Saturday, August 29, 2009

Inantu Shaarubo Weynaa

DALJIRE


Inantu Shaarubo Weynaa

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Horta maanta wakaa ninkii Obama isku laba rogey. Go’aankii u horreeyay ee uu saxeexay wuxuu noqday in la soo xidh meesha loo yaqaan Guantanamo Bay ee Bush dadka muslimiinta ku xidhi jiray.

Doolaal: Oo maxaa ka macna ah madaxweyne waliba wuxuun buu go’aan ku gaadhaa?

Dubbe: Waa run oo waxaan xusuustaa go’aankii u horreeyay ee Ina Rayaale gaadhay markii la doortay.

Doolaal: Haye? Ma isku qaaday? Muxuu ahaa bal ha lagu maqlee?

Dubbe: Kkkkkk.. wareegtadii u horreysay wuxuu ku soo saaray inaan Madaxtooyadu qaad dambe ka iibsan inantii qaadka amaahin jirtay ee Rooda. Lacagtay lahayd ha la siiyana muu odhan.

Doolaal: Bal dacaayadda yare e raqiiska ee aad noola imanayso eeg.

Dubbe: Wallaahi waa iga dhab. Wuxuu sidaa u sameeyayna waxay ahayd Kulmiye ayay taageertay. Maxaa codkeeda ka galay. Isagu qaad amaaha ayuu rabay kiina way siisaye. Waareegto yare. Kaasaa haddana mar labaad doorasho inoo soo doonayaya. Waar dadkani malaa way falan yihiin.

Doolaal: waar intuu soo doonto ayuu weliba idinka helayaaye noo dhiib biyahaa.

Dubbe: Taa maalin kale ayaan wax kaa odhan doonaaye. Maanta waxaan maqlay haddaan idiin sheego. Ninbaa laga hayay” qoosh laxooxeed oo rag garaacayaa bacbac weynaa” markuu ka hadlayay raga qurba joogga ah. Waxaan la yaabay. Nin diric iyo shalmad soo gashaday turaanturo badanaa.
Doolaal:waar iminka qaadka oo keliya ayaanu kugu ogeyne ma waxbaad raacisay? Waxan aad shubaysaa waa maxay?

Dubbe: Waxaanse ku weydiiyay ninku magacan Layla muxuu ku doortay ee magacyada kale kaga jeclaaday? Meeshu se hadday Madaxtooyada ahayd muxuu xaafaddii Isli ee Nairobi ugu sheegay? Yaab.

Doolaal: gabadhee? Waar muxuu leeyahay iminka?

Dubbe: “Meeshaa ma joogine waxa igu maqaaloobay.” Buu yidhi ninkii jiray eh. Waxa la yidhi habeen dhoweyd ayuumbaa qof malluuqan oo si aan la garanayn u socda askartu joojisay. “joogso. Magacaa?” kute. “Layla.” “layla aa?” “haa.” “Layli shaarubo dheeraa.oo haddaa shaarubahan cirrada lihi waa maxay?” “Cirro iyo shaarubo toona maaha ee halkan baan galaas caanu ah ka soo dhamay?” “waar kuraamahan aan arkaa qaar dumar maahee maxaad ahayd? Bal shalmadda iska rog”

Doolaal: Waar iminka maxaad soo cabtay? Illayn waxani sheeko nin weyn maahee.

Dubbe: horta aan idiin sheegee waxaan maqlay ninka Ina Rayaale Afhayeenka u ah ayaa kumbuuterkan yaryarku wax ka soo saaraan geliyey qoraal uu Axmed Siilaanyo ka been abuurayo oo uu yidhi “wuxu doonayaa inuu Somalia madaxweyne u noqdo oo Wakiilka Qaramada Midoobay buu soo weydiisanayay.” Dabadeed wuxuu ka dhigay inay maqaalka qortay gabadh la yidhaa Layla oo joogta Nairobi xaafadda Isli. Tii bay yaryarku ka soo saareen kombuyuutarka oo soo ogaadeen. Anigu weli waxaan raadinyaa waxa uu magacan ku doortay. Saddex magac oo Layli ku jirto uma oggoli cid si khaldan u adeegsata.

Doolaal: Oo waxaad sheekada nooga dhigaysay ma war yaroo caanteyn ah oo kombuyuutar laga soo saaray baa? Dadkii noolaa baanu afgaran la’nahay adna kumbuyuutar baad noo sheegaysaa.

Dubbe: maahee macnahaanad garanayne. Markii beentii tvga iyo idaacadda yari idinka socon weyday ee laydinku bartay ayaydin kumbuutarrada gasheen intaydin dumar iska dhigteen. Waar dumarka uun ha ceebaynina idnka awal bay been shaarubuhu idinla caddaadeene. waxaanse ku weydiiyay taaba iska daayoo Ina Rayaale C/lahi Darawal iyo Sandoon ma ka baqday?

Doolaal: Waar waxba ha na weydiine xisbigayaga badahiisa ka bax. Hayaay. Bad buu geli hadda.

Dubbe: anigu Ina Rayaale inuu xisbiga afduuabayo waan garanayay awalba eh. Waxa se aanan garanayn markuu musharrax soo noqdo waxa uu inoola imanayo ee uu odhanayo igu doorta. Ahaaa! Ilaahay cilmi badanaa. Wuxuu odhanyo waan garanayaa.

Doolaal: wuxuu odhanyo maadiguu ku weydiinayaa?

Dubbe: wuxuu odhanayaa dawladaha jaarka ayaa i bartay ee intay mid cusub haddana baran lahaayeen aniga iigu celiya aan ictirafka keenee. Anguna waxaan leeyahay. Ku barte eh maxay kugu barteen? Waxaanu kugu baranay bay kugu barteen. Dee.
Doolaal:Dee waa runtiisa hadduu yidhaahdo. Idinka yaa idin garnaya?

Dubbe: Waar anaga ayaaba illaa UNOda nalaga yaqaane; anagu dadka waxaanu leenahay:

madax lagu kalsoonyoo
inay booli kiishaan
kolna looga baqanayn
kulmiyaa leh kulmiyaa leh

haween kaamiloo sharaf
dhaqankiyo kitaabkiyo
korinayaa nabaddii
kulmiyaa leh kulmiyaa leh

kumanyaal aqoon yahan
kulligood tacliin sare
kulliyaad(college)ka soo baxay
kulmiyaa leh kulmiyaa leh

kaydka aayaheenii
dhallin kaalin qaadoo
kurbo gelisa nacabkana
kulmiyaa leh kulmiyaa leh

bulshoweyn kefeysoo
kalgacayl u haysoo
kooshin ugu codaysana
kulmiyaa leh kulmiyaa leh

qorshe aan na kadinoo
kobciyoo dhaqaalaa
kor u qaada noloshana
kulmiyaa leh kulmiyaa leh


Guuuuuuuuuuuuul


Waa inoo toddobaadka dambe haddii Eebe idmo.

A.Geeljire

No comments:

Post a Comment