 29, 2009

Kydbaday qofba si kuu maqal

DALJIRE


Kydbaday qofba si kuu maqal

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe:
Waaryaadhaheen, miyaa weli aragteen ama maqasheen madaxweyne isagoo kursiga ku fadhiya baasaaboor qaxootiya xaaskiisa dal kale uga soo qaada? Ina Rayaalihii aynu lahayn war iminka Djibouti maxaa laga tusay shaw nin baasaboor xaaska uga raajicinaya ayuu ahaa. Ma dal sharaftiisii oo dhan dal-ku-gal ku-meel-gaadh ah la siisto ayaynu aragnay? Haye. Ciyaar baad moodaysaan. Markii la weydiiyayna wuxuu yidhi. Way degenaan jirtay dalka oo waraaqay ku lahayd. Horta inagu marwada waa inagu ceeb inaynu soo qaadnaa laakiin waa madaxweynaha ninkaynu ka hadlaynaa. Gabadha dhaafa warkeeda.

Doolaal: Waar..Waar qaadka ha nagaga joogsanin..waar muxuu la xiiqsan yahay qofku... waar xaggaa nooga baydh baasaboor layne. Horta fadhiiso intaanad hadal daf nala soo odhan. Ta kale halkaad ku raagtay maanta?

Dubbe: Waar naga durug moojiye. Saacaddaasaanu lugaynaynaaye.

Doolaal: Oo maxaad la lugaynaysay, waxaaban ku arkayay adigoo kuwii yaryaraa ee aad adeerka u ahayd horsocda eh?

Dubbe: saw tu yar oo aan adeer u ahay oo markay soo rawaxdo halkeeda iska soo lugayn jirta maan soo dhaafinayn waddadaa Madaxtooyada ee la yidhi waxa jooga nin hablahaya yar yar cunahaas uu la ledaya.

Doolaal: Oo muxuu ahaa kaasi?
Dubbe:Waxa la yidhi Madaxtooyada ayuu afhayeen ka yahay oo Siciid Caddaani baa la yidhaahdaa. Miyaydaan maqal tii yarayd ina Casayr in dirqi lagaga riday? Waar bal hablaha ninkaa ka ilaashada. Ahaaaaa! Waar ma Guduudanaa? Wallahi in wax walba la arki.

Doolaal: Waar ma ninka odayga ayaad ledahay hablahuu laynayaa. Waar isla yaab.

Dubbe: waar meeshu Gobabkii Ina Igarre ayay noqotay ee iska aamus wax ma ogid Habeen. Horta todobaadkii dhowaa waxa wada cajiib ah ayaa inna soo maray. Miyaan is lahaaba wax aad la yaabtaan baa idiin hadhay.

Doolaal: Waar adiga waataan Yaabane kuu bixiyay ee maxaad la yaabtay,haddana?

Dubbe: Waxaan la yaabay waxaan arkay Ina Rayaale oo Siilaanyo iyo Ina Cali Waraabe cilmi ugu faanaya oo leh waxba garan maayaan. Waxaan xusuusty sheeko gaalaad. Waxa la yidhi nin qareen ah oo meel tuulo ah ka yimi ayaa New York yimi oo xafiis weyn ka kiraystay. Isagoo xafiiskii fadhiya ayuu nin soo gelaya arkay markaasu intuu taleefnkii dhuftay isagoon cidna la hadlayn iska dhigay nin qof kala hadlaya arrin uu qareen uga yahay. Wuxuu yidhi. “Haa. Waa sidaa arrinku.. way soo dhammaatay arrintii..adigu markaan dhammeeys tiro inta yare e xaal xaalka ah saddex million adigaa leh shanta kalena waa aniga. Ok. Waa inoo sidaa. Thank you.” Taleefankii buu dhigay. Ninkii soo socday oo soo gaadhay mar hore oo dultaagna intuu beenta shubayay ayuu ku jeestay oo yidhi. “How can I help you? Maxaan kuu qabtaa?” ninkii wuxuu yidhi. “shirkadda taleefanada ayaan ka socdaa oo inaan taleefanka kuu geliyo ayaa lay soo diray.” Hadda waa taleefankii uu iska dhigayay nin ku hadlaya. Iminka Ina Rayaale taleefankaas ayuu inoogu hadlay markuu Siilaanyo iyo Faysal tacliin u sheeganayo.

Doolaal: kkkk. Waar naga aamus afku ku go’ye. Wallaahi anagii buu naga qoslin qaadhay. Haye. Maxaad kale la yaabtay?


Dubbe:
Waxaan kale oo la yaabay caqliga c/lahi cirro ee maamuuska iyo aragtida ka arradan. Waa ninka yidhi mucaridka cidina uma diidin inay xafladda yimaadaan cidina ma casuumin hore iyo dib toona. Wax kale iska daayoo miis maqaaxi ku yaal oo aad fadhido ayaad qof kale ku tidhaadaa soo dhowow oo fadhiiso. Xaflad wal oo la agaasimayo ama heer qoys ha ahaato ama heer qaran eh waxa gundhig u ah in dadka la rabo inay yimaadaan loogu yeedho. Tusaale. Haddii walaalkaa inantii bixinayo ama inakiisu guursanayo waad ku wargelinasaa inuu yimaado munaasabadda. Odhan maysid ha u sheegin ama ha yimaaddo ama yuu imane.

Dubbe: Waxaan kale oo la yaabay qolooyinkayagan mucaaridka ah. Waxaan kula yaabay. Waxaanu nidhi oo ku eedaynay Ina Rayaale waa tuug hantidii qaranka madhiyay oo lunsaday waa beenaale aan midh xalaala aqoon waa axdi (cahdi) laawe, waa kelidii taliye sawaaban haddana waxaanu u qaylinaynaa waxbuu noo saxeexi waayay. Ma waxa la arkay qof tuuggii xaday yidhaahda ii saxeex inaanad dib ii xadayn? Waar yaa ilaahay yaqaan. Heshiisku af iyo qoraalba wuu gala. Qofka aan aaminka lahaynina labadaba wuu jebiyaa. Waar meesha ha nagu waalina ee doorasho daba gala Ina Rayaale war isuguma keen ahddana eh.

Doolaal: Allaylehe maruun qaladkiina sheeg. Waar waxaad ka warrantaa waadigii beerta xorriyadda tegey maalintii dhoweyd ee khudbaddii Madaxweynaha ka warran.

Dubbe: Waa yaabka afraad. Waxaan la yaabay dadkii aanu meesha wada joognay isku khudbadba maanaan dhegeysan qaarkood. Anna waxbaan maqlayay iyana wax kale ayay maqlayeen.

Doolaal: side yacni?

Dubbe: Anigu sidaan u maqlayay aan kuu sheego:

Mudane iyo marwooyinba dadkiina falan ee isa soo lug gooyay ee filaya inaan waxay jecel yihiin u sheegow waad salaaman tihiin. xaflad nin ka maqnaaday waa nin shir ka duday. Nin shir ka dudayna wuu siigo yar yahay. Markaa horta aniga waxba iga qaadi maayaan mucaaridku hadday maqnaadaan iyo haddii kaleba. Saleebaan Gaal qudhiisa ayaanan garanayn wuxuu muraayadda madaw iigu soo xidhay ee uu iga soo doonay.

Waxaan rabaa inaan hadalka idiin qodabeeyo oo dhawr arrimood wax ka taataabto:

Caafimaadka:

Walaalayaal daarihii dawldu lahayd ee dhakhtarku halkoodii bay ku yaallaan weli oo maanan iibin eek u bushaaraysta. Haddii aydin adeeg caafimaad u baahataan waa inaydin soo iibsataan waxii alaabo loo baahan yahay oo dhan dhakhtararada lacag siisaan sii laydinku daweeyo dhakhtarka. Qolada dhakhtarrada waxaan farayaa inay dadka la saayiraan oo wax ka dhimaan; ayaan ku talin lahaa.

Caddaaladda: Kuwa na leh guddida nabadgelyada ha la baabiiyo waa qaar umaddani iyo dalkani dn ka lahayn. Haddaan baabiino sideen u xidhaynaa dadka nagu mucaarid noqda? Maxkamadaha waa run inaan fara gelinno oo sidaan rabno wax u xukuma nidhaahno waayo duruufta ayaa nagu kalifaysa oo dal yar oo la ictiraafin baan nahay. Dadka leh maxkamda laaluush baa nalagaga qaada way qaldan yihiin waayo shaqaalaha maxkamadaha mushaharku kuma filna. Kuwa leh kiisaska nalooma dhameeyo muddo dheer waxaan leeyahay. Awalba camal maydaan hay nee iska hor taagnaada. Anigu caddaalad sidaa ka wanaagsan garan mayo. Nin tu dhaanta hayaayi doorashada ha iga helo aniga waa lay doortaye.

Waxbarashada: Dhallinyaro badan baa wax inoo baratay bay ahayd waxaan ku talin lahaa shaqo ha loo abuuro dhallin yarada.

Dhaqaalaha: Dalkani dhaqaale laga hadlo oo laysku qabsado ama waxbaa laga musuqmaasuqay la yidhaa ma leh baan qabaa anigu. Waxaanu wax ka daynaaba waa intaa yare e dekedda,iskaraab yar oo naqan,intii adhiga ahayd ee aanu dhawrka qof ku xisaabinnay ee ninba qalinka dhinaciisa ka soo qaatay. Maxaa soo hadhaba? Haddii laga egi waayo waa shirkaddaa Total ee haamaha iyo dhawr balood oo dan guud ah. Intaa hawlaha qaranka ayuumbaan ku fulinaa bay ila tahay.

Lacag bay xukuumaddu soo daabacatay bay yidhaahdeen. Haddaanaan soo daabicin raggan Guurtida maxaan siin lahayn? Su’aal weejaan meesha ku jirta. Maxaan siin lahayn soo mucaaradku nama jiidheen? Maxaan xaaska ku dhoofin lahayn? Maxaan carruraha iskulada debedda kaga bixin lahayn. Lacagtii adkayd inay qaalli noqotay lama socotaan? Jaraa’idka adduunka akhrista ayaan idinkula talin lahaa.

Macdanta iyo Biyaha: Ilahaybaa dadka biyo siin kara ee anagu roob ma keeni karno. Rig baan soo amaanaysannay bay ahayd wixii aan ku qodi karayne wan ku qodnay ahayd. Haa way jirtay inaan beertayda Camuud ku taalla idhi ceel uga qoda laakiin waxaan idin xusuusinayaa inay beertaydu dalka ka mid tahay oo biyo looga baahan yahay. Kuwa sida xun wax u sheegayaa ayaa soo qaada dhawrkii dhallinyarada ahaa een ku dilnay riiggii ay is hortaageen. Anigaa amarka bixiyay bay ahayd waayo dalkan cidbaa loo doortay oo xilkeeda lagu aaminay. cid kale oo waan kula maamuli tidhaahda aqbalimaayo. Doorasho xor ah oo xalaal oo diiwaangelin leh, sida xeerku dhigayo ha ku helo kursiga ninkii u bukaa. Dalkani distoor buu leeyahay.

Dhanka macdanta. Dhawr shriakdood baan wax la saxeexannay bay ahayd wax badani weli nagama soo gaadhin. Baahidaaaba iska badan wax sidaa u sii buuran maahin.

Jidadka: waxaan maqlaa jidad ama waddooyin baa xun. Horta waxaan idiin sheegayaa nin aan laankruusar wadan ayuumbay wadadu ku xuntahay. Gawaadhida iska bedela ayaan anigu ku talin lahaa. Qurba jooggan waxaan leeyahay lacag noo soo dira oo jidadka soo dhisa.

La soco qaybta dambe....
Waa inoo mar kale(maalmo gudahood) haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment